" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: 2013

Wednesday, December 4, 2013

Calooshii Currigu Qaatay! W.Q: Saddaam Carab

Wuxuu yidhi: Baryahaa si aad ah baan u cuni jiray qaadka. Galinka hore, ka dambe iyo habeenkii ba afkayga caleen cagaaran oo budulsan waa lagu arki jiray. Xataa cuntada isaga ayaan ka jeclaa. Faan iyo farxad labadaba waan ku qabay. Waayuhu se mar walba ma samaado. Maalin baan soo taaban waayey Qaadba. Xiin badan iyo xuuraan ba waan u galay. Cid kasta oo aan ka heli kareyey waan ku cabaaday. Albaabbo badan oo aan garacayna waan ku hungoobay. Nasiib darro maan helin wax aan ahayn daal. Haa, daal awgii baan qaad la’aan gogoshaydii ku gataati dhacay. Aniga oo aan geesna eegin baan hurdo dhex muquurtay. Maba aan ogayne show dayn badan baa la igaga lahaa furaashka! Habeenno ayaan sidooda soo jeed ugu idleeyay. Habeenno waabari ayaan seexday. Furaashkuna intaasba malaa wuu ii kaydinayey. Markaas baa wixii baaqi igu ahaa oo dhami habeenkaas isa soo fayliyeen. Khuuradaydii ayaa degdeg u bilaabantay. Laakiin waxyar ba maan hurdin kolkii qabtani dhacay;

Friday, October 4, 2013

DUNIDA AAMUSAN: Daawo barnaamij loogu talo-galay dadka aan wax maqlin!

DUNIDA AAMUSAN: Waa barnaamij loogu talo-galay dadka aan hadal ama aan wax maqlin. Waa luuqadda loo yaqaano 'Luuqadda aamusan", balse way fahmi karaan cid kasta oo wax akhridaa, sababtoo ah, qoraal baa la socda. Wuxuu gudbinayaa aqoon - Diin iyo maaddi ba ah. KA DHUGO HALKAN, una gudbi cid kasta oo aad ogtahay in uu anfici karo.

Barnaamijkan oo taxane ah waxa laga heli karaa; www.sirsomali.com


HALKAN HOOSE KA DAAWO...

Wednesday, October 2, 2013

Armuu Xirsi waddooyinka dhistaa!! W.Q: Cabdillaahi Cawed Cige

Dhaliilaha dawladda Somaliland ee uu A. M. Maxamuud Siilaanyo madaxa ka yahay way badan yihiin, canaanta odhanaysa ballanqaadkoodii xilligii doorashada ka ma ay soo bixin wax baa ka jira, meelaha qaarkood maamulku si maqluub ah ayuu wax u maaraynayaa waa la odhan karaa, dulqaadka dhaliilahu wuu ku yar yahay ayaad mooddaa; intaas oo dhammi se waa kolka goldaloolooyinka maamulka la raadinayo.

Tuesday, September 17, 2013

Sunday, September 8, 2013

Waxay ahaayeen Kala laba! W/Q, Saddaam Carab

Habeennimadaas buug aan akhriyayey ayaan xilli dambe dhammeeyay. Waxa uu ahaa buug xiise badan, xaashi kasta oo aan rogo waxa ka xiiso badnayd midda xigtay! Xarfaha quruxda badan iyo xarakaadka yaabka lahaa ee ku dhignaa ayaa qoraaga buugga iyo aniga iskaayo baray.

Saturday, August 31, 2013

JACAYLKII SHAASHOOBEY! - W.Q: Siciid M. Axmed

Wali Jacayl bukooday ma kuu yimid? Ma ku weydiistey daawo? Ma kuu sheegtey dacar iyo dakano u diidey hore iyo diba inuu u socdo? Ma kaa codsaday baadhitaan iyo baanasho laxaad leh? Dabadeed, ma baale daymootey? Ma is tidhi buskee oo baano nabarkan fidee boga, beerka, dhabarka iyo xanjaadkaba ka haleeley jacaylkan jariban?

Wednesday, August 28, 2013

So you want to work in development? Check out this guide

Many young people are desperate to work in the sector, but how do you decide which roles suit you most? Help is at hand – explore our development flow chart
View larger picture
Not sure where you'll end up in development? Take our careers flow chart

Kenyan doctor uses cancer drug to stop HIV progress

Five Kenyans appear to have overcome the HIV virus, boosting hopes of getting a cure for the world’s deadliest virus. The five, who include two men and three women, seem poised to join a handful of other people believed to have been cured of the virus, says the man leading the clinical trials of the uncoventional regimen, Dr Barasa Situma.

Hees cusub: Faysal-Golis iyo Amran-Star

Monday, August 26, 2013

Bandhiggii buugga Baraarug iyo Hargeysa!

Falsafadda taranka bulshooyinka iyo Islaamka - W.Q: Mahdi Sheekh

Robert Maltos oo ahaa dhaqaaleyahan reer Ingiriis ah (1766 – 1834), waxa uu ku caan baxay aragtida in tirada dadka dunida ku nooli sii kordhayso, kheyraadka dhulka guudkiisa Rabbi ku mannaystayna gabaabsi yahay, sidaasi awgeed loo baahan yahay in dib loogu noqdo xisaabta taranka qoyska. Aragtidan ayaa Buuq iyo doodo badan ka dhalisay caalamka guud ahaan,  gaar ahaana culimada ku takhasusay Cilmiga Bulshada, waxana lagu naanaysay  “aragtidii Baaseysiga”. Horumarka farsamo iyo aqooneed ee dhamaadkii qarnigii 19aad iyo bilawgii qarnigii 20aad ayaa waxba la’aan ka dhigay aragtida Maltos, waxana dhacday in Yurub dhaqaalaheedu kor u kac laxaad lihi ku yimid, halka hoos u dhac la yaablihina ku dhacay taranka bulsho ee shucuubta reer Yurub. Arintan oo hal bacaad lagu lisay ka dhigtay saadaashii Maltos ee in 25-ka sanno ee soo socda dadka reer Yurub tiradoodu libinlaabmayso cuntadooduna yaraanayso, waxana dhacay wax taasi ka geddisan.

Hiilka Afka-somaliga; yey si gaara waajib ugu tahay? W.Q: Maxamed Ibraahim (Cirro)

Habeenkii sabtidu soo galaysay todobaadkan ayaan Hargeysa kaga qayb gallay bandhig lagu soo bandhigayey riwaayad magaceedu ahaa “Hiil baan u baahnahay”. Yaasmiin Maxamed Kaahin hal-abuuraha riwaayaddu ka sokow in ay gabadh waliba dhalinyarro ah tahay, waxaan riwaayadaa ay curisey ku sii jeclaystey sida fariinta dhumucda weyn, ee qaylo dhaanta xoogan xambaarsan ay muddada kooban ee saacadda ka yar ugu jaangoysay. Yaasmiin waxay indhaheena soo horjoojisay, oo ay dhagaheena habeenkaa maqashiisay cid hiil u baahan; maya cid maaha, qof iyo qofafna maaha, gobol iyo geyina maaha ee waa afkii bulsho lahayd. Bulshadeena afkoodii oo cod liita oo dirqi dhuunta u soo dhaafaya isagoo halkan galgalanaya inagu leh Hiil baan u baahnahay, oo waliba kuwa uu hiilka ka dalbanayaa sii haraatinayaan. Waxay ahayd masrixiyad intii joogtey dareensiisey sakaraadka afkeenu ku sugan yahay, anigana si gaara muddo maskaxdayda uga sii dhex guuxeysay. Anigoon u holan inaan masrixiyadaa siday ahayd idiin soo min guuriyo, oo Qoraageena Saddaam Xuseen Carab uu sawir iyo faalo ina deeqday inaga siiyey habeenkaa iyo hiilkii Afkeenu dalbanayey, aan isku dayo inaan si dhaw farta ugu fiiqo cidda hiilka inay bilowdo laga rabo.

Falanqayn: Masrixiyadda "Hiil Baan u Baahnahay" - W.Q: Saddaam Xuseen Carab

“Hiil baan u baahnahay”, masrixiyad ayey ahayd, waa la xiisaynayey. Masrixyad ayey ahayd oo gabadh baa curisay  iyana waa la sii  xiisaynayey. Ogaysiiska ruwaayadda “Hiil Baan u baahnahay” mareegaha iyo wargaysyada ayaa lagu sii baahiyey. Markaas ayaad iswaydiinaysay “Yaa hiilka u baahan”! iyo cid waliba way u baahantahay. Xataa naftaada ayaa u baahan ayaad isugu garaabaysaa. Laakiin cid aanan haabka ba ku hayn ayaan ka dheegtay markii aan daawaday masrixyaddii oo aan ogaaday in ay hiil u baahantahay. Kaligay ayaan moodayey ee dad badan ayaa iyana ka sokow in ay ruwaayadda daawadaan xiisaynayey in ay ogaadaan cidda Hiilka u baahan sidayda oo kale! Ugu horrayn se aan hambalyeeyo walaasha curisay Masrixiyaddan Yaasmiin Maxamed Kaahin.

Sunday, August 25, 2013

Warbixin VOA ka diyaariyeen masrixiyad dhaqameed la yidhaahdo HIIL BAAN U BAAHNAHAY!



Masrixiyad dhaqameedkan oo ay curisay Yaasmiin Maxamed Kaahin, waxa lagu qabtay Hotel 4Seasons ee magaalada Hargeysa. Waxaana ka qaybgalay aqoonyahanno, qoraa, culima'udiin iyo marti tiro badan. Iyada oo dhamaystiran, dhawaan kala soco www.kaariye.blogspot.com

Hadraawi: Somalia’s mild-mannered fierce critic

dailynation.jpg
Saturday, August 24, 2013

Legendary Somalia poet Haadrawi, real name Mohamed Ibrahim Warsame during a presentation in Hargeisa, Somaliland on August 16, 2013.   NATION MEDIA GROUP
I had heard a lot about Hadraawi, the legendary Somali poet. Even though I didn't see him when he last came to Nairobi for the last Kwani? Litfest, I got my second chance to see him when I attended his performance at the sixth Hargeysa International Book Fair in Somaliland.

Muhannad miyuu ila qabaa marwadayda? - W.Q: Saddaam Xuseen Carab

Ha iska daallanaado se kuma faraxsana halka uu u rawaxayo xilligan, daal kale iyo buuq kale ayuun baa u sii yaalla meel baasta awooddeedii laga xayuubiyey ee aanu yeelid iyo diidmo midna ku hayn. Laakiin haddana way hurran tahay oo waa iska yimaaddaa habeen kasta. Oo halkee oo kale ayuu tagi lahaa ba?! Waa sagaalkii cawaysnimo oo dhowdhow marka uu saacaddii eegay. Wallaahi waaba goortii ay balaayadu heeryada dhigan jirtay hoygaagii, “tolow ma iska joogtaa” ayuu isleeyahay?  Haddii uu joogo waxba kama dhinmayaan dhibaatada ka oogan laabtiisa, haddii uu tagana waa tii uun iyo tu ka sii daran. Saaka lixdii subaxnimo ayuu ka soo kallahay halkan uu ka baqayo in uu hoydo, sida uu aroortii u hawl yaryahay gurigu uma hawl yara habeenkii! Waayo balaayaa ku soo hoyata habeenkii meel baasta; musalsal ayaa naftii ilaahay gashaday u keenay oo uu khaati ka taagan yahay!

Adaa deeqda bixiyee Allow Ubadka noo badi! - W.Q: Mustafe Axmed

Bal u fiirso weedhahan; “Sidaa daraadeed dhallinta aqoonta leh waxaan leeyahay; Ha guursanina, haddaad guurstaanna ha dhalina, haddaad dhashaanna hal ha ka badsanina, maxaa yeelay tobankii walaalkaa, ama walaashaa, ama adeerkaa, ama abtigaa dhala ama soomaali maxamed dhaleen aday ku sugayaan”!!!!!

Friday, August 23, 2013

OGEYSIIS:

Masraxiyad dhaqameed magaceedu yahay HIIL BAAN U BAAHNAHAY ayaa caawa lagu dhigayaa Hotel 4Seasons ee Hargeysa. Waa fiidka 6:30pm.

Thursday, August 22, 2013

Closing ceremony of Hargeisa International Book fair in PICTURES by Barkhad Kaariye

Said Salah Ahmed, Poet (L), Cabdillaahi C. Cige,
Poet and author (C) and Barkhad M. Kaariye


Wednesday, August 21, 2013

Sheeko iyo Shaahid 2013: Sheekooyinka ku guuleystey sannadkan

Saddaam Xuseen Carab, wuxuu ku guulaystay kaalinta labaad.
Guddiga Qiimaynta Sheekooyinka ee Baratanka Sheeko iyo Shaahid 2013, waxa ay soo saareen taxa sheekooyinka ku guuleystey baratanka sannadkan kaalmaha kowaad, labaad iyo saddexaad.







Sheeko iyo Shaahid 2013: Sheekooyinka wajiga kama danbaysta usoo gudbey

Guddiga Qiimaynta Sheekooyinka ee Baratanka Sheeko iyo Shaahid 2013, waxa ay soo saareen taxa sheekooyinka ka soo gudbey wejigii labaad ee baratanka, isugu na soo hadhay kala saarista kama danbaysta ah. Sheekooyinkani waxa ay u kala hormarsan yihiin sida magacyada qoraayadu ugu kala horreeyaan alifba'da (alphabetical order), mana aha in ay si kale u kala sarreeyaan. Guddiga Qiimayntu waxa ay ku dhawaaqayaan sheekooyinka ku soo baxa kaalmaha Kowaad, Labaad iyo Saddexaad kulanka Sheeko iyo Shaahid ee Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa. 

Sunday, August 18, 2013

Hargeisa International Bookfair (HIBF) Events in Pictures By Barkhad M. Kaariye


Abdillahi Awed Egeh , Author and one of the creative writing course trainers

Wednesday, August 14, 2013

Beam of Hope rises with awakened minds by Umayma Essa


All praise and thanks to Allah the exalted, the Lord of the universe, May the choicest blessings and peace of Allah be upon the last Messenger and Prophets, Muhammad, his pure family, his noble companions, and all those who follow his footsteps till the end of this universe.

Monday, August 12, 2013

OGEYSIIS: MASRIXIYAD CUSUB!

MARTIQAAD:
Waxa farxad noo ah in aannu idinku marti-qaadno bandhigga masrixiyad magaceedu yahay;
HIIL BAAN U BAAHNAHAY
Waa riwaayad gudbinaysa ujeeddo qotodheer, waxaana curisay YAASMIIN MAXAMED KAAHIN.
Goobta: Maansoor Hotel, Hargeysa.
Goorta:  15ka Ogos, 2013. 7:00pm (Habeenka Khamiista, jimcuhu soo gelayo).


Martida way u furan tahay, waana lacag la’aan.

Sunday, August 11, 2013

May ogaan caawa ka hor! - W.Q: Muna Axmed Cumar

May  ogayn markii uu haasaawaha guurkoodu u socday, isna wuu ogaa in aanay  sirtan iibiyaha ka gadda mooyee cid kale ogayn, wuu hubay in aanay ogaan doonin, siduu filaayay ayaaba dhacday oo caawaba waa habeenkii aqal galkooda. Guri aad u wayn oo ku yaala magaalada ayuu ka dhacay aqal galkoodu, farxad, damaashaad iyo mushxarad ayay ku kala dareereen labadii qoys ee habeenkaa lagu soo casuumay xaflada aqal galkooda.

Wednesday, August 7, 2013

Cudur cusub oo dilaa ah oo ka dillaacay dunida! - W.Q: Ibraahim Sh. Axmed (Madar Wacays)

Akhriste waxaan jeclaystay inaan kuusoo gudbiyo qormo kooban oo ka hadlaysa  cudur dhawaan kusoo biiray dunida, gaar ahaan dalalka carabta ee aynu ood wadaag leenahay.  Akhriste waa Qoraal kooban oo kasoo dheehay  Haaayad caalamiga ah ee ka shaqaysa Arimaha Caafimaad ee magaceed marka lasoo gaabiyo loo yaqaano WHO (World Health Organization).

Haddaba, hadii aynu nahay Bulshada soomaalida ah eek u baahday Dacalada dunida ay ka mid yihiin dalalka uu saameeyay dilaagan cusub maxaa inala gudboo.  Waa talooyin kooban aan isleeyahay Bulshada deena waxbay u tari doonaan inshaa allah.

Monday, August 5, 2013

Astaamaha qofka ah heeryadiisa-cune! - W.Q: Maxamed Yaasiin Ducaale

Gogol-dhig


  • Salaan sharaf iyo gacalooyo wadata ka dib, hore waxaan idiin soo weydiiyey in qof lagu sheegi karo ama lagu tilaami karo “Heeryedii-cune” iyo astaamaha ama calaamadaha uu qofkaasi leeyahay, haddaba aniga oo tixraacaya jawaabaihiinnii, isla markaana soo ururiyey oo ku salaynaya dhacdooyin ama odhaahyo hore looga sameeyey qisooyin iyo maansooyin/heeso ku saabsan qof lagu tilmaansanayo inuu yahay “Heeryedii-cune” waxaan halkan idiinku soo gudbin doonaa qoraal ku saabsan cidda dhab ahaantii la odhan karo ama lagu sheegi karo inuu la meel yahay Awrka heeryediisa cuna. Waxaan u mahad celinayaa asxaabta fekerkooda igu soo biiriyey ee igala qayb qaatay ururinta xogta ku saabsan sifadan xun ee ceebta badan leh, Mahad gaar ah waxa lahaan doona asxaabta mar kale u isu xilqaanta inaay igu soo kordhiyaan wixii dheeraad ah ee aanan ku soo darin qoraalkan.

Sunday, August 4, 2013

Sababtii meeday? - W.Q: Saddaam Carab

Inta badan marka aan Internet galo waxa aan furaa degallada wararka lagu qoro, waliba kuwa Soomaalida. Mooyi in ay maanka iga addoonsadeen iyo mooyi in ay balwad iga tahay ee waan akhriyaa si kasta. Warbaahinta la iska arko iyo ta la iska maqlo iyo midda la akhriyo ee Soomaalida mar kasta waa lagu celceliyaa oo galdaloolooyin bulshada heeray baa ka buuxa. Taas na qof ba wax buu ku sheegaa sababta ama sababaha keena. Waxa se lagu soo ururin karaan laba sababood midkood ama wadartood. Waa midda koowaade’ aqoon darrida wariye ku sheeg indho adag oo aan warka hubsan ama u badheedhaba u been sheegidda dadka wax walba qaata ee aan hubsan ee Soomaalida isaga oo quud yar ama qabiil ku gata sharaftiisa saxafinnimo. Waa midda labaad e’ markii bulshada aqoon yahankeeda tirada yari kala masuugay daacadnimada iyo daadifaynta kuwa liita ee wararka liita sheega ayey isu rogeen cakiska oo ay noqdeen kuwa bulshada ugu cadcad ee loogu jecelyahay saxafi ku sheeggu! Isku darka labadaas sababood ayey tahay in aynu eersanno.

Thursday, July 25, 2013

MUST READ: It will take just 37 seconds to read this and change your thinking!

Two men, both seriously ill, occupied the same hospital room. One man was allowed to sit up in his bed for an hour each afternoon to help drain the fluid from his lungs. His bed was next to the room's only window.

The other man had to spend all his time flat on his back. The men talked for hours on end. They spoke of their wives and families, their homes, their jobs, their involvement in the military service, where they had been on vacation..Every afternoon, when the man in the bed by the window could sit up, he would pass the time by describing to his roommate all the things he could see outside the window.

Wednesday, July 24, 2013

Markay kooxi orgootaba ma asooli karaynee, abaal baan ku qabnaaye, ammaan uun ma helnaa...1992kii...Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye)

Cinwaaka kor ku xusan, waxa aan ka soo dheegay maansadii Ergo ee Maxamed Xaashi Dhamac IHN-tee uu ka tiriyey Badhtamaha magaalada Hargeysa 1992. Irfidaan geliyaa, iniin baan ku ridaa, oogso baan is idhaa waa layii arbacaa. Rag hadduu is afdhaafo, afkaa laysku gartaaye, is afwaajiya maaha. 

Isha Qarsoon(IQ): Ma geydo bulshadu yooyootanka! - W.Q: Cabdillaahi C. Cige

Waddani tol leh:

Siddeed saacadood oo aannu hawada ku soo jirnay ka dib, ayuu duuliyihii dayuurad nooceedu yahay 787 Dreamliner oo sharikadda Dayuuradaha Itoobiya leedahay nagu soo dejiyay garoonka Bole, ee magaalada Addis Ababa. Bahashu xajmi weynaa, qaad badanaa, qurux iyo farshaxan badanaa, duuliyuhu muxuu shaqadiisa ka jibbo keenay. Sidii awr hayin ah oo aan ix iyo ax mid na looga baran ayuu qunyar shaagagga laamiga u qabadsiiyay bahashii culayska badnayd iyo rakaabkeedii shanta kor u dhaafay.

Tuesday, July 23, 2013

HEALTH WARNING: DON'T ACT THE 7 ACTIONS BELOW AFTER YOU HAVE A MEAL!

* Don't smoke- Experiment from experts proves that smoking a cigarette after meal is comparable to smoking 10 cigarettes (chances of cancer is higher).

Sunday, July 21, 2013

ISKA JIR XANTA: Sh. Siciid Raage

PROEXPOSURE Photography Training @ Hargeysa International Book Fair 2013


The phenomenal rise of the digital camera and the popularity of the computer has profoundly shaped and transformed the art of photography in the last 10 years. This year Hargeysa International Book Fair has introduced a new two-day introductory photography training session prior to the opening of the book fair. Our guest photographer, Kate Stanworth, who is presenting an exhibition of photographs from the 2012 Somaliland local elections, will teach 8-12 prospective photographers. Kate works in association with PROEXPOSURE, an organisation that trains photographers across the world. Her sessions will encourage trainees to consider the potential uses of photography, to practice basic techniques to enhance their photographic skills, and to appreciate and evaluate the use of photography in news reporting, investigative journalism and storytelling. The course consists of the following modules:

Saturday, July 20, 2013

Durraamasho: W.C: Barkhad M. Kaariye


Allahayoow adigaa Daa’inoo, uumay dunidoo dhan,
Dulqaad-weyne Rabboow adaan, daalin abidkaaye,
Adigaan deddoon oon huradadu, abid ku daarayne,
Adaan ubad la daadahshiyo lahayn, waalid kugu daalay,
Adigaan dalluun iyo iil gun dheer,  kugu daboolmayne,
Duni hore, hadday dunidan tahay iyo daarta aakhriba,
Dadka oo dhami markay tagaan, adaa Daa’inoo jira’e,
Wax dahsoon, wax dahaadhan iyo waxa daleel yaalla,
Adigaa wada daalacda, oon abid dakaamayne,
Adigaan dagaagmayn abid, dalawna kaa dheeryay,
Dukaamada la sheegtiyo Diinaar iyo dahab wixii yaalla,
Adigaan dayn iyo u baahnayn, Doollar iyo Liire,
Deeq-bixiye iyo qani adigaa ah, door kaystooy tahaye,
Ducafaa baanu nahay, danyariyo masaakiine,
Ducada naga ajiib Alloow, dalabkiyo waxaan rabo.

GOLAHA CUSUBI MA SHARCI BAA MISE? - Cabdiqaadir Sh. Maxamuud

Inta aanan guda galin nuxurka qoraalkayga aan ku bilaabo qodobka 23aad farqadiisa 3aad ee dastuurka jamuuriyada Somaliland waxa aanu dhigayaa sidan (Muwaadiniintu waxay xor u yihiin in ay isu habeeyaan ururro siyaasadeed, cilmiyeed, dhaqameed, bulsheed, xirfadeed, ama kuwa shaqaale si waafaqsan xeerka ) waxa aan ugu soo horaysiiyey qodobkaa dadka manta isku haya golaha tallo bixinta iyo toosinta ee madaxa bananan ma sharcibaa mise waa sharci daro oo dastuurku muu jidayn?

Thursday, July 18, 2013

ISA SAAMAXA! - W.Q: Prof. Cabdiraxmaan Xasan Nuur

Ilaahay ayay mahadi u sugnaatay; Allaha aadamaha uu abuuray wax badan oo gaf ah oo ay sameeyaan ka saamaxa; Allaha Qur’aankiisa innagu baraya waxa iscafintu tahay iyo sida la innaga rabo in aan isu saamaxno ayaa mahad oo dhami u sugnaatay. Ammaan iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato Nabigeennii Muxammad oo ah xiddiggeenna hab-dhaqanka wanaagsan. Waxa axaadiista la inoogu soo wariyey in aanu waligii naftiisa u aargoosan; waxbuu cafin jiray….haa, waa hab-dhaqan uu hormood innoogu yahay oo ay tahay inaan kaga dayanno.

Wednesday, July 17, 2013

Maanso: DAGAMSI! Waxa curisay: Yaasmiin Maxamed Kaahin

Maansadani waxay ifka u soo baxday 17/07/2013, waxaanay ku saabsan tahay guud ahaan caruurta dayacan ee Afrikaanka, gaar ahaan kuwa Soomaalida. Sababtoo ah, waxa dhacda in Hay’ado badan oo magacyo kala duwan sitaa ay mashaariic badan ku qaataan in caruurta dayacan ee Soomaalida iyo afrikada kaleba wax loo qabanayo, ka dibna inta ay maalin u astaysteen ay xuska maalintaas uun ay kharash ku bixiyaan Istiikarro (Calaamado) iyo hudheello xaflado lagu qabsado, iyaga oo da'yartii dayacnayd aan waxba loo qaban. Waxa u dheer oo ay maansadu ka hadlaysaa in faro-xumayn, kufsi iyo tacaddiyo lagula kaco caruurtaa iyo kuwa kale ee iyagu daryeelka helaba. Asma yar oo ay maansadu xustayna waxay ka mid tahay inta dhibban.

GOLDEN CHANCE FOR SISTERS: Be the leader that you were born to be! - ISLAMIC ONLINE UNIVERSITY

After a successful 1st presentation of the "Leadership Course for Sisters", IOU will be presenting the course AGAIN! Get ready, we BEGIN ON 22nd July 2013, By the Will of Allah.


  • For Convenience, it will run for 6 Months instead of 1 Year
  • Same Content via RECORDINGS of the 1st course
  • In addition to the recordings of the course, there will be live sessions after EVERY 4 CLASSES
  • For a fee of US $50, you can join the course, and
  • Attain a HARD COPY CERTIFICATE at the end for an additional nominal charge.

Nin qab weyn iyo nin qoonsimaad badanba qaanuunkaa ka sarreeya! – W.Q: Garyaqaan Muuse Yuusuf

Waxa Intan Ramadaanta Bulshada Somaliland ku batay Hadal haynta Kelmada Gole Taas, oo Ka dhalatay Unkanka Golaha Madaxa Banaan Ee Wada Tashiga iyo Toosinta Somaliland, oo lagaga Dhawaaqay Magaalada Hargeysa Bilawgii bishan barakaysan ee Ramadaan.

Waxaana Hadal haynta Kel madani sii xoogaysatay markii xubno ka tirsan Goleyaasha Fulinta (Xukuumadda dhexe) iyo Sharci dejinta (Wakiillada/Guurtida) ay soo bandhigeen aragtiyo ka dhan ah badheedhaha Golahan Cusub ee ku wajahan Aasaaska Unugan iyo In Dastuurku Xaq u siinayo Ka Tashida Rabitaankooda.

Tuesday, July 16, 2013

Join us for the Hargeisa International Book Fair in Hargeisa, Somaliland.

Xuquuqda sawirka waxa leh HIBF
Redsea-Online Cultural Foundation and its partners are delighted to invite you to the sixth Hargeisa International Book Fair (HIBF) taking place from the 16th to the 21st of August 2013 in Hargeisa, Somaliland.
Hargeisa International Book Fair has grown exponentially over the past six years, both in size and significance. It not only represents the main platform for the arts in Somaliland, but it is now one of the largest public celebrations of literature in East Africa.

Monday, July 15, 2013

Maalintii aan qoraaga Nuuradiin dilka ka baajay - W.Q: Siciid Jaamac Xuseen

Maalin walba tobannaan kun ayaa geeriyooda aan inta ay isugu dhow yihiin mooyee cid ka warqabtaa, ama danaysaa aanay jirin.  Marka keliya ee gerridu qaran iyo in ka badan cuskataa, waa hadday ku timaaddo cid si weyn loo danaynayo.  Dhaawaca iyo halista uu qofku galaana taasoo kale ayay la mid tahay.  Qoraaga Soomaaliyeed ee adduunka caanka ka ah Nuuraddiin Faarax ayaa ii sheegay inaan beri ka badbaadiyay shirqool lagu damacsanaa in lagu dilo.

Muxuu ka tegay? - W.Q: Yaasmiin M. Kaahin

Midkoodna in cid ka xoog badani ugaadhsato ma jecla oo xayawaanka iyo bani’aadamkuba way ka siman yihiin. Wuxuu dhex fadhiyey fasal ka mid ah kuwa uu maalinlaha uga xaadiro oo ah halka uu rabay  inuu ka bilaabo noloshiisa berri iyo waxa uu noqon doono. Waa u caado oo deegaanka ku xeeran ayay ka mid noqotay in ay isaga iyo dhiggiisu maalin walba maqlaan waxaanay dhegahoodu jeclaysan, la kulmaan waxaan naftooda raalligelinin. Balse way ku qasbanaayeen in ay ku noolaadaan marxaladdaas. Dibin-qaniinka, hoos-u-qammuunyoodka iyo  guuxa qalbigiisa ku oogan maaha mid kali ku ah, balse wuu uga xanuun badnaa inta kale.

Sunday, July 14, 2013

Khatarta dawooyinka iyo waxyeelladooda! - W/Q: Ridwaan Mubaarik Cabdi

Waxaan naftayda iyo naftiinba la jeclaaday in aan idiin soo gubiyo qoraal gaaban oo aan isaga digayno waxyeelo aan u arkay in dhaxallkeedu yahay midho-xun laga dheefsan karro waxyeeladooda, taaso ay inoogu wacan tahay isticmaalka aan habooneyn ee ay da’yar badani yihiin kuwo u adeegsada dawooyinka qaar sifooyin akhaldan oo aan munaasib ku ahayn isticmaalkooda.
 

Su'aalo Ramadaanta: Q1aad Sh.Muxamad Sh.Cumar Dirir


Tuesday, July 9, 2013

AKHRIS: Su'aalo iyo Jawaabo la xidhiidha SOONKA - Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

 
Waxaanu idiinka soo diyaarinay jawaabihii uu Sheekh Maxamed Sh. Cumar Dirir ka bixiyay Su’aalihii dadweynuhu ka waydiiyeen Soonka.


1.S. Bisha ramadaan hadii qeybi iga tagtay oo ay bishii kale iga soo gaadho, ma soomi karayaa bishii dambe soonkeedii caadiga ahaa anigoon tii hore qaleyn?

Masar: Mudaharaad xal ma aha! - W.Q: Saddam Xuseen Carab

Waxay ahayd sannad iyo bilo ka hor kolkii buuqa iyo mudaharaaddadu ka unkameen waddamada carabta ee kali talisku muddada badan soo fuushanaa. Kaas oo loogu magac daray “Baraaruggii Carabta”. Mar kali ah ayaa wiil yar oo kali ahi huriyey dabka ilaa maanta holcaya ee ay ku gubteen kumannaanka qofi, ku goblameen kummanaanka kale ee ay ku agoomoobeen kumannaanku. Waddamadaas ayey Masar ka mid tahay.

Monday, July 1, 2013

Soomaaliya: Jubbooyinku waa jarribaadda Dowladda - W.Q: Axmed Ciise Guutaale

Hoggaaminta iyo hoggaamiyaha marka la eego  Soomaalida waxaa ka taagan su’aalo ciidda kabadan, hayeeshee in yar ayaa jawaab loo hayaa, inta badan oo ah inta aan jawaab loo hayn qolo weliba waxa ay kusoo koobtaa hebel ayaa hoggaamiye ah,  iyada oo salka iyo halka lagu saleynayaa tahay jacaylka qabyaaladda ku dhisan ee qof kaas loo hayo, taas oo muddo gaaban kadib soo afjaranta,  marka uu qof kii la siiyey hoggaamintu uu tijaabo galo oo weliba lagu miisamo habka qabyaaladda oo markan reero ku dhisan, reerkii uu siiyo xil iyo xoolo agtooda waa ka ammaanan yahay, reerkii uu ka gaabiyana waxa ay saarayaan miisaankooda oo kusoo saari doona nacas iyo nin aan waxtar lahayn, dhammaan habkan wax lagu qiimeynayo iyo sidii loo soo saarayba waxa ay ku dhisan yihiin waxyaabo aan sina u mudnayn in qof lagu qiimeyo.

URGENT HELP REQUIRED FOR AMIR MUHADITH A.K.A LOON!

Amir: Before and after
17 November 2011, while engaged in a lecture tour in Belgium, brother Amir was suddenly arrested. America invoked the notorious "Patriot A...ct" and ordered him to be extradited back to the United States to be tried for ambiguous allegations of drug trafficking that "may have occurred between the years of 2006 and 2008," before becoming Muslim.

Sunday, June 30, 2013

‘XIL-DHIBAAN’: XIL-MA-DHAAD XIL-MA-QAAD (Dhafan-dhaaf sheekada: Ii dhiib an kuu dhiibee… I dhigo aan ku dhigtee) – Qalinka: Boobe Y. Ducaale

“Muskii Baarlamaannada markaan, meel isugu geynay,
Madaxweynayaal iyo markii, Minister loo doortay,
Maskaxdii wacneyd iyo dadkii, meel u wada jeeday,
Nimankii mel-melay waa kuwii, maalay keligoode,
Hadday maalintii na hor kacaan, midho ma weyneene,
Marnaba yeydinaan dhicin kuwii, male ku soo goostay,
Muraadkoodu nimankuu ahaa, moodhadhkiyo daarta,
Nimankii muggooduba ahaa, maalin la casuumo,
Ma-naxaannadii baan arladan, meersna u toline,”

Maansada Guubaabo ee Timacadde, 1970-kii Hargeysa

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

Tuesday, June 25, 2013

Hankaa laga dhoofiyaa! - Qalinkii: Barkhad M. Kaariye



Saddex wiil iyo gabadh dhalinyaro ah ayay ahaayeen. Meel waddo dhinaceed ah ayay u taagnaayeen si wareeg ah oo u muuqatay inay xog kala qaadanayaan. Aniga oo ag-maraya, ayay dhegahaygu maqleen ereyo sababay in aan dib ugu noqdo; “Iska joog, anagaa ku geynayna xerada laga baxo’e,” ayuu mid ka mid ahi leeyahay markaa. Waxa maankayga ku soo dhacay in uu ka hadlayo tahriib, balse ma garanayn cidda uu la hadlayo. Dib baan ugu noqday oo dhankoodii ayaan u dhaqaaqay. Intii aan u sii socday, ayaan halacsaday wejiyadooda, mise midkood ayaaban weji-garanayaa, balse aanan magic-dhebi karin. Markii aan gaadhay, ayaan salaamay, waana markaan ogaaday in inanku uu la hadlayay inanta oo uu ku qancinayay in ay tahriibkeeda sii wadato.

Sheeko iyo Shaahid: Baratan Suugaaneed – 2013 - Tartankii 6aad

Redsea-Online Cultural Foundation iyaga oo duulaya fikradda aasaaska u ah ee ah jiritaankooda oo ah inay ka qayb-qaataan wax kasta oo horumarinaaya taabbagelinta dhigista, fidinta hiddaha iyo suugaanta; xoojinta fanka iyo farshaxanka; baahinta dhaqanka qorista iyo akhriska iyo gaar ahaan kobcinta qoraalka Af-Soomaaliga, waxa ay soo bandhigayaan Kulankii Lixaad ee ku baratanka Sheeko Curinta Toolmoon, "Sheeko iyo Shaahid".

Sheekooyinka ka soo qaybgalayaa ma aha isku jeeddo e mawduuca sheekadu ku socoto waxa u madax bannaan qoraaga. Waxa se sannadkan lagu dheerrigelinayaa in qoraagu ku saleeyo sheekadiisa mawduuca sannadkan ee Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa oo sannadkan ah “Socdaal”.
Waxa halkan ku lifaaqan xeerka Sheeko iyo Shaahid ee sannadkan 2013.

Saturday, June 22, 2013

Dhadhami waayihii dorraad! (Xorriyatul-qawl mise Xabsi-qool?) - W.Q: Barkhad M. Kaariye

DHADHAMI WAAYIHII DORRAAD: Taxane dib u milicsanaya taxanihii siyaasadeed iyo duruufihii nololeed ee Somaliland wakhtiyadii laga soo gudbay. Wuxuu taxanahani faallayn doonaa saaxadda siyaasadeed, saxaafadeed, nololeed iyo wax kasta oo uu u arko in loo baahan yahay in dib loo milicsado.

Qaybtan oo huwan ciwaan-hoosaadka 'Xorriyatul-qawl mise Xabsi-qool?' waa tan ee shifo ku il-saara.

Thursday, May 30, 2013

I badbaadiya? - W.Q: Muna Axmed Cumar

Waxay ahayd maalin xusuus ku leh noloshayda, maalin aanan iloobi Karin, maalin badashay noloshaydii, maalin sumad iyo astaan gooniya ku leh qalbigayga. Waxay ahayd duhur iyo casar dhexdood dadka badankoodu way hurdeen, hooyaday ayaan bogga kaga jiray, dhamaan walaalahay waa ay I ag jiifeen, mar kaliya ayuunbay nagu bilaabeen weerar, maan garanayn waxa ay ahaayeen iyo sababta ay noo weerareen toona, dhagaxaan aad moodo inay sida roobka xaga sare ka imanayaan ayaa si is daba joog ah noogu dhacayay. Dhagaxii u horeeyay waxa uu kalida kaga dhacay hooyaday, inta ay xanuunkii kor u booday ayay isku dayday in ay na difaacdo balse awoodeeda waa ay ka baxsanayd. Weerarku intaas oo kaliya kuma uu eekayn ee wuxu ahaa mid socday ilaa aan aniga hooyaday iyo walaaladay aan kala firdhanay, oo midba meel ka dhacay, orod ayaan miciinsaday maan garanayn meel aan ku socdo, waxan u ordayay kaliya si aan naftayda u badbaadiyo, hareeraha iyo gadaal ayaan kolba eegayay bal in aan mar uun isha la helo walaaladay iyo hooyaday, balse waxaan boodh ahayn maan arag!. Aniga oo ordaya ayuu mid ka mid ah cadawgii na weeraray tunka I qabtay kadibna kor ii qaaday hadana dhulka igu si daayay.

Ma iyagaan dhalin? - W.Q: Muna Axmed Cumar

Waxay ahayd amin hore, qof dani wado mooye ruux kale wadada ma socon, waxa aan u jeeday suuqa, isa soo taagay goob lagu raaco basaska, koray midkii ii qornaa, kursi lamaane loogu talogalay oo mid uun ka sokeeyay fadhiistay, mudo markii aan kursigii ku kaliyoobay, waxa mar kaliya ila soo jaaray nin iyo ilmo isku lamaan. Ishaydu way qabatay markii uu baska soo korayay dhinacaygana u soo socday, ilmaha laabta ayaa uu ku siday markaa, balse markuu salka kursiga dhigay ilmihii dhabtiisa ayuu ku qabtay, waan fiirinayay balse isagu iima jeedin waayo waxa mashquuliyay daryeelka xad dhaafka ah ee ilmihiisa yar.

Saturday, May 25, 2013

Agoon: Iridda laga galo xukunka! - W.Q: Barkhad M. Kaariye

Markaad eegto basaasta timihiisa ka muuqata, wuxuu u ekaa qof intuu gelgelin dhex jiifsaday, ka soo dhex kacay. Raqabadda shaadhka yar ee uu xidhan yahay waxa ka muuqday rid cas oo aan u kala garan waayay uskag iyo dhidid. Qiyaastii da’diisu waa 11 sanno, markaadse aragto dhugashadiisa wuxuu u ekaa in uu caqliyan ka wayn yahay. Wuxuu ka mid yahay dad isu-soo ururay oo tiro badan.

Saturday, April 13, 2013

Falanqaynta Toolmoon: SIDEED U XULAN KARTAA LAMMAANKAAGA?



Haddii aad aragti/dareen-celin aad hayso, noogu soo hagaaji ciwaankan; falanqayntatoolmoon@gmail.com.
TALADAADU MAR WALBA WAA TAYAYNTA WAXSOOSAARKAYAGA.

 

Thursday, April 11, 2013

"A teacher in my home" by Barkhad Kaariye

It was late afternoon and the sun was just about to set when I arrived at Asha Ali’s home. She was resting her back on the door frame of her buul soomaali, the traditional Somali hut made from beautifully coloured rugs, and had a little pocket radio in her lap.

Wednesday, April 10, 2013

FalanqayntaToolmoon: Toddobaadle gorfeeya arrimaha bulshada (MUUQAAL)

FalanqayntaToolmoon waa barnaamij ka turjumaya arrimaha bulshada ee Soomaalida dhexdeeda. Waxa uu ku qotomaa baahiyaha bulsho ee la xidhiidha ogaanshaha marxaladaha jira iyo sidii xal loogu helaa haddiiba qaarkood ay dhibaato yihiin. Waxa uu ka hadlaa mawduucyada taabanaya nolosha dadweynaha aad akhristoow/daawadoow ka mid tahay, sida; diinta iyo nolosha, cilmi-nafsiga iyo nolosha, xallinta khilaafaadka, horumarinta nolosha iyo ganacsiga IWM. Toddobaadkan waxaanu kaga hadlaynaa SIDEE DAKHLI/DHAQAALE LOO SOO SAARAA? DAAWO MUUQAAL.

Wednesday, March 20, 2013

Warka iyo Warramidda W:Q: Axmed Ibraahin Cawaale

Warramidda, weelaynta warka, war-galeennimada iyo tebinta warku waxa ay xilliyo hore Soomaalida dhexooda ka ahaayeen arrimo ay ka sameeyeen horumar xooggan. Haddii ay laba qof meel cidlo ah ku kulmaan, isla markaaba waxa ay hadalkooda ku bilaabi jireen ereyo sidan oo kale u yaal: Bal warran! Ma nabad baa? ama nabad sheeg! Maxaa la sheegay? Maxaa lagu beryay? Maxaa lagu waabariistay? Maxaa lagu soo hoyday? “Weeye?” Iyo qaar kele.

WALAAHOOW: Gabay baroor-diiq ah - W.C: Barkhad M. Kaariye

Waxa laga yaabaa in dadka qaarkii ay isweydiiyeen geerida dhacday (Abtigay/Saaxiibkay Naasir Cawil Axmed-Xajiin) iyo aamuskayga...Xaqiiqdu siday tahay waan garan waayay waxaan idhaahdo; macnaheedu maaha in aan diiday geerida, inaanan ogolayn waxa Rabbi xukmay, balse waxa weeye in aanu anagu wax gaar ah isku ahayn. Waan hubaa - sida qaarkiinba aad u ogtihiin - in aanan gabyin, gabyaa ahayn, isla markaana heerkaa gaadhin, haddana urgumada, uurkutaallada iyo anfariirka geerida kediska ah, ayaan ereyadan hoose u yidhi. Waan ka afeefanayaa wixii gef ku ah xeerarka suugaanta iyo gabayada ee aad halkan ka aragtaan. Waa baroor-diiq aan isugu baroor-diiqayo, waa tacsi aan u gudbinayo qoyskayga iyo dhammaan ehelkayga.

Tuesday, March 19, 2013

Gelbis: Waa gabay baroor-diiq ah - W.C: Yaasmiin M. Kaahin

Gabaygani waxa curisay Yaasmiin Maxamed Kaahin. Wuxuu curtay markii aduunka laga qariyey abtigeed Naasir Cawil Axmed-Xajiin oo Gacan ka xaqdarin ku dishay magaalada Hargeisa.

Ma gabyeene Rabboow, naftaa diiday gama’iiye,
Gacantaydii midigiyo markaan wayay garabkiisa,
Soo talo gunuunuc ima badin iyo weliba guux hoose,
Geeridaan xishood iyo lahayn guga maanta uun dhaaf,
Ma goblame rabbaan tageyn godkaa hoos iyo iile,
Ruux waliba guudkay u taal tani inuu ka guurayne,
Tani se ma-guurtay ku tahay qalbiga oo aan go’ahayne,
Garkaygiyo wadna ruux ku godan, gudaha duunkayga,

Saturday, March 16, 2013

Qaab fikirkeenna ayaa saameeya nolosheena - W.Q: Sh. Cabdiraxmaan M. Jibriil

Wax badan oo noloshaada ka mid ah, waxay ku xiran yihiin sida aad u fkirto iyo waxa aad rumaysantahay. Haddii aad rabto ama aad jeceshahay inaad xoolo badan hesho oo aad qani noqoto waxay ku xirantahay sida aad u fikirto. Haddii aad rabto in lagu jeclaado oo aad noqoto qof cid walba soo dhawaynayso ama ay jeclaanayso waxay ku xirantahay sida aad u fikirayso. Haddii aad doonayso inaad ka baxdo dhibka iyo walwalka hadda ku haysta waxay ku xirantahay sida aad u fikirayso iyo waxaad rumaysantahay. Alle waynaha cirka iyo dhulka iyo inta u dhexaysa abuuray ayaa sidaas ka dhigay. Waa arrin Cilmiga iyo xikmadda Alle ku saabsan ee ma aha mala-awaal aadane iyo faragalin la faragalinayo xikmadda iyo maamulka Alle.

Sunday, March 10, 2013

Masuulka maanta – W.Q: Cabdiqaadir Sh. Maxamuud

Waxaan ahay masuul qaran, waxaan aad ugu faraxsanahay xilkayga, xafiiskayga waxa aan u soo shaqo tagaa xiligaan doono, ma jirto awood shaqo oo ii astaysan ama qeexan oo aan ka ahayn magaca uu ku astaysan yahay xafiiskaygu ee ana la igu magacaabay , shaqada ugu badan ee aan qabtaa waa inaan ilaashado xilkayga oo tallow sideen u ilaashadaa?

Thursday, March 7, 2013

Ha gaboojin naftaada - W.Q: Cabdishakuur X. Muxumed (Heersare)

Gabowgu waa marxalad sugaysa qof kasta oo adduunka ku nool haddii ay geeridu fursad siiso. Waa xilli qofna qoomameeyo waqtiga dhaafay oo macne la'aan ku waydaartay, qofna la dangiigsado farxad iyo raynrayn. Carabtu waxay ku maahmaahdaa “Atacab bacda raaxa” oo ka dhigan daal ka dib in raaxo jirto. Haddii ay timahaagu madow yihiin waa marka ay caddaan doonaan. Haddii jidhkaagu is haysto waa kolka uu debci doono. Haddii ay maskaxdaadu si hufan u shaqaynayso waa xilliga ay tabcaan noqon doonto. Haddii aad socodka laba lugoodinayso waa marka aad tukube qaadan doonto amma aad u baahan doonto caawiye.

Wednesday, February 27, 2013

Gayaan kala garasho duwan - W.Q: Muuse M. Ciise (Dalmar)

Ayaan waliba tilmaan lehe waxa ay ahayd sabti ulo badan. Waa hubaal in maalin waliba ayaantii Ilaahay tahay, laakiinse tani aniga waxa ay ii ahayd maalin amranayd. Waxa ay ahayd sabti tilmaaman oo Khadarkii nolosha ee aan muddoba raadinayay aan si dhib yar leh ula kulmay . Dadku kala nasiib badan oo waayaha iyo wakhtigaa ruuxna xidha qofna saacida’e, maalintani waxa ay ahayd maalin baal dahab ah ka gashay buugga xusuus qorka noloshayda. Alla nasiib badnaayee. Oo waayo? Oo waayadeed, sow lamaan kulmin qalanjadii hablaha ee aan in badan ba hablaha gayaankay ka dhex goobayay. Alla wacanaa oo wanaagsanaa marka Rabi kula kulmiyo mid aad u xulatay inay noqoto xidigtii rajada iyo mataantii noloshaada. Gaabsiguna waa xaaraane mid aad mustaqbal iyo guur ula holoto. Oo ileen nin faro madhani fariid maaha’e ay kuugu beeganto wakhti farahaagu dufan leeyihiin oo aad waysada u biyaysatay guur iyo inaad reer yagleesho.

Monday, February 25, 2013

Boodha-Boodha: Adeeg fududeeye halis badan. W.Q: Cabdiraxmaan Faysal Cali

Gaadiidka loo yaqaano Boodha-boodha (dhug-dhuglayda), ayaa noqday ka loogu isticmaalka badan yahay dalka Uganda, gaar ahaanna caasimadda Kampala, kaas si weyn uga caan ah gudaha dalkaas. Adeegsiga mootada oo si xawliya ugu soo badanaysa Uganda, ayaa bulshweynta kala duwan ee ku dhaqan dalkaasi si xaamiya u raacaan boodha-boodha oo u sahla in ay si fudud u gaadhaan goobaha ay doonayaan in ay ka soo adeegtaan.

Sheeko Gaaban: Saxafigii Sannadka! W.Q: Saddaam Xuseen Carab

Ma ihi kibbaar waxa se la iigu yeedhaa kibbaar, waa magaca uu aabbahay ii bixiyay barigii aan u dhashay. Ma garanayo sabab uu iigu dooray isagu magacan iyo sabab ay hooyaday iigu doori wayd midkale toona. Waxaan se garaadsaday iyaga oo labaduba magacaas iigu yeedha.

Transcript of Mary Harper interview with Somali president


Here is a transcript of an interview of BBC journalist Mary Harper did with the Somali president Hassan Sheikh Mohamoud in London on 3 February 2013.

Dushaadu intee le’eg tahay? – W.Q: Cabdillaahi Cawed Cige


Waa kabkab aan isu soo ururshay, maaha qoraal shir ballaadhan la la tago. Yeelkeeda ee ceesaantii ka soo qaad nin ba ceelka geyn jiray. Mawduucu waa ‘dusha’ iyo ruux ba inta tiisu le’eg tahay, qaad leedahay aan idhaahdo.

Iga dul badan:

Goobtu waa timoxiir Hargeysa ku yaalla. Aniga iyo nin aan timo lahayn oo aannu Liverpool ka wada nimi ayaa muraad timoxiirka u yeelannay, timahayga inuu ii gaabsho ayaannu ugu tagnay. Saddex nin ayaannu meheradda ugu tagnay, laba shaqaale ah iyo nin macmiil ah. Ninka macmiisha ah waxa u soconayay timo jar.

Thursday, February 21, 2013

Qiimee qofkaaga - Somaliland: Qaran uu qof qiimeeyo : W.Q Xasan Cumar Hoorri


"Kolba dhagax ayaan rogayaa anigoo ka raadinaya wax cusub."James M. Buchanan Jr.,1919-2013. James, 1968 waxaa uu ku guulaystay Billadda Noble ee Culuumta Dhaqaalaha isagoo ku mutaystay baadigoobka cilmiyeed ee xidhiidhka dhaqaalaha iyo aqoonta siyaasadda.

 
Haddaba, dad faro badan oo aan ka mid ahay waxaan ku fooggan nahay in aan kolba dhagax rogno annaga oo ka baadi-goobaynna waxa xun qarankan aan ku aaminnay lafaheenna iyo aayaheenna iyo hogo-tusaalaynta sidii looga gudbi lahaa. Allaylahe, maantaba, dhagaxii aan rogay waxaa ka soo mudh yidhi arrin mudan in laga wada hadlo, "QARAN UU QOF QIIMEEYAY!", Qarankuna raalli ka yahay.

Tuesday, February 19, 2013

Baro waxbarasho Jaamacadeed oo bilaash ah adigoo gurigaaga ama xafiiskaaga jooga!

Hargeysa – Jaamacadda barashada cilmiga iyo deraasaadka Islaamka (Islamic Online University) oo faraceeda gobollada soomaalida ka furtay magaalada Hargeysa ee Somaliland, si fursad ay ugu helaan ardayda ku nool gobollada wadanka ee doonaysa in ay wax ka bartaan Jaamacadan, ayaa soo kordhisay waxbarashado shahaadada sare (Master) oo barashada iyo dersidda Islaamka ah.
 Jaamacaddan oo hore looga bartay in ay bixiso waxbarasho la xidhiidha barashada Islaamka oo shahaadada koowaad ah (Bachelor Degree), isla markaana ay dufcaddii u horraysay ay xilli-waxbarasheedkii hore u fadhiisteen imtixaankii, kuwaas ka mid ahaayeen arday kala jooga degellada soomaalida, sida Hargeysa, Garoowe, Muqdisho iyo meelo kale, ayaa bishan March 2013 ay bilaabmayso duruustii cutubka labaad (Second semester).

Saturday, February 16, 2013

Masuuliyadda qalinka iyo qiimaha dhigaalka: W.Q: Kamaal A. Cali

Qalinku waxa uu aadamaha u hayaa masuuliyad laga yaabo in haddii qoraaga iyo guud ahaanba hal-abuurku sideeda u dareemo culayska ay leedahay adduun iyo aakhiro ay adkaanba lahayd in uu qalinkiisu godlado. Waxaa lama huraan ah in qoraagu inta aanu dhigaalkiisa bilaabin uu is weydiiyo fikirkan maskaxdiisa ka soo maaxday ee uu qalinka u hol...laday, muhiimadda uu u leeyahay akhristayaashiisa maanta iyo kuwo laga yaabo in ay qarniyo kadib dib soo raad-raacaan. Waa dhaqankeenna in inta aynaan geedka tegin aynu garteenna sii akhrisanno, sidaa awgeed ma jiro wax inoo diidaya in aynu qalinka barbar dhigno gartii geedka hortii la sii akhrisanayey, oo uu qoraa kastaa naftiisa la sii falanqeeyo illaa xadka uu qoraalkiisa dhex-dhexaad yahay, isla markaana aanu ka tallaabayn xadka sharfan ee uu siinayo xaqa xornimo u hadalku.

Monday, February 11, 2013

Dhuuxo - W.Q: Saciida Sh. Axmed

Maalintii koowaad ee Dhuuxo ay soo gashay guri ay Soomaaliba ka muuqato muddo sanado ah kaddib, waxa ay ahayd maalin iyadoo sidda waraaqo ku dhex jiray gal ay dusha kaga qoran tahay “is-dhiibe cusub” oo ay gurigaasi keentay. Waxa ay kasoo qaadday dukaamada ganacsi ee isgaarsiinta ee Internetka laga adeegsado ama Teleefoonka laga dirsado, oo uu wiil yar oo isla maalintaa is-dhiibay (Dalbaday in loo qaabilo qaxooti ahaan) ku soo illoobay goobtaas, intuu ka dirsaday teleefon. Nasiib wanaagiiyee, qolkii yaraa ee uu wiilku ka dirsaday teleefonka waxa ay Dhuuxo ahayd qofkii ku xigay ee galay. Markii ay aqoonsatay in uu magaca wiilku yahay Soomaali, oo dhalashadiisuna tahay Soomaali, bay galkii u qaadday gurigaas, oo ay keentay maadaama guriga lagu yaqaannay in ay deggan yihiin gebi ahaantiisba dad Soomaaliyeed. Waa ayna iska tagtay. Gurigii ay Soomaalidu degganaayeen, qaar ka mid ah dadkii guriga ku noolaa baa markiiba is weydiin billaabay, oo qaar baa ceeb u arka in aysan warbixinta dadka ku nool magaalada oo dhan aysan heynin, oo isu arka shaqo weyn oo muhiim ah oo aynaan cidi u dirsan se iyagaa isu diray in ay hayaan. Markaa, sidaaba ha ahaatee, waxaa ay aad u jecel yihiin in ay warbixintu ahaato mid u badan xagga ceebeynta iyo wax xun sheegga. Lama warsado waxa ka soo gala waase loo riyaaqaa.

Wednesday, February 6, 2013

Shaqo Runihi Waa Middaan kula Dhimanin - W.Q: Dr. Cali Sheekh

"سبحانك اللهم لا علم لنا إلا ما علمتنا إنك أنت العليم الحكيم"

Dhulkan laguma waaroo,
dhaxsin baad u joogtaa,
Raadkaagu uu dhumin,
wax wanaagsan sii dhaaf,
Dadkaa dhuuxi doono,
dhabahaaga soo mari,
Haddaad dhimato howl aan,
Cidna kaa dhaxlayn qabo,