" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon

Monday, October 3, 2011

WAA MAXAY SHAREERE?


Wq A. M. Yusuf (Wayeel)

Abwaanku waa afmaal, kaas oo guri quraanyo ka yeeli karaya geed nabaaddiinaxir.

NABADDOONKU GOORTA UU ARKO qof ku ciyaaraya xasilloonida ay dadku ku wada naalloonayaan, waxa uu ku odhan, "War hooy! Maandhow, buul quraanyo lama jafo!" Murtidan hagaagsan, qudheedu na ah ba shareere, ayaa ba ku habboon; qormo ahaan, si aan baaritaan ugu sammeyno shareereha.

Saturday, September 24, 2011

Maansada Rasmi



Maansadani waxay soo baxday August 2010, waa maanso dulucdeedu tahay hogo-tusaalayn iyo waano la xidhiidha hab-dhaqanka san ee looga baahan yahay guud ahaan qof kasta, gaar ahaan maansadu waxay abbaaran tahay Hablaha oo Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) ugu wax-sheegayo. 

Saturday, September 17, 2011

Baadida Insaanka!


Qalinka: M. M. Kastam
Farxaddu waa baadida insaanka oo uu ka doon doono meel kasta iyo xilli kasta, habka qof kastaana uu u doon doonaa waa mid uu gaara oo ku xidhan ama la xidhiidha dabcigiisa, duruufihiisa iyo sida uu u jecel yahay.

Thursday, September 15, 2011

Iyamaa waalan?


Waxay si dangiigsi leh ugu tuntuunsadeen labadiisa gacmood, waxaanay hareeraha ugaga jiraan sidii tuug la qabtay oo laga feejigan yahay in uu baxsado. Itaal ahaan way ka awood badan yihiin, haddana waxay ugu dheggan yihiin sidii laba qof oo aan kalsooni badan ku qabin kartidooda xejineed.

Weli Miyaad Maqashay Tixda "GELBIS" ee Hadraawi?


Tixdan oo la baxday Gelbis, waxa halabuuray Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi). Waxay soo baxday 3-dii May 2008-da. Waa hambalyo uu ku muunaynayo arooska gabadh uu ula baxay Gobaad. Malahayga, wuxu gaadhi kari waayay goobtii uu aroosku ka dhacayay, dabadeedna tixdan ayuu muquuno uga dhigayaa. Wuxu adeegsanayaa ereyo fud-fudud oo la wada fahmi karo. Tixdani weli si ballaadhan looma shaacin, laakiin dhowaan ayaa lagu daahfuray degelka suugaanta Hadraawi ee www.hadraawi.org. Waxay tidhi:

Tuesday, September 6, 2011

Ma aragteen?


September 18, 2010
Ma joojiyo socodka, kama daalo socdaalka, kamana xiiqo raadinta waxa uu u jeellan yahay. Daydaygu waa mid gabbalkii dhacaba taagan, waagii dillaacana la barya. Kuma dhiirado wax kasta oo ka duwan waxa uu raadintiisa ku daba-joogo, waanu ka caajisaa. Hase ahaatee, in waxa uu doonayo iskaba dhaaf hanashadiisee,uu xitaa humaaggiisa himbiriirsi u arko, wuxuu u hallaynayaa amaba uu u hibaynayaa wax kasta oo nolosha u qaalisan.

Yaa ka wanaagsan?


Wuu sii jeedaa, sii Jeedkiisa ayaana muujinaya daranyada oogadiisa ka muuqata. Qofka dhabarkiisa soo socda wuxuu ula muuqdaa in uu kambadhuudho, balse mana kuududo, mana kadaloobo. Wuxuu si nasasho leh lugaha ugu fidsaday dhulka. Shaadhkiisu dhabarka ayuu jeexan yahay, waxase ka hooseeya maro kale oo malahayga aan u qaatay Garan, sababtoo ah Jidhkiisu ma muuqan.