" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: January 2013

Tuesday, January 29, 2013

Maanso cusub: Dayow - Waxa curisay Yasmiin M. Kaahin

Weedhsamow dabuubtii
Aan daayay waayadan
Xalay maanku dayn waa
Damqan waa jidhkaygii
Ma dareemin dhaxantii
Show waan dakaamo
Way durugtay ruuxduna
Dunidaan warkeedii
Kolba baal duljoogo
Ku dawakhay dhankaygoo
Xaajo iga da’ roon baan
Furfurkeeda doontoo
Madaxaygu daalaye
Bal dareen warkaygoo
Jawaab dabacsan ii sheeg
Haday durugto xaajadu
Sidiiq iyo dadkeenii
Abwaannadii dun-dheeraa,
Iyagana ka doondoon.

Thursday, January 10, 2013

Qurbe-joog dalka u tudho! - W.Q: Barkhad M. Kaariye

Gacanta bidix wuxuu ku haystay faraqa macawis uu xidhnaa, gacanta midigna wuxuu dhexda kaga buuxsaday oo uu ku sitay bud gaaban oo madax buuran.  Labada faraq ee cumaamadda uu garabka ku sitayna midkood wuxuu ku maray qoorta, si aanay dabayshu uga tuurin. Waa gedaha 40-jir, timihiisana midh-midh cirro ah oo aan badnayn ayaa ka muuqda. Aniga iyo Guuleed oo wada taagan, ayuu sidii uu u soo lalayay na soo hor joogsaday.

Bukaan Caashaq - W.Q: Axmed-Deeq

"Ima daayo caashaqu,
Dad haddaan la joogiyo,
Haddaan keli dawaafoo,
Waaba laygu daw galay".

 Xidhiidhada dadka dhex mara waxaa ugu adag, ugu qalafsan, uguna wanaagsan midka dareen caashaq ka unkama ee lammaanayaal isku qaadaan, amma midkood qaado. Dareenkaas badidiisu wuxuu ka dhashaa eegmo, waxaannu ku dhammaadaa illin. Eegmadu waxay ka timaad isha, illintuna waxay ka timaad qalbiga. Tani waxay keentaa in qofku kala garan waayo marka uu la baaxaa-degayo jacaylka mid uu canaanto isha iyo qalbiga. Waayo qalbigu wuxuu eedda saaraa isha oo ah tii u soo tebisay muuqaalkan ashqaraarka leh ee jiif iyo joogba u diiday qofka, halka ishuna ku garnaqsato inay tahay adeege hadba dhankii loo jiheeyo uun u darban oo aan diidi karin. Halkan waxa ka dhasha buuq iyo bulxan gudeed oo keena gil-gilasho nafsadeed iyo ruxan qalbiyeed. Haddaba, ruxankaasi wuxuu qofka ka soo daadiyaa xikmad amma wax u eg. Sidaa darteed qofka caadiga ah jacaylku wuxuu ka dhigaa suugaan jecle. Gabyaagana wuxuu ka dhigaa waalane, ogowna hal-abuurka dhabta ah iyo waalidu meelo badan bay ku kulmaane.

Tuesday, January 8, 2013

Xoorka Saxaaraha iyo Xasuuqa Safaanaha! W.Q: Muuse F. Jaambiir


Mar keliya ayay asxaabtii ardaaga wada fadhiday aamuseen. Kaftankii iyo jareexadii ay talantaaliga isu waydaarsanayeen hakiyeen. Daymaddooda middeeyeen oo muuqaal aragooda ku dhegay wada jalleeceen. Iyagoon is ogayn oo mid kastaaba moodayay inuu keli ku yahay aragtida sawirka jawigii haasaawahooda bedelay, ayay isku mar ku dhawaaqeen, ?? Ax..Ax..waar bal eega arxan darada iyo axmaqnimadda intaa le?eg ee la samaynayo, caano iyo nabad waaya??. Dareen iyaga wadnahooda iyo dulmanaha ay muuqaalkiisa daawanayeen isku xidhayay baa jiray. Mid dhaqday iyo mid aan dhaqanba lexejeclaa ka hadlisay, taasina waa ta keliftay inay ka xumaadaan oo weedhahaasi ka soo yeedhaan. Laakiin halkay ku sugan yihiin iyo meesha ficilkaa ay ka damqadeen uu ka dhacay, laba kala fog weeye. Bari iyo bogox(galbeed) ayaa la kala joogaa. Kumannaan kun oo mayl weeye masaafada u dhaxaysaa. Inay habaar iyo haaraan hawada u mariyaan mooyaane, ma samayn karaan wax kale oo intaa dhaafsiisan oo jawaab u noqota cidda ficilkaa dhibay samaynaysay.

Thursday, January 3, 2013

Gurmadkii Fanka!

Dadka intay heeso/suugaan aanay lahayn qaada ee waliba sheegta ama xumeeya waynu dhaliilnaa, maxaa diiday inaynu hambalyayno dadka qaada heeso aanay lahayn, sheega ciddii lahayd heesta, walibana horumariya. HALKAN KA DAAWO...