Iyadoo kaba la' oo ordaysa ayay haddana sinta ku sidday inantii ay
dhashay ee ay mataannaha ahaayeen Hacoo. Qiyaastii wakhtigaa Hacoo
wuxuu jiray toddoba bilood. Qayd hun noqday oo ay u xambaarsanayd
isaga iyo dharkii ay sidatay oo kaliya ayay ka haleeshay wixii hanti
gurigeeda yaallay. Qaydka ay ku xambaarsanayd inta uu dillaacay ayuu
badhida kala soo dhacay Hacoo, balse waa hooyo iyo daryeelkeed'e,
gacantii u bannaanayd ayay ku taageeraysaa si aanu uga dhex siiban.
Aabbihii wuxuu dhintay toddobaad ka hor oo ahayd bilowgii dagaalka
Hargeysa ka dhacay ee ay Asli ka qaxayso. Waxay ku hiranaysaa oo ay
bidhaantooda beegsanaysaa qoys ka sii horreeyay oo qaxaya. Markii ay
sidi kari wayday ee ay aragtay in Hacoo ka dhex siibanayo qaydkii
hunka ahaa, ayay istaagtay iyada oo baalla-daymoonaysa, dhinac na ka
eegaysa dadkii ay ku hiranaysay oo ay isleedahay
yaan muuqoodu kaa libdhin. Waxay dhulka dhigtay inantii ay sinta ku
sidday. Waxay furtay gambo adag oo ay kawirnayd, dabadeed waxay ku
giijisay xambaarkii oo halkii qaydku ka dillaacay intay ku qabatay
ayay hinjisay si ay ugu soo qabato. Dabadeed halkii socod ka sii
bilowday. Ma haysato cid caawisa, kalsoonnida ay qaddarka Alle ku
qabto ayay weheshanaysaa iyo in aan dhibtan lagu waarayn. Muddo dheer
oo ay socod iyo gabbasho u ahayd ka dib, waxay gaadhay xeryihii
qaxootiga ee Itoobiya.
Monday, April 18, 2016
Ma dad baa, doqoneey dabkaa ba'! Qalinka: Barkhad M. Kaariye
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
10:27 AM
Friday, February 6, 2015
Warbixin: Tirsiga taariikhda iyo sannadka ee Soomaalida
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
5:59 PM
Waa warbixin ku saabsan habka ay soomaalida taariikhda iyo sannadka u tirsato oo ahayd hab u gaar ah. Waxaan warbixintan diyaariyay July 2011, waxaanan waraystay Xuseen Sh. Axmed (Kaddare) oo 01/02/2015 ku geeriyooday Muqdisho.
Monday, January 26, 2015
DAAWO: Bandhigga Buugga KADABGOOYE
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
12:25 PM
KADABGOOYE waa buug-yare ka hadlaya dhibaatada bulsheed, dhaqaale iyo caafimaad ee geedka Qaadku ku hayo bulshada. Waxa kale oo uu ka hadlayaa hab-dhaqanka iyo hab-nololeedka dadka qayila dhacdooyinka ku taxan ee ka dhasha waxa 'Mirqaanka' loo yaqaanno.
Thursday, July 31, 2014
Sheeko gaaban: Geed Nool - W.Q: Saddaam Carab
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
2:11 PM
Kor buu u eegayaa geedka wayn ee sogsogta ah. Beerta reer Dhabbohaye, geed sidan u wayn lagama soo heli karo. Geedkani sooyaal badan buu ku leeyahay reer Dhabbohaye. Geeddiga geedka hoos jooga ee fiirinaya, laba hablood oo ay walaalo yihiin baa lagu bixiyey. Waa geedkii isga iyo aabbihii ba loogu gaaf tumay. Sogsogtan gabowday baa arrimo adag oo xaafaddu soo martay lagaga arrinsaday. Isba intan oo dhan waa uu ogyahay se waa isdiidsiinayaa. Hunguri baa ka haya, mid wayn oo baqe wata. Geeddi waa canaan-ka-yaab ase faruhu aad bay u cuncunayaan galabta.
Tuesday, June 3, 2014
Iyada oo arkaysa! – W/Q: Saddaam Xuseen Carab
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
3:16 PM
Kadinka xagga koonfureed u jeeda
ee cisbitalka Hargeysa ayey orod ku soo gashay. Ilmo yar oo qiyaastii bil ama
ku dhow jira ayey legga ku sidatay. Shalmaddu inta ay ka dhacday baa ay labada
garab midkood ka laalaadday. Kabaha ay xidhnayd midkood waa ay go’nayd, se waa
ay ku socotay. Warwar hooyo ayaa korkeeda buuxdhaafiyey. Dareenka kalkeeda ka
oognaa waxa laga arkayey korkeeda. Mar waxa ay eegaysay ilmaha mujada ah ee ay
cadceedda ka qarinaysay, marna inta ay afka afka u saarto ayey naqaska ku
taagan ka soo nuugaysay.
Monday, May 12, 2014
Sheeko iyo Shaahid: Baratan Suugaaneed – 2014 Tartankii 7aad
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
10:30 AM
Bandhig
Redsea Culture Foundation iyaga oo duulaya fikradda aasaaska u ah ee ah jiritaankooda oo ah inay ka qayb-qaataan wax kasta oo horumarinaaya taabbagelinta dhigista, fidinta hiddaha iyo suugaanta; xoojinta fanka iyo farshaxanka; baahinta dhaqanka qorista iyo akhriska iyo gaar ahaan kobcinta qoraalka Af-Soomaaliga, waxa ay soo bandhigayaan Kulankii Toddobaad ee ku baratanka Sheeko Curinta Toolmoon, "Sheeko iyo Shaahid".
Tuesday, April 15, 2014
DAAWO: Masraxiyadda HIIL BAAN U BAAHNAHAY - Waxa curisay Yaasmiin M. Kaahin
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
9:50 AM
Subscribe to:
Posts (Atom)