Iyadoo kaba la' oo ordaysa ayay haddana sinta ku sidday inantii ay
dhashay ee ay mataannaha ahaayeen Hacoo. Qiyaastii wakhtigaa Hacoo
wuxuu jiray toddoba bilood. Qayd hun noqday oo ay u xambaarsanayd
isaga iyo dharkii ay sidatay oo kaliya ayay ka haleeshay wixii hanti
gurigeeda yaallay. Qaydka ay ku xambaarsanayd inta uu dillaacay ayuu
badhida kala soo dhacay Hacoo, balse waa hooyo iyo daryeelkeed'e,
gacantii u bannaanayd ayay ku taageeraysaa si aanu uga dhex siiban.
Aabbihii wuxuu dhintay toddobaad ka hor oo ahayd bilowgii dagaalka
Hargeysa ka dhacay ee ay Asli ka qaxayso. Waxay ku hiranaysaa oo ay
bidhaantooda beegsanaysaa qoys ka sii horreeyay oo qaxaya. Markii ay
sidi kari wayday ee ay aragtay in Hacoo ka dhex siibanayo qaydkii
hunka ahaa, ayay istaagtay iyada oo baalla-daymoonaysa, dhinac na ka
eegaysa dadkii ay ku hiranaysay oo ay isleedahay
yaan muuqoodu kaa libdhin. Waxay dhulka dhigtay inantii ay sinta ku
sidday. Waxay furtay gambo adag oo ay kawirnayd, dabadeed waxay ku
giijisay xambaarkii oo halkii qaydku ka dillaacay intay ku qabatay
ayay hinjisay si ay ugu soo qabato. Dabadeed halkii socod ka sii
bilowday. Ma haysato cid caawisa, kalsoonnida ay qaddarka Alle ku
qabto ayay weheshanaysaa iyo in aan dhibtan lagu waarayn. Muddo dheer
oo ay socod iyo gabbasho u ahayd ka dib, waxay gaadhay xeryihii
qaxootiga ee Itoobiya.