" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: October 2011

Monday, October 3, 2011

WAA MAXAY SHAREERE?


Wq A. M. Yusuf (Wayeel)

Abwaanku waa afmaal, kaas oo guri quraanyo ka yeeli karaya geed nabaaddiinaxir.

NABADDOONKU GOORTA UU ARKO qof ku ciyaaraya xasilloonida ay dadku ku wada naalloonayaan, waxa uu ku odhan, "War hooy! Maandhow, buul quraanyo lama jafo!" Murtidan hagaagsan, qudheedu na ah ba shareere, ayaa ba ku habboon; qormo ahaan, si aan baaritaan ugu sammeyno shareereha.