W/Q. Mohamed S. Omar
GUUDMARKA
BAAL-TAARIIKHEEDKIISII:
Abwaan Xasan Qawdhan
Yuusuf wuxuu ku dhashay magaalada Hargeysa, badhtamihii 1944-kii. Tacliintiisii
Qur’aanka wuxuu ku qaatay malcaamaddii macallin Saqadhi ee ku taallay
Haadaanta, Hargeysa. Ka-dib, waxa uu galay dugsigii Riis, kaas oo uu dhiganayay
illaa iyo uu ka gaadhayay fasalka 4-aad, hase-yeeshee aanuu heerkaas u sii
dhaafin, sababo la xidhiidhay; isaga oo shaqo tegay. Weel maydhe ayuu ka
bilaabay, isaga oo la shaqayn jiray qolyo caddaan ah. Aabbihii oo ahaa
Geology-ga darteed, waxa uu u geeyay nin Hanti la odhan jiray oo caddaan ahaa
uu Booy u noqday, markii dambena Cook buuxa uga dallacay. 1961-kii, ayuu Xamar
tegay, isaga oo ka hawl-galay hay’adda USAID. 1972-kii, ayaa Xasan
Qawdhan Kacaanku u taxaabay xabsiga, isaga oo wax ka uriyay heesta; ‘Maxaad
sheekadeennii nacas!’, 3 bilood iyo 19 habeen oo uu ku xidhnaa meel ka dambaysay
Bar FIAT-na, waa la sii daayay. Dabayaaqadii sannaddaas ayuu u dhoofay waddamo
ka tirsan Afrikada dhexe iyo ta koonfureed, sida, Malawi, Zambia iyo
Mozambique. Xirfadihii uu yaqaanney ee Plumber-nimada (tuunbiistenimada),
cunto-karinta iyo darawalnimada, oo uu ku darsaday mid waayaha iyo
duruufuhu bareen oo turjubaannimo ayuu meelahaas kaga shaqeeyay. Wuxuu kobtaas
uga sii gudbay dalka Sucuudiga oo uu isna ka soo laabtay 1981-kii.
1981-1988-kiina waxa uu ka hawl-geli jiray xarumihii hay’adihii USAID iyo MSF,
illaa dagaalladii hubaysnaa qarxeen. Dib ugu soo noqoshadii Somaliland iyo
intan ay dhisnaydna, waxa uu degganaa Hargeysa, isaga oo shaqooyin darawalnimo
oo gaar-ahaaneed ku shaqaynayay.
Abwaan Xasan Qawdhan waxa uu markii
ugu horreysay guursaday 1960-kii, isaga oo 15 jir ah, wuxuu se yeeshay 4 xaas
oo uu Ilaahay uga calfay 9 ubad ah (5,2,1,1). Marka laysku daro ubadkiisa iyo
intay sii dhaleenna, waxa Alle mahaddii ah inay wadartoodu tahay 23.
HAL-ABUURNIMADIISII
Sida uu Xasan Qawdhan ku xusay xog-warran
aanu la yeelannay, illaa yaraantiisii wuu jeclaa fanka, waanuu taageeri jiray.
Hargeysa iyo Xamarba, waxa uu ahaa bulshada mar walba la ollagga ah goobaha
dafka iyo darammalka. Tegistiisii Xamar, ma jirin Theatre-ku, sidaas darteed
wuxuu dhaqan u lahaa inuu Fiyooreha aado. Walow aanuu garanayn sifaha iyo
siyaalaha ay midhihii ballaysinka u ahaa miidda iyo maaxda maansadiisu ugu
abuurmeen, habeen ka mid ah habeennadii 1967-kii ayay ku dhasheen meerisyadii u
horreysay ee uu hal-abuuray. Waa hees ay tuducyadeeda ka mid yihiin kuwan soo
socda, uuna laxanka saaray, qaadayna, Maxamed Nuur Giriig:
“Meeqaa nin mudan,
Oo miigganaa,
Intaad maamusheen,
Miidaamiseen;”
Isla sannadkaas ayuu curiyay Riwaayad
qaan-gaadh ah oo ku suntanayd; Annagoo
waalan, waagu noo beri. Jilayaashii laf-dhabarta u ahaa masrixiyaddaas waxa
laga xusi karaa; Maxamed Saleebaan Tubeec, Axmed Maxamed Good ‘Shinbir’, Xasan
Diiriye, Maxamed Jaamac Joof, Axmed Mooge Liibaan, Marwo Maxamed ‘Gaasira’ iyo
qaar kale oo badan. Labeenta heesihii Riwaayaddaas foolaadka u ahaana waxa ka
mid ah; Diin god gal, God goray gal; Miidaamo dhego ma leh, Hadduu malag
dhawaaqee, Magansaday wedkaygee; Anoo hurdaan, Hambaabiroo; Riyadii xalaytaan
rumaystoo, Raaxaan moodoo riyaaqee. Waxa riwaayaddaas jile ka ahaa; Maxamed
Saleebaan Tubeec. 1971-kii ayaa u xigtay, waxaanuu allifay Riwaayad
lammaanaysay taas hore; Jacayl aan jid lahayn, iyo jaho
looma dhaqaaqo. Sannadkii kaas xigay, 1972-kii, ayuu mar saddexaad
alkumay masrixiyaddii la baxday; Ninna waal, Ninna waani, oo hannaan
sandahan u socotay, sida se muuqata ku jihaysnayd Kacaanka. Muuse Ismaaciil
Qalinle iyo Axmed Cali Cigaal ayaa jilayaasha tiir-dhexada u ah ahaa. Fanleydii
kale ee Riwaayaddaas ka qayb-qaadatay waxa ka mid ahaa; Shankarroon Axmed
Sagal, Sahra Siyaad, Maxamed Ayax iyo Maryan Mursal. Heesaheeda dhaxal-galka
noqday ee cuddoonaa waxa laga sheegi karaa; Jalam Qalam; Dardaaran; Waan ku
warramayaa, Kaa waaban maayee, naftaydaay; Adna gacaladaydaay, Aynu guri
yagleelnee, Geestaada ila qabo; Adna laba lis caashaqa iyo qaar kale.
W/Q. Mohamed S. Omar
Email: halabuur@hotmail.com