Sida lafa-gurayaasha sooyaalka aadanahu isku raacsan yihiin, waayo-aragnimada ina-Aadan – bilowgii illaa maanta – waa shinan isku wada mid ah ama iskuba dhowdhow,mahadhooyinka qormaya maantuna waa werenwaryooyin hore oo gaboobay misana leh cinwaanno cusub. Kala duwaanshiyuhu waa goobaha, gooraha iyo cidda hadba joogta, dhaaxaba aad akhridid aayado Qur’aanka ka mid ahna, wuxuun baad sii rumaysan isku ekaanshiyaha wacaalaha iyo isa suura ekaantooda.