" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: April 2014

Sunday, April 13, 2014

Maxaa laga yidhi masraxiyadda HIIL BAAN U BAAHNAHAY?

Masraxiyaddan waxa halabuurtay Yaasmiin Maxamed Kaahin, waxaana metelay kooxda dhaqanka ee HIDO ACADEMY.

Sunday, April 6, 2014

SHEEKO GAABAN: Godobreeb - W.Q: Saddaam Carab

Aad baan u daallanaa. Cadceeddu waa ay sii gaabanaysay. Dhulkuna waa uu sii madoobaanayey. Adhigii aan la joogay waxa aan keenay kambalka reerka. Waxa aan   dhawrayey oo kali ah inta maqasha iyo baraarka la xaraynayo. Markaas waxa xigta uun in aan anna adhiga xerada ku shubo. Aad baan u gaajaysnaa oo waxa aan dareemayey tamar li’i.