" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: December 2013

Wednesday, December 4, 2013

Calooshii Currigu Qaatay! W.Q: Saddaam Carab

Wuxuu yidhi: Baryahaa si aad ah baan u cuni jiray qaadka. Galinka hore, ka dambe iyo habeenkii ba afkayga caleen cagaaran oo budulsan waa lagu arki jiray. Xataa cuntada isaga ayaan ka jeclaa. Faan iyo farxad labadaba waan ku qabay. Waayuhu se mar walba ma samaado. Maalin baan soo taaban waayey Qaadba. Xiin badan iyo xuuraan ba waan u galay. Cid kasta oo aan ka heli kareyey waan ku cabaaday. Albaabbo badan oo aan garacayna waan ku hungoobay. Nasiib darro maan helin wax aan ahayn daal. Haa, daal awgii baan qaad la’aan gogoshaydii ku gataati dhacay. Aniga oo aan geesna eegin baan hurdo dhex muquurtay. Maba aan ogayne show dayn badan baa la igaga lahaa furaashka! Habeenno ayaan sidooda soo jeed ugu idleeyay. Habeenno waabari ayaan seexday. Furaashkuna intaasba malaa wuu ii kaydinayey. Markaas baa wixii baaqi igu ahaa oo dhami habeenkaas isa soo fayliyeen. Khuuradaydii ayaa degdeg u bilaabantay. Laakiin waxyar ba maan hurdin kolkii qabtani dhacay;