Waxa la caayayaa kaskaaga iyo garashada suubban ee ka soocda
abuurta kale. Haddaa maxaa laguu jaho-wareerinayaa. Waxa la ogaaday
goldalooladaada iyo iimaha ku dul gawdiida, waxaana la oddorosay falcelinta aad
kaga jawaabi karto qadaf kasta oo laguula badheedho.
Pages
▼
Sunday, March 25, 2012
Wednesday, March 21, 2012
Sheeko Gaaban: Isma ogid e' is eeg !!!
Had iyo goor, hadh iyo habeen iyo mar walba oo aad aragto way ka
walaacsan yihiin oo wer wer inuu hayo ayaa kor kooda ka muuqata kalkooda se
ALLA OG.
Sunday, March 18, 2012
WAAN SOO QALDAMAY!
Qulluufan qallaafan,
Waraabe dheg jeexan
Shabeel indho giiran
Waraabe dheg jeexan
Shabeel indho giiran
Waa maxay dadkani tirada
badan ee igu xeerani, dadku dhaadheeraa, waaweynaa, sownigan hoostooda ku
shiiqay…maxay ii sheegayaan? maxay iga rabaan?…sownigan gariiraya,…hadal…hadal
bay i leeyihiin maxaan ku hadli, dadka intaa le’eg maxaan u sheegi weligayba gole
kama hadale, laba qof ka badan lama hadale…maya soco waad samayn kartaa…iska
hadal hadday ugu bataan qay kugu qosliye, muxuu qosol ku yeeli ma feedh buu kaa
jebin....
Saturday, March 17, 2012
Sheeko gaaban: ABU JIHAAD!
Waxa uu fadhiistay derbi. Inta uu kambadhuudhsaday oo haddana kadaloobsaday ayuu dhabanka gacanta saaray. Hortiisa dad badan ayaa isweydaaranaya, haddana waxa uu dareemayaa kelinimo iyo cidlo ciirsila'. Dadka ay dariiqa ku kulmaan haddii ay salaamaan ayaaba naf u ah. Kuwo badani jidka ayayba uga leexdaan marka ay arkaan isaga oo gidaarka fadhiya iyagoo weliba hoosta ka nacdalaya.
Afkeennu Hodansanaa, Ummaddiisuna hiil yaraa!
Han-weynidu yaab lahaa
Hilbay nacaysaa ag yaal
Hibaaqa hareerigee Haadaan ka lushee fogbay
Misana ku hadaaqaysaa, Hal bay hal ugeynaysaa
Hal baanay ka goynaysaa Hadhaa hal ka buuran bay
Misana kugu hawlaysaa, Go’doon iyo hayjad bay
Habeen kugu oodaysaa Huluul laga maagay bay
Hayaan kugu geynaysaa
Maansada Higil, Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) – 2012
Bar-Tilmaameed: Talada Xun horaa loo Eeday!
Afar indhood iyo laba indhood isku si wax uma arkaan; shaqo qof keli
ah qabtay iyo ta la isugu tago isku tayo ma noqdaan; talo la’aan waa tayo
la’aan.
Nafteyduun-bay ila xantaan - Qaybta 3aad
Sidaas ayey ku kala anbabaxeen
Nuur-qurba-joog iyo Oday Faarax iyo Ducaalihii la socdayba, iyaga oo aan calool
fiicnaan ku kala tagin, hase ahaate markii ay ka tageen Odayaashu waxa uu
Nuur-qurba-joog sii hibanayey hadalo dhex maray oo uu isagu dhibsaday.
Thursday, March 15, 2012
QABRIGII MAALKA - W.Q:: Wayeel
I.
MAALINTAAS oo dhan,
waxa uu sugi l'aa goortii uu uga sheekeyn lahaa naagtiisii, iyo Ibrow Goonle
[seeddigiis], walaalkeed iyada ku hooyo ahaa—fiidkii uu labadooda arki lahaa,
uga na warrami lahaa xabaasha ku taal aaggii Koodka.
Wednesday, March 14, 2012
Qurba-joog: Maxaa Ceeb la Korodhsaday!
“Qirta Water Gate-yadu ka badan
taydun weriseene” – Gaarriye
Warar subag leh ayay u muuqan karaan mas’uuliyiinta xabsiga loo
taxaabay magaalada Hargeysa ee lagu eedaynayo weecsiga booshcaddihii dawladda Cummaan
ugu deeqday dadka gaajada iyo macaluushu Somaliland ku gabagabaynayaan.
Tuesday, March 13, 2012
Nafteyduun-bay ila xantaan - Qaybta 2aad
Hase ahaate, maalmo kadib waxa isa soo canaantey Nuur-qurba-joog isaga
oo yara dareensan inuu khaldamay ama uu meel ka dhacay Oday Faarax, waxaanu
Oday Faarax ugu yimid goor barqo ah
Makhaayadii uu ka qaxweyn jireyn ee uu sida joogtada ah u iman jirey, markii uu
Nuur isa soo taagay makhaayadii oo
barxad dibada ah lagu bunaynayo ayuu bariidiyey waxaanu yidhi “Shir bariidsan”
Waxaana loogu jawaabay soo fadhiiso.
Monday, March 12, 2012
Nafteyduun-bay ila Xantaan!
Oday Faarax waa nin weyn oo aad loo garanyo. ma jecla inuu dhulkiisa hooyo meelna uga baxo, waxana uu ku nafisa salaanta aroortii dadka garanayaa ku qaabilaan.
Marka uu suuqa dhexdiisa talaabsanayo ama uu qaadayo waddaada weyn ee halbowlaha u ah Hargeysa, gaar ahaana uu ku beegan-yahay Cusbitaalka weyn illaa aaga Madaxtooyada waxa aad dareemaysaa haddii xataa aanad garaneyn in si weyn loo qiimeynayo. taasoo ay kuu cadeynayso bariiradda dadka ay jidkaa ku kullmaan uu ku qabo.
Monday, March 5, 2012
SHEEKO GAABAN: Xeebtii Kalgacalka!
Gabalku waa sii dhacayaa, oo
cad-ceeddu iyada oo dhar dahabiya xidhan waxay u sii gur-guuranaysaa godkeeda.
Waxaanay gayiga ku sii sagootinaysaa falaadho casuusa. Falaadhahaasi marka ay
foolkaaga ku dhacaan waxay ku hilmaansiinayaan wixii aad huq iyo hagar-daamo
maalintaa mudatay. Waxaanay kugu soo noolaynayaan dareenno muxubo iyo kalgacal
isugu jira oo aad u qabtay inta xidhan mariyo dhixir oo gudahaaga ku dhadhay
markii aad qaan gaadh noqotay.
HAL MUCEEDYADII TIMACADDE: Midh la baxa Maansada dawladnimada, midnimada & qabyaalad-diidka – W/Q. Dhamme Maxamuud - Q.1
Haddiiba dib loo milicsado qaab-nololeedkii bulsho ee soomaalida
qarniyo yar ka hor, wuxuu si walba uga duwanaa kan maanta ee badi magaaloobay.
Beeshii raacatadu waxay lahyd qiimaynteeda iyo qadirinteeda waxyaalaha u gaarka
ah. Doorka gabayga iyo gabyaagu ka ciyaari jireenna waxay ahayd mid aad iyo
laxaad leh oo ka saamayn badan ta maanta. Abwaanku ma ahayn curiye maanso
kaliya, waxse uu ahaa ‘xoghayyaha warfaafinta’ iyo warbaahinta (radio) kaliya
ee jirtay.
Thursday, March 1, 2012
Shaadhka uskagga ahi Cadar uma baahna!
Waxa magaalada
Hargeysa guddiga golaha deegaanku ay ka bilaabeen olole ballaadhan oo ay ku
qaadeen goobo kala duwan oo ay u arkayeen inay dhaawacayaan bilicda magaalada.