" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: June 2014

Tuesday, June 3, 2014

Iyada oo arkaysa! – W/Q: Saddaam Xuseen Carab


Kadinka xagga koonfureed u jeeda ee cisbitalka Hargeysa ayey orod ku soo gashay. Ilmo yar oo qiyaastii bil ama ku dhow jira ayey legga ku sidatay. Shalmaddu inta ay ka dhacday baa ay labada garab midkood ka laalaadday. Kabaha ay xidhnayd midkood waa ay go’nayd, se waa ay ku socotay. Warwar hooyo ayaa korkeeda buuxdhaafiyey. Dareenka kalkeeda ka oognaa waxa laga arkayey korkeeda. Mar waxa ay eegaysay ilmaha mujada ah ee ay cadceedda ka qarinaysay, marna inta ay afka afka u saarto ayey naqaska ku taagan ka soo nuugaysay.