" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: October 2016

Sunday, October 16, 2016

Xuska sannad-guurada 20-aad ee Faarax Oomaar - W.Q: Mustafe M. Kheyre


Maanta oo kale, 20 sanno ka hor, waxa dib loo furay dugsigii sare ee ugu horeeyey Somaliland wixii ka dambeeyey dagaalladii SNM dalka kaga xoraysay nidaamkii Siyaad Barre, dagaalladaas oo gaystay burbur sida looga soo kabtay ay la-yaab tahay.

Waxay ahayd Arbaca, 16-kii October 1996. Subaxnimo hore, goor dhulku qabow yahay cirkana ceeryaan khafiif ahi ku dedan tahay, ayaanu ku soo qulqulnay Faarax Oomaar oo ku yaalla meel aan ka durugsanayn xarunta Wasaaradda Waxbarashada ee Hargeysa annagoo fulinayna ogaysiis laga sii daayey Raadyow Hargeysa oo odhanayey:

Dhammaan ardaydii ka qalinjabisay dugsiyada dhexe ee imtixaankiina gudubtay waxa lagu wargelinayaa in ay Arbacada 8.00-da subaxnimo yimaaddaan dugsigii sare ee Faarax Omaar”.