" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: June 2013

Sunday, June 30, 2013

‘XIL-DHIBAAN’: XIL-MA-DHAAD XIL-MA-QAAD (Dhafan-dhaaf sheekada: Ii dhiib an kuu dhiibee… I dhigo aan ku dhigtee) – Qalinka: Boobe Y. Ducaale

“Muskii Baarlamaannada markaan, meel isugu geynay,
Madaxweynayaal iyo markii, Minister loo doortay,
Maskaxdii wacneyd iyo dadkii, meel u wada jeeday,
Nimankii mel-melay waa kuwii, maalay keligoode,
Hadday maalintii na hor kacaan, midho ma weyneene,
Marnaba yeydinaan dhicin kuwii, male ku soo goostay,
Muraadkoodu nimankuu ahaa, moodhadhkiyo daarta,
Nimankii muggooduba ahaa, maalin la casuumo,
Ma-naxaannadii baan arladan, meersna u toline,”

Maansada Guubaabo ee Timacadde, 1970-kii Hargeysa

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

Tuesday, June 25, 2013

Hankaa laga dhoofiyaa! - Qalinkii: Barkhad M. Kaariye



Saddex wiil iyo gabadh dhalinyaro ah ayay ahaayeen. Meel waddo dhinaceed ah ayay u taagnaayeen si wareeg ah oo u muuqatay inay xog kala qaadanayaan. Aniga oo ag-maraya, ayay dhegahaygu maqleen ereyo sababay in aan dib ugu noqdo; “Iska joog, anagaa ku geynayna xerada laga baxo’e,” ayuu mid ka mid ahi leeyahay markaa. Waxa maankayga ku soo dhacay in uu ka hadlayo tahriib, balse ma garanayn cidda uu la hadlayo. Dib baan ugu noqday oo dhankoodii ayaan u dhaqaaqay. Intii aan u sii socday, ayaan halacsaday wejiyadooda, mise midkood ayaaban weji-garanayaa, balse aanan magic-dhebi karin. Markii aan gaadhay, ayaan salaamay, waana markaan ogaaday in inanku uu la hadlayay inanta oo uu ku qancinayay in ay tahriibkeeda sii wadato.

Sheeko iyo Shaahid: Baratan Suugaaneed – 2013 - Tartankii 6aad

Redsea-Online Cultural Foundation iyaga oo duulaya fikradda aasaaska u ah ee ah jiritaankooda oo ah inay ka qayb-qaataan wax kasta oo horumarinaaya taabbagelinta dhigista, fidinta hiddaha iyo suugaanta; xoojinta fanka iyo farshaxanka; baahinta dhaqanka qorista iyo akhriska iyo gaar ahaan kobcinta qoraalka Af-Soomaaliga, waxa ay soo bandhigayaan Kulankii Lixaad ee ku baratanka Sheeko Curinta Toolmoon, "Sheeko iyo Shaahid".

Sheekooyinka ka soo qaybgalayaa ma aha isku jeeddo e mawduuca sheekadu ku socoto waxa u madax bannaan qoraaga. Waxa se sannadkan lagu dheerrigelinayaa in qoraagu ku saleeyo sheekadiisa mawduuca sannadkan ee Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa oo sannadkan ah “Socdaal”.
Waxa halkan ku lifaaqan xeerka Sheeko iyo Shaahid ee sannadkan 2013.

Saturday, June 22, 2013

Dhadhami waayihii dorraad! (Xorriyatul-qawl mise Xabsi-qool?) - W.Q: Barkhad M. Kaariye

DHADHAMI WAAYIHII DORRAAD: Taxane dib u milicsanaya taxanihii siyaasadeed iyo duruufihii nololeed ee Somaliland wakhtiyadii laga soo gudbay. Wuxuu taxanahani faallayn doonaa saaxadda siyaasadeed, saxaafadeed, nololeed iyo wax kasta oo uu u arko in loo baahan yahay in dib loo milicsado.

Qaybtan oo huwan ciwaan-hoosaadka 'Xorriyatul-qawl mise Xabsi-qool?' waa tan ee shifo ku il-saara.