" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon

Saturday, June 22, 2019

Taariikh-nololeedka Abwaan Saxardiid-Jebiye

Aniga iyo Abwaan Jebiye

Waraysigan waxaan Abwaan Saxardiid Aw-Maxamuud Cilmi (Jebiye), Allahaa u naxariistee, oo 15 June 2019, Sabti, ku geeriyooday Hargeysa, aan ka qaaday sannadkii 2012. Walow aanu ahayn waraysi dhammaystiran oo si wacan u iftiiminaya sooyaalkiisii taariikheed oo ka mug weynaa mid lagu soo bandhigi karo waraysiyo kooban, haddana wuxuu iftiimiin u yahay qayb ka mid ah noloshiisii.

Xuquuqda Waraysigan in la tixgeliyo ayaa wanaagsan.

La’aantay lama guurin!


Qalinka: Barkhad M. Kaariye

Qof waliba wuxuu ku mashquulsan yahay furista, dejinta iyo sal-u-dhigidda geeddiga. Waayeelku wuxuu inta jilicsan ka dejinayay rati iyo gaadiid wixii lagu siday. Haweenkuna ilo-xidhka guryaha iyo basrinta wixii baylah taallay ee ‘Geeddigu’ lahaa. Xeryo-oodka iyo maareynta xoolaha, ayaa barbaarta iyo ragga reerku iyana dhinacooda haystaan. Qof waliba wuxuu ku tuntuunsaday hawshii kaga soo hagaagtay dejinta geeddiga, ha yeeshee, halkii uu hees-hawleed iyo suugaanta lagu yaqaanno hawl-is-dhaafinta iyo cuskashada maaweelada nafta uu adeegsan lahaa, waxa maskaxdiisu ku maqan tahay dhibta geeddigii la soo maray iyo hayaanka dheer ee riiqdiisu taagan tahay. “Mooge mee?” ayuu cod daal badani ka muuqdo ku yidhi mid ka mid ah barbaartii hawsha dhinacooda ka waday, isagoo baallihiisa daymoonaya oo u eg inuu tebayo cid uu u arkay in mashaqada geeddiga wax uun ka tari lahayd. “Ma Mooge?” ayuu yidhi Waayeel oo odayga reerka ahi, “Warba ma hayo oo wuu danaystay!” ayuu ugu jawaabay “Ee qof walowba geestaada baylahda ka gufee, haddaynu ka hagar-daamo la’aannaba!”

Sunday, October 16, 2016

Xuska sannad-guurada 20-aad ee Faarax Oomaar - W.Q: Mustafe M. Kheyre


Maanta oo kale, 20 sanno ka hor, waxa dib loo furay dugsigii sare ee ugu horeeyey Somaliland wixii ka dambeeyey dagaalladii SNM dalka kaga xoraysay nidaamkii Siyaad Barre, dagaalladaas oo gaystay burbur sida looga soo kabtay ay la-yaab tahay.

Waxay ahayd Arbaca, 16-kii October 1996. Subaxnimo hore, goor dhulku qabow yahay cirkana ceeryaan khafiif ahi ku dedan tahay, ayaanu ku soo qulqulnay Faarax Oomaar oo ku yaalla meel aan ka durugsanayn xarunta Wasaaradda Waxbarashada ee Hargeysa annagoo fulinayna ogaysiis laga sii daayey Raadyow Hargeysa oo odhanayey:

Dhammaan ardaydii ka qalinjabisay dugsiyada dhexe ee imtixaankiina gudubtay waxa lagu wargelinayaa in ay Arbacada 8.00-da subaxnimo yimaaddaan dugsigii sare ee Faarax Omaar”.

Monday, June 27, 2016

Gefka taariikheed iyo guriga Madaxtooyada: Xafladii 26 Juun 2016- W.Q: Fu'aad Sheekh


Goorsheegta qaarada Ameerika ee gobolada dhexe ayaa ku beegan 4:16 galabnimo, waxaa dalka Soomaaliland magaalo madaxdiisa Hargeysa siiba guriga madaxtooyada ku soo gabagaboobey barnaamij ka socday. Waxa barnaamijkaa lagu xusayey 56 guurada ka soo wareegtay maalintii hanashada calanka dalka Soomaaliland ee loo boqno-gooyey midawgii shantii Soomaaliyeed.

Thursday, May 5, 2016

Ma Gees oo kale! - W.Q: Barkhad M. Kaariye

Ma dhawayn wakhtigaan bartay oo waxa I baray qalinkiisa. Ma dhawayn wakhtiga aan warbaahinta ka maqli jiray magaciisa. Dhawr iyo toban sanno ka hor, haddaanay labaatan sanno ahayn, ayaan bartay qalinkiisa. Maxamed Siciid Gees, xilal badan oo kala duwan buu ka soo qabtay Jamhuuriyadda Somaliland. Waan ku kalsoonahay inay jiraan dad badan oo iga badiya aqoontiisa oo ay jid wada mareen, jidiin wada cuneen, jabad na wada degeen. Hase ahaatee, waxa laga yaabaa inaad isweydiiso qof aanay aqoon isu lahayn sidee buu qof kale wax uga odhan karaa? Jawaabtu ma foga ee ii samir, iskuna day inaad qoraalkan gebogebadiisa gaadho.

Monday, April 18, 2016

Ma dad baa, doqoneey dabkaa ba'! Qalinka: Barkhad M. Kaariye

Iyadoo kaba la' oo ordaysa ayay haddana sinta ku sidday inantii ay dhashay ee ay mataannaha ahaayeen Hacoo. Qiyaastii wakhtigaa Hacoo wuxuu jiray toddoba bilood. Qayd hun noqday oo ay u xambaarsanayd isaga iyo dharkii ay sidatay oo kaliya ayay ka haleeshay wixii hanti gurigeeda yaallay. Qaydka ay ku xambaarsanayd inta uu dillaacay ayuu badhida kala soo dhacay Hacoo, balse waa hooyo iyo daryeelkeed'e, gacantii u bannaanayd ayay ku taageeraysaa si aanu uga dhex siiban. Aabbihii wuxuu dhintay toddobaad ka hor oo ahayd bilowgii dagaalka Hargeysa ka dhacay ee ay Asli ka qaxayso. Waxay ku hiranaysaa oo ay bidhaantooda beegsanaysaa qoys ka sii horreeyay oo qaxaya. Markii ay sidi kari wayday ee ay aragtay in Hacoo ka dhex siibanayo qaydkii hunka ahaa, ayay istaagtay iyada oo baalla-daymoonaysa, dhinac na ka eegaysa dadkii ay ku hiranaysay oo ay isleedahay yaan muuqoodu kaa libdhin. Waxay dhulka dhigtay inantii ay sinta ku sidday. Waxay furtay gambo adag oo ay kawirnayd, dabadeed waxay ku giijisay xambaarkii oo halkii qaydku ka dillaacay intay ku qabatay ayay hinjisay si ay ugu soo qabato. Dabadeed halkii socod ka sii bilowday. Ma haysato cid caawisa, kalsoonnida ay qaddarka Alle ku qabto ayay weheshanaysaa iyo in aan dhibtan lagu waarayn. Muddo dheer oo ay socod iyo gabbasho u ahayd ka dib, waxay gaadhay xeryihii qaxootiga ee Itoobiya.

Friday, February 6, 2015

Warbixin: Tirsiga taariikhda iyo sannadka ee Soomaalida

Waa warbixin ku saabsan habka ay soomaalida taariikhda iyo sannadka u tirsato oo ahayd hab u gaar ah. Waxaan warbixintan diyaariyay July 2011, waxaanan waraystay Xuseen Sh. Axmed (Kaddare) oo 01/02/2015 ku geeriyooday Muqdisho.