" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: February 2013

Wednesday, February 27, 2013

Gayaan kala garasho duwan - W.Q: Muuse M. Ciise (Dalmar)

Ayaan waliba tilmaan lehe waxa ay ahayd sabti ulo badan. Waa hubaal in maalin waliba ayaantii Ilaahay tahay, laakiinse tani aniga waxa ay ii ahayd maalin amranayd. Waxa ay ahayd sabti tilmaaman oo Khadarkii nolosha ee aan muddoba raadinayay aan si dhib yar leh ula kulmay . Dadku kala nasiib badan oo waayaha iyo wakhtigaa ruuxna xidha qofna saacida’e, maalintani waxa ay ahayd maalin baal dahab ah ka gashay buugga xusuus qorka noloshayda. Alla nasiib badnaayee. Oo waayo? Oo waayadeed, sow lamaan kulmin qalanjadii hablaha ee aan in badan ba hablaha gayaankay ka dhex goobayay. Alla wacanaa oo wanaagsanaa marka Rabi kula kulmiyo mid aad u xulatay inay noqoto xidigtii rajada iyo mataantii noloshaada. Gaabsiguna waa xaaraane mid aad mustaqbal iyo guur ula holoto. Oo ileen nin faro madhani fariid maaha’e ay kuugu beeganto wakhti farahaagu dufan leeyihiin oo aad waysada u biyaysatay guur iyo inaad reer yagleesho.

Monday, February 25, 2013

Boodha-Boodha: Adeeg fududeeye halis badan. W.Q: Cabdiraxmaan Faysal Cali

Gaadiidka loo yaqaano Boodha-boodha (dhug-dhuglayda), ayaa noqday ka loogu isticmaalka badan yahay dalka Uganda, gaar ahaanna caasimadda Kampala, kaas si weyn uga caan ah gudaha dalkaas. Adeegsiga mootada oo si xawliya ugu soo badanaysa Uganda, ayaa bulshweynta kala duwan ee ku dhaqan dalkaasi si xaamiya u raacaan boodha-boodha oo u sahla in ay si fudud u gaadhaan goobaha ay doonayaan in ay ka soo adeegtaan.

Sheeko Gaaban: Saxafigii Sannadka! W.Q: Saddaam Xuseen Carab

Ma ihi kibbaar waxa se la iigu yeedhaa kibbaar, waa magaca uu aabbahay ii bixiyay barigii aan u dhashay. Ma garanayo sabab uu iigu dooray isagu magacan iyo sabab ay hooyaday iigu doori wayd midkale toona. Waxaan se garaadsaday iyaga oo labaduba magacaas iigu yeedha.

Transcript of Mary Harper interview with Somali president


Here is a transcript of an interview of BBC journalist Mary Harper did with the Somali president Hassan Sheikh Mohamoud in London on 3 February 2013.

Dushaadu intee le’eg tahay? – W.Q: Cabdillaahi Cawed Cige


Waa kabkab aan isu soo ururshay, maaha qoraal shir ballaadhan la la tago. Yeelkeeda ee ceesaantii ka soo qaad nin ba ceelka geyn jiray. Mawduucu waa ‘dusha’ iyo ruux ba inta tiisu le’eg tahay, qaad leedahay aan idhaahdo.

Iga dul badan:

Goobtu waa timoxiir Hargeysa ku yaalla. Aniga iyo nin aan timo lahayn oo aannu Liverpool ka wada nimi ayaa muraad timoxiirka u yeelannay, timahayga inuu ii gaabsho ayaannu ugu tagnay. Saddex nin ayaannu meheradda ugu tagnay, laba shaqaale ah iyo nin macmiil ah. Ninka macmiisha ah waxa u soconayay timo jar.

Thursday, February 21, 2013

Qiimee qofkaaga - Somaliland: Qaran uu qof qiimeeyo : W.Q Xasan Cumar Hoorri


"Kolba dhagax ayaan rogayaa anigoo ka raadinaya wax cusub."James M. Buchanan Jr.,1919-2013. James, 1968 waxaa uu ku guulaystay Billadda Noble ee Culuumta Dhaqaalaha isagoo ku mutaystay baadigoobka cilmiyeed ee xidhiidhka dhaqaalaha iyo aqoonta siyaasadda.

 
Haddaba, dad faro badan oo aan ka mid ahay waxaan ku fooggan nahay in aan kolba dhagax rogno annaga oo ka baadi-goobaynna waxa xun qarankan aan ku aaminnay lafaheenna iyo aayaheenna iyo hogo-tusaalaynta sidii looga gudbi lahaa. Allaylahe, maantaba, dhagaxii aan rogay waxaa ka soo mudh yidhi arrin mudan in laga wada hadlo, "QARAN UU QOF QIIMEEYAY!", Qarankuna raalli ka yahay.

Tuesday, February 19, 2013

Baro waxbarasho Jaamacadeed oo bilaash ah adigoo gurigaaga ama xafiiskaaga jooga!

Hargeysa – Jaamacadda barashada cilmiga iyo deraasaadka Islaamka (Islamic Online University) oo faraceeda gobollada soomaalida ka furtay magaalada Hargeysa ee Somaliland, si fursad ay ugu helaan ardayda ku nool gobollada wadanka ee doonaysa in ay wax ka bartaan Jaamacadan, ayaa soo kordhisay waxbarashado shahaadada sare (Master) oo barashada iyo dersidda Islaamka ah.
 Jaamacaddan oo hore looga bartay in ay bixiso waxbarasho la xidhiidha barashada Islaamka oo shahaadada koowaad ah (Bachelor Degree), isla markaana ay dufcaddii u horraysay ay xilli-waxbarasheedkii hore u fadhiisteen imtixaankii, kuwaas ka mid ahaayeen arday kala jooga degellada soomaalida, sida Hargeysa, Garoowe, Muqdisho iyo meelo kale, ayaa bishan March 2013 ay bilaabmayso duruustii cutubka labaad (Second semester).

Saturday, February 16, 2013

Masuuliyadda qalinka iyo qiimaha dhigaalka: W.Q: Kamaal A. Cali

Qalinku waxa uu aadamaha u hayaa masuuliyad laga yaabo in haddii qoraaga iyo guud ahaanba hal-abuurku sideeda u dareemo culayska ay leedahay adduun iyo aakhiro ay adkaanba lahayd in uu qalinkiisu godlado. Waxaa lama huraan ah in qoraagu inta aanu dhigaalkiisa bilaabin uu is weydiiyo fikirkan maskaxdiisa ka soo maaxday ee uu qalinka u hol...laday, muhiimadda uu u leeyahay akhristayaashiisa maanta iyo kuwo laga yaabo in ay qarniyo kadib dib soo raad-raacaan. Waa dhaqankeenna in inta aynaan geedka tegin aynu garteenna sii akhrisanno, sidaa awgeed ma jiro wax inoo diidaya in aynu qalinka barbar dhigno gartii geedka hortii la sii akhrisanayey, oo uu qoraa kastaa naftiisa la sii falanqeeyo illaa xadka uu qoraalkiisa dhex-dhexaad yahay, isla markaana aanu ka tallaabayn xadka sharfan ee uu siinayo xaqa xornimo u hadalku.

Monday, February 11, 2013

Dhuuxo - W.Q: Saciida Sh. Axmed

Maalintii koowaad ee Dhuuxo ay soo gashay guri ay Soomaaliba ka muuqato muddo sanado ah kaddib, waxa ay ahayd maalin iyadoo sidda waraaqo ku dhex jiray gal ay dusha kaga qoran tahay “is-dhiibe cusub” oo ay gurigaasi keentay. Waxa ay kasoo qaadday dukaamada ganacsi ee isgaarsiinta ee Internetka laga adeegsado ama Teleefoonka laga dirsado, oo uu wiil yar oo isla maalintaa is-dhiibay (Dalbaday in loo qaabilo qaxooti ahaan) ku soo illoobay goobtaas, intuu ka dirsaday teleefon. Nasiib wanaagiiyee, qolkii yaraa ee uu wiilku ka dirsaday teleefonka waxa ay Dhuuxo ahayd qofkii ku xigay ee galay. Markii ay aqoonsatay in uu magaca wiilku yahay Soomaali, oo dhalashadiisuna tahay Soomaali, bay galkii u qaadday gurigaas, oo ay keentay maadaama guriga lagu yaqaannay in ay deggan yihiin gebi ahaantiisba dad Soomaaliyeed. Waa ayna iska tagtay. Gurigii ay Soomaalidu degganaayeen, qaar ka mid ah dadkii guriga ku noolaa baa markiiba is weydiin billaabay, oo qaar baa ceeb u arka in aysan warbixinta dadka ku nool magaalada oo dhan aysan heynin, oo isu arka shaqo weyn oo muhiim ah oo aynaan cidi u dirsan se iyagaa isu diray in ay hayaan. Markaa, sidaaba ha ahaatee, waxaa ay aad u jecel yihiin in ay warbixintu ahaato mid u badan xagga ceebeynta iyo wax xun sheegga. Lama warsado waxa ka soo gala waase loo riyaaqaa.

Wednesday, February 6, 2013

Shaqo Runihi Waa Middaan kula Dhimanin - W.Q: Dr. Cali Sheekh

"سبحانك اللهم لا علم لنا إلا ما علمتنا إنك أنت العليم الحكيم"

Dhulkan laguma waaroo,
dhaxsin baad u joogtaa,
Raadkaagu uu dhumin,
wax wanaagsan sii dhaaf,
Dadkaa dhuuxi doono,
dhabahaaga soo mari,
Haddaad dhimato howl aan,
Cidna kaa dhaxlayn qabo,

Monday, February 4, 2013

Talo iyo Tusaale Waayeel - W.Q: Rooble Maxamed

ImageDalku wuxu marayaa marxalad adag oo ay saldhig u tahay qabyaalad, nin jeclaysi iyo xildoon. Midho kasta oo la beero waxa dhadhinaya cudurradaa aynu sheegnay aakhirkana waxay noqonayaan qaar baaba’a oo aan waxba laga faa’idin.