Dhinaca
kale, ardayda ay ka buuxsantay sanadkii hore inay is-diiwaangeliyaan ayay
fursad u tahay inay mar kale is-diiwaangeliyaan, si ay u helaan duruus hufan oo
la xidhiidha diinta iyo maaddiga labadaba. Sababtoo ah, ardayda soomaalida ah
ee Somaliland iyo Soomaaliya ka soo codsaday sanadkii hore ee is-diiwaangeliyay ayaa lagu sheegay inay
noqdeen kuwo kaalmo sare ka galay liiska dalalka codsaday. “Somaliland/Somalia
ardayda ka soo jeeda ee waxbarashada bilaabay oo tiro badan awgeed, waxay ka
dhigayaan dalalkaas inay kaalinta 12aad ka galaan liiska waddamada caalamka ee ardaydoodu
jaamacaddan dhigtaan,” ayaa lagu yidhi warbixin kooban oo ay jaamacaddu ku
baahisay baraha ay ku leedahay baraha bulshada ee Internet-ka, sida Facebook.
Jaamacaddan
oo faraceeda Somaliland ay ogolaanshaha shaqada ka haysato wasaaradda
waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland, ayaa soo kordhisay shahaadooyin
kala duwan oo kala ah; shahaadada sare (Master) iyo shahaadada Higher Diploma
oo u fududaynaysa ardayda aan hore u haysan shahaadada koowaad ee barashada
Islaamka, balse haysta shahaadada koowaad ee nooc kasta oo kale oo ka mid ah
waxbarashada la dhigto, inay bartaan qaataan shahaadada sare ee barashada iyo
deraasaynta Islaamka (Master for Islamic studies - http://bais.islamiconlineuniversity.com/maisb/). Iyada oo sanadka 2014 ay jaamacaddu bilaaabi doonto
shahaadada u sarraysa ee PhD.
Waxa kale oo ay jaamacaddu bilowday barnaamij la yidhaahdo ILA
TALI (Islamic Councelling service). Waxaana bixin doonta gabadh ku takhasustay
barashada dabeecadaha.
Dhammaan duruustu waxay ku baxayaan habka loo yaqaano masaafada
(Distance learning).
Hoos
ka akhri su’aalo aad isweydiin lahayd iyo jawaabahoodii.
-Waxbarashada
Jaamacadda IOU ma bilaash baa?
Jaamacaddani
waxay bixisaa laba shahaado oo kala ah; Diploma iyo Degree la xidhiidha daraasaadka
Islaamiga ah (Bachelor of Arts in Islamic Studies –BAIS- degree). Shahaadada
Diploma guud ahaanba waa bilaash, halka shahaadada Degree lagaa qaadayo lacag
sar-go’an oo ah kharashka isdiiwaangelinta simistar kasta, taas oo u dhaxaysa
40 Dollar ilaa 120 Dollar Semesterkiiba. Waxaana qaddarka lacagta lagaa
qaadayaa ay ku xidhan tahay dalka aad dunida ka joogto. Qof kasta oo ku nool
Somaliland iyo Soomaaliya waxa laga doonayaa afartan dollar ($40) oo ah feega
diwaangelinta. Halka dadka doonaya inay bartaan shahaadada sare (Masters) iyo
Higher Diploma laga qaadayo ($80) oo kaliya xilli-waxbarasheedkii kastaba (Per
semester).
-Waa
maxay faa’iidada ku jirta in wax laga barto IOU?
Jaamacadda
IOU waxay bixisaa duruus la xidhiidha barashada rasmiga ah ee Islaamka oo salka
ku haya Quraanka iyo Sunnaha. Waxa kale oo duruusta ay jaamacaddani bixiso ka
mid ah xiisado casri ah, sida; barashada dhaqaalaha Islaamka, barashada
hab-dhaqannada iyo hab-shaqada maskaxaha bani’aadamka (Psychology), maamulka
iyo maaraynta, I.W.M.
Waxaana
dhammaantooda laga eegayaa dhinaca aragtida uu Islaamku ka qabo, si ardayda
faham ballaadhan looga siiyo, uguna shaqeeyaan xirfaddooda si waafaqsan anshaxa
iyo qiyamka Islaamiga ah.
-Halkee
ayay ku taallaa Jaamacadda IOU?
Jaamacadda
IOU waajaamacad lagu barto hab fudud adiga oo jooga meel
kasta oo dunida aad tagto, una baahan oo kaliya inaad hesho koombuyuutar iyo
Internet. Xarunteeda guud waxay ku taalaa Qatar, laakiin waxa duruusta lagu
bixiyaa Internet-ka.
-Waa
maxay ujeeddada loo aasaasay Jaamacadda IOU?
Waxa
loo aasaasay in aqoonta Islaamka loo gudbiyo dadka muslimka ah iyo kuwa aan
muslimka ahaynba. Iyada oo laga duulayo aragtidaas, waxa ay jaamacaddu bixisaa
waxbarasho muddadeedu gaaban tahay (intensive), shahaadooyinka Diploma iyo
Degree oo lagu qaadanayo barashada deraasaadka Islaamka, kuwaas oo gebi ahaanba
bilaash ah.
-Yaa
arday ka noqon kara Jaamacadda IOU?
Waxa
arday ka noqon kara qof kasta oo go’aansaday ama doonaya in uu si sax ah u
barto deraasaadka Islaamiga ah ee laga soo dheegay Quraanka iyo Sunnaha.
Ardayda dhigata tiradoodu waxay ku siman tahay 80,000 oo arday,kuwaasoo ka kala
socda 207 dal oo isugu jira dalalka horumaray iyo kuwa soo korayaba.
-Maxaa
ardayda laga doonayaa si ay wax uga bartaan Jaamacadda IOU?
Qofka
doonaya in uu barto waxbarashada heerka Diploma loogama baahna wax shuruud ah
oo la xidhiidha heerkiisa aqooneed. Balse, qofka doonaya in uu barto heerka
Degree (BAIS), waxa shardi ah in uu haysto shahaadada dugsiga sare. Qofka aan
haysanin shahaado dugsi sare ee doonaya in uu barto Degree (BAIS), wuu baran
karayaa duruusta oo dhan, balse ma jirto gebogebada shahaado Degree ah oo la
siinayaa, waxase taa beddelkeeda la siinayaa Diploma sare oo ay jaamacaddu ku
caddaynayso in uu waxbarashadaas dhammaystay.
-Qofku
Degree ma ka bilaabi karaa jaamacadda isaga oo aan haysan Diploma?
Haa,
wuu ka baran karaa qofku isaga oo aan haysan shahaadada Diploma. Waase in uu
haystaa shahaado dugsi sare.
-Ma
jiraa wax xaddidaya da’da qofka doonaya in uu wax ka barto IOU?
Maya,
qof kasta da’da uu doono ha jiro’e, jaamacaddan wax wuu ka baran karaa.
-Luuqadda
wax lagu baranayaa waa noocma?
Dhammaan
duruustu waxa lagu baranayaa luuqadda Ingiriisiga, marka laga reebo luuqada
Carabiga oo iyada maado ahaan loo baranayo.
-Muddo
intee le’eg ayaa lagu dhammaynayaa waxbarashada degree-ga?
Waxa
la baranayaa muddo afar sanno ah oo aad shahaadada ku qaadanaysaa.
-Imisa
xiisadood (courses) ayaa la baranayaa xilli-waxbarasheed (Semester) kasta?
Waxa
la qaadanayaa lix xiisadood (6 courses)
-Waa
imisa lacagta isdiiwaangelinta xilli-waxbarasheed (Semester) kasta?
Qof
kasta oo ku nool Somaliland iyo Soomaaliya waxa laga doonayaa afartan dollar
($40) oo ah feega diwaangelinta. Halka dadka doonaya inay bartaan shahaadada
sare (Masters) iyo Higher Diploma laga qaadayo ($80) oo kaliya
xilli-waxbarasheedkii kastaba (Per semester).
Wixii
faahfaahin ah ee intaa dheer kala xidhiidh;
No comments:
Post a Comment