" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: February 2012

Wednesday, February 29, 2012

Allow yaa dhala oo dheefsada!


Dadka wuu ka dhex muuqda oo la dhaqan maaha, waad la yaabaysaa nuurka ka baxaya wajigiisa markuu kaa soo hor baxo. Waad la dhacaysaa habka uu dadka ula macaamilayo markaad aragto, tacajab baa ku dilaya  haddaad daqiiqado kooban la sheekaysato, ma wayna da’diisu oo marka hore uba hunguroon maysid inaad waqti ku lumiso agtiisa, hayeeshee haddaad hoos ugu dhaadhacdo intaad isla waynida ka baxdo  inta  uu hadalka kuu wado hareeraha eegi maysid, hoosna fiirin maysid, hawadana eeg eegi maysid… Hor alle waad hoganaysaa oo hawadaad ku jirto mid aan ahayn buu kuu hindisayaa, himilooyin aan kugu jirin baa kuu hiraya,  markaad hor taagantahay, ha ahaadeen kuwo adduunyo iyo kuwo aakhiraba’e.

Thursday, February 23, 2012

DABEEB: Gabay ku saabsan shirka maanta ka furmaya London

Gabaygan oo la baxay DABEEB, waxa curisay halabuurka da’da yar ee Yaasmiin Maxamed Kaahin. Caawa ayay tixdu ifka u soo baxday waxaanay ku aroortaa shirka London maanta uga furmaya dhinacyada Soomaalida. Inta aanan faahfaahin kale idiin gelin, bal ila wadaaga mahadhooyinka ku duugan, aniga oo ku kalsoon in aad dulucda fahmi doontaan...



Gabay daawadii male hadaan, lagu dawoobayn
Haddaan lagu daboolayn, goobaha dilaac jiro
Anna daayay waayadan, arartiisa deeqoow

Wednesday, February 22, 2012

Qayla-dhaantu ma sas baa, mise waa saadaal dhab ah – W/Q. Siciid Jaamac Xuseen.


Laba qoraal oo isku mawduuc ka wada hadlaya ayaa ku soo kala baxay mareegaha ‘Somalilandpress.Com’ iyo ‘WardheerNews.Com’.  Kan hore oo Af-Ingiriisi ah waxaa qoray Dr. Cabdishakuur Sh. Cali Jowhar, kan kale oo Af-Soomaali ahna waxaa qoray Dr. Maxamed Daahir Afrax.  Labaduba waxay ku nuuxnuuxsanayaan in dawlad qarameedkii ay ummaddu nafta ku naawilaysay (waa 'Maandeeqdii’ muddada dheer loo heesayay) in ay dhowaan soo noolaato iyadoo xooggan oo dardar qabta ay si aan muran ka iman karin usoo bandhigeen in ay maanta mindidii dul saaran tahay oo lala maaggan yahay in la kitfo oo laga yeelo  “beri bay jiri..jirtay.”  Ciddii arrintaas si dhab ah u danaynaysa waxaan kula talin lahaa in ay qoraallada labadaas aqoonyahan si deggan oo miyirqab leh ku akhristaan, ku noqnoqdaan oo si weyn uga bogtaan intaanu dhambaalkay wadaan go’aan degdeg ah oo sar-ka-xaadis ah ayna ka qaadan.  Warku ha innagu duxo oo si weyn ha innoogu duxo intaynaan talo ka gaadhin.  Anigu qormadan gaaban waxaan uga dan leeyahay inaan digniinta ay bixinayaan iyo qaylodhaanta labada oday gacan buuxda ku siiyo anigoo khatarta ay la fajaceen sii iftiiminaya.

Qabyatirka Far Soomaalida – Qalinkii: Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”

Maanta waxaa la taagan yahay afartanguuradii hirgelinta far soomaalida (1972 -2012). Laba na isku ma diiddana hawshaasi in ay ahayd tallaabadii ugu weynayd ee soomaalida cusubi qaadday xagga dhaqanka iyo aqoonta. Run ahaantii waxaa la odhan karaa guusha ugu weyn, ama ta keliya, ee dawladnimadu soo kordhisay waa taa.

Dardar kulul ayay ku bilaabatay hirgelinta far soomaalidu, sannado yar gudahood ayaa na la soomaaliyeyay adeegyada guud oo ay ka mid yihiin: 1) Maamulka xafiisyada. 2)Warfaafinta. 3) Manhajka waxbarashada. 4) Ururinta iyo baadhista suugaanta. 5) Halabuurka cusub, sida sheeko faneedda iyo fan masraxeedka. Sidaa darteed intii aanay soomaalidu dib u ka la daadan af soomaaligu wax uu isu dhigay in uu ku dherersan karo afaf qarniyo badan qorraa.

Gabay: BOQOL BUUL

Ba’da gabay cabddoow waayadani, maan balaysimine
Ma binaynin maansooyinkaan , baarcadayn jiraye
Bismilaahi caawaan idhoo, aan babinayaaye
Iga qabo bartii gabay lahaa, baaxir baad tahaye
Baaqbaan sidaa jaamacaw, aan balwinayaaye
Bulshadeenan feeraarsanbaan, ugu baloolayne
Bu’da waxaan ujeedada ku ladhi, baanisaha yaale

Tuesday, February 21, 2012

NALA DAAWO


Baro xarfaha labanlaabma oo hagaaji qoraallada afkaaga Hooyo

Qoraalkani waa cashar yar (670 eray) oo waxtar u yeelan doona ama billad-daye u noqon kara qof kasta oo qora afka Soomaaliga oo ay mugdi uga jiraan Xarfaha Labanlaabma.

Xarfaha Labanlaabma ee af Soomaliga waxa ay ka kooban yihiin toddoba xaraf oo ka mid ah shibbaneyaasha (B T J X KH ... ilaa Y). Toddobada Xaraf waxa ay ku jiraan hal eray oo lagu xusuusan karo. Ereygaasi waa “M A N A L A G A R A A D B A A.” Haddaba sida ereygaas ka dhex muuqata xarfaha labanlaabmaya ama laba dhacaya waa shibbaneyaasha kala ah 'M N L G R D iyo B.'

Sheeko Gaaban: Labaatan jir khasaaray!


Waa labaatan jir aan waligii luuf luuf iyo leel leel midna arag. Kuwa uu la leefalka yahay wuu ka feedho weyn yahay oo isuma dhawa. Caano niidoo iyo cunto magaalo ayuu  ku soo koray, carrabkaba waligii ma saarin waxaan dhan dhanaan iyo mac macaan ahayn,  oo habeen uu qado daaye il bidhiqsi ilbidhiqsibuu sharaabka iyo shaah caano badan  ugu noq noqdaa.

Sunday, February 19, 2012

Xuska geerida haldoor wax badan wadaaga

Waa geeri isu-eg, waa geeri haleeshay haldoor umadeed, kala dambaysay muddo sanad buuxa ah..Ma jirto geeri lagu farxaa, hase ahaatee, way ka duwanaayeen kuwani oo naxdin gaar ah ayay u lahaayeen inta aragti gaar ah u leh fanka iyo kobcinta afka.

Saturday, February 18, 2012

Maantana iyagii maaha!

Dhalaalka qof walba ka muuqda iyo quruxda lebbiska uu xidhan yahay, ayaa marag u ah in goobtu tahay goob farxadeed. Way yarayd inta aan diyaar-garow ka muuqan ee caadi u lebbisnayd, hase ahaatee, kuwaas laf ahaantoodu waxay ku lebisnaayeen farxad. Wejiyo qaarkood kala raageen oo salaan gaar ah isu hibaynaysay, ayay madashu kulmisay.

Thursday, February 16, 2012

Dr. Bilal Philips' Road to Islam


Dr. Bilal Philips: “Here in Somaliland, you enjoy a degree of safety and peace that people living in New York city, Chicago, Washington, Los Angles and Atlanta don’t experience. They live lifes of fear, how many people killed each day and murdered, a woman raped in every six minutes in America.”

CLICK TO LISTEN.....

Tuesday, February 14, 2012

Adigu maxaad baratay?


Wuxuu ku yidhi; “Muddo ayeynu wada soconay ee maxaad igu baratay saaxiib?” Wuxuu ninkii kale ugu jawaabay; “Masalooyin badan oo ay ka mid yihiin:

Cumar Laangadhe iyo Jacaylkii Ina Suldaan!

Urugiyo xusuus baa
asaraarka faallada
saqda dhexe abuuree
umal iyo ladh soo kaca
wakhtiyada inkaarta ah
maxaa lagu illoobaa? Hadraawi

Inta nolosha waydaaratey waa intanu iskugu dhaw nahay, dhex marayaasha magaaladu waa asxaabtayda, af miisharada afka dhaadheer laygama ag waayo, xalqadaha xumaanta lagaga sheekeeyo waa marfushyadayda,salaada iyo sadaqada sanaddo horaa iigu danbeysay waayo, badanaa inta wax shaxaada ayan sii shaxaada, shaydaana wuu I duufsadey.

Monday, February 13, 2012

SHIRQOOLLADA SOOMAALIYA: GAAL MAXASTA KUU DHAWRA OOD MAGANSATAA DHAAMA!


Sida qaalibka ah hagardaamooyinka aadanuhu isu dhigo waa noocyo badan yihiin waxayna ka dhacaan inta u dhaxaysa min dadka caadiga ah ilaa nidaamyada dawladaha ama gudahooda gaar ahaan jilayaasha siyaasadda ama dibedooda xiriirka ay wadamada kale la leeyihiin ayadoo falkaas loo maro si sir ah ama si caad ah.
UJEEDKA LAGA LEEYAHAY SHIRQOOLADA IYO CIDA FULISA-----
Ayagoo u kala baxa kuwo xadeysan oo muddo kooban jira iyo kuwo halis oo daba dheeraada hadba inta ay la’eg tahay danta laga leeyahay, waxaa in debin la isku rida badaanaba asaas u ah hanka ay ka qabto cida dhigaysa shirqoolka inay ka gaarto dhinaca kale dano ay marka is leedahay waa ka faa’ideysan kartaa si toos ah amaseba si dadban ayadoo falka ay hirgeliyaan dhowr wadan oo isku garab iyo kuwo kale amase wadan qura mid ahaan.

Saturday, February 11, 2012

Sidee sumcad loo helaa?

Maansada SUUR waxay hogo-tusaalaynaysaa guud ahaan nolosha. Waa midho iyo miid ka soo maaxday maskaxda Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame). Aan gaar u xuso in maansadu iftiiminayso sida loo helo sumcad, sida jidka nolosha aan looga siiban iyo adeegsiga fayow ee Maskaxda. Saboolnimo waxay hormood u tahay cadowga bani'aadamku hadduu helayo cagihiisa kaga ordi lahaa, qaarkoodba kaga ordeen!

WARGEYS MADAX BANNAAN


Wargeys madaxbannaan, waa wargeys kasta oo ka madaxbanaan dhaqaale meel kale ka soo gala oo isku filan. Wargeyska Madaxbannaan, wuxuu u madaxbannaan yahay oo keliya, daymadiisa siduu u sifayn lahaa ama u soo bandhigi lahaa. Intaa wiixii ka dambeeyaa, wuxuu aad ugu dadaalaa, sidii uu u badin lahaa xorriyada dadweynaha iyo aragtiyadooda. Dhinaca kale, wuxuu aad ugu dadaalaa, sidii uu markasta ugu haqab tiri lahaa wararka ka qarsoon iyo kuwa cusub.

Thursday, February 9, 2012

Maamuus

Hees aan u sameeyay marwadayda - Laxanka, Luuqda iyo tumistu waa Mustafe Macallim Caydiid.

Hooyo fahmi maysid!


Yaasiin wuxuu ahaa inan yar oo 13 jir ah, wuxuu aad u jeclaa in uu ciyaaro kubada cagta iyo in uu daawado ciyaaraha feedhka. Maalin maalmaha ka mida, isagoo ku hor ciyaaraya gurigooda hortiisa, ayuu sheeda ka arkay aabbihii Nuur iyo hooyadi Qamar oo gurigooda hor taagan, wuxuu arkay hooyadi oo wajigeeda ka muuqato murugo, wuxuu u soo dhaqaaqay xagi ay joogeen waalidkii, balse intaanu sooba gaadhin ayeey hooyadi dhaqaaqday oo ay gashay gurigii. Wuxuu u yimid aabbihii, wuxuuna ku yidhi:

Monday, February 6, 2012

XOG AAN LA GARANEYN!


“Geyigaan ku noolahay gaadaha adduunyada;

in kastuu gun dheeryoo xogtiis aan la garaneyn?

hadba xubin u gaadhaba Aadmigaa ku geeddiya.”

—Xasan Sheekh Muumin Gorod (1931–2008)



I.

GOOR BAABUURKU uu dhaqaaqi lahaa, kuleylka jiray awgii, daaqaddii aan xigay muraayaddeedii hoos-u-dejdidii aan is lahaa, ayuu wiil yaraa halhaleel iiga soo dhiibay xaashi isku duubanayd. Aniga oo foolkiisa ku maqanaa ayaan waraaqdii ka mahiibay; saa isagu na dib ayuu haddiiba u qooransaday abbaar ay taaganayd islaan xijaabanayd. Jalleecada wiilka waxa ay ka dhiganayd baaq uu iigu tilmaami lahaa; cidda xaggeedii uu iiga keenay farriinta. In kasta oo aan naagtii si daymo lahayd u eegay; si dhib leh ayaan misana u arki karayay indhaheedii halaalaceynayay. Biligtaa qudha… iyo tagsigii oo shaagaggii rogay.

Axmed Gurey ma uu Dhiman | Codkii Shankaroon Axmed

Xuquuqda muuqaalkan: A. M. Yusuf (Wayeel) - wayeel.blogspot.com



Saturday, February 4, 2012

Gabadhu marka hore ha ixtiraamto nafteeda, ka dibna…….!!


Haweenka ayaa intooda badan waxay ka madluumaan ama ay cuqdad ka qabaan  dumarnimadooda ,iyaga oo ku dooda in aanay helin xaqoodii sidaa darteed qaar ayaa yidhaa waxaanu jeclaan lahayn inaanu ragg noqono.