Damiirka, hanka iyo aragtiyaha shakhsigu waxay kala reebta ummadaha
dunida tan ku nool, Qaaradihii way kala tageen, oo waa qaaradda madow (Africa,
the Black Continent), waddamadii way kala hadheen, oo waddanka guuldarraystay
weeye (Somalia, The Failed state), magaalooyinkiina way kala horumareen, oo
magaalada burburtay waa iyaday (Mogadishu, the cracked city), bulshooyinkii way
kala faddilmeen, oo bulsho qabiil rumaysan waa inaga.
Wednesday, June 20, 2012
Guushaada iyo Guuldarradaada – W/Q. M.M. Kastam
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
12:08 PM
Cid aan adiga ahayn kama masuul aha guul iyo guuldarro kasta oo kula
soo gudboonaata. Qofka caqliga la saaxiibka ah marka ay guuldarro soo wajahdo
waxa uu si dhab ah u raadiyaa halkii ay kaga timi iyo waxyaabihii dhaliyey.
Halkaa kagama hadho ee wuxuu ku sii dedaalaa in uu guuldarradiisa guul u
beddelo, halka nacasku guuldarrooyinka soo wajaha uu dusha ka saaro dadka kale
iyo duruufaha.
Monday, June 18, 2012
Midnimooyinkii fashilmay - W.Q: Prof Cabdixakiim Yuusuf Kheyre
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
11:54 AM
Xornimada, mdidnimada,
gooni-isu-taaga & burburka waxay ka mid yihiin marxaladaha kala gedisan ee
dawladuhu maraan. Midnimada dawladaha waxaa sababa baahida daruuriga
ah ee xoojinta xukuumad midaysan oo sharciyan hanata baahida dhaqaale,
siyaasadeed & nabadgelyo ee dawladuhu la kulmaan. Midnomooyinkii fashilmay waa midnimo dhexmarta
dawladdo xor ah oo madaxbanaan oo ku midoobay dawlad qudha oo caalamiyan
matasha danahooda himiladoodana gaadhsiisa.
Saturday, June 16, 2012
Digaagaddii beedka dahabka ah dhashay – W/Q. Prof. Cabdisalaan Yaasiin
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
1:54 PM
Nin sabool ah ayaa degaag lahaa. Degaaga wuu kuu ladnaa oo beed uu
cuno ama iibyo ayuu ka heli jiray. Ilo dhaqaale oo nolosha reerkiisa waxa ku
kordhiya ayay noqdeen degaagi, markaa, si weyn ayuu u ilaalin jiray. Hab nololeed kiisaana raali ayuu ku
ahaa.
Thursday, June 14, 2012
WARQAD FURAN OO KU SOCOTA MADAXWEYNAHA SOMALILAND
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
11:17 AM
Ururka Ilaalinta Suxufiyiinta Caalamiga ah ee CPJ ayaa warqad furan u diray Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Sidoo kale, agaasimaha bariga Afrika ee CPJ Tom Rhodes oo socdaal ku yimi Somaliland bishii April ee sanadkan, ayaa warbixin ka qoray xaaladda warbaahinta iyo xorriyatul-qawlka Somaliland.
Sidoo kale, agaasimaha bariga Afrika ee CPJ Tom Rhodes oo socdaal ku yimi Somaliland bishii April ee sanadkan, ayaa warbixin ka qoray xaaladda warbaahinta iyo xorriyatul-qawlka Somaliland.
Thursday, June 7, 2012
Garaadso Intaanad Guursan – Q:2aad
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
11:14 AM
Gayigan aynu ku noolahay gabdhaha ku nooli guud
ahaan waxay soo mareen marxalado taariikheed oo mararka qaar meelka dhac ku
ahaa maqaamkooda nololeed. Marxaladdii mugdiga badnayd ee casrigii jaahiliga
soo ifbixii Islaamka ka hor, ayaa ka mid ahaa waqtiyadii ugu cuslaa ee lagu
cadaadiyo haween. Waxaa taariikhda ku-cad in
mushrikiintii carbeed aasijireen gabdhahooda iyagoo nool, markii la weydiiyo
sababta ay hablaha u aasayaan iyagoo nool ayey jawaab ka dhihi jireen waxaanu
ka baqaynaa in ay ceeb noo soo jiidaan. Laakiin Markii iftiinka Islaamku ka soo
faafay carabiya, wuu beddalay caadooyinkii xunxumaa, wuxuuna reebay in la
xabaal nololeeyo gabdhaha. Runtii Islaamku kor ayuu u qaaday maqaamka(darajada)
hablaha. Waxuu yidhi Alle:
Tuesday, June 5, 2012
Sheeko Gaaban: Subaxdii Saaxiibka Wacnayd!!
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
10:17 AM
Waa subax samaanteeda leh, maankaygana ku suntan, dhammaan cidii lagu
martiqaaday munaasibadu intii aanay guryohoodda kasoo huleelin waxa ay ku
mashquulsanaayeen sidii ay muuqaalkooda u qurxin lahaayeen, labiska ugu
fiicanna u qaadan lahaayeen, maadaama ay xafladu ahayd mid heerkeedu aad
sareeyo, madax iyo masuuliyiniba isugu iminayso, oo la isku arkayo.
Subscribe to:
Posts (Atom)