Sirta noloshu waa hal-ku-dheg isticmaalkiisu ku badanyahay bulsho waynta ku hadasha afka Soomaaliga iyaga oo leh qofkaa hebel sirta nolosha ayuu fahmay oo ay dhici karto in ay ula jeedaan ama ka wadaan mid ka mid ah macnayaashan:
Pages
▼
Monday, July 30, 2012
Tuesday, July 24, 2012
DAAWO: Sideen Quraanka u xifdinaa?
Allaah baa mahad leh oo noo suurageliyay inaan caafimaad ku akhrisanno ama ku daawanno muxaaradan qiimaha leh.
Muxaadaradani waxay ku saabsan tahay sida aan qur’aanka ku xafidi karno.
Kheyrka bisha Ramadaan!
Allaah Subxaanahu Watacaalaa ayaa ku mahadsan inuu caafimaad iyo nolol nagu gaarsiiyay bisha barakeysan ee Ramadaan, nana waafajiyay inaan qormadan wadaagno. Nebi Muxamed naxariis iyo nebedgelyada Allaah dushiisa ha ahaato.
Sunday, July 22, 2012
Qabyaaladda Siyaasadeed Waa Qaran Dumis: Soomaaliland Halis bay ku Jirtaa – W/Q. Rashiid Sh. Cabdillaahi (Gadhweyne)
Qaranka Soomaaliland yaa leh?
yaa dhistay oo kakooban yahay?
Maqaalkani su’aalohaas buu marka hore dabagalayaa. Ifafaalaha socotada siyaasadeed ee ilaa
maalintii Soomaaliland lagu dhawaaqay muuqataa, jawaab bay bixinaysaa ah in
dalku qabaa’il ka dhexeeyo oo ay qarannamadiisu na ka dhisan tahay. Jawaabtaas
awel afka laga odhan jirin ee falka siyaasadeed baa muujin jiray, beryahan
dambese af labadii baa lagu yidhaa oo iyada oo dhar la’ bay horteenna
socotaa. Nimankii awel lagu soo rashaxi
jiray shirar la isugu tegay guryaha magaalooyinka, immanka waxa la la
horyimaaddaa warfaafinta la daawada oo lagu khudbeeyaa waa murashaxii Reer
Hebel. Waa jawaab cad oo lagu sheegayo in dalka iyo qarannimadiisuba qabaa’il
inooga dhexeeyaan. Qoraalkaygani taas
ayuu ka doodayaa oo waxa uu ku doodayaa in aanay dalka qabaa’il iyo reero
lahayn, lahaanna Karin, qarannimaduna
haddii qabaa’il iyo reero u gacan-gasho in aanay jiritaan raaga yeelan doonin-
waaritaan daayoo. Waxaa taas ugu wacan qabiilo qaran ma ma dhisto oo unug uma noqon karto. Bal nuxur ahaan qabiilada soomaalidu way ka
soo horjeedaa oo waa ku liddi dawaladnimada. Marxalad Qaali ah – W/Q. M.M. Kastam
Dhallinyaranimadu waa marxalada qaali ah oo aan dib u soo laaban ama
loo helin. Soomaalidu maahmaahadooda qaaliga ah waxa ka mid ah; qofka
labaatan-jirkiisa dedaala ama shaqaysta wuxuu nastaa lixdan-jirkiisa.Thursday, July 19, 2012
Safiir Ingiriis ah oo ka qayb-galay gunaanadka bandhigga buugaagta Hargeysa
Harygeysa, 19-07-2012, Bandhigga caalamiga ah ee buugaagta Hargeysa oo lixdii maalmood ee u
dambeeyay ka socday magaalada Hargeysa, ayaa xalay la soo gunaanaday.
Ka hor intii aan xalay la soo gebogebayn, waxa shalay munaasibaddii
lagu qabtay hoolka hay’adda shaqaalaha ee Hargeysa ka qayb-galay wufuud ka
socota golayaasha qaranka Somaliland, dawladda Ingiriiska, abwaanno, aqoonyahan
iyo marti-sharaf kale oo tiro badan.
Wednesday, July 18, 2012
Ilmada qalinka iyo nasiib-darrada qoraaga
Qalinka
af-Soomaaliga wax ku qora wuu ilmeeyaa had iyo jeeraale, qoraagiisuna umal buu
ku sugan yahay, waxaana taa ugu wacan bulshadiisa oo ka indhasaaban duxdiisa
ama waxtarkiisa. Rasuulkeenna Muxamed (C.S.W) waxyi ku soo dega waxaa ugu
horreysay suuratul-Iqra oo aadanaha fareysa inay wax akhriyaan.
Guulaystayaasha tartanka sheeko iyo shaahid 2012 oo abaal-marinno helay
| Maxamed Haaruun - tartamaha kaalinta koowaad galay |
Monday, July 16, 2012
Haddaad joogi lahayd! - W.Q: Barkhad M. Kaariye
Dadku waxay u tuban yihiin wadar, laba qof oo kastana markaad eegto
sida ay sara-joogga ugu wada hadlayaan waxaad mooddaa in ay gorfaynayaan arrin
culus oo inta aan geedka lala tegin falanqaynteeda loo xilsaaray. Qofka masaafo
durugsan ka soo arkaa inta aanu soo gaadhin waxa uu u fahmayaa in goobta shil
ka dhacay. Waxaan ka mid ahaa wadar dadka badankoodu ka soo horreeyeen oo hubay
in ay habsaameen, balse intii aanan soo gaadhin ayay dadkii oo dhami sidii
arday gambaleel loo garaacay ay mar kaliya u wada dhaqaaqeen dhinaca albaabka.
Tallaabada ayaan dedejiyay ilaa markii dambe aan gucle-orod ku gaadhay dhinicii
loo socday. Waxaan soo gaadhay dadkii oo sida ay isu-daba taagan yihiin aad
mooddo xoolo darka loo horayo oo sugaya inta ay raxanta hore ka soo fulayso.
Wixii safka loogu jiray waa albaab aanay ka wada gudbi karin saddex qof oo wada
socdaa, sidaa darteed la iska sugayo. Waxa iyaguna baasha midig taagan oo dadka
qof-qof u baadhaya ciidamo boolis ah.
Saturday, July 14, 2012
The Hargeisa International Book Fair by BBC Journalist Mary Harper
The Hargeisa International Book Fair: Day
One
The Hargeisa International Book Fair is far more than a
book fair. It is now in its fifth year running and hosts authors, poets,
musicians, filmmakers, artists, playwrights, actors and circus performers, both
Somali and non-Somali.
Sunday, July 8, 2012
Isha Qarsoon(IQ): “Ciil ka ma kore” waa i kan hadda na
Berbera
waa magaalo kolka samada laga soo eego ay qarax ah, obos iyo boodh dhanka hawd
kaga soo siqaya iyo bad qurux badan oo is hirdiyayaa dhaayahaaga libiqsi u
diidayaan. In aannu xeebta Cummaan isku soo looxnay iyo in aannu gees kale soo
marnay ma garanayo, se waxaan hubaa in duuliyuhu daanta bari xeebta dherersan
uu Berbera naga soo geliyay. Bacaadka ay xeebta is dhunkanayaan waxa kaaga
muuqanaya xarriiqo diciif ah oo muujinaya danniga dhul ballaadhsi ee bulshadu
ku mamtay, goob wal ba qof baa iska ootay, xitaa cirku malahayga waa oodan
yahay; yaa og!
Friday, July 6, 2012
Jaamac Muuse Jaamac: "Waxaanu gaadhnay yoolkayagii ahaa in ay maktabado dhismaan"
Thursday, July 5, 2012
Tuesday, July 3, 2012
Buugaag geeddi ah: Safarkii koowaad, socdaalkii Boorama iyo soo dhaweyntii shacabka
Galabta oo ay bishu ahayd 02 July 2012 waxa ku soo hoyday magaalada
Boorama buugaag aad u tiro badan oo geeddi ah oo ka socdaalay magaalada
Hargeysa.