" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: September 2011

Saturday, September 24, 2011

Maansada Rasmi



Maansadani waxay soo baxday August 2010, waa maanso dulucdeedu tahay hogo-tusaalayn iyo waano la xidhiidha hab-dhaqanka san ee looga baahan yahay guud ahaan qof kasta, gaar ahaan maansadu waxay abbaaran tahay Hablaha oo Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) ugu wax-sheegayo. 

Saturday, September 17, 2011

Baadida Insaanka!


Qalinka: M. M. Kastam
Farxaddu waa baadida insaanka oo uu ka doon doono meel kasta iyo xilli kasta, habka qof kastaana uu u doon doonaa waa mid uu gaara oo ku xidhan ama la xidhiidha dabcigiisa, duruufihiisa iyo sida uu u jecel yahay.

Thursday, September 15, 2011

Iyamaa waalan?


Waxay si dangiigsi leh ugu tuntuunsadeen labadiisa gacmood, waxaanay hareeraha ugaga jiraan sidii tuug la qabtay oo laga feejigan yahay in uu baxsado. Itaal ahaan way ka awood badan yihiin, haddana waxay ugu dheggan yihiin sidii laba qof oo aan kalsooni badan ku qabin kartidooda xejineed.

Weli Miyaad Maqashay Tixda "GELBIS" ee Hadraawi?


Tixdan oo la baxday Gelbis, waxa halabuuray Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi). Waxay soo baxday 3-dii May 2008-da. Waa hambalyo uu ku muunaynayo arooska gabadh uu ula baxay Gobaad. Malahayga, wuxu gaadhi kari waayay goobtii uu aroosku ka dhacayay, dabadeedna tixdan ayuu muquuno uga dhigayaa. Wuxu adeegsanayaa ereyo fud-fudud oo la wada fahmi karo. Tixdani weli si ballaadhan looma shaacin, laakiin dhowaan ayaa lagu daahfuray degelka suugaanta Hadraawi ee www.hadraawi.org. Waxay tidhi:

Tuesday, September 6, 2011

Ma aragteen?


September 18, 2010
Ma joojiyo socodka, kama daalo socdaalka, kamana xiiqo raadinta waxa uu u jeellan yahay. Daydaygu waa mid gabbalkii dhacaba taagan, waagii dillaacana la barya. Kuma dhiirado wax kasta oo ka duwan waxa uu raadintiisa ku daba-joogo, waanu ka caajisaa. Hase ahaatee, in waxa uu doonayo iskaba dhaaf hanashadiisee,uu xitaa humaaggiisa himbiriirsi u arko, wuxuu u hallaynayaa amaba uu u hibaynayaa wax kasta oo nolosha u qaalisan.

Yaa ka wanaagsan?


Wuu sii jeedaa, sii Jeedkiisa ayaana muujinaya daranyada oogadiisa ka muuqata. Qofka dhabarkiisa soo socda wuxuu ula muuqdaa in uu kambadhuudho, balse mana kuududo, mana kadaloobo. Wuxuu si nasasho leh lugaha ugu fidsaday dhulka. Shaadhkiisu dhabarka ayuu jeexan yahay, waxase ka hooseeya maro kale oo malahayga aan u qaatay Garan, sababtoo ah Jidhkiisu ma muuqan.

DURUUFO GEDAAMAN: Warbixin dhereran Hargeisa ilaa Lawyacaddo (SAWIRRO)!

July, 2011

Udgoonka Leydha, saxansaxada iyo reexaanta qabow ee roob labadii habeen ee u dambeeyayba miray deegaanka, ayaan ku baraarugay, sababtoo ah, waxaan ku mashquulsanaa ururinta iyo habaynta wixii aan agab sitay ee u-gaar ah shaqadayda, maxaa yeelay wakhti uma helin hormayntooda. Sanqadha sida dhagax la tuuray iyada oo maguugan dhegahayga soo gaadhaysay ee ay samaynayeen baabuurta Jidka ku waydaaranaysay Gaadhigaan saarnaa, ayaa iyana qayb ka ahaa baraaruggayga. Waa jidka sidii Ul la dhigay dhulka u fidsan ee dhereran inta u dhaxaysa Gabiley iyo Hargeisa.

Boorama: Baahiyaha taagan iyo ballan-qaad aan dhammaan!!

October 30, 2009
Waa masaafo Hargeysa u jirta ilaa 120-km, balse waxay la socdaal iyo sahayba tahay 300-km. Waxa caadiyan Hargeysa ay u jirtaa oo looga socdaali lahaa muddo saacad iyo badh ah, hase yeeshee waxa hadda socdaalkeedu qaataa saddex saacadood. Duruuftaa qasbaysa in aad jiho kale u marto, halka yoolkaagu yahay inaad gaadho, waana daruuri baydh-baydhka iyo in bar kale la maraa.

Burco: Hooyo ka arradan waxtarka Ilmahay dhashay!!


22/10/09
Inkasta oo ay Gobollada iyo Degmooyinka kale ee Somaliland kala sinnayd Raxmadda Roobka ee fayday gibilkii Abaaraha, haddana waxay weli u muuqataa mid aanu ka wada kicin boodhku. Waxay Degellada kale ee Somaliland la wadaagtaa basanbaaska iyo baahiyaha kale ee ay qabaan. Waxase u dheer, dhaqaale-xumo ragaadiyay halbowlaha waaxyaha ganacsiga oo ah Xoolaha Nool.

Yooyootanka Culimadu ma noqon karaa bilowga ku-baratanka Jid ay hore u eedday Soomaaliya?

February 24th, 2010

Isweydaarsiga dood caafimaad-qabtaa wax kastooy ku salaysan tahayba, waa hormoodka midho-dhalka aayatiin waara dhib-la’aan iyo is-qancin fayow.  



Monday, September 5, 2011

Maxaa diiday mahad-celin?


Waa baxarashoon ay indhuhu hiifayaan in ay arkaan halaca iyo huurka dhulka ka kacaya, meelaha qaarkoodna noolihiibaa uurka sidi waayay oo Xoolihii baa dhiciyay. Halka deegaannada qaarna laga soo sheegay in la laýahay Biyo Maydka lagu maydho. Waa mid ka mid ah masiibooyinka rabbaaniga ah, waliba kuwooda ugu sahlan ee Ilaahay addoomaha ku imtixaano.

NAGU FILAN!!!


24, July 2011
Marada heyl-heylan iyo hu’ga ay xidhan tahay, ayaa marag u ah xaaladda nololeed ee ku hareersan. Luunka dibnaheeda ku dhigay iyo jaynafka afkeeda ka muuqdaa, waxay markhaati u furayaan soori ha joogtee, inay saxariirsan tahay.

Badhkii!!


11th Feb, 2011
Waa abbaaro tobankii habeenimo, goobtaas caado uma ahayn in wakhtigaas ay dad badani ku soo ururaan. Markaan  500 oo tallaabo u jiro ayaan arkay humaagga dad tiradooda aanan wakhtigaa sixi Karin, balse himbiriirsi ahaan faro badan.

Cakuye ma mutaysan!!

17th, May, 2011


Muuqaalka waxay madashu u egtahay in ay ka socoto maamuus madaxweyne Qaran, laakiin macnaha way ka geddisan tahay. Madaxdu way u dhan tahay goobta, laakiin haddana meel bay wax ka si yihiin. Dananka muusigga Qaranka iyo baamboyda ayaa isu-baxay, haddana waxay u egtahay in aanay macno badan samaynayn. Dadku waxay u qaybsan yihiin dad qiiradoodu kacsan tahay, kuwo Gacanta iyo foodda hore ee madaxa isku-haya oo salaam qaadanaya iyo qaar laabta gacanta saaray oo iyaga laftoodu salaanta sifo kale u qaadanaya, haddana ma dhaaddana sida ay wax u qaldan yihiin.

Tanna ma u dambaysay?


20 December 2010

Waxay dhex meehannaabaysaa laba dhisme oo masaafo ahaan isu-dhaw, balse marka loo eego da’deeda ay ku adag tahay inay isaga-dab qaaddo. Waxay labada gacmood ka buuxsatay xaynka marada ay xidhan tahay, waxaanay u baalla-daymoonaysaa si didsan, si ay hadba uga gudubto Waddada baabuurtu cidhiidhiga u marto ee kala qaybisa labada dhisme. Tiro ma leh inta jeer ee ay sigatay ee baabuur jiidhi gaadhay, balse uma muuqato khatarta ay waajahayso, waxayse maskaxdeedu ku mashquulsan tahay in ay dhisto qaabka ugu habboon ee ay tabashadeeda u gudbinayso, una heli lahayd cidda ay u heehaabayso. Haa, way saxsan tahay, oo labada Guri waxay ku ogayd inay ku jiraan dad shalay markay la hadlayeen nasteex isaga dhigayay, hase ahaatee, ay wax iska bedeleen sidii ay ku ogayd.

WUXUU AHAA!!

October 24, 2010



Dadku waa uugaamayaa, ilmo aan la garan karin halka ay soo butaacayso, ayaa qarqisay indhaha dadka qaarkood, gaar ahaan kuwooda qalbiga dabacsan. Maaha dhacdo ugub ah, waase curad. Dadka badankoodu ma yaqaanaan jihada ay u socdaan, waxay u muuqdaan kuwo asqaysan. Indhuhu ma arkayaan waxaan ahayn habaas, omos iyo bus ay kicinayaan jaanta is-biirsatay ee dadku. Qof kastaa wuxuu u muuqaal-egyahay in inta dhulka lagu xabaalay, laga soo saaray, markaa laga reebo inyar oo wax ay xeerinaysaba, geed hadhkii madaxa la doonatay.

Madaxweyne, isbedel ma sidan baa?



October 18, 2010


Waa gedaha 60-jirka, timaha madaxa ma jirto tin kaliya oo madow, taa bedelkeedana waa Caddaanka badanaaba astaanta u ah da’da. Waxa uu taagan yahay badhtamaha Jid ay gees kasta ka dhaafayaan Gaadiid tiro badan, inkasta oo uu u muuqday inay isagu istaagay, haddana marka loo gundo-dego sababta goobta taagtay, waxa muuqanaysay in lagu qasbay in uu istaago. Waxa ku urursan Ciidan tiro badan oo qaarkood cadhada ka muuqata ay kolba la haabanayaan inay gacan ula tagaan oo ay garaacaan. Waxay Ciidanku u eg yihiin inay xeerinayaan astaanta guudkiisa saaran ee Cirrada ah, hase yeeshee, xeerintaasi ma noqon mid sii taagnaata. “Maxaad ka eeganaysaan waxan miyaad Qadha (Kabaha waawayn) la dul martaan,” ayaa ahayd bar-bilowga illowshiyaha Ciidanka ee da’da uu jiro Waayeelka ay ku urureen, taas oo kalliftay in qaarkood ay dhirbaaxaan, isla markaana ka qaadaan Furaha Gaadhigii uu watay.

Hargeysa: Ilaaladii la ilaaliyay!!

August 24, 2010

Intii aanay Baabuurtuba istaagin, ayay Ciidanku si halhaleel ah isaga fureen daaqadaha saddex Gaadhi oo ay la socdeen. Cidhiidhiga Albaabka iyo xajmiga gaadiidka oo is-khilaafsanaa, ayaa keentay in mid ka mid ah Askarta hubaysan ee gaadiidka ka soo daadatay uu si degdeg ka muuqdo u riixo oo uu u furo dhammaan fardadaha ama Albaabada Kadinka laga galo halka ay u socdeen. Si in ay ballan hore qabeen ka muuqato, ayay isu-qaybiyeen Ciidanku oo ay jihooyin kala duwan isu kala taageen. Waa Ciidan ka tirsan Booliska Somaliland, gaar ahaan kuwooda ilaaliya Hay’adaha. Hubinta, baadhista iyo joojinta cid kasta oo doonaysay inay gasho xarunta ay ilaalada ka wareejiyeen waa mid socotay muddo, mana jirin cid dhaafaysay oo aan la aqoonsan ama aan aqoonsi sidan.

Kursi baanu rabnay!!


September 15th, 2010

Telefoonka gacantu ma joojin jirin dhawaaqa, kama nasto soo-dhicitaanka khadad kala duwan. Afar ilaa shan masuul ayaa u baratami jiray inay ku kala horreeyaan wicitaanka ama garaacista Telefoonnadaas, iyaga oo la kadlaynaya farriimo isku mid ah, balse farqiga u dhaxeeyaa kaliya uu yahay dadka tebinaya oo kala da’, aqoon, xil iyo firfircooniba duwan. Kama daalaan ku cel-celinta wicitaanka, ilaa ay indhahoodu qabtaan qabyo-tirka ujeedadooda. Waxay ugu necbaayeen ereyaday ka mid yihiin; “Lambarka aad garaacday lama heli karo. Telefoonka aad garaacday lama qabanayo iyo Lambarka aad la hadashay wuu xidhan yahay,” ee kaga soo jawaab-noqda garaacista khadadkaas. Si ay u gaadhaan himilada hawlaha iyo danaha ay wataan, way fulin jireen haddiiba xitaa ay keenayso in ay gaadhi ku doonaan cidda wadata Telefoonnada ay garaacayaan ee ay danaha ka leeyihiin.  “Fadlan taageerayaal cusub baan nagu soo biiraya ee cid war nooga tebisa noo soo dira wakhti hore,” waa dulucda nuxurka farriinta ay gudbinteeda u tartami jireen masuuliyiintaasi. “Haddii uu habsaamo qofkaad noo soo diraysaan, si aanu ula hadalno, fadlan ma na siin kartaan Lambarka Telefoonkiisa,” ayaa ku ladhnayd had iyo jeer.

‘Anigaa is-doorshoo, Xil baan u doornahay’


11 Jul 2010

Tartan kasta oo la galo laba jid midkood ayay mutaan tartamayaashu, qayb guulaysata iyo garab laga guulaysto, hase ahaatee, macnuhu kuma jiro in la kala badiyo, waxayse xikmaddu ku duugan tahay in dhinaca laga guulaystay uu aqbalo. Inkasta oo muddadeedii dhaaftay, haddana ugub kuma aha Somaliland in tartan Siyaasadeed saldhiggiisu yahay hoggaaminta dalku ka dhaco, hase yeeshee, hore ayay Umadda Somaliland saacado badan ugu soo dul-qaateen Cadceed kulkeedu sarreeyo, isla markaana ay codkooda u soo dhiibteen. Waxase Doorashadii dhawaan dalka ka dhacday ay kaga geddisan tahay, Shacabka Somaliland oo yiddidiilo xooggan ku qaba in ay horseed u noqon karto aqoonsi Caalami ah oo ay Beesha Caalamku ku abaal-mariso Somaliland.

Xafiiltanka siyaasadeed iyo xeeladaha kala-hanashada dadweynaha la filayay in ay codkooda dhiibanayaan, ayaa dalka ka socday wakhtigii la xaqiijiyay in ay suurtogal tahay in Doorashada Madaxtooyadu qabsoomayso ilaa markii laga soo gaadhay maalintii Doorashada.

Ololaha Doorashadii Madaxtooyada Somaliland, ayaa 02 June 2010 dalka ka bilaabmay,  isla markaana dhammaaday 23 isla bishaas, taas oo keentay in 26 June dalka looga dareero Doorashadii labaad ee Madaxtooyada oo ay dadweynuhu si xor ah u soo doortaan Madaxweynihii iyo madax-weyne-xigeenkii hoggaamin lahaa.

In Koox dad ah lagu qaabilo Munaasibad, lana shaaciyo in ay ka baxeen Xisbi, kuna biireen Xisbiga Xafladda u sameeyay, ayaa ka mid ahayd tabaha lagu sawirayay in taageerada Xisbigaasi korodhay. Taas oo socotay ilaa horraantii Ololaha Doorashada.

Muddo badan oo Carrabka dadku u badnayd kelmadda ISBEDEL ka dib, Arooryo hore, 26 June 2010 ayay dadweynaha reer Somaliland guud ahaan dalka uga dareereen si ay codkooda u dhiibtaan Doorashada Madaxtooyada, isla markaana tirinta codadkaas natiijadii ka soo baxday ay Guddida Doorashooyinku ku dhawaaqeen in uu ku guulaysteen Murashaxiintii Jagada Madaxweynaha iyo ku-xigeenka ee Xisbiga KULMIYE, taas oo ay soo dhaweeyeen tartamayaashii kale ee Murashaxiinta guulaystay kula loollamayay xilalkaas.
Tartanka siyaasadeed waa mid ku caano-maalay in siyaasiga tartamayaa ku talo-galo in laga guulaysto iyo in uu guulaystaba labadaba, taas oo sahasha in la maro Jidka wanaagga huwan ee ay qaadeen siyaasiyiintii la tartamaysay Madaxweynaha cusub ee la doortay oo ah in laysu hambalyeeyo.

Qof kastaaba geesta uu doono ha iska taago’e, baytal-qasiidka dadweynaha reer Somaliland badankooda ayaa codkooda u dhiibtay  si uu dalka uga hirgelo isbedel salka ku haya nidaamka maamul ee dalka ka jiraa. Kuwaas oo ku naalloonayay in ay mar uun arkaan doonistooda oo hirgeshay.  .“Waxaan u codeeyay in dalka isbedel ka dhaco, Ilaahay mahaddiina wuu ka dhacay. Markaa aniga iyo inta ila mid ahayd ee u codeeyay isbedelku, waxaanu filaynaa in isbedel khayr qaba uu noqdo.” Waa qaar ka mid ah weedhaha dadkii codkooda dhiibtay ay ku cabbirayeen nooca isbedelka ay doonayaan. Waxa jira in badan oo kale oo ujeedada ay codkooda ugu hureen in dalka isbedel ka dhacaa uu daarranaa in la helo hoggaamiyayaal iyo Masuuliyiin xilka loo igmado uga soo baxa sidii ay dadweynuhu u doonayeen ama loogu dhiibay. Halka dadka in kale oo ka mid ahi ku qanacsanaayeen oo kaliya in dalka isbedel ka dhaco. Ujeedo kasta oo qof waliba ka lahaa in isbedel dhacaba, habeenimadii 01 July 2010, ayay Guddida Doorashooyinka Qaranku ku dhawaaqeen natiijadii hordhaca ahayd ee Doorashada, kuwaas oo shaaciyay in Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo u sharaxnaa Jagada Madaxweynaha ee KULMIYE iyo ku-xigeenkiisu ay ku gulaysteen xilalkii ay u tartamayeen.

Waa mid ka mid ah astaamaha siyaasiga iyo siyaasadda in mar kasta oo ay suurtogeli waydo habkii uu rabay iyo doorkii uu ka ciyaaray jaanta siyaasaddu, uu isku dayo in uu u digo-rogto hadba habka ula muuqda in uu toosan yahay. Qaar ka mid ah Wasiiradii iyo masuuliyiin kale oo xilal kala duwan ka soo qabtay Xukuumaddii UDUB ee hadda talada ka sii degaysa, ayaa ka mid ahaa dadka wakhtiyo kala duwan ku biiray Xisbiga Mucaaradka ahaa ee hadda talada la wareegaya ee KULMIYE, kuwaas oo qaarkood ay shaaciyeen in ay ka mid noqdeen Xisbigaas wakhti ay gebogebo ku jiraan loollanka kala-jiidashada cod-bixiyayaashu, isla markaana waxa la sugayay ay ahayd in loo dareero Doorashada.

Cid kasta oo fahmi karta wejiyada kala duwan ee Siyaasadda, la-yaab kuma laha in ay arkaan Siyaasi danihiisa ka raadinaya ciddii ay ku loollamayeen Garoonka siyaasadda. Hase yeeshee, caqliga fayow wuxuu in badan ka garaabayaa in aanay Nolosha dhabta ahi ku salaysnayn raadinta dano gaar ahaaneed, balse ay ku quman tahay horraysiinta danaha Qaranku. “Madaxweynaha cusub waxyaabaha aanu ugu codaynayay ayay ka mid tahay in uu isbedel la taaban karo oo muuqda dalka ka hirgeliyo, sida uu ballan qaaday.” Ayaa ka mid ah ereyo uu mid ka mid ah dadweynaha Hargeysa ku nooli ku tilmaamay aragtidiisa la xidhiidha isbedel dalka laga hirgeliyo.
Madaxweynaha hadda la doortay, ku-xigeenkiisa iyo guud ahaan Masuuliyiinta Xisbiga ay ka soo jeedaan ee KULMIYE, waxay wakhtiyo kala duwan oo ka mid ah intii aanay Doorashadu dalka ka dhicin in badan ku celceliyeen in dalka looga baahan yahay wejiyo cusub oo aqoon iyo karti ku soo kordhiya ay xilalka u qabtaan. Taa bedelkeedana, waxay badi Xukuumadda xilka bannaynaysa ku dhaliili jireen in aanay dalka waxba ka qaban. Dalkeenu horumar ayuu u baahan yahay, caddaallad ayuu u baahan yahay in meel muuqata la gaadhsiiyo ayuu u baahan yahay. waynu ognahay dalkeena geediga aynu u soo marnay xoreyntiisa, madaxbanaanidiisa, nabaddiisa ilaalinteeda iyo horumarkiisa ee shacbigaa ku dhisan, waxaannu idiinka ballan-qaadaynaa inaanu dalkeena dimuqraadiyad gaadhsiino, horumar gaadhsiino, caddaallad ku dhaqno iyo in wixii kaga baaqsaday nidaamka maanta ka dhisan ee dimuqraadiyadii ee wax horumara oo la taaban karo oo la sheegi karo aan dalka iyo dadka u qaban, inaynu badalno oo aynu maanta dhaqaaqno oo ictiraaf dhab ah raadino oo horumar dhab ah raadino ayaanu idinka ballan qaadnay.” Ayaa ka mid ahaa Khudbado uu Madaxweynaha la doortay Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu jeediyay intii uu ahaa Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah, balse imika talada qabanaya. Taasi waxay iftiiminaysaa dhaliilaha aan la koobi karin ee ay Madaxda Xisbiga KULMIYE ee hadda talada la wareegayaa u xambaarin jireen Xukuumaddii UDUB ee ay ku loollamayeen Siyaasadda. Isla markaana waxaabay doorasho iyaga xilka loo doorto ay ku cabbireen in ay la mid tahay dalka oo la badbaadinayo. “Markaa waxaan leeyahay dhalinyarta ilaa Xaawa iyo Aadan aduunyada markay dhibi dhacdo cidda isbadalka u badheedhaa waa dhalinyarada..Anigu ma qabo maanta in Saylici iyo Siilaanyo la dooranayo ee dalbaa la badbaadinayaa.” Waa ereyo ka mid ah khudbado kale oo uu Madaxweyne-xigeenka cusub ee la doortay Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) uu ku sifeeyay doorashadooda.

Inkasta oo ay jiraan aragtiyo ay aaminsan yihiin dadweynaha qaarkood oo nuxurkoodu yahay in Siyaasigu aanu fulinin ballan-qaadyada wakhtiyada uu Ololaha ku jiro amaba badhkood, haddana waxay Bulshadu in badan ka war sugaysaa fulinta ballan-qaadyada Madaxda cusub ee la doortay oo uu ugu horreeyo isbedel la hirgeliyo.
Walow aanay sinnayn oo ay siyaabo kala duwan, saacado kala soocan iyo sababo kala geddisan xilalka uga degeen, haddana Xisbiga hadda talada la wareegaya ee KULMIYE ayaa hore u qaabilay Masuuliyiin xilal kala duwan oo Wasiiro ka mid yihiin ka soo qabtay Xukuumaddii hore iyo Xisbigii UDUB ee ay hore ugu dhaliili jireen wax-qabad-la’aan. Taa macnaheedu maaha, masuuliyiinta ku biiray Xisbigaasi waxay dhammaantood masuul ka ahaayeen fashilaadda uu KULMIYE ku eedayn jiray UDUB, waxase jira xubno badan oo ka mid ah Siyaasiyiintaas oo aqoon iyo waxtar kaleba munaasib ku ah qabashada xil Qaran, kuwaas oo qaarkood ay wakhti munaasib ku ah is-casileen wakhtii UDUB. Hase yeeshee, waxa runta salkeedu yahay in xubno ka mid ahi ay ka mid yihiin shaqsiyaadkii ay Umaddu hore u aragtay hoggaamintooda intii lagu gudo jiray siddeeddii sanno ee Xisbiga KULMIYE dhawaaqa dheer ku sheegi jiray in dalku galay marxalad xayndaab ay u ahaayeen musuq iyo wax-qabad la’aan, kuwaas oo qaarkood ay hadda diyaar u yihiin qabashada Xil uu u igmado Madaxweynaha cusub ama isu-cumaamaday in ay xil qabtaan. Sidaas oo ay tahay, waxa Bulshadu isweydiinaysaa, sidee ayay suurtogal u tahay in Hoggaamiyihii Xisbigii hore Mucaaradka u ahaa KULMIYE, imikana ah Madaxweynaha la doortay uu xil u magacaabo masuuliyiin horeba uu ugu xambaariyay guul-darro kasta oo dalka soo gaadhay dhinacyada horumarka iyo wax-qabadka baahiyaha aasaasiga ah? Haddiise ay suurtogasho oo ay dhacdo, taa macnaheedu ma noqonaysaa in Madaxweynaha cusub garab maray ballan-qaadyadiisii hore, isla markaana ballan-qaadyadii uu sameeyay ay ahayd oo kaliya Sallaanka hanashada xilka hoggaaminta dalka?

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne, dalka iyo dadkuba uma baahna Masuul leh sifahan;

Nimaan is-doorinoo yidhi,
Anigaa is-doorshoo,
Dorraad UDUB ahaayoo,
Danyartiyo maatida,
Dulmiyi yaqaanoo,
Dalkuna wuu u baahnaa,
Nin sidayda derejiyo,
Dallacaad ku raba’oo,
Doollarkiyo hantidana,
Daldali yaqaanoo,
Dorraato wuxuu falay,
Dib inuu u galo raba.
Doorkaniyo maantana,
Xil baan u doornahay.




Barkhad M. Kaariye
Kaariye104@gmail.com
Hargeisa, Somaliland.

Somaliland: U-tartanka Maxbuusnimada!!

F.G: Qoraalkan waxaan qoray 18 Apr 2010 oo ahayd wakhtigii diyaar-garowga doorashadii madaxtooyada Somaliland. Maanta ayaadse mooddaa inay arrintani taagan tahay.

Afku waa cagaar, indhuhu waa casaan, dibnuhu waa qallayl, Ttmuhu waa cawlaan, caguhu waa boodh. Shaadhka badhammada laabta ayaa u furan, wuu xiiqsan yahay, diifta iyo diihaalka dushiisa saaran wuxuu u muuqdaa qof suudal aan sahay lahayn socday muddo sanado ah. Faarax Maxamed waxa maankiisa ka guuxaya oo uu u xiiqsan yahay aragti aanu kali ku ahayn, balse ragaadiyay in badan oo bulshada ka mid ah. 

Way dayacan yihiine, dadyow yaa u maqan?


15 Jan 2010

Way dacayan yihiin, way dayaysan yihiin, dulmi baa u dheer, Dhib kasta oo dalka soo waajahdaa iyaga ayay ugu hor saamaysaa, dheef kastase way ka qatan yihiin. Waa qayb ka mid ah tiirarka Dimuqraadiyadda iyo nabadgelyada, balse ma helaan xuquuqdooda, loomana dhaaddana sidaas.

Ma jiro Xisbi waxtar iska dhaafe, ku xisaabtama Cod ay leeyihiin, taa bedelkeedana waxay u muuqanaysaa in loo arko inaanay xaq u lahayn codayn iyo ka-qayb-galka hannaanka Dimuqraadiyadda. Noloshooda dayawday waxay ka mid noqotay nolol-maalmeedka caadiga ah ee dadku waajahaan maalin kasta, dhibtay la deris yihiin dadka ay dareenkooda bedeshaa way yar tahay amaba cid badani ma danayso.
Waa dabaqad muuqaal ahaan la arko, balse nolol ahaan qarsoon oo aan la sii dhugan noloshooda. Waxay ku daadsan yihiin Magaalooyinka Somaliland, waxa hoy u ah oo ay gabboodsadaan Jidadka iyo goobaha dadku maalintii ku ganacsadaan ee laga rawaxo habeenkii oo qaarkood lagu handado amaba lagu dilo. Waa da’yarta loo bixiyay Derbi-Jiifta. “Maalinta aanu is-nidhaahno cid baa wax idin taraysa waa mar dan nalaga leeyahay oo tusaale ahaan Wasiiradu maalinta ay qabsanayaan Xafladaha Caruurta intay Garamaan noo xidhaan, ayay na geeyaan madashaas.” Waxa sidaa ku tiraabay mid ka mid ah dhalinta Noloshoodu dib-u-habaynta u baahan tahay.

Maaha af-gobaadsi iyo eed uu cid kula dul-kufay weedhaha uu sheegay, balse waa dhacdo markhaati leh. “Waxay ahayd Xuskii sanad-guuradii 20-naad ee Heshiiska Xuquuqda Caruurta Dunida ee 22 November 2009, raxan Wasiiro ah iyo Masuuliyiin kale ayaa Xarunta Agoomaha ku qabtay Munaasibadda lagu xusayay maalintaa, waxaanay goobta keeneen Caruur derbi-jiif ah oo ay u soo lebbiseen.

Markii ay Munaasibaddu dhammaatay, waa la waayay cid Gaadhi ku qaadda Caruurtaas oo ku celisa halkii laga keenay ee ay seexanayeen oo Suuqa ahayd, halkaas oo masaafo ahaan ka fogayd halka ay markaa ku sugnaayeen, masuul kastaana wuu iska tegay.” waa ereyo marag-fur u ahaa cabashada Caruurtaas oo uu ugu markhaati kacay mid ka mid ah dadkii ku sugnaa munaasibad lagu xusayay arrimaha Caruurta.

Dhibaatooyinka nololeed ee ay hore ugu sugnaayeen caruurtani waxa hadda dheer oo soo raacda dhib u soo korodhay guud ahaan dadka Somaliland, gaar ahaan iyaga.

Dhaxan baa jirta bilaabantay bishan January, taas oo qof kasta oo Guri ku jiraa uu dareemo habeenkii, Deegaamada Somaliland qaarkoodna laga soo sheegay in ay ku laysay Ey iyo Dameero, akhriste dareen noocee ah ayay kuula muuqataa nolosha Ilmo yar oo da’dii dhalinyaranimo ku jira, waayaha iyo duruufuhuna badeen in uu seexdo Gidaar, isla markaana ban-yaal iyo dibed-yaal u ah Dhaxan keentay in Biyuhu fadhiistaan.  

"..Meelaha aanu seexano ee Gidaarada ma jirto cid dab noo shiddaa amaba ma helno dab aanu shidano, dhaxanta dhacda ee habeenkii dushayada ku dhammaataa, waxay keentaa in aanu maalin oo dhan Cadceedda isu-dhigno. Qaar naga mid ahina waxay qarka u saaran yihiin inay u dhintaan.” Ayuu ku xaaladdooda nololeed ku cabbiray mid ka mid ah dhalinyarta Derbi-jiifku.

Gebogebadii, cid kasta oo masuuliyaddooda lagala xisaabtamayaba, waxa inaga wada saaran masuuliyad. Waxaana badan dulmiga Bulshada inteeda kale ay kala kulmaan Caruurtani, hase ahaatee waxaan ku soo af-meerayaa, way dayacan yihiine, dadyahow yaa u maqan?

Barkhad M. Kaariye
Kaariye104@gmail.com
Hargeisa, Somaliland.