" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: November 2011

Wednesday, November 30, 2011

Maaha ehelkiisa!


Wuxuu caqliyaystay isaga oo ardaaga reerka wakhti walba lagu sooro marti culimo u badan. Intaan la doorin, wuxuu xusuustaa oo maskaxdiisa ku sawirnaa dhawaaqa digriga iyo Xuska Rasuulka ee ballaysinka u ahayd Deegaankooda. Wali maankiisu ma iloobin weedhihii kheyrku ku ladhnaa ee Alle u aqbali jiray, waxa ku suntan caqliyaddiisa ixtiraamkii lagu ababiyay ee ahaa in la xaq-dhawro dhammaan dadka waawayn iyo kuwa yaryarba, Culimadana aanu ka daba-hadlin.