" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: December 2012

Sunday, December 30, 2012

Haddaan noolaado! W.Q: Barkhad M. Kaariye

Qof waliba degdeggiisa wuxuu u egyahay mid ku socda ballan uu ka habsaamay ama shaqo laga sugayo. Dadku waxay u wada muuqdaan kuwo igu cusub, marka laga reebo dad tiro yar oo markay iga hor yimaaddaan aanu is-weji garanayno ama is-magac-dhebi karno. Sababtoo ah, halka aanu joognaa maaha dalkii hooyo ee waa qurbe. Aniga oo baalla-daymoonaya, ayaan maqlay dhawaaq ii yeedhaya, “Barkhadoow, waryaa Barkhad!” Maskaxdayda oo markaa ku maqnayd dhugashada dadka iyo deegaanka kala duwan, ayaan garan kari waayay halka dhawaaqu ka baxay. Mar dambese, ayaan gartay in dhinacayga dambe layga yeedhay, markii aan ku jeestayna arki waayay qof aan garto oo ii yeedhay. Haddiiba aan iska jeestay oo aan mar kale ku mashquulay wixii markii hore maskaxdayda iyo indhuhuba ku maqnaayeen, haddana mar kale ayaan maqlay dhawaaqii! Jalleeco labaad baan ku celiyay dhinacayga dambe, mise waa wiil yar oo dhalinyaro ah oo aanan hore u arag!.

Monday, December 24, 2012

Saddex Wallaahiyood af-Soomaaligu waa afkiinii! W.Q: Saida Sh Axmed

Maalin baa waxaa meel ka dhacday dood ku saabsanayd dhibaatada dhirta lagu hayo iyo badbaadinta dhirta. Dooddii qofba meel ayuu kaga hadlay, laakiin. Qoraa Axmed Deeq oo doodda soo galay baa hadal culus meesha ka yiri oo ahaa;
“Dadka ha loogu dhaarto in ay dhirta iyagu leeyihiin” isagoo inoo sheegaya in aysan Soomaalidu ogaynba in ay dhirta iyagu leeyihiin. Taa markaan arkay wax badan bay i xusuusisay, waxaana igu soo dhacay wax badan oo aysan dadku malaha wali ogeyn in ay iyagu leeyihiin, ha ugu horreeyee afka Soomaaliga, oo dadkiisii iyo dalkii looga hadli lahaaba gudahiisa, meel kasta oo ay dawladdu ama xukuumaddu wax ka qabanayso, inta badan boorarka ay ku qoran yihin afaf qalaad. Waxaa taas sii dheer, xittaa isla xiriirka bulshada oo inta badan ay kula sameeyaan afaf qalaad. Haddii aad se is tiraahdo wax ka dheh ay afar raaciye dagaal kugu soo qaadayaan, iyagoo ku tusaya inaad meelaha wadwaddo wax aan loo baahnayn, oo isu arka iyaga in ay afafka qalaad dad ku yihiin.

Sunday, December 23, 2012

Mahuraan is-collaysta! W.Q: Barkhad M. Kaariye

Waa mahuraan aan kala maarmin, iyaguse isu muuqda. Ma jirto dan daruuri ah oo kallifaysa dirirtooda, haddana isma gafaan. Labaduba way hubaysan yihiin, haba kala khatar badnaadaane. Bal ka warama, ninka hubaysan, aqoon-darro hayso, hadhowna cadhooda? Way jirtaa dan guud oo ay wadaagaan, haddana khilaafkoodu ma daarrana dan ilaalinteed. Mid kasta waxa duunkiisa ka guuxaya wax lagu qufulay oo ah in cadowga kaliya ee uu leeyahay uu yahay ka kale!.


Saturday, December 15, 2012

Masareey: Xagee baad u socotaa? W.Q: Axmed-Deeq

Masareey, duruufo adag iyo dar-xumooyin badan oo dushaada ka muuqda, marka aan is idhaa qalinkayga u qaadaba, damiirkaygu wuxuu i leeyahay: Adiga oo Soomaaliya, Masar waxba kama sheegi kartid, waxna uma sheegi kartid. Markaasan iska dhigayaa. 

Thursday, December 13, 2012

Ceel Walwaaleed – W/Q. Axmed Ibraahin Cawaale

Waxa dhulka Hawdka ah ee carriga Soomaaliyeed ka jira ceelal-gacmeedyo aad u dhaadheer oo qaarkood dhererkooda gaadho ilaa 12 baac (baac: waa qof sarejooggiis oo weliba gacmahiisu kor u fidsan yihiin), dhex-roorkooduna yahay hal baac. Ceelashaas qaarkood waxa lagu dhisaa (inta ciidda ah ee looga baqa qabo dumitaan) xakab qoryo ah si aanay u maax dumin, waxa se jira qaar laga qoday dhul adag ama dhagax ah oo aan howl yari ku dumin. Haddaba si si dhib yar loogu dhaadhaco ama loogala soo baxo biyaha, waxa dhabannada ceelka laga xordaa godad yar yar oo lagu cuskado faraha gacmuhu ama kuwa lugaha marka la qodayo, la dhooba qaadayo, ama wax ku dhacay laga soo saarayo.

Monday, December 10, 2012

Degel yahow ba'ay yaa ku leh? W.Q: Saddam Carab

Waxa ay ahayd galab isniineed. Waxa aan dhex qaadayey qaar ka mid ah mareegaha soomaalida ee wararka iyo weceelka kaleba lagu qoro. Waxaan badanaa booqdaa mareego ii astaysan, oo qoraallo iyo qubanayaal kale ka buuxaan. Kama aan madhnayn bar-bulsheedka sida geel harraadani darka ugu hayaamo, ay dadku ugu hoobtaan hareer kastana ka joogaan. Waa mareegta fays-buug (Facebook) oo kulmisay kumannaan aan is aqoon iyo kuwo kala dhuuman jirayba. Waa madal aqoon iyo akhlaaq wanaag laga barto, anshax xumo iyo edaab darrona laga helo, qofbana waa dookhii iyo darka uu ku arooro.

Saturday, December 8, 2012

Maxaad ka taqaannaa Haweenka? W.Q: M. M. Kastam


- Shucaaca farxaddu waxa uu ka soo burqamaa haweenka oo iftiimiya madowga nolosha.
 
- Dahabka waxa lagu tijaabiyaa dabka, haweenkuna dahabka.
 
- Haddaad damacdo hantidaada inaad qariso, haku qarsan carrab haween hoostood.- Haweenku waxa loo diido way doonaan.

Waa Maxay Xorriyaddu? – W/Q. Xamda Maxamed Cigaal

Waagii aan yaraa waxa aan dugsiga hoose ku dhigan jiray sheekooyin badan oo ku saabsan isticmaarkii guud ahaan qaaradda gaar ahaanna dalkeenna haystay qarnigii 19aad dhammaadkiisii iyo kii xigay bilawgiisii, waxa ay bareyaashu noo dhigi jireen gabayo tiro badan oo abwaanno Soomaaliyeed u tiriyeen iyagoo ku caydhinaya gumeeyaha, ugu danbeyna waxa ay hadal gaw ku siin jireen dedaalkoodaa ka dib in waddanku xorroobay.

Wednesday, December 5, 2012

Maanso: Maxaa laysu dhaarsaday? - W.C: Yasmin Maxamed Kaahin

Maansadani waxa hal-abuurtay Yaasmiin Maxamed Kaahin, waxaanay curatay 05/12/2012. Waxay diiradda saaraysaa oo ay ka hadlaysaa muhiimadda nabadda, dhibaatada dadka dhuuniga dhaafsada dal jira iyo sidoo kale, in muranka doorashada golayaasha deegaanka ee ififaalihiisu muuqdaa aanay noqonin mid halis geliya bulshada nabadda ku caano-maashay ee Somaliland. Waxay digniin u tahay da’yarta, waxay dardaaran u tahay da’weynta iyo inta dareensan dhibta ka dhalan karta haddii muran ku salaysan kursi-doon iyo dano-shaqsi ay sii xoogaystaan.


Hoggaan habboon iyo hoggaamiye hubban! - W.Q: Bashiir M. Xersi

Hore waxaan u qormay qormo ahayd: “Foolal cusub iyo Faro Caddaana” oo aan ku cabbiray in inta dagaal iyo dirir ka qaybqaadatay aan talo iyo xil naloogu dhiibin, isla sidoo kale aan xil naloogu dhiibin ...inta musuq iyo is daba marin samaysay. Qormadii xigtayna waxay ahayd: “Haraadigu yuusan kala harin!” oo aan ku xarriiqay in aan kuwii xilka hore u soo qabtay aan dib loo soo celin. Haddaba qormadan gunaanadka u ah halbeeggaa, ayaan ku qeexi doonaa HOGGAAN la’aan inaan dhibkan laga baxayn, ee aqris wanaagsan.

Tuesday, December 4, 2012

Shaqo ma doonaysaa? Halkan ka eeg!

Shaqo ma doonaysaa? HALKAN KA EEG (CLICK ON HERE)

 

Fahan-diineedka "Saar" - W.Q: Cabdillaahi Janno

Waa xujo:
Haddii burur kaa dhab yahay,
Billaabada dhiig u yeel,
Helleey helleey!

Raggu markuu meeriska kore maqlo, way is jarjaraan. Dhiig iska keenaan. Ama fuley ha ahaado ama geesi. Ama doqon ama fariid. Wuu xujeysan yahay. Waa waaqaca saarka. Waa dhaqan aan dhammaad laheyn—sida dagaalka sokeeyaba uu u jiitamayo. Dhiig. Dhiig. Dhiig.

Monday, December 3, 2012

Sug Cadceedda maqan! – W/Q. Maxamed Saleebaan Cumar

Muran kama joogo inaynnu ka isirannahay dhoobadii laga abuuray aabbaheen Aadan. Dadka oo dhami way siman yihiin, ma kala sarreeyaan, mana kala sed roona. Waxay ku kala mudan yihiin kaalinta ay nolosha kaga jiraan iyo sida ay uga jawaabi karaan ujeeddooyinkii loo abuuray. Kuwa tookha badan, kuwa faana, kibra ama qabka iyo qabyaaladda nooleeyaa waa kuwa aan halkan iyo halkaas toonna waxba ku lahayn.

Ma jeceshahay inaad qoraa noqotid? – W/Q. M.M. Kastan

Runtii ma aha wax sahlan, in aad qalin qaadatid oo mowduuc muhiim ah aad wax ka qortid. Qoraalku, waa wax aad u dhib badan, aqoon iyo mawhibadna u baahan. Qof kasta wuu noqon karaa, Suxufi, laakiin, qoraa ma noqon karo. Qof kastaa, in uu suxufi noqdo, waxa ku fulan, in uu barto Five [W] and [H] oo fure u ah habka ama hababka loo diyaariyo wararka. Inta kale waa isaga oo ku dadaala, sidii uu isu horumarin lahaa una ilaalin lahaa anshaxa Saxaafadda.

Maxaad adigu baratay?

Wuxuu ku yidhi; “Muddo ayeynu wada soconay ee maxaad igu baratay saaxiib?” Wuxuu ninkii kale ugu jawaabay; “Masalooyin badan oo ay ka mid yihiin:

Ma Toshe, Ma Tashade! - W.Q: Rooble Maxamed

Wuxuu bustaha isku sii duuduubo oo uu is bakhtiiyaba markay subaxdii cadceeddu kululaato ee carruurtu iskuullada u kala dareeraan ayuu macawista haabhaabtaa. Intuu hareeraha daymoodo ayuu hubsadaa inay cid kele qolka hurdada ku labayso, markuu ogaado inuu keligii yahay buu isaga oo wejiga marmaranaya suuliga daf yidhaahdaa. Sanqadho badan ka dib ayuu soo baxaa isagoo waxoogaa biyo ahna dusha iskaga soo shubay welina indhaha marmaranaya oo isku dayaya inuu saani u wada tooso.