" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: August 2013

Saturday, August 31, 2013

JACAYLKII SHAASHOOBEY! - W.Q: Siciid M. Axmed

Wali Jacayl bukooday ma kuu yimid? Ma ku weydiistey daawo? Ma kuu sheegtey dacar iyo dakano u diidey hore iyo diba inuu u socdo? Ma kaa codsaday baadhitaan iyo baanasho laxaad leh? Dabadeed, ma baale daymootey? Ma is tidhi buskee oo baano nabarkan fidee boga, beerka, dhabarka iyo xanjaadkaba ka haleeley jacaylkan jariban?

Wednesday, August 28, 2013

So you want to work in development? Check out this guide

Many young people are desperate to work in the sector, but how do you decide which roles suit you most? Help is at hand – explore our development flow chart
View larger picture
Not sure where you'll end up in development? Take our careers flow chart

Kenyan doctor uses cancer drug to stop HIV progress

Five Kenyans appear to have overcome the HIV virus, boosting hopes of getting a cure for the world’s deadliest virus. The five, who include two men and three women, seem poised to join a handful of other people believed to have been cured of the virus, says the man leading the clinical trials of the uncoventional regimen, Dr Barasa Situma.

Hees cusub: Faysal-Golis iyo Amran-Star

Monday, August 26, 2013

Bandhiggii buugga Baraarug iyo Hargeysa!

Falsafadda taranka bulshooyinka iyo Islaamka - W.Q: Mahdi Sheekh

Robert Maltos oo ahaa dhaqaaleyahan reer Ingiriis ah (1766 – 1834), waxa uu ku caan baxay aragtida in tirada dadka dunida ku nooli sii kordhayso, kheyraadka dhulka guudkiisa Rabbi ku mannaystayna gabaabsi yahay, sidaasi awgeed loo baahan yahay in dib loogu noqdo xisaabta taranka qoyska. Aragtidan ayaa Buuq iyo doodo badan ka dhalisay caalamka guud ahaan,  gaar ahaana culimada ku takhasusay Cilmiga Bulshada, waxana lagu naanaysay  “aragtidii Baaseysiga”. Horumarka farsamo iyo aqooneed ee dhamaadkii qarnigii 19aad iyo bilawgii qarnigii 20aad ayaa waxba la’aan ka dhigay aragtida Maltos, waxana dhacday in Yurub dhaqaalaheedu kor u kac laxaad lihi ku yimid, halka hoos u dhac la yaablihina ku dhacay taranka bulsho ee shucuubta reer Yurub. Arintan oo hal bacaad lagu lisay ka dhigtay saadaashii Maltos ee in 25-ka sanno ee soo socda dadka reer Yurub tiradoodu libinlaabmayso cuntadooduna yaraanayso, waxana dhacay wax taasi ka geddisan.

Hiilka Afka-somaliga; yey si gaara waajib ugu tahay? W.Q: Maxamed Ibraahim (Cirro)

Habeenkii sabtidu soo galaysay todobaadkan ayaan Hargeysa kaga qayb gallay bandhig lagu soo bandhigayey riwaayad magaceedu ahaa “Hiil baan u baahnahay”. Yaasmiin Maxamed Kaahin hal-abuuraha riwaayaddu ka sokow in ay gabadh waliba dhalinyarro ah tahay, waxaan riwaayadaa ay curisey ku sii jeclaystey sida fariinta dhumucda weyn, ee qaylo dhaanta xoogan xambaarsan ay muddada kooban ee saacadda ka yar ugu jaangoysay. Yaasmiin waxay indhaheena soo horjoojisay, oo ay dhagaheena habeenkaa maqashiisay cid hiil u baahan; maya cid maaha, qof iyo qofafna maaha, gobol iyo geyina maaha ee waa afkii bulsho lahayd. Bulshadeena afkoodii oo cod liita oo dirqi dhuunta u soo dhaafaya isagoo halkan galgalanaya inagu leh Hiil baan u baahnahay, oo waliba kuwa uu hiilka ka dalbanayaa sii haraatinayaan. Waxay ahayd masrixiyad intii joogtey dareensiisey sakaraadka afkeenu ku sugan yahay, anigana si gaara muddo maskaxdayda uga sii dhex guuxeysay. Anigoon u holan inaan masrixiyadaa siday ahayd idiin soo min guuriyo, oo Qoraageena Saddaam Xuseen Carab uu sawir iyo faalo ina deeqday inaga siiyey habeenkaa iyo hiilkii Afkeenu dalbanayey, aan isku dayo inaan si dhaw farta ugu fiiqo cidda hiilka inay bilowdo laga rabo.

Falanqayn: Masrixiyadda "Hiil Baan u Baahnahay" - W.Q: Saddaam Xuseen Carab

“Hiil baan u baahnahay”, masrixiyad ayey ahayd, waa la xiisaynayey. Masrixyad ayey ahayd oo gabadh baa curisay  iyana waa la sii  xiisaynayey. Ogaysiiska ruwaayadda “Hiil Baan u baahnahay” mareegaha iyo wargaysyada ayaa lagu sii baahiyey. Markaas ayaad iswaydiinaysay “Yaa hiilka u baahan”! iyo cid waliba way u baahantahay. Xataa naftaada ayaa u baahan ayaad isugu garaabaysaa. Laakiin cid aanan haabka ba ku hayn ayaan ka dheegtay markii aan daawaday masrixyaddii oo aan ogaaday in ay hiil u baahantahay. Kaligay ayaan moodayey ee dad badan ayaa iyana ka sokow in ay ruwaayadda daawadaan xiisaynayey in ay ogaadaan cidda Hiilka u baahan sidayda oo kale! Ugu horrayn se aan hambalyeeyo walaasha curisay Masrixiyaddan Yaasmiin Maxamed Kaahin.

Sunday, August 25, 2013

Warbixin VOA ka diyaariyeen masrixiyad dhaqameed la yidhaahdo HIIL BAAN U BAAHNAHAY!



Masrixiyad dhaqameedkan oo ay curisay Yaasmiin Maxamed Kaahin, waxa lagu qabtay Hotel 4Seasons ee magaalada Hargeysa. Waxaana ka qaybgalay aqoonyahanno, qoraa, culima'udiin iyo marti tiro badan. Iyada oo dhamaystiran, dhawaan kala soco www.kaariye.blogspot.com

Hadraawi: Somalia’s mild-mannered fierce critic

dailynation.jpg
Saturday, August 24, 2013

Legendary Somalia poet Haadrawi, real name Mohamed Ibrahim Warsame during a presentation in Hargeisa, Somaliland on August 16, 2013.   NATION MEDIA GROUP
I had heard a lot about Hadraawi, the legendary Somali poet. Even though I didn't see him when he last came to Nairobi for the last Kwani? Litfest, I got my second chance to see him when I attended his performance at the sixth Hargeysa International Book Fair in Somaliland.

Muhannad miyuu ila qabaa marwadayda? - W.Q: Saddaam Xuseen Carab

Ha iska daallanaado se kuma faraxsana halka uu u rawaxayo xilligan, daal kale iyo buuq kale ayuun baa u sii yaalla meel baasta awooddeedii laga xayuubiyey ee aanu yeelid iyo diidmo midna ku hayn. Laakiin haddana way hurran tahay oo waa iska yimaaddaa habeen kasta. Oo halkee oo kale ayuu tagi lahaa ba?! Waa sagaalkii cawaysnimo oo dhowdhow marka uu saacaddii eegay. Wallaahi waaba goortii ay balaayadu heeryada dhigan jirtay hoygaagii, “tolow ma iska joogtaa” ayuu isleeyahay?  Haddii uu joogo waxba kama dhinmayaan dhibaatada ka oogan laabtiisa, haddii uu tagana waa tii uun iyo tu ka sii daran. Saaka lixdii subaxnimo ayuu ka soo kallahay halkan uu ka baqayo in uu hoydo, sida uu aroortii u hawl yaryahay gurigu uma hawl yara habeenkii! Waayo balaayaa ku soo hoyata habeenkii meel baasta; musalsal ayaa naftii ilaahay gashaday u keenay oo uu khaati ka taagan yahay!

Adaa deeqda bixiyee Allow Ubadka noo badi! - W.Q: Mustafe Axmed

Bal u fiirso weedhahan; “Sidaa daraadeed dhallinta aqoonta leh waxaan leeyahay; Ha guursanina, haddaad guurstaanna ha dhalina, haddaad dhashaanna hal ha ka badsanina, maxaa yeelay tobankii walaalkaa, ama walaashaa, ama adeerkaa, ama abtigaa dhala ama soomaali maxamed dhaleen aday ku sugayaan”!!!!!

Friday, August 23, 2013

OGEYSIIS:

Masraxiyad dhaqameed magaceedu yahay HIIL BAAN U BAAHNAHAY ayaa caawa lagu dhigayaa Hotel 4Seasons ee Hargeysa. Waa fiidka 6:30pm.

Thursday, August 22, 2013

Closing ceremony of Hargeisa International Book fair in PICTURES by Barkhad Kaariye

Said Salah Ahmed, Poet (L), Cabdillaahi C. Cige,
Poet and author (C) and Barkhad M. Kaariye


Wednesday, August 21, 2013

Sheeko iyo Shaahid 2013: Sheekooyinka ku guuleystey sannadkan

Saddaam Xuseen Carab, wuxuu ku guulaystay kaalinta labaad.
Guddiga Qiimaynta Sheekooyinka ee Baratanka Sheeko iyo Shaahid 2013, waxa ay soo saareen taxa sheekooyinka ku guuleystey baratanka sannadkan kaalmaha kowaad, labaad iyo saddexaad.







Sheeko iyo Shaahid 2013: Sheekooyinka wajiga kama danbaysta usoo gudbey

Guddiga Qiimaynta Sheekooyinka ee Baratanka Sheeko iyo Shaahid 2013, waxa ay soo saareen taxa sheekooyinka ka soo gudbey wejigii labaad ee baratanka, isugu na soo hadhay kala saarista kama danbaysta ah. Sheekooyinkani waxa ay u kala hormarsan yihiin sida magacyada qoraayadu ugu kala horreeyaan alifba'da (alphabetical order), mana aha in ay si kale u kala sarreeyaan. Guddiga Qiimayntu waxa ay ku dhawaaqayaan sheekooyinka ku soo baxa kaalmaha Kowaad, Labaad iyo Saddexaad kulanka Sheeko iyo Shaahid ee Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa. 

Sunday, August 18, 2013

Hargeisa International Bookfair (HIBF) Events in Pictures By Barkhad M. Kaariye


Abdillahi Awed Egeh , Author and one of the creative writing course trainers

Wednesday, August 14, 2013

Beam of Hope rises with awakened minds by Umayma Essa


All praise and thanks to Allah the exalted, the Lord of the universe, May the choicest blessings and peace of Allah be upon the last Messenger and Prophets, Muhammad, his pure family, his noble companions, and all those who follow his footsteps till the end of this universe.

Monday, August 12, 2013

OGEYSIIS: MASRIXIYAD CUSUB!

MARTIQAAD:
Waxa farxad noo ah in aannu idinku marti-qaadno bandhigga masrixiyad magaceedu yahay;
HIIL BAAN U BAAHNAHAY
Waa riwaayad gudbinaysa ujeeddo qotodheer, waxaana curisay YAASMIIN MAXAMED KAAHIN.
Goobta: Maansoor Hotel, Hargeysa.
Goorta:  15ka Ogos, 2013. 7:00pm (Habeenka Khamiista, jimcuhu soo gelayo).


Martida way u furan tahay, waana lacag la’aan.

Sunday, August 11, 2013

May ogaan caawa ka hor! - W.Q: Muna Axmed Cumar

May  ogayn markii uu haasaawaha guurkoodu u socday, isna wuu ogaa in aanay  sirtan iibiyaha ka gadda mooyee cid kale ogayn, wuu hubay in aanay ogaan doonin, siduu filaayay ayaaba dhacday oo caawaba waa habeenkii aqal galkooda. Guri aad u wayn oo ku yaala magaalada ayuu ka dhacay aqal galkoodu, farxad, damaashaad iyo mushxarad ayay ku kala dareereen labadii qoys ee habeenkaa lagu soo casuumay xaflada aqal galkooda.

Wednesday, August 7, 2013

Cudur cusub oo dilaa ah oo ka dillaacay dunida! - W.Q: Ibraahim Sh. Axmed (Madar Wacays)

Akhriste waxaan jeclaystay inaan kuusoo gudbiyo qormo kooban oo ka hadlaysa  cudur dhawaan kusoo biiray dunida, gaar ahaan dalalka carabta ee aynu ood wadaag leenahay.  Akhriste waa Qoraal kooban oo kasoo dheehay  Haaayad caalamiga ah ee ka shaqaysa Arimaha Caafimaad ee magaceed marka lasoo gaabiyo loo yaqaano WHO (World Health Organization).

Haddaba, hadii aynu nahay Bulshada soomaalida ah eek u baahday Dacalada dunida ay ka mid yihiin dalalka uu saameeyay dilaagan cusub maxaa inala gudboo.  Waa talooyin kooban aan isleeyahay Bulshada deena waxbay u tari doonaan inshaa allah.

Monday, August 5, 2013

Astaamaha qofka ah heeryadiisa-cune! - W.Q: Maxamed Yaasiin Ducaale

Gogol-dhig


  • Salaan sharaf iyo gacalooyo wadata ka dib, hore waxaan idiin soo weydiiyey in qof lagu sheegi karo ama lagu tilaami karo “Heeryedii-cune” iyo astaamaha ama calaamadaha uu qofkaasi leeyahay, haddaba aniga oo tixraacaya jawaabaihiinnii, isla markaana soo ururiyey oo ku salaynaya dhacdooyin ama odhaahyo hore looga sameeyey qisooyin iyo maansooyin/heeso ku saabsan qof lagu tilmaansanayo inuu yahay “Heeryedii-cune” waxaan halkan idiinku soo gudbin doonaa qoraal ku saabsan cidda dhab ahaantii la odhan karo ama lagu sheegi karo inuu la meel yahay Awrka heeryediisa cuna. Waxaan u mahad celinayaa asxaabta fekerkooda igu soo biiriyey ee igala qayb qaatay ururinta xogta ku saabsan sifadan xun ee ceebta badan leh, Mahad gaar ah waxa lahaan doona asxaabta mar kale u isu xilqaanta inaay igu soo kordhiyaan wixii dheeraad ah ee aanan ku soo darin qoraalkan.

Sunday, August 4, 2013

Sababtii meeday? - W.Q: Saddaam Carab

Inta badan marka aan Internet galo waxa aan furaa degallada wararka lagu qoro, waliba kuwa Soomaalida. Mooyi in ay maanka iga addoonsadeen iyo mooyi in ay balwad iga tahay ee waan akhriyaa si kasta. Warbaahinta la iska arko iyo ta la iska maqlo iyo midda la akhriyo ee Soomaalida mar kasta waa lagu celceliyaa oo galdaloolooyin bulshada heeray baa ka buuxa. Taas na qof ba wax buu ku sheegaa sababta ama sababaha keena. Waxa se lagu soo ururin karaan laba sababood midkood ama wadartood. Waa midda koowaade’ aqoon darrida wariye ku sheeg indho adag oo aan warka hubsan ama u badheedhaba u been sheegidda dadka wax walba qaata ee aan hubsan ee Soomaalida isaga oo quud yar ama qabiil ku gata sharaftiisa saxafinnimo. Waa midda labaad e’ markii bulshada aqoon yahankeeda tirada yari kala masuugay daacadnimada iyo daadifaynta kuwa liita ee wararka liita sheega ayey isu rogeen cakiska oo ay noqdeen kuwa bulshada ugu cadcad ee loogu jecelyahay saxafi ku sheeggu! Isku darka labadaas sababood ayey tahay in aynu eersanno.