" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: July 2014

Thursday, July 31, 2014

Sheeko gaaban: Geed Nool - W.Q: Saddaam Carab


Kor buu u eegayaa geedka wayn ee sogsogta ah. Beerta reer Dhabbohaye, geed sidan u wayn lagama soo heli karo. Geedkani sooyaal badan buu ku leeyahay reer Dhabbohaye. Geeddiga geedka hoos jooga ee fiirinaya, laba hablood oo ay walaalo yihiin baa lagu bixiyey. Waa geedkii isga iyo aabbihii ba loogu gaaf tumay. Sogsogtan gabowday baa arrimo adag oo xaafaddu soo martay lagaga arrinsaday. Isba intan oo dhan waa uu ogyahay se waa isdiidsiinayaa. Hunguri baa ka haya, mid wayn oo baqe wata. Geeddi waa canaan-ka-yaab ase faruhu aad bay u cuncunayaan galabta.