" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: April 2012

Wednesday, April 18, 2012

Gabaygii ma Dhiman, Dhaawacna ma'aha!

abdullaahi Xaaji,wariyeha hawlgabka ah ee BBCda laanteeda af Soomaaliga, ayaa horraantii 1980aadkii waraystay gabayaaga caanka ah ee Cabdullaahi-Dhoodaan. Su’aalihii uu Cabdullaahi Xaaji waydiiyey Dhoodaan waxaa ka mid ahaa:
    Cabdullaahi Xaaji: Gabayga Raage Ugaas ayaa billaabay sow ma aha?(1)Cabdullaahi-Dhoodaan ayaan ka qoray bishii Juun, 2009kii, Diridhaba. Waraysigu eray eray sidan uma ahayn ee ujeedada ayaa sidan ahayd.
    Dhoodaan: Maya, Raage Ugaas gabayga ma billaabin ee waa uu bacrimiyey.
    Cabdullaahi Xaaji: Laakiin Raage Ugaas cid ka horraysay oo gabayday lama hayo?
    Dhoodaan: Adiga unbaa sidaa isaga maleeyey ee gabaygu inta ay Soomaaliyi jirtay oo dhan waa uu jiray, qofkaas ayaa billaabay cid ku odhan kartaana lama arko.
    Cabdullaahi Xaaji: Ninka Soomaaliga ahi markii uu gabyayo muxuu isu amaanaa?
    Dhoodaan: Waa khalad hirgalay, war ka daayana cidi ma odhan.

Tuesday, April 17, 2012

Cabdinuur Allaale iyo Xusuusta Halabuur Ibraahin-Gadhle - W/Q. Maxamed S. Cumar


Qormadani waxay koobaysaa xog-waraysi khaas ah oo uu weriye Xasan Maxamed la yeeshay Fannaanka Cabdinuur Allaale. Waraysigan waxa uu Allaale kaga warbixinayaa maraaxiilkii suugaaneed ee ay soo martay maansada Abwaan Ibraahim Gadhle. Wuxuu sidoo kale si faahfaahsan uga warramayaa taariikhaha, dhacdooyinka iyo sababaha ay ku curteen qaar ka mid ah heesaha Gadhle ee uu qaado AHN Maxamed Mooge. Ugu horreyn se, aynu milicsanno Allaale oo ka jawaabaya weydiimo ku saabsan sooyaalkiisa faneed iyo mahadhooyinkiisa kale. Waraysiguna wuxu u dhacay sidan:

Saturday, April 14, 2012

ABUU RIMAAYAH: ASSASSINKA SARTII MAWDKA

Coomaadi (Coomaadde)
Qoonkii Wadaadka ba beryaa Eebbe qooqsaday e
Afarta qalbadood iyo mar bay dunida qaateen e
Kuman qooraggoo' iyo lug bay col u qalqaaleen e
Dad towxiidka qirayay ka qarjafsiiyeen e
Qorrax saacad joogtiyo barquu qaamudkood galay e
Cirkaa lagaga soo qayay rasaas gaal ku soo qubay e
Dabadeed na qoys laga ma arag toban qof mooyaan e— 
~Abwaan Ayax Dhawre Dagaal (AUN)

Wednesday, April 11, 2012

Qof is-diiddan baan ahay!

Habeenka oo badh tegay baa, hammigu lammaan yahay, hurdo igaba dheer tahay, Haatuf ila hadlaayaa, hawl ii bandhigayaa, heegada dad aadoo, hawlkarnimo la yimidoo, horu-socod sameeyuu, iska daba huqleeyoo, hiigso uun I leeyahay. Wuxuuse moog yahay inaan ahay qof is diiddan oo xubnihiisu gadood iyo cadho ku Kala maqan yihiin. Xubnahaygaa kala maqan, xanuun baa halakeeyoo, midba gees u xidhoo,  xaafadi xaafad ma gaadho, xanaf baana dhextaal, iyo xumaan ay kuba beertay, in xun oo xilka haysay,  xilli aad u fogayd.

Sunday, April 8, 2012

SHEEKO GAABAN: Dayac Waalid!


Habeen kii oo dhan waxaan ku dhammaystay sariir uu yaallay dhinaceeda. Kolba waan soo hinqannayay, madaxa oo aan taataabto mooyee awood kale oo aan wax ugu qaban karayay may jirin. yeedhmadiisii taahii iyo jibaad kii xumaddii lagu shaqlay ee uu dhinaca la dhigi la’aa ayaa iga goynayay fikir iyo walaac aan noloshiisa aan ka walaacsannaa.  Saacaddu markay tahay kowdii habeenimo ayaan ku fekeray in aan magaalada ka soo raadiyo meel furan oo aan kiniin xumaddeed ama goob gargaar degdeg ah lagu sameeyo ka dayo.  Waxaan kaga bilaabay oo aan orod ku imi cusbitaalka wayn ee Hargeysa, waxaan ku xigsiiyay, dhammaan cusbitaalada gaar ka loo leeyahay ee magaalada intii aan orod iyo gucle ku gaadhi karayay oo dhan. Meel furan waan soo waayay. Cusbitaal ka wayn oo albaabka wayn ee birta ah ee koonfur u jeedaa uu furnaa mooyiye.