" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: March 2012

Sunday, March 25, 2012

Bal daawo inkaarahaaga!


Waxa la caayayaa kaskaaga iyo garashada suubban ee ka soocda abuurta kale. Haddaa maxaa laguu jaho-wareerinayaa. Waxa la ogaaday goldalooladaada iyo iimaha ku dul gawdiida, waxaana la oddorosay falcelinta aad kaga jawaabi karto qadaf kasta oo laguula badheedho.

Wednesday, March 21, 2012

Sheeko Gaaban: Isma ogid e' is eeg !!!


Had iyo goor, hadh iyo habeen iyo mar walba oo aad aragto way ka walaacsan yihiin oo wer wer inuu hayo ayaa kor kooda ka muuqata kalkooda se ALLA OG.

Sunday, March 18, 2012

WAAN SOO QALDAMAY!


Qulluufan qallaafan,
Waraabe dheg jeexan
Shabeel indho giiran

Waa maxay dadkani tirada badan ee igu xeerani, dadku dhaadheeraa, waaweynaa, sownigan hoostooda ku shiiqay…maxay ii sheegayaan? maxay iga rabaan?…sownigan gariiraya,…hadal…hadal bay i leeyihiin maxaan ku hadli, dadka intaa le’eg maxaan u sheegi weligayba gole kama hadale, laba qof ka badan lama hadale…maya soco waad samayn kartaa…iska hadal hadday ugu bataan qay kugu qosliye, muxuu qosol ku yeeli ma feedh buu kaa jebin....

Saturday, March 17, 2012

Sheeko gaaban: ABU JIHAAD!


Waxa uu fadhiistay derbi. Inta uu kambadhuudhsaday oo haddana kadaloobsaday ayuu dhabanka gacanta saaray. Hortiisa dad badan ayaa isweydaaranaya, haddana waxa uu dareemayaa kelinimo iyo cidlo ciirsila'. Dadka ay dariiqa ku kulmaan haddii ay salaamaan ayaaba naf u ah. Kuwo badani jidka ayayba uga leexdaan marka ay arkaan isaga oo gidaarka fadhiya iyagoo weliba hoosta ka nacdalaya.

Afkeennu Hodansanaa, Ummaddiisuna hiil yaraa!


Han-weynidu yaab lahaa       Hilbay nacaysaa ag yaal

Hibaaqa hareerigee Haadaan ka lushee fogbay

Misana ku hadaaqaysaa, Hal bay hal ugeynaysaa

Hal baanay ka goynaysaa Hadhaa hal ka buuran bay

Misana kugu hawlaysaa, Go’doon iyo hayjad bay

Habeen kugu oodaysaa Huluul laga maagay bay

Hayaan kugu geynaysaa

Maansada Higil, Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) – 2012

Bar-Tilmaameed: Talada Xun horaa loo Eeday!


Afar indhood iyo laba indhood isku si wax uma arkaan; shaqo qof keli ah qabtay iyo ta la isugu tago isku tayo ma noqdaan; talo la’aan waa tayo la’aan.

Nafteyduun-bay ila xantaan - Qaybta 3aad


Sidaas ayey ku kala anbabaxeen Nuur-qurba-joog iyo Oday Faarax iyo Ducaalihii la socdayba, iyaga oo aan calool fiicnaan ku kala tagin, hase ahaate markii ay ka tageen Odayaashu waxa uu Nuur-qurba-joog sii hibanayey hadalo dhex maray oo uu isagu dhibsaday.

Thursday, March 15, 2012

QABRIGII MAALKA - W.Q:: Wayeel

I. 
MAALINTAAS oo dhan, waxa uu sugi l'aa goortii uu uga sheekeyn lahaa naagtiisii, iyo Ibrow Goonle [seeddigiis], walaalkeed iyada ku hooyo ahaa—fiidkii uu labadooda arki lahaa, uga na warrami lahaa xabaasha ku taal aaggii Koodka.

Wednesday, March 14, 2012

Qurba-joog: Maxaa Ceeb la Korodhsaday!


“Qirta Water Gate-yadu ka badan taydun weriseene” – Gaarriye

Warar subag leh ayay u muuqan karaan mas’uuliyiinta xabsiga loo taxaabay magaalada Hargeysa ee lagu eedaynayo weecsiga booshcaddihii dawladda Cummaan ugu deeqday dadka gaajada iyo macaluushu Somaliland ku gabagabaynayaan.

Tuesday, March 13, 2012

Nafteyduun-bay ila xantaan - Qaybta 2aad


Hase ahaate, maalmo kadib waxa isa soo canaantey Nuur-qurba-joog isaga oo yara dareensan inuu khaldamay ama uu meel ka dhacay Oday Faarax, waxaanu Oday Faarax ugu  yimid goor barqo ah Makhaayadii uu ka qaxweyn jireyn ee uu sida joogtada ah u iman jirey, markii uu Nuur  isa soo taagay makhaayadii oo barxad dibada ah lagu bunaynayo ayuu bariidiyey waxaanu yidhi “Shir bariidsan” Waxaana loogu jawaabay soo fadhiiso.

Monday, March 12, 2012

Nafteyduun-bay ila Xantaan!


Oday Faarax waa nin weyn oo aad loo garanyo. ma jecla inuu dhulkiisa hooyo meelna uga baxo, waxana uu ku nafisa salaanta aroortii dadka garanayaa ku qaabilaan.
Marka uu suuqa dhexdiisa talaabsanayo ama uu qaadayo waddaada weyn ee halbowlaha u ah Hargeysa, gaar ahaana uu ku beegan-yahay Cusbitaalka weyn illaa aaga Madaxtooyada waxa aad dareemaysaa haddii xataa aanad garaneyn in si weyn loo qiimeynayo. taasoo ay kuu cadeynayso bariiradda dadka ay jidkaa ku kullmaan uu ku qabo.

Monday, March 5, 2012

SHEEKO GAABAN: Xeebtii Kalgacalka!


Gabalku waa sii dhacayaa,  oo cad-ceeddu iyada oo dhar dahabiya xidhan waxay u sii gur-guuranaysaa godkeeda. Waxaanay gayiga ku sii sagootinaysaa falaadho casuusa. Falaadhahaasi marka ay foolkaaga ku dhacaan waxay ku hilmaansiinayaan wixii aad huq iyo hagar-daamo maalintaa mudatay. Waxaanay kugu soo noolaynayaan dareenno muxubo iyo kalgacal isugu jira oo aad u qabtay inta xidhan mariyo dhixir oo gudahaaga ku dhadhay markii aad qaan gaadh noqotay.

HAL MUCEEDYADII TIMACADDE: Midh la baxa Maansada dawladnimada, midnimada & qabyaalad-diidka – W/Q. Dhamme Maxamuud - Q.1


Haddiiba dib loo milicsado qaab-nololeedkii bulsho ee soomaalida qarniyo yar ka hor, wuxuu si walba uga duwanaa kan maanta ee badi magaaloobay. Beeshii raacatadu waxay lahyd qiimaynteeda iyo qadirinteeda waxyaalaha u gaarka ah. Doorka gabayga iyo gabyaagu ka ciyaari jireenna waxay ahayd mid aad iyo laxaad leh oo ka saamayn badan ta maanta. Abwaanku ma ahayn curiye maanso kaliya, waxse uu ahaa ‘xoghayyaha warfaafinta’ iyo warbaahinta (radio) kaliya ee jirtay.

Thursday, March 1, 2012

Shaadhka uskagga ahi Cadar uma baahna!


Waxa magaalada Hargeysa guddiga golaha deegaanku ay ka bilaabeen olole ballaadhan oo ay ku qaadeen goobo kala duwan oo ay u arkayeen inay dhaawacayaan bilicda magaalada.