" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: May 2012

Monday, May 28, 2012

Jihaadkoodu waa dhagar!

Magaceygu waa Cabdi, waxaan ahay 19 jir ku barbaaray magaalada Muqdisho, kana dhashay qoys ka tirsan dariiqada suufiyada loo yaqaan.

Aniga oo 13 jir ah ayaan ku biiray Shabaab sanadku markuu ahaa 2006, xilligaas waxaan isku diyaarinayay inaan galo imtixaanka dugsiga dhexe loogu gudbo, laakiin waxaan sii wadidda waxbarashada ka doorbiday inaan qori qaato oo aan dagaallada dalka ka socda qeyb ka noqdo.

Caddaaladdu waa aasaaska Hoggaaminta – W/Q. MM Kastan

Lord Georgo,ayaa lagu yidhi maxaa ugu wacan dhammaan kuwii aad mar xukunka wada qabateen ee waddamada kale xukumi jiray beri hore ayay wada daateen adiguna wali wax baad xukuntaa?

GORFEYN: Xuska Maalinta Xorriyadda – W/Q. Maxamed Saleebaan Cumar

Si waafi ah ugama fekerno sababaha aynnu fal kasta u samaynno, mana halaanbaynno saamaynta arrin kasta oo dadnimadeenna iyo ummadnimadeenna lama-huraan u ah. Taasi waxay keentay inaynnu ku noolaanno, kuna naalloonno nolol sabbaynaysa oo aan lahayn halbeeg laga qiyaaso gedgeddoonka tagtadeeda iyo timaaddadeeda. Si taas la mid ah, sababtaas ayaynnu u garan la’nahay halka aynnu ka nimid iyo oddoroska bar-dhammaadka hayaankeenna. Waxa bannaan kaalinta kaskii saalloonaa ee fal iyo falcelin kasta ku ladhi jiray miyirka, xasilloonida iyo hubsiinada; iyo garashadii sugnayd ee sida furan u naaqishi jirtay fallaadkeeda.

Wednesday, May 23, 2012

Dhigis aan lagu dhafrin – W/Q. Idiris M. Cali

Asteyaasha qoondaysan ee tibxaha afku waxa ay innaga haqabtireen qorista afka iyo far u samayntiisa. Wixii ka dambeeyay soddoniyo-sagaal kal na, farta ay asteyaashanu suubbiyeen guulo badan ayey afka u soo hoysay: Suugaan badan oo lumi lahayd baa kaydsantay; barbaar faraweyn ayaa la soo kortay, oo teer iyo hirgelinteedii wax ku soo qorayey—jiilalka daba-socday na wax ku soo barayey. Fartan curdinka ah, ee aan wali gaarin heer ay mid qunsan ahaato oo qaamuuskeedu jiro, dhalliilaha loo soo jeedin karo way badan yihiin. Waxaa na suurtagal ah in ay dhalliilahani badhigantaali karaan kobaca farta, iyada oo dhanka qorista laga eegayo.

Ma xorbaad is-moodaysaa? W.Q: Saddaam Carab

Si aan gabasho lahayn ayaa loo caayayaa fikirkaaga , loo ceebaynayaa aragtidaada, waxaana la ciideeynayaa kaskaaga, la cidhib tirayaa tafta gobbeed ee kugu gibilaysan, waxa lagu saarayaa si gabbasho la’aan ah mid guneed, waxa la durayaa qofnimadaada qurxoon, waxa ladooxayaa damiirkaaga nool, waxaana la dilayaa dareenkaaga togan ee aad kaga dhiidhido xumaha kuna dhuggato wanaaga, Markii la arkay marinka toosan eed tubaysatay ayaa laguu muujiyay innaad waddo aan sax ahayn toobiyaysatay, waana lagugu qayliyay markaad qumanaatay, waayo waxa markii dambe lagugu qanciyay sidii la rabay aakhirkiina waad aqbashay.

Tuesday, May 22, 2012

SHEEKO GAABAN: Shuruud baa ku xidhan!

Qalinka: Barkhad M. Kaariye

Ugamaan baranin in uu ordo, balse degdeggiisa ayaan ka gartay in uu wax cusubi jiraan, intii uu igu soo socdayse waxaan ku ducaysanayay in aanu war xun ii sheegin. Sidii uu u soo ordayay ayuu agtayda soo fadhiistay, hadba wuxuu u holladaa in uu ii sheego waxa jira, haddana waxa ka dhex gala neef-tuurka oo wuxuu isku dayay in uu xiiq-tirto. Aamus nasasho ahaa ka dib, wuxuu ii bilaabay wixii uu doonayay in uu ii sheego; “Maanta waxaanu is-raacnay guddoomiyihii iyo xubno kale,” ayuu hadal ku bilaabay. Aniga oo garan la’a guddoomiyaha iyo xubnaha uu sheegayo ayaan waydiiyay, “Guddoomiyahee?” markaasuu inta uu wejiga ururiyay igu yidhi, “Waar niyow wax walba ciyaar ha ka dayine na dhegayso. Anigu ma ogayn shirka jira, laakiin markii aan raacay ayuu na geeyay goobtii shirka.” Wali aniga oo aan fahmin guddoomiyaha uu ka hadlayo, ayaan isku dayay in aan iska dhigo in aan fahmay, iskuna dayo in aan sheekadiisa ka dhex helo cidda uu sheegayo iyo ujeedada shirka, cidda qabsatay iyo halka lagu qabtay.

Wednesday, May 16, 2012

Af qalaad aqoontu miyaa?


Af Qalaad Aqoontu Miyaa?
Barkhad-Ladiif M. Cumar
Dhalinyaradda Saaxafada ka hawlgasha iyo dhalinyaradda NGO-yadda ka xoogsata,ayaa isku haysta jiritaanka Afsoomaaliga iyo la dagaalanka Af-Soomaaliga. Sidan u leeyahay, dhalinyarada NGO-yadda ka shaqaysaa ay inta badan isku dayaan inay ku hadlaan erayo Ingiriisi ah, kuwaas oo jahawareer ku rida dadka Soomaalida ah ee ay la hadlayaan, gaar ahaan dadka ku nool miyiga oo aan afkoodda mooyee af kale marti u noqon,    halka arrintaasi cakiskeeddana ay sameeyaan dhalinyaradda ka hawlgasha saxaafaddu dedaal ay ku ilaalinayaan inaanu lumin afkeenna hooyo, maadaama oo bulshadeena qayb ka mid ahi weerar u tahay burburinta af Soomaaliga.

Beenaalaha u raac illaa albaabka gurigiisa - W.Q: M.M Kastam

Bartilmaameed: ‘Beenaalaha U Raac Ilaa Albaabka Gurigiisa”
M.M. Kastam
Masraxa Siyaasadda


Qofka aadka ugu baahan afkiisa waxa ka soo yeedha in uu ilaaliyaa waa siyaasiga. waxa hoos-u-dhac ku keenay hadallo ka soo yeedhay. Siyaasiyiin badan ayaa aad isu qoomameeyey, iyaga oo ka xumaaday guuldarrada ay kala kulmeen hadallo ka dhacay oo ay u malaynayeen in ay guul ku gaadhayaan.

Tuesday, May 15, 2012

SHEEKO GAABAN: Nabsigaygu Kuma Helo!!

Bariido san dabadeed, erayada farriintani xanbaarsan tahay waxay ka soo liigayaan qalbi naafoobay, naf qarracantay iyo maan qayirmay. Waxaanay ku aaddan yihiin wiil-ku-sheegii hanaqa iyo halbowlaha jaray hoobaan la moodaa hilbaheedu quban yahay. Haddaba, qaladba ha igu ahaatee, aniga oo waqtiga kuu dhawraaya waxaan isku dayay inaan hadal-tirada badan ka saaro, oo aan nuxurkeeda uun kuu soo gudbiyo ee adigu falkiso oo falanqayso. Waxaanay u dhignayd sidatan:

Monday, May 14, 2012

Sheeko iyo Shaahid: Baratan Suugaaneed – 2012 Tartankii 5aad

(La deg Xeerka oo ah PDF | ka qayb qaado wanaajinta)

Bandhig

Seeska Dhaqanka ee REDSEA-ONLINE (Redsea-Online Cultural Foundation) iyaga oo duulaya fikradda aasaaska u ah ee ah inay ka qayb-qaataan wax kasta oo horumarinaaya taabbagelinta dhigista, fidinta hiddaha iyo suugaanta, xoojinta fanka iyo farshaxanka; islamarkaana taageeraya dhaqanka qorista iyo akhriska iyo guud ahaan kobcinta qoraalka Af-Soomaaliga, waxa ay soo bandhigayaan Kulankii Shanaad ee Baratan Qarameedka Curinta Suugaanta "Sheeko iyo Shaahid".

Saturday, May 12, 2012

HOW TO TELL ABOUT ISLAM TO NON-BELEIVERS by Dr. Bilal Philips

Dr. Bilal Philips had paid a visit to Hargeisa, Somaliland on 17 December 2011 and held a lecture about different angles on ISLAM and how he became a Muslim in Hargeisa University.

HA I RAADSAN - HEES CUSUB

Ereyada iyo laxanka: Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (WEEDHSAME) - www.hoygaweedhsame.com
Codka: Mursal Muse Cumar
Muusigga: Cabdiweli Ibraahim (Furinle)

Monday, May 7, 2012

Afkeenii sowkaa abaaday!!

Hawraar hore oo Soomaaliyeed ayaa ahayd Nimco waliba Nusqaanleh, luuqada Af-soomaaliga marka dib loo eego waxay ahayd luuqad hodan ku ah dhinacasuugaanta iyo sarbeeb, si xikmadaysan oo ay dadkii hore isku dhaafsan jireen hadalkooda,iyadoo xilliyadaas oo qarniyo ka hor ah aanay jirin, aqoon iyo walibafarsamooyinka casriga ee waqtiyadan dambe wax walba  fududeeya, balse imika oo aqoonta iyofarsamooyinka loo yaqaan afka qalaad (Technology) ay adduun waynaha iyo dalkeenabaku soo badanayaan, isla markaana adeegsigoodu uu yahay lagama maarmaan, ayaadmoodaa inay yihiin qaar dagaal dadban kula jira Afka Soomaaliga, marka lagaeegayo dhinaca adeegsiga iyo isticmaalka magacyada agabkoodu ka kooban yahay.

Thursday, May 3, 2012

Geeddu xeer ma leedahay? - W.Q Maxamed-Baashe X. Xasan


Ku-qabso ku qadi mayside! Cadyahow ama ku cunay ama ku ciideeyey" waa isirrada taban ee aan hore Somaliland siyaasaddeeda ugu  badnayn ee ka soo kabbacaya hadallada iyo falaadyada isa soo taraya ee ka soo yeedhaya dharaarahan qaar ka mid ah ururradii ka hadhay tartanka ururrada siyaasadda ee Somaliland, kaas oo dhowaan Guddida Diiwaangelintu natiijadii ka soo baxday ay ku dhawaaqday. "Waannu muddaharaadaynaa!