" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: January 2012

Tuesday, January 31, 2012

XUSUUS MUJAAHID!


Kani waa mujaahid, wuxu isa soo hortaagay maqsin Qaad lagu iibinayey oo ku yaallay xagga hoose ee guri fooq ah oo sannado ka hor ay ku soo martay qiso taariikhi ah.
Mujaahidku wuxu xidhan yahay dhar laga nadaafad badan yahay. Surwaal jilbaha iyo dabada laga karay, shaadh badhamada qaar ka maqan yihiin, raqaabaddana dhidid badan ku leh ayuu ku labbisan yahay, intaa waxa u weheliya kabo hoosta laga rakcay oo aan sharaabaaddo lahayn. Gadhkii oo ku baxay, timihii laabtiisa oo muuqda iyo bidaar madaxiisa kala badh goysay baa intaa u dheer.

Monday, January 30, 2012

QABRIGII MAALKA!


"Dulmi maa duugmaa? Manii la daboolo na, waa soo daahiraa" — Maahmaah.


AAGGII RAQAYGA, dukaankii reer Shumbusuri, waxa maanta dhinaca ku haya daarad ka soo hartay jasuur burburay. Ciid cusub ayaa bartanka u tuunsanayd, taas oo goor dhowayd laga soo faagay god ku oollaa daaradda dhexdeeda. Galabtii ugu horreysay Ololehii Xaadhitaankii Xamarweyne, dadkii meeshaas fiiqayay, marka laga reebo Cijicadde Taakoow—bacadle gaariyool ganacsi ku haysta—xaanidaas iyada ahayd, qof kale ee arkay ma jirin. Jasuurku waxa uu ku yaal agagaarka Suuqii Koodka Xamarweyne. Bacadlehu na, aroor waliba halkaas ayuu u shaqatagaa.

UFFO!


Alloow kuu naxariiso, Cabdillaahi Suldaan "Timacadde", ayaa laga guntay:-"Hoheey malaha soomaalidaan, hoos waxba u dayin e"

Noloshu waa kaltan, gobtuna waxay tidhaa "Doorkaaga nolosha waligaa gunnimo ha ku guddoomin". Qofbana wuxuu wax u yahay is ahaantiisa, maalinka aad gabto kaalintaada, ayaad guddoomatay liidnimada kama danbeysta ah. Ifka iyo iftiinkuna waa duruus taxane ah, kuwaas oo ku baraya sidaad u badbaadi lahad goobaha mugdiga. hadaanad wax ka baran horteedna; dabadeed wax kuuguma filna. 

Sunday, January 29, 2012

NIN GUMOOBAY!


Juun, juun, juun. Qofka bisha juun Iswiidhan soo galaa wuxuu moodayaa janno. Kaymuhu cagaaranaa! Dhirtu dhaadheeraa oo qurxoonaa! Dhulku doog iyo ubax badanaa! Maxaa balli iyo haro galac leh! Maxaa tog iyo webi meel walba qulqulaya! Magaaladu nadiifsanaa oo degganaa. Labaatanka bisha juun oo ay qorraxdu diirran tahay ayuu Rooble soo galay Iswiidhan.

Saturday, January 28, 2012

LABA GELIN!


Ilaa saaka markii uu toosay dhiig baa afka uga dhadhamayey. Markii hore wuxuu mooday in uu afka ka dhiigayo dhawr jeer ayuuna candhuuf iska soo muudiyey oo eegay dhiigse kuma uu arag, haddana waxaad mooddaa in uu xinjiro afka ku sito. Wuxuu ka fekeray goorta iyo waxa uu dareenkaasi ka soo raacay, wuuse xasuusan kari waayey. Wuxuu isku dayey in uu is illawsiiyo laakiin ma ahayn wax uu is illawsiin karo.

Thursday, January 26, 2012

ISMA-OGE


Waa maalqabeen mood iyo noolba xeryahiisu aanay istabin. Cuud yaraan iyo carruur la’aan marnna kaba caban noloshiisa. Hadday magac iyo sharaf bulshada dhexdeeda noqotana magaca waa ka XAAJI, oo maamuuska iyo milgaha lagu teenbiyey lama koobi karo. Beerahiisii, baloodhadiisii, baabuurtiisii, guryahiisii iyo hantidiisii kale ayaa afarta jiho ee dhulka sida ciida iyo camaarka u quban.

Tuesday, January 24, 2012

Intaanu dhiman wuu noolaa!

Isagoo xabbad dheer oo sigaar ah jiidaya, mid kalena dhegta u saarantahay ayuu aroornimo hore meel uu ka soo kallahay mooyee soo fadhiistay makhaayad yar oo bunka lagu cabbo. Waa u caado aroor walba inuu xilligaa yimaad. Inta fadhiday in la jaad ah bay u badnayd, qaarkoodse way ka xarrago badnaayeen oo ammintaasay suudh iyo qoorxidh xidhnaayeen, isagase shaadhka iyo surwaalka kaawiyaddu ka raagtay waxa u dheeraa kabo boodhku dilooday iyo weji iyo madax aad mooddo inaan weligood biyo la taabsiin. Ilkaha qiiqa sigaarku madoobeeyey ee uu kula baxay naanaysta ‘Ilkoweyne’ lama garan karo goor rumay ugu dambaysay. Qof kasta oo xalay hurdo fiican seexday wuu arkayey in ninkani indhihii xalay ku soo jeedo. 

Sunday, January 22, 2012

ISU-EKAA!



Halkii uu iftiinka ku yaqaanay ee daaqadda ayuu eegay isaga oo Il isku haya, gacanna ku haysta Bustaha oo yar jeclaysanayo in uu sii huwanaado, balse waxaan mugdi ahayn ma arag! “Wallee waa habeen ee meesha isaga kac” ayuu iskula faqay..Ma jirto meel uu u shaqo tegayaa, balse waxa la fogaatay indho-is-gashi gaaban oo uu damacsanaa in uu kaga nasto shaqo-maalmeedka. Hal-haleel buu maro, kab iyo lama-huraanka kale ee lebiska isku geliyay. Dibedda ayuu u soo booday, sidii bahal guriga ka soo eryaday, wuxuuse arkay in aanay habeen ahayn, balse jewigu u egyahay.

Waa casar gaaban oo moodda galabadeed midabo gaar ah u samaysay jewiga. Dheereeyee, imisa tallaabo ayuu qaaday? In uu qaadayba, wuxuu soo gaadhay Suuqa.

Saturday, January 21, 2012

Qurxi Caqligaaga!

W.Q: Axmed Ismaaciil (Axmed-Deeq)  ----

Isaga oo maydhasho dhammaystay, maryahana xidhay, muraayaddana hortaagan ayaan ku soo baxay. Canaan dadda-jineed ayaan dhegaha ku goostay, illayn waanu ballansanayn oo waannu ka habsaannay xafladiiye. Iimase jawaabin oo isaga ayaa isku mashquulsanaa.

Wuxuu ku labisan yahay daba-galis (Surwaal) dhuxusha ka madaw iyo garbo galis (Shaadh) danbaska ka cad. Dhexda waxa ugu maran cayn (suun) bir cadi badhtanka kaga taal. Luquntan uu sidii awr qooqan u gigayana waxa ka soo laalaada dabar yar (tie) oo xundhurtiisa ku idlaada. Intaa waxa u dheer, koodh aan laga garan daba-galiska oo uu ku dahaadhay shaadhkii caddaa. Tintiisu waa lakabyo si farshaxanimo ah loo habeeyay. Halka ugu hoosaysaa waa qabatin, halka ugu sarraysaana waa fiil, feedhid u baahan, faraha se laga qaaday. Gadhku waa laba liid oo ka soo aroora dhafoorada, kuna kulma gafuurka. Shaarubtuna waa gufi, aanay bushimo gabdheedku kufayn.

Thursday, January 19, 2012

SADDEX NAFOOD!

W.Q: Ibraahim Yuusuf Axmed (Hawd) ---

Q. 1aad

Siraad, weligaa iskuul ma aaddhigan, oo wax ma qortid waxbana ma akhridid. Weligaa habeen uma aad hoyan meel aan ahayn aqalka aabbahaa iyo hooyadaa, noloshaaduna ma ay dhaafsanayn gurigiinna aad ka adeegtid iyo suuqa aad ka soo adeegtid. Weligaa waad arradnayd, waxbana lagaama hagran jirin ee awoodda reerka ayaa sidaas ahayd.

Dhibban iyo Dhegoole

W.Q: Xasan C Madar ---

Dhibban markay indho qabtay way taqaanay sida rag la isaga celiyo. Shisheeye iyo sokeeyeba way soo martay. Gacmo jilicsan iyo kuwo qallafsanba way u kala wareegtay , maal adduunyo jaad walba Ilaahay wuu ku mannaystay, waxa lagu dilaa oo lagu damcaa waa waxeeda.kuwii ay u dhaxday baa ugu darnaa. Ilaa carruurnimadeedii cid u roon may arag. Allaylehe haddii laga tegi waayo markii ninka shisheeye ay u gacan gashay baa tolkeed u muujiyey waxtar laxaad leh oo naf iyo maalba loo huray si looga furdaamiyo oo warqaddeeda looga qaado.

Quruxdayda Eersaday!

W.Q: Xasan Cabdi Madar --- 



Iyagii bay is moodday….iyagee?...dee iyagii…

Magacu saamayn ma ku leeyahay nolosha qofka? Muuqaalku saamayn ma ku leeyahay, quruxduse ma ku leedahay?

Barxadda guriga quruxda badan ayey kursi soofe ah isku kala bixisay.Timaheedii dheeraa oo qaawan oo masar goor ugu dambaysay aan la garanayn xagga dambe ayey kursiga uga dhaceen oo dhulkay haranayaan. Maro yar oo sidii garays ah ayaa laabta illaa bawdada ugu duuban. Bawdyuhu way muuqdaan.Yurubeey lagu eed!

Wednesday, January 11, 2012

WACDARAHA, NOLOSHA, IYO GEERIDA LABA CAYAYAAN!


W.Q: A.M. Yusuf (Wayeel) -----

Hantoo[l] ~sha (handuul ~ka/naxash ~ka/nacash ~ka) 

Mays weydiisay keligaa: Wedku goormuu kuu iman? Teeryo waamaad noolaan?Intay wiiqday geeridu, billaad adi waxdheer tahay?… Waaritaanka miisaanwaaga aad ku lee dahay… Ha na wareyn weydiimahan: Kuma weeye?Yuu yahay? Qofka naxashka lagu wado? Walaalkay rumaadow: Meydka qabriga loo wado, isu qaado weligaa.
— Wayeel: Wacdaraha, Nolosha, iyo Geerida Laba Cayayaan, 1974

Ha xuurayso, xaq-qa uunbey tegiye!


W.Q: Ahmed Ibrahim Awale  ------

Berigaan yari ayaa nin oday ahi hal-hays u lahaan jiray “Ha xuurayso, xaq-qa uunbay tegiye!’, deedna waxa loo bixiyay “Xuureeye”.

Marka aad eegto sida ay wax u socdaan ee kala irdhowga, iyo in reer waliba sidii diinkii  isku ururiyay qoloftiisii, soo-shaac-baxa boqollaalka suldaan, garaad iyo boqor ee mid waliba u taagan yahay in bulshadeennu uu qayb ka mid ah ardaa yar ku xeraysto kuna hor-joogo, maamullada ku dhisan reeraysiga, siyaasadaynta dhulka (kala-sheegashada) iyo dhisaalidda soohdin-beeleedyo, waxa ay iila muuqataa in aynnu dib ugu laabmaynno tagto leh turunbuuqooyin, degganaansho la’aan iyo qalalaase – taas oo laga dheehan karo xilliyadii ka horraysay inta aanay gumaysteyaasha reer Galbeed dhulkeenna soo cago dhigan isla markaana aanay innagu fulin ‘sharcigoodii’ si loo helo kala-damabyn.

Thursday, January 5, 2012

Yaa ogaada?


Orod salaqle ah ayay miciin bidday, haddana taasi ma dhimin xawaaraha orodkeeda. Hubsiimo-laƔanta Jaanteeda ballaadhani dhulka ugu dhacayso, wuxuu kicinayaa boodh laga arkayo meel fog, iyaduse uma jeeddo, sababtoo ah waxa ka culus xanuunka eryaya! Waa ged lagu yaqaanno Geela oo dhan in habeeddu sibraha dareerto, balse Hashan waxa hooraya Dhiig, walina humaag ayaa ka xiga cidda iyo halka ay ehelka bidayso ee ay abbaarayso! Qiyaastii, waxay garanaysaa oo kaliya in ay ordayso iyo jihada ay u ordayso.

DHALINYAHAY, habrashada ma dhaafnaa?

W.Q: Dhamme Mohamoud Ahmed   -----


“Haddaan gu’ga kuu kordhaa,

Gabow mooyee ku tarin,

Garaad iyo waayo arag,

Illeyn wax ma dhaantid geed!” – Gaarriye.

Waabari kasta, toddobaad kasta, bilkasta iyo gu’kasta oo curta ama dhammaadaa waa qayb noloshaada ka mid ah oo is guraaya! Sidoo kalena Hirdanka nolosha aadanahu waa dawaar xiimaya oon goor iyo guub uu ku hakado lahayn.