Kor buu u eegayaa geedka wayn ee sogsogta ah. Beerta reer Dhabbohaye, geed sidan u wayn lagama soo heli karo. Geedkani sooyaal badan buu ku leeyahay reer Dhabbohaye. Geeddiga geedka hoos jooga ee fiirinaya, laba hablood oo ay walaalo yihiin baa lagu bixiyey. Waa geedkii isga iyo aabbihii ba loogu gaaf tumay. Sogsogtan gabowday baa arrimo adag oo xaafaddu soo martay lagaga arrinsaday. Isba intan oo dhan waa uu ogyahay se waa isdiidsiinayaa. Hunguri baa ka haya, mid wayn oo baqe wata. Geeddi waa canaan-ka-yaab ase faruhu aad bay u cuncunayaan galabta.
Pages
▼
Thursday, July 31, 2014
Tuesday, June 3, 2014
Iyada oo arkaysa! – W/Q: Saddaam Xuseen Carab
Kadinka xagga koonfureed u jeeda
ee cisbitalka Hargeysa ayey orod ku soo gashay. Ilmo yar oo qiyaastii bil ama
ku dhow jira ayey legga ku sidatay. Shalmaddu inta ay ka dhacday baa ay labada
garab midkood ka laalaadday. Kabaha ay xidhnayd midkood waa ay go’nayd, se waa
ay ku socotay. Warwar hooyo ayaa korkeeda buuxdhaafiyey. Dareenka kalkeeda ka
oognaa waxa laga arkayey korkeeda. Mar waxa ay eegaysay ilmaha mujada ah ee ay
cadceedda ka qarinaysay, marna inta ay afka afka u saarto ayey naqaska ku
taagan ka soo nuugaysay.
Monday, May 12, 2014
Sheeko iyo Shaahid: Baratan Suugaaneed – 2014 Tartankii 7aad
Bandhig
Redsea Culture Foundation iyaga oo duulaya fikradda aasaaska u ah ee ah jiritaankooda oo ah inay ka qayb-qaataan wax kasta oo horumarinaaya taabbagelinta dhigista, fidinta hiddaha iyo suugaanta; xoojinta fanka iyo farshaxanka; baahinta dhaqanka qorista iyo akhriska iyo gaar ahaan kobcinta qoraalka Af-Soomaaliga, waxa ay soo bandhigayaan Kulankii Toddobaad ee ku baratanka Sheeko Curinta Toolmoon, "Sheeko iyo Shaahid".
Tuesday, April 15, 2014
Sunday, April 13, 2014
Maxaa laga yidhi masraxiyadda HIIL BAAN U BAAHNAHAY?
Masraxiyaddan waxa halabuurtay Yaasmiin Maxamed Kaahin, waxaana metelay kooxda dhaqanka ee HIDO ACADEMY.
Sunday, April 6, 2014
SHEEKO GAABAN: Godobreeb - W.Q: Saddaam Carab
Aad baan u daallanaa. Cadceeddu waa ay sii gaabanaysay. Dhulkuna waa uu sii madoobaanayey. Adhigii aan la joogay waxa aan keenay kambalka reerka. Waxa aan dhawrayey oo kali ah inta maqasha iyo baraarka la xaraynayo. Markaas waxa xigta uun in aan anna adhiga xerada ku shubo. Aad baan u gaajaysnaa oo waxa aan dareemayey tamar li’i.
Tuesday, April 1, 2014
Thursday, March 27, 2014
Wargeyska madaxtooyada miyaa loo waayay tifaftire?
Tabarta dhaqaale ee la geliyay waxay ka muuqataa oogada sare. Waxaana
taas marag u ah tayada waraaqaha lagu daabacay, balse tayadaasi ma helin tayadii
xogeed iyo farsamo ee quruxdaa san sii qurxin lahayd.
Monday, February 24, 2014
Ma doonaysaa buugaag bilaash ah?
Ma doonaysaa buugaag bilaash ah oo maaddooyin iyo mawduucyo kala duwan ah? Waxaad kala degi kartaa halkn;
KALA DEG HALKAN
KALA DEG HALKAN
Sunday, February 2, 2014
DUNIDA AAMUSAN: Xarfaha Quraanka ku baro luuqadda aamusan
DUNIDA AAMUSAN: Waa barnaamij bahda Somali Investigative Reports (SIR) ay ugu talo-galeen guud ahaan bulshada, gaar ahaan dadka aamusan ama aan waxba maqlin, si ay u bartaan diinta, nolosha iyo xuruufta Quraanka oo gaar ahaan u sahlaysa barashada QURAANKA KARIIMKA AH. BOOQO WWW.SIRSOMALI.COM OO KALA SOCO XOGO, WARAR IYO BARNAAMIJYO.