" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: 2012

Sunday, December 30, 2012

Haddaan noolaado! W.Q: Barkhad M. Kaariye

Qof waliba degdeggiisa wuxuu u egyahay mid ku socda ballan uu ka habsaamay ama shaqo laga sugayo. Dadku waxay u wada muuqdaan kuwo igu cusub, marka laga reebo dad tiro yar oo markay iga hor yimaaddaan aanu is-weji garanayno ama is-magac-dhebi karno. Sababtoo ah, halka aanu joognaa maaha dalkii hooyo ee waa qurbe. Aniga oo baalla-daymoonaya, ayaan maqlay dhawaaq ii yeedhaya, “Barkhadoow, waryaa Barkhad!” Maskaxdayda oo markaa ku maqnayd dhugashada dadka iyo deegaanka kala duwan, ayaan garan kari waayay halka dhawaaqu ka baxay. Mar dambese, ayaan gartay in dhinacayga dambe layga yeedhay, markii aan ku jeestayna arki waayay qof aan garto oo ii yeedhay. Haddiiba aan iska jeestay oo aan mar kale ku mashquulay wixii markii hore maskaxdayda iyo indhuhuba ku maqnaayeen, haddana mar kale ayaan maqlay dhawaaqii! Jalleeco labaad baan ku celiyay dhinacayga dambe, mise waa wiil yar oo dhalinyaro ah oo aanan hore u arag!.

Monday, December 24, 2012

Saddex Wallaahiyood af-Soomaaligu waa afkiinii! W.Q: Saida Sh Axmed

Maalin baa waxaa meel ka dhacday dood ku saabsanayd dhibaatada dhirta lagu hayo iyo badbaadinta dhirta. Dooddii qofba meel ayuu kaga hadlay, laakiin. Qoraa Axmed Deeq oo doodda soo galay baa hadal culus meesha ka yiri oo ahaa;
“Dadka ha loogu dhaarto in ay dhirta iyagu leeyihiin” isagoo inoo sheegaya in aysan Soomaalidu ogaynba in ay dhirta iyagu leeyihiin. Taa markaan arkay wax badan bay i xusuusisay, waxaana igu soo dhacay wax badan oo aysan dadku malaha wali ogeyn in ay iyagu leeyihiin, ha ugu horreeyee afka Soomaaliga, oo dadkiisii iyo dalkii looga hadli lahaaba gudahiisa, meel kasta oo ay dawladdu ama xukuumaddu wax ka qabanayso, inta badan boorarka ay ku qoran yihin afaf qalaad. Waxaa taas sii dheer, xittaa isla xiriirka bulshada oo inta badan ay kula sameeyaan afaf qalaad. Haddii aad se is tiraahdo wax ka dheh ay afar raaciye dagaal kugu soo qaadayaan, iyagoo ku tusaya inaad meelaha wadwaddo wax aan loo baahnayn, oo isu arka iyaga in ay afafka qalaad dad ku yihiin.

Sunday, December 23, 2012

Mahuraan is-collaysta! W.Q: Barkhad M. Kaariye

Waa mahuraan aan kala maarmin, iyaguse isu muuqda. Ma jirto dan daruuri ah oo kallifaysa dirirtooda, haddana isma gafaan. Labaduba way hubaysan yihiin, haba kala khatar badnaadaane. Bal ka warama, ninka hubaysan, aqoon-darro hayso, hadhowna cadhooda? Way jirtaa dan guud oo ay wadaagaan, haddana khilaafkoodu ma daarrana dan ilaalinteed. Mid kasta waxa duunkiisa ka guuxaya wax lagu qufulay oo ah in cadowga kaliya ee uu leeyahay uu yahay ka kale!.


Saturday, December 15, 2012

Masareey: Xagee baad u socotaa? W.Q: Axmed-Deeq

Masareey, duruufo adag iyo dar-xumooyin badan oo dushaada ka muuqda, marka aan is idhaa qalinkayga u qaadaba, damiirkaygu wuxuu i leeyahay: Adiga oo Soomaaliya, Masar waxba kama sheegi kartid, waxna uma sheegi kartid. Markaasan iska dhigayaa. 

Thursday, December 13, 2012

Ceel Walwaaleed – W/Q. Axmed Ibraahin Cawaale

Waxa dhulka Hawdka ah ee carriga Soomaaliyeed ka jira ceelal-gacmeedyo aad u dhaadheer oo qaarkood dhererkooda gaadho ilaa 12 baac (baac: waa qof sarejooggiis oo weliba gacmahiisu kor u fidsan yihiin), dhex-roorkooduna yahay hal baac. Ceelashaas qaarkood waxa lagu dhisaa (inta ciidda ah ee looga baqa qabo dumitaan) xakab qoryo ah si aanay u maax dumin, waxa se jira qaar laga qoday dhul adag ama dhagax ah oo aan howl yari ku dumin. Haddaba si si dhib yar loogu dhaadhaco ama loogala soo baxo biyaha, waxa dhabannada ceelka laga xordaa godad yar yar oo lagu cuskado faraha gacmuhu ama kuwa lugaha marka la qodayo, la dhooba qaadayo, ama wax ku dhacay laga soo saarayo.

Monday, December 10, 2012

Degel yahow ba'ay yaa ku leh? W.Q: Saddam Carab

Waxa ay ahayd galab isniineed. Waxa aan dhex qaadayey qaar ka mid ah mareegaha soomaalida ee wararka iyo weceelka kaleba lagu qoro. Waxaan badanaa booqdaa mareego ii astaysan, oo qoraallo iyo qubanayaal kale ka buuxaan. Kama aan madhnayn bar-bulsheedka sida geel harraadani darka ugu hayaamo, ay dadku ugu hoobtaan hareer kastana ka joogaan. Waa mareegta fays-buug (Facebook) oo kulmisay kumannaan aan is aqoon iyo kuwo kala dhuuman jirayba. Waa madal aqoon iyo akhlaaq wanaag laga barto, anshax xumo iyo edaab darrona laga helo, qofbana waa dookhii iyo darka uu ku arooro.

Saturday, December 8, 2012

Maxaad ka taqaannaa Haweenka? W.Q: M. M. Kastam


- Shucaaca farxaddu waxa uu ka soo burqamaa haweenka oo iftiimiya madowga nolosha.
 
- Dahabka waxa lagu tijaabiyaa dabka, haweenkuna dahabka.
 
- Haddaad damacdo hantidaada inaad qariso, haku qarsan carrab haween hoostood.- Haweenku waxa loo diido way doonaan.

Waa Maxay Xorriyaddu? – W/Q. Xamda Maxamed Cigaal

Waagii aan yaraa waxa aan dugsiga hoose ku dhigan jiray sheekooyin badan oo ku saabsan isticmaarkii guud ahaan qaaradda gaar ahaanna dalkeenna haystay qarnigii 19aad dhammaadkiisii iyo kii xigay bilawgiisii, waxa ay bareyaashu noo dhigi jireen gabayo tiro badan oo abwaanno Soomaaliyeed u tiriyeen iyagoo ku caydhinaya gumeeyaha, ugu danbeyna waxa ay hadal gaw ku siin jireen dedaalkoodaa ka dib in waddanku xorroobay.

Wednesday, December 5, 2012

Maanso: Maxaa laysu dhaarsaday? - W.C: Yasmin Maxamed Kaahin

Maansadani waxa hal-abuurtay Yaasmiin Maxamed Kaahin, waxaanay curatay 05/12/2012. Waxay diiradda saaraysaa oo ay ka hadlaysaa muhiimadda nabadda, dhibaatada dadka dhuuniga dhaafsada dal jira iyo sidoo kale, in muranka doorashada golayaasha deegaanka ee ififaalihiisu muuqdaa aanay noqonin mid halis geliya bulshada nabadda ku caano-maashay ee Somaliland. Waxay digniin u tahay da’yarta, waxay dardaaran u tahay da’weynta iyo inta dareensan dhibta ka dhalan karta haddii muran ku salaysan kursi-doon iyo dano-shaqsi ay sii xoogaystaan.


Hoggaan habboon iyo hoggaamiye hubban! - W.Q: Bashiir M. Xersi

Hore waxaan u qormay qormo ahayd: “Foolal cusub iyo Faro Caddaana” oo aan ku cabbiray in inta dagaal iyo dirir ka qaybqaadatay aan talo iyo xil naloogu dhiibin, isla sidoo kale aan xil naloogu dhiibin ...inta musuq iyo is daba marin samaysay. Qormadii xigtayna waxay ahayd: “Haraadigu yuusan kala harin!” oo aan ku xarriiqay in aan kuwii xilka hore u soo qabtay aan dib loo soo celin. Haddaba qormadan gunaanadka u ah halbeeggaa, ayaan ku qeexi doonaa HOGGAAN la’aan inaan dhibkan laga baxayn, ee aqris wanaagsan.

Tuesday, December 4, 2012

Shaqo ma doonaysaa? Halkan ka eeg!

Shaqo ma doonaysaa? HALKAN KA EEG (CLICK ON HERE)

 

Fahan-diineedka "Saar" - W.Q: Cabdillaahi Janno

Waa xujo:
Haddii burur kaa dhab yahay,
Billaabada dhiig u yeel,
Helleey helleey!

Raggu markuu meeriska kore maqlo, way is jarjaraan. Dhiig iska keenaan. Ama fuley ha ahaado ama geesi. Ama doqon ama fariid. Wuu xujeysan yahay. Waa waaqaca saarka. Waa dhaqan aan dhammaad laheyn—sida dagaalka sokeeyaba uu u jiitamayo. Dhiig. Dhiig. Dhiig.

Monday, December 3, 2012

Sug Cadceedda maqan! – W/Q. Maxamed Saleebaan Cumar

Muran kama joogo inaynnu ka isirannahay dhoobadii laga abuuray aabbaheen Aadan. Dadka oo dhami way siman yihiin, ma kala sarreeyaan, mana kala sed roona. Waxay ku kala mudan yihiin kaalinta ay nolosha kaga jiraan iyo sida ay uga jawaabi karaan ujeeddooyinkii loo abuuray. Kuwa tookha badan, kuwa faana, kibra ama qabka iyo qabyaaladda nooleeyaa waa kuwa aan halkan iyo halkaas toonna waxba ku lahayn.

Ma jeceshahay inaad qoraa noqotid? – W/Q. M.M. Kastan

Runtii ma aha wax sahlan, in aad qalin qaadatid oo mowduuc muhiim ah aad wax ka qortid. Qoraalku, waa wax aad u dhib badan, aqoon iyo mawhibadna u baahan. Qof kasta wuu noqon karaa, Suxufi, laakiin, qoraa ma noqon karo. Qof kastaa, in uu suxufi noqdo, waxa ku fulan, in uu barto Five [W] and [H] oo fure u ah habka ama hababka loo diyaariyo wararka. Inta kale waa isaga oo ku dadaala, sidii uu isu horumarin lahaa una ilaalin lahaa anshaxa Saxaafadda.

Maxaad adigu baratay?

Wuxuu ku yidhi; “Muddo ayeynu wada soconay ee maxaad igu baratay saaxiib?” Wuxuu ninkii kale ugu jawaabay; “Masalooyin badan oo ay ka mid yihiin:

Ma Toshe, Ma Tashade! - W.Q: Rooble Maxamed

Wuxuu bustaha isku sii duuduubo oo uu is bakhtiiyaba markay subaxdii cadceeddu kululaato ee carruurtu iskuullada u kala dareeraan ayuu macawista haabhaabtaa. Intuu hareeraha daymoodo ayuu hubsadaa inay cid kele qolka hurdada ku labayso, markuu ogaado inuu keligii yahay buu isaga oo wejiga marmaranaya suuliga daf yidhaahdaa. Sanqadho badan ka dib ayuu soo baxaa isagoo waxoogaa biyo ahna dusha iskaga soo shubay welina indhaha marmaranaya oo isku dayaya inuu saani u wada tooso.

Wednesday, November 21, 2012

SHALAY IYO MAANTA: Taxane isbarbar-dhiga mawqifka siyaasiga Somaliland!

SHALAY IYO MAANTA: Waa taxane akhristayaasha u soo bandhigi doona isbarbar-dhig la xidhiidha mawqifka siyaasiga maanta ee Somaliland ee shalay iyo maanta..Ujeeddadiisu maaha in cid gaar loogu duro, ma'aha dhaleecayn, ma'aha dhaliil, mana aha taxane dulucdiisu tahay in cid si gaar ah summad loogu sameeyo. Balse, wuxuu si siman oo caddaalad ku salaysan u soo gudbinayaa cid kasta oo mawqifkeedu sidan u muuqdo.
 
SHALAY:
 
"Nimankii ku Fashilmay Dowladihii ay Hogaaminayeen C/raxman Tuur & Cigaal Isbedelka Dhabta ah ee ay Dalka Ka Sameyn karaan Waa Maxay"- Xoghayaha War-Faafinta Ee UCID

Tuesday, November 13, 2012

Shaw dhuuxba kuma jirin!

Deeqaha Ilaahay bixiyo qofba meel buu ku fiican yahay. Tusaale ahaan dadka qaarkood aqoon buu alle ku maasheeyaa, qaarkood adduun buu ku manaystaa qaarkoodna caqli iyo garaad buu ugu deeqaa. Warsame intaas oo kooxood midna kama tirsana’e ilaahay aftahanimo ayuu ugu deeqay. Hadal macaanida iyo af-miishaarnimadiisa markaad aragto waxaad is odhanaysaa ilaahay hadduu dhowr sidaa u fikiraya soomaali dhex joojin lahaa waxa dhacayaaba malaha may dhaceen. Haddii se qalbigiisa la jeexo waxaad mar labaad is odhan lahayd ilaahay haddii uu kan iyo afarta la midka ah ummadda ka qaban lahaa way badhaadhi lahaayeen. Qabyaalad diid buu kuugu muuqdaa wuxuu se kaw ka ahay inta qotomisa ee qal-qaalisa qabyaaladda caadifadda ku qotonta.

Thursday, November 1, 2012

KARAAMO-BEEL! W.Q: Rooble Maxamed

Wuxuu ahaa oday miskiin ah oo ku soo koray kuna qanacsan nolosha miyiga ee uu markaa ku dhex jiray. Shaqadiisu kamay badnayn inuu subaxdii salaada hore kaco si uu geela u liso ka dibna inta uu foofiyo uu inamada uu dhalay raaciyo si maalinta inta ka hadhay ay u jiraan waxoogaaga geela ah ee uu leeyahay.

Horta yaa waalan? Q. 3AAD - W.Q: Axmed C. Cumar

Waxay socotaba, maantay ugu darnayd oo dadkii  waalida caanka ku ahaa, garta madax ka noqdeen ama loo dhiibay. Halkaa aan ka hadlayaa waxa weeye Maqaamkii ugu waynaa kuwa la iskugu yimaado  ee dadka caqliga iyo garaadka u saaxiibka ahi fadhiisan jireen.Waxay fursad dahabiya ka heleen, maq-maqnaanshihii iyo habsankii faraha badnaa ee ku yimid golihii loo igmaday ilaalinta iyo ka midha dhalinta garta. (Marka horeba sidaan ku heshiinay waxay ahayd in dad dhex-dhexaad ahi garta noo qaadaan. Laakiin kuwan waal-waalani meeshay ka yimaadeen aniguba waan is-waydiinayey judhiiba).

Saturday, October 27, 2012

Horta yaa waalan? Q. 2aad: W.Q: Axmed C. Cumar

Salaan, araar iyo guud-mar labada dhinaca ka dib, Ninka “ Ma waalida mise wareerka”, Waa siday yidhaahdeen qoladii xaggaaga ka socotay. Qoladii xaggayga ka socotayna waxay tibaaxeen si ilbaxnimo ku jirto sidan;

Thursday, October 25, 2012

Horta yaa waalan? W.Q: Axmed C. Cumar

Horta ma anigaa waalan mise adiga?. Inaan anigu waalanahay sow adiguba imaad garateen mar hore, haddaad fayowdahay?. Laakiin, sideen kuu aamini lahaa?. Inaan sax ahay waxan ku garanayaa, dee adigaaba waalan!  Waa la-yaab sida waallidaadu wax noogu tartay xilligii sicir-bararka. Haddaan ogaan lahaa inaad waalan tahay, aniguna waan is-waali lahaa!.  Yaase, xaq inoo siiyey inaynu waallideena wax ka sheegno? Kuwaasi iyagaaba waalan hadday jiraan.

Gumaadka baabuurtu bulshada ku hayso – W/Q. Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”


Ibraahim Yuusuf (Hawd)
Ma jirto dunida wax ka qiimi iyo maamuus sarreeya nafta qofka. Iyada oo ay sidaa tahay naf waliba ugu dambayn waxa ay ku xukuman tahay dhimasho. Hayeeshee dhimashada dabiiciga ah ee goorteeda lihi la mid ma aha ta ku timaadda qof xaq u lahaa in uu sii noolaado. Geeridii timaaddaba in qaddar Alle loo daayo, marxuumkana faataxo iyo qulhuwalle lagu illaawo, iyo in taa iswayddiin laga keeno oo sababteeda xal loo raadiyo, dadyawga dunidu falsafad ahaan waa ay ku ka la aragti duwan yihiin.

Tuesday, October 23, 2012

Ha ii diidin heesaha! W.Q: Axmed-Deeq

Ha ii diidin heesaha,
Hoobaan la mooddaan,
Hablahaba ka doortaa,
Ii soo hibaysee,
Ha ii diidin heesaha,
Naftan laga hallaabee,
Hilowguna dishoodee,
Caashaquna heeraan,
Ku habaa ayaamee,
Ha ii diidin heesaha,
Hidahaygii weeyoo,
Haatan iyo illaa dura,
Hal-abuuradaydaa,
Murtidayda hodanka,
Iigu soo halwinayee.
 

Sunday, October 21, 2012

21 October iyo 23 Sanadood ka Hor! W.Q: Rooble Maxamed

21-ka Oktober waa maalin ku suntan taariikhda dadka Soomaalida ah meel kasta oo ay joogaan. Maanta oo kele 23 Sanadood ka hor waxaanu guriga ka bixi jirnay 4ta habeennimo iyadoo dhaxan darteed ilkuhu is garaacayaan balse waxa naloo oggol yahay ay tahay shaadhka balcadda ah ee iskuulka oo keliya oonaan xataa funaanad xidhan karin.

Tuesday, October 16, 2012

Tuesday, October 9, 2012

SHEEKO GAABAN: Shaadhkaygii mee? – W/Q. Ahmed Suleiman

Labo xammaal oo saaxiibbo ah ayaa maalin maalmaha ka mid ah iyaga oo ku daalay shaqadii ay wadeen, xoogaagii gunnada ahaana aan weli loo dhiibin gadbad bariis ah oo ay sideen daalkiikula gataati-dhacay bartii ay degganayeen.

Waa guri yar oo haddana aan guri lagu sheegi karin, waa se goob ay habeenkii ka dugsadaan dhaxammaha, maalinkiina kana hadhsadaan qorraxda. Guriga wax alaab ahi uma taallo, marka laga reebo salliyada ay ku jiifaan iyo gadbaddii bariiska ahayd ee ay maanta halkan kula ciireen.

Monday, October 1, 2012

Abwaan Gaarriye oo geeriyooday iyo Taariikh-Nololeedkiisii oo Kooban

Alle ha u naxariistee Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) oo ka mid ahaa hormuudka Maansayahannada Soomaaliyeed ayaa xalay ku geeriyooday magaalda Oslo ee dalka Norway.
 
Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) oo 60 jir ahaa ayaa sannadkii ugu dambeeyayba la liitay xaalado caafimaad-darro, isla markaasna xanuunkiisa lagula tacaalayay dalka Norway.
 
Abwaan Gaarriye waxa lagu xusuusan doonaa kaalintii hufnayd ee uu ku lahaa suugaanta Soomaalida iyo deraasidihii cilmiga ahaa ee uu badhtamihii 1970-nnadii ku soo kordhiyay.
 
Taariikh-Nololeedkii Abwaan Gaarriye oo Kooban:
 
Gaarriye wuxuu ku dhashay Magaalada Hargeysa 1952. Waxaa korisay eeddadii oo dhimatay isaga oon weli hanaqaadin.

Sunday, September 23, 2012

GODKA IGU AMAAN! W.Q: Yaasmiin M. Kaahin

Yasmin Mohamed Kaahin
Luunka ku wareegsan, luudista lugo awoodii waa hore ka idlaatay, cuskasho ul tamar uu ku qaadaaba aanay ku jirin oo dhulka jiitamaysa iyo caddaanka oogada jidhka ee u muuqda inaan goror dhiig ahi ku jirin, ayaa wakhtigaas wehel u ahaa. Inkasta oo aad mooddaysay in carrabku aanu ereyada hadalka si wacan u rog-rogayn oo uu isku darayay, haddana kartida iyo raganimada ku jirta ayaan u fahmay inay fartay in uu is-tiilo oo uu karti muujiyo. Isaguba wakhtigaa wuu dareensanaa in cid waliba markay xaaladdan uu ku jiro kula kulanto, iyaga oo aan wax kale u tarayn ay magaciisa oo saddexan ugu yeedhayaan, isuna tilmaamayaan, balse aanay naf kale u haynin!!


Wednesday, September 19, 2012

MA NOOLE AAN DHIMAN! (sheeko gaaban)

Marba xaaladdaad ku jirto meel ka door roon haddaad doonto, oo u dedaasho, waad nooshahay. Waad qurux badan tahay. ‘Wax dhintey ma qurxoona” -Jamac muuse jaamac
Saacadahan oo kale waa farxaan, qofkii la kulmaaba wuxuu la dhacayaa bashaashnimadiisa iyo marxabbadiisa xad dhaafka ah, qosol, salaan, iyo bulshaawinimo aan caadi dhaqankiisa ka ahayn ayaa ku soo biira, dadka xaaladdan aan ka warqabini waxay ugu duceeyaan inuu Eebbe dabeecad wanaaga u siyaadiyo. waa xilli duhura, dhalada ayay ka haysaa cadeed aan fallaadho kulul lahayni, timaha badan iyo dhakada basaastay ee saalaxyadu galeen, dhabana godmay, margiyadiisa sida jillaabta u soo laabmay iyo bacda madow uu gacanta ku wadhfinayaa waxay daliil u yahiin inuu nin ­­balwadeed yahay, isagana waxay ugu dhantahay laamaha qaadka ah markuu gacanta ku dhigo, markaas ayuu naf aanu lahayni gashaa, sida faraska ayuu u durduriyaa.

Saturday, September 8, 2012

Ma rabtaa inaad ku guulaysato wax walba? W.Q: Umeyma C. Ciise

Noloshu waa safar, dadkuna waa socoto. Waddo kasae oo aad martaana bar dhammaad bey ku geysaa, dhammaan-na waxay kugu ridaan hoyga dhabta ah oo ah Qabriga. Dadka in badani oo ku hanweyn inay heer ka gadhaan ayaamaha tirsan ee noloshooda, ayaa waxay ina barayaan in  iyada oo aan la waareyn, haddana ay habboon tahay in war kaa hadho.

Abwaan Hadraawi oo abaal-marin caalami ah ku guulaystay

RSOL - 7.9.2012. Warsaxaafadeed

Kow iyo toban isugu jira maskax-maallo, abwaanno, filim-sameeyeyaal iyo ururro ka socda dalal kala duwan, ayaa ku guulaystay aqoonsi caalami ah oo sannadkiiba mar lagu sharfo dadka wax qiime leh kusoo kordhiya dhaqanka iyo horumarka bini-aadamka. Aqoonsigaas oo ay bixiyaan Prince Claus Fund, oo ah sanduuq-faneed ku xidhan Aqalka Boqortooyada ee waddanka Holland, waxa la siiyaa dadka wax soo saarkooda maskaxeed qiime aad u sarreeya leeyahay, islamarkaana uu saamayn wayn ku yeesho bulshada uu qofkaasi la noolyahay.

Thursday, September 6, 2012

Suxuloow waa Saxar! W.Q: Axmed Ibrahim Cawaale

Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa ‘ili ayaan badanaa, hareeraheeduna ayaan daranaa’. Odhaah kale ayaa u dhigan sidan “Ileey ama itaal lahow, ama ayaan lahow!  Waxay dooratay ayaankii!”  Waxa ay se ila tahay in ishu aanay wax dheeraad ah ka sidanin jidhka intiisa kale  bal se  “ayaan badnaanteeda” loo tiirin karo uun aragga ay iska arki karto halisaha oo markaa ay baalasha is-qabadsiiso ama (iyadoo kaashanaysa maanka) ay dhinac isaga barbariso halis ku soo fool leh. 


Ma doonaysaa waxbarasho Jaamacadeed oo bilaash ah adiga oo gurigaaga/xafiiskaaga jooga?

Hargeysa – Jaamacadda barashada cilmiga iyo deraasaadka Islaamka (Islamic Online University) ayaa markii u horraysay faraceeda ka furaysa magaalada Hargeysa ee Somaliland, si fursad ay ugu helaan ardayda ku nool gobollada wadanka ee doonaysa in ay wax ka bartaan Jaamacadan.

Wednesday, September 5, 2012

HAGARLAAWE: Abwaan Gaarriye & Wacdaraha Maansada “Runeey lagu Neceb!”



Waxa runta la yidhaahdaa waa dhabbo miinaysan oo aan haddana laga maarmin in la maro. Imminkadaa aynnu joogno boqollaal baa daraaddeed u xidh-xidhan.

Is-dhalay oo isku-dhibban! W.Q: Saida Sheikh Ahmed

Looxa 27/06/2012


Saq barkii buu si dhuumasho ah kusoo gali guriga, wuu taag taagsanayaa, sariirta buu isku tuurayaa, gaajo ha hayso ama yaysan haynin'e, sida tuug habeen bar soo dhacay guri reer leeyahay buu ku soo galayaa habeen kasta, markuu tooso-na orod buu kaga baxayaa subaxnimada hore.

Sheeko Gaaban: Fariintii Safarka!

Waa casar gaaban roob aan badnayn oo dhulka qaboojiyey ayay markaa jaqaftiisii go’day, naftu waxay jecelaysanaysay socodka lugta ah, neecawda dhulka qabow soo dul martayna waxay kugu beeraysaa farxad nafsiyeed, cadceedu waxay usii jeeday godkeeda midabka casuusta iyo falaadhaha bilaa kulka ah ee ay bixinaysay waxay muuqaal qurxoon gayaysiinayeen dhulka.

Tuesday, September 4, 2012

Qofba waa si-garadkiisa – W/Q. Axmed Warsame Cumar-Laangadhe

Waxay heshay dhagax aad u qaaliya mar ay maraysay meel buuro ah oo macdantu ku badan tahay, waa Qof dumara oo aad u garaad badan kana saahiday dunida socdaal dheerna ku martay meelo badan oo dunida ah.

Monday, September 3, 2012

GAR-WARAABE! W.Q: Dhamme Maxamuud

Markii ugu horaysay een warkan maqlo oo Ramadantii ahayd, waxa aad ii xiisa galiyay warka sheegaya in qayb ka mid ah dhulka soomaalida –Kismaanyo- lagu afuro saanbuuse hilib waraabe duqad looga dhigay, Waxay igu noqotay dhacdo ugub ah, si walba xaal ha u jiree, waxa bilaabantay fadhi ku dirirnimadii dadku caadada u lahaa, qolo cid gaar ah ku ceebaysa, qolo dacaayado shaqsi ku faafiya iyo qolo kale oo doodahoodii ku sii xoojista iyo dhaleecaynta wadarta (group judgments).

Sunday, September 2, 2012

Sidee nolosha guul looga gaadhaa? W.Q: Umeyma Cabdillaahi Ciise


 “Waxbarashadu waa aqoonsigeena mustaqbalka, madaama bari ay leeyihiin dadka maanta diyaar-garooba” Malcolm X.

Mustaqbal wanaagsan oo Guul ku dheehan tahay waa shay qofkasta raadinayo, waa shayga aan dhamanteen ka midaysanahay. Mustaqbal wanaagsan inaynu yeelano awgeed waa ta aan u dadaalno dhamaanten, ee aan wax u barano. Mustaqbalka wanaagsan waa ka xambaarsan guul, ee u qofku gaadhayo hadaf uu hiigsaneyey noloshiisa.

Saturday, September 1, 2012

Sheeko Gaaban: Waraaqdii jacayl weedhna kicin waayay!!!

WQ: Hamda Mohamed Hussein Egal

Sida la xusay beri beryaha ka mid ah ayaa gabadhi wiil dhiggeed ah dareen kalgacal u qaadday, xishood ay u dhalatay laguna ababshay awgeed ayaa ka hor is taagay inay rabitaankeeda si xor ah iyagoo is hor-jooga wiilkay calmatay ugu cabbirto, gorfayn badan kadib waxay talo isku tustay inay dhambaal gudbinaya farriinta qalbigeeda ay qalin ugu duugto, sidii baanay yeeshay oo inta ay bilcan ugu dhiibtay weliba ku dhiirisay inaanay war iyo wacaal ka siin cidda ay uga sido.

Sunday, August 5, 2012

Ku-rumeynay Neboow yaa xabiiba-llaahi

Qasiido Nebi-amaan ah: Waxa ku luuqaynaysa Sahra Axmed Cabdilaahi (Sahra Ileys) iyo fannaaniin u jiibinaysa.

Safar aan maqnayn! – W/Q. Dhamme Maxamuud Axmed

Sida lafa-gurayaasha sooyaalka aadanahu isku raacsan yihiin, waayo-aragnimada ina-Aadan – bilowgii illaa maanta – waa shinan isku wada mid ah ama iskuba dhowdhow,mahadhooyinka qormaya maantuna waa werenwaryooyin hore oo gaboobay misana leh cinwaanno cusub. Kala duwaanshiyuhu waa goobaha, gooraha iyo cidda hadba joogta, dhaaxaba aad akhridid aayado Qur’aanka ka mid ahna, wuxuun baad sii rumaysan isku ekaanshiyaha wacaalaha iyo isa suura ekaantooda.

Monday, July 30, 2012

Waa Maxay Sirta Noloshu?

Sirta noloshu waa hal-ku-dheg isticmaalkiisu ku badanyahay bulsho waynta ku hadasha afka Soomaaliga iyaga oo leh qofkaa hebel sirta nolosha ayuu fahmay oo ay dhici karto in ay ula jeedaan ama ka wadaan mid ka mid ah macnayaashan:

Tuesday, July 24, 2012

DAAWO: Sideen Quraanka u xifdinaa?

Allaah baa mahad leh oo noo suurageliyay inaan caafimaad ku akhrisanno ama ku daawanno muxaaradan qiimaha leh.

Muxaadaradani waxay ku saabsan tahay sida aan qur’aanka ku xafidi karno.

Kheyrka bisha Ramadaan!

Allaah Subxaanahu Watacaalaa ayaa ku mahadsan inuu caafimaad iyo nolol nagu gaarsiiyay bisha barakeysan ee Ramadaan, nana waafajiyay inaan qormadan wadaagno. Nebi Muxamed naxariis iyo nebedgelyada Allaah dushiisa ha ahaato.

Sunday, July 22, 2012

Qabyaaladda Siyaasadeed Waa Qaran Dumis: Soomaaliland Halis bay ku Jirtaa – W/Q. Rashiid Sh. Cabdillaahi (Gadhweyne)

Qaranka Soomaaliland yaa leh?  yaa dhistay oo kakooban yahay?  Maqaalkani su’aalohaas buu marka hore dabagalayaa.  Ifafaalaha socotada siyaasadeed ee ilaa maalintii Soomaaliland lagu dhawaaqay muuqataa, jawaab bay bixinaysaa ah in dalku qabaa’il ka dhexeeyo oo ay qarannamadiisu na ka dhisan tahay. Jawaabtaas awel afka laga odhan jirin ee falka siyaasadeed baa muujin jiray, beryahan dambese af labadii baa lagu yidhaa oo iyada oo dhar la’ bay horteenna socotaa. Nimankii awel lagu soo rashaxi jiray shirar la isugu tegay guryaha magaalooyinka, immanka waxa la la horyimaaddaa warfaafinta la daawada oo lagu khudbeeyaa waa murashaxii Reer Hebel. Waa jawaab cad oo lagu sheegayo in dalka iyo qarannimadiisuba qabaa’il inooga dhexeeyaan.  Qoraalkaygani taas ayuu ka doodayaa oo waxa uu ku doodayaa in aanay dalka qabaa’il iyo reero lahayn, lahaanna Karin,  qarannimaduna haddii qabaa’il iyo reero u gacan-gasho in aanay jiritaan raaga yeelan doonin- waaritaan daayoo. Waxaa taas ugu wacan qabiilo qaran ma ma dhisto  oo unug uma noqon karto.  Bal nuxur ahaan qabiilada soomaalidu way ka soo horjeedaa oo waa ku liddi dawaladnimada. 

Marxalad Qaali ah – W/Q. M.M. Kastam

Dhallinyaranimadu waa marxalada qaali ah oo aan dib u soo laaban ama loo helin. Soomaalidu maahmaahadooda qaaliga ah waxa ka mid ah; qofka labaatan-jirkiisa dedaala ama shaqaysta wuxuu nastaa lixdan-jirkiisa.

Thursday, July 19, 2012

Safiir Ingiriis ah oo ka qayb-galay gunaanadka bandhigga buugaagta Hargeysa

Harygeysa, 19-07-2012, Bandhigga caalamiga ah ee buugaagta Hargeysa oo lixdii maalmood ee u dambeeyay ka socday magaalada Hargeysa, ayaa xalay la soo gunaanaday.
Ka hor intii aan xalay la soo gebogebayn, waxa shalay munaasibaddii lagu qabtay hoolka hay’adda shaqaalaha ee Hargeysa ka qayb-galay wufuud ka socota golayaasha qaranka Somaliland, dawladda Ingiriiska, abwaanno, aqoonyahan iyo marti-sharaf kale oo tiro badan.

Wednesday, July 18, 2012

Ilmada qalinka iyo nasiib-darrada qoraaga

Qalinka af-Soomaaliga wax ku qora wuu ilmeeyaa had iyo jeeraale, qoraagiisuna umal buu ku sugan yahay, waxaana taa ugu wacan bulshadiisa oo ka indhasaaban duxdiisa ama waxtarkiisa. Rasuulkeenna Muxamed (C.S.W) waxyi ku soo dega waxaa ugu horreysay suuratul-Iqra oo aadanaha fareysa inay wax akhriyaan.

Guulaystayaasha tartanka sheeko iyo shaahid 2012 oo abaal-marinno helay

Maxamed Haaruun - tartamaha kaalinta koowaad galay
Hargeysa - 17,07,2012 -Tartamayaasha ku guulaystay tartanka sheeko iyo Shaahid ee sanadkan 2012 oo qayb ka ah bandhigga buugaagta caalamiga ah ee Hargeysa, ayaa xalay lagu dhawaaqay.

Monday, July 16, 2012

Haddaad joogi lahayd! - W.Q: Barkhad M. Kaariye

Dadku waxay u tuban yihiin wadar, laba qof oo kastana markaad eegto sida ay sara-joogga ugu wada hadlayaan waxaad mooddaa in ay gorfaynayaan arrin culus oo inta aan geedka lala tegin falanqaynteeda loo xilsaaray. Qofka masaafo durugsan ka soo arkaa inta aanu soo gaadhin waxa uu u fahmayaa in goobta shil ka dhacay. Waxaan ka mid ahaa wadar dadka badankoodu ka soo horreeyeen oo hubay in ay habsaameen, balse intii aanan soo gaadhin ayay dadkii oo dhami sidii arday gambaleel loo garaacay ay mar kaliya u wada dhaqaaqeen dhinaca albaabka. Tallaabada ayaan dedejiyay ilaa markii dambe aan gucle-orod ku gaadhay dhinicii loo socday. Waxaan soo gaadhay dadkii oo sida ay isu-daba taagan yihiin aad mooddo xoolo darka loo horayo oo sugaya inta ay raxanta hore ka soo fulayso. Wixii safka loogu jiray waa albaab aanay ka wada gudbi karin saddex qof oo wada socdaa, sidaa darteed la iska sugayo. Waxa iyaguna baasha midig taagan oo dadka qof-qof u baadhaya ciidamo boolis ah.


Saturday, July 14, 2012

The Hargeisa International Book Fair by BBC Journalist Mary Harper

The Hargeisa International Book Fair: Day One
The Hargeisa International Book Fair is far more than a book fair. It is now in its fifth year running and hosts authors, poets, musicians, filmmakers, artists, playwrights, actors and circus performers, both Somali and non-Somali.









Sunday, July 8, 2012

Isha Qarsoon(IQ): “Ciil ka ma kore” waa i kan hadda na

Berbera waa magaalo kolka samada laga soo eego ay qarax ah, obos iyo boodh dhanka hawd kaga soo siqaya iyo bad qurux badan oo is hirdiyayaa dhaayahaaga libiqsi u diidayaan. In aannu xeebta Cummaan isku soo looxnay iyo in aannu gees kale soo marnay ma garanayo, se waxaan hubaa in duuliyuhu daanta bari xeebta dherersan uu Berbera naga soo geliyay. Bacaadka ay xeebta is dhunkanayaan waxa kaaga muuqanaya xarriiqo diciif ah oo muujinaya danniga dhul ballaadhsi ee bulshadu ku mamtay, goob wal ba qof baa iska ootay, xitaa cirku malahayga waa oodan yahay; yaa og!

Friday, July 6, 2012

Jaamac Muuse Jaamac: "Waxaanu gaadhnay yoolkayagii ahaa in ay maktabado dhismaan"

Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa waraysi uu weriye Siciid Maxamed Askar oo ka tirsan shabakadda wararka ee qurbejoog.com la yeeshay agaasimaha seeska dhaqanka iyo suugaanta ee Redsea-Online.com, ahna gadh-wadeenka maktabadda wareegta iyo bandhigga buugaagta Caalamiga ah ee Hargeysa Jaamac Muuse Jaamac.  HALKAN KA DHEGAYSO WARAYSIGA


Thursday, July 5, 2012

Sheekh: Maktabadda wareegta iyo booqashadii hoyga aqoonta

Maktabadda wareegta ayaa safarkoodii xidhiidhka ahaa ee maalmihii u dambeeyay ay ku soo mareen magaalooyinka Boorama iyo Gabiley waxay shalay (04/07/2012) ku gaadheen Degmada Sheekh oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaana ku qaabilay deegaankaas Naadiga Akhriska ee Degmada Sheekh.

Tuesday, July 3, 2012

Buugaag geeddi ah: Safarkii koowaad, socdaalkii Boorama iyo soo dhaweyntii shacabka

Borama, 02-07-2012 -Maktabada wareegta oo qayb ka ah carwada caalamiga ah ee buugaagta Hargeysa ayaa maanta ka qabsoontay magaalada Boorama ee gobolka Awdal oo ay safarkii ugu horeeyay sannadkan 2012-ka buugaagta geeddiga ah lagu geeyay. Waxaana soo dhaweeyey naadiga akhriska gobolka Awdal ee Maskax-maal.

Galabta oo ay bishu ahayd 02 July 2012 waxa ku soo hoyday magaalada Boorama buugaag aad u tiro badan oo geeddi ah oo ka socdaalay magaalada Hargeysa.

Saturday, June 30, 2012

Buugaag Geeddi ah: Maktabadda wareegta 2012 waa socdaalka dhiganaha qoran ee magaalooyinka

Maktabadda wareegtaa waa qayb ka mid ah bandhigga buugaagta caalamiga ah ee Hargeysa. Waa hab ka duwan habab inta badan laga yaqaanay dalka, kuna cusub saaxadda buug-akhriska ee Somaliland. Maktabadda wareegtaa waa nidaam ay kooxo kala duwani ay buugaag tiro badan ku geynayaan magaalooyinka waawayn ee dalka, si ay fursad wax-akhris u siiyaan dadka aan inta badan helin fursad tan la mid ah, gaar ahaan dhalinyarada.

Bandhigga Buugaagta (HIBF): Wakhtiga la bilaabayo oo si rasmi ah loo shaaciyay

Bandhigga Buugaagta Caalamiga ah ee Hargeysa (HIBF) oo ka mid ah munaasibadaha halabuurka iyo farshaxanka ee ugu ballaadhan geeska Afrika waxay sanadkan bilaabmi doontaa 13-ka July 2012.

Bandhigga Buugaagta Caalamiga ah ee Hargeysa oo sannadkan shan jirsatay waxa doorkan ka qayb-galaya hal-abuurro, abwaanno, qoraayo, suxufiyiin, muusigyahan iyo aqoonyahan kale oo isaga yimi dunida daafeheeda. Waxa kale oo ka qayb gali doonaa intaas dhigaalkooda oo waddanka gudihiisa ku nool.