" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: June 2012

Saturday, June 30, 2012

Buugaag Geeddi ah: Maktabadda wareegta 2012 waa socdaalka dhiganaha qoran ee magaalooyinka

Maktabadda wareegtaa waa qayb ka mid ah bandhigga buugaagta caalamiga ah ee Hargeysa. Waa hab ka duwan habab inta badan laga yaqaanay dalka, kuna cusub saaxadda buug-akhriska ee Somaliland. Maktabadda wareegtaa waa nidaam ay kooxo kala duwani ay buugaag tiro badan ku geynayaan magaalooyinka waawayn ee dalka, si ay fursad wax-akhris u siiyaan dadka aan inta badan helin fursad tan la mid ah, gaar ahaan dhalinyarada.

Bandhigga Buugaagta (HIBF): Wakhtiga la bilaabayo oo si rasmi ah loo shaaciyay

Bandhigga Buugaagta Caalamiga ah ee Hargeysa (HIBF) oo ka mid ah munaasibadaha halabuurka iyo farshaxanka ee ugu ballaadhan geeska Afrika waxay sanadkan bilaabmi doontaa 13-ka July 2012.

Bandhigga Buugaagta Caalamiga ah ee Hargeysa oo sannadkan shan jirsatay waxa doorkan ka qayb-galaya hal-abuurro, abwaanno, qoraayo, suxufiyiin, muusigyahan iyo aqoonyahan kale oo isaga yimi dunida daafeheeda. Waxa kale oo ka qayb gali doonaa intaas dhigaalkooda oo waddanka gudihiisa ku nool.

Monday, June 25, 2012

Xornimadii Khasaartay - W.Q: Prof. Abdihakim Y. Kheireh

      Maqaadiirta siyaasadu waa dhacdo dhif ah oo qalibta nidaamka siyaasadeed ee caalamka. Rogmadka Falastiin waa maqaadiirta siyaasadeed ee caalamka ugu caansan uguna mushkilada badan. Laakiin geeska Afrika waxaa ugu cajiibsan xornimadii khasaartay ee Somaliland. Jariirada maalin laha ah ee The Guardian baa xornimadii Somaliland ku sagootiday: Maxmiyadii Xornimada Qaadacday (The colony that has rejected freedom). Mabda kasta oo lagu shuraakoobo waxaa laga aaraar dhigtaa hadii maqaadiiri dhacdo; walise lama arag qawmiyad mustaqbalkeedii ku khamaartay sidii reer Somaliland aayahoodii ugu khamaareen.

Sunday, June 24, 2012

HEESTA DALXIIS: DAAWO OO SOO DAWAAF DEEGAANNO BADAN

Xogta Dahsoon (XD): Malaha Bisad may ahayn? – W/Q. Muuse Dalmar

Waxa ay ahayd maalin jimce ah, jawigu waxa uu ahaa mid wacan, waxaana jirtay cadceed diirran oo ay wehelinayso neecoow udgooni. Dhinaca cimilada maalintani waxa ay ahayd
maalin ka duwan maalmihii ka horeeyay, maaddaama oo hadda uun laga soo baxay xilligii qaboobaha, waxa ay dadku si weyn u soo dhaweeyeen qoraxda diirran ee ay inta badan dhawrayeen. Haddii awal dadku sitay dhar cul culus, kabo waa weyn iyo dalaayado ay dhaxanta iyo roobka ka qaataan, xaajadu maanta sidaa maaha. Dadku badi waxa ay qabaan dhar fud fudud iyo waliba kabo dusha ka furan, halkii ay dalaayadaha ka qaadan jireenna maanta waxa ay ka wataan shandado ay ku jiraan maryo ay gogladaan oo ay dhulka iska xigsiiyaan marka ay cadceeda isku dhigayaan iyo waliba cuntooyin fud fudud oo cabitaano iyo macmacaan u badan.

Maxamed Haaruun – Indho-la’aantu maaha Dhammaadka Adduunka (Qaybtii 1aad)

Waxa uu dhowaan wargeyska Geeska Afrika kulan la yeeshay Maxamed Haaruun oo ah xoghayaha arrimaha dibadda ee Xisbiga UCID. Md. Haaruun waxa uu la’yahay laxaadka aragga, oo uu ku waayey miino la qaraxday sannadkii 1992-kii, xilli uu shaqo u joogay magaalada Balligubadle. Haaruun waa aqoonyahan shahaado jaamacadeed ku qaatay cilmiga xidhiidhka caalamiga ah iyo horumarinta dunida saddexaad, waxa aanu muddooyinkan dambe ku nool yahay carriga Ingiriiska.

Thursday, June 21, 2012

I-doorta aan dib idiin qaxshee! - W.Q: Axmed Ciise Guutaale

Dubbahaagi weynaa,
Daqaradii ka yimidbaa,
Dusha weli ka muuqdoo,
Dulligaa I badayoo,
Kuba dooran maayee          
Ha is daalin weligaa

Maalin maalmaha adduunka soo maray kamid ah ayaa boqorradii soo maray boqortooyadii Saba isugu yeeray dhammaan hal abuurkii xilligaas ku noolaa dhulkii boqortooyada ee Yamen iyo Itoobiya sidaas oo kalana waxa uu gogol-sharafeed u fidiyey dhammaan dadkii  cilmiga xiddigiska wax ka yiqiin iyo kuwii faalka rogrogi jiray, kadib hadal gaaban oo uu ka jeediyey boqorku madashii ay dhammaan dhinacyadaasi isugu yimaadeen ayuu u sheegay in uu doonayo in uu ogaado midda uu noqonayo sanadka soosocda barwaaqo, Abaar, Colaad iyo Nabad!!, qofkii ku guuleysatana waxa uu u ballan qaaday kiintaal dahab ah, kadibna waxa uu soo xiray kulankii waxa uuna siiyey muddo dhan 3 maalmood si ay jawaabta u raadiyaan, halkaas ayaana shirkii kusoo xirmay.

Wednesday, June 20, 2012

Noobiyad iyo Minwaar – W/Q. Prof. Cabdisalaan Yaasiin

Noobiyadda xeebta badda ku taalaa waa agab aan laga maarmin oo haga gaadiidka badda. Marka hore. Iftiinkeeda ayaa xeebta badda ka duwa maraakiibta iyo doonyaha.

SHEEKO GAABAN: Hadhkii Geedka iyo Habkii Geelleyda – W/Q. Cabdiraxmaan Cismaan

Wehel ayuu biday geed qalalay hooskii. Dhulka waxa goglan qodxaha ka soo daatay kaliilo is biirsday oo arlada aafeeyay darteed. Waa Galool jiridiisa iyo laamihiisuba ay noqdeen qolof. Roob la’aan maaha; waase joojiyey shaqadii. Hawo ma qaato, mana soo daayo. Ma doogo, mana doono inuu dib u kabto. Xididkiisu ma nuugi karo biyaha iyo macdanaha; ciidaba waa hore ayuu ka mid noqday.

Horta yaynu Col ahayn?

Damiirka, hanka iyo aragtiyaha shakhsigu waxay kala reebta ummadaha dunida tan ku nool, Qaaradihii way kala tageen, oo waa qaaradda madow (Africa, the Black Continent), waddamadii way kala hadheen, oo waddanka guuldarraystay weeye (Somalia, The Failed state), magaalooyinkiina way kala horumareen, oo magaalada burburtay waa iyaday (Mogadishu, the cracked city), bulshooyinkii way kala faddilmeen, oo bulsho qabiil rumaysan waa inaga.

Guushaada iyo Guuldarradaada – W/Q. M.M. Kastam

Cid aan adiga ahayn kama masuul aha guul iyo guuldarro kasta oo kula soo gudboonaata. Qofka caqliga la saaxiibka ah marka ay guuldarro soo wajahdo waxa uu si dhab ah u raadiyaa halkii ay kaga timi iyo waxyaabihii dhaliyey. Halkaa kagama hadho ee wuxuu ku sii dedaalaa in uu guuldarradiisa guul u beddelo, halka nacasku guuldarrooyinka soo wajaha uu dusha ka saaro dadka kale iyo duruufaha.

Saturday, June 16, 2012

Digaagaddii beedka dahabka ah dhashay – W/Q. Prof. Cabdisalaan Yaasiin

Nin sabool ah ayaa degaag lahaa. Degaaga wuu kuu ladnaa oo beed uu cuno ama iibyo ayuu ka heli jiray. Ilo dhaqaale oo nolosha reerkiisa waxa ku kordhiya ayay noqdeen degaagi, markaa, si weyn ayuu u ilaalin jiray. Hab nololeed kiisaana raali ayuu ku ahaa.

Thursday, June 14, 2012

WARQAD FURAN OO KU SOCOTA MADAXWEYNAHA SOMALILAND

Ururka Ilaalinta Suxufiyiinta Caalamiga ah ee CPJ ayaa warqad furan u diray Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Sidoo kale, agaasimaha bariga Afrika ee CPJ Tom Rhodes oo socdaal ku yimi Somaliland bishii April ee sanadkan, ayaa warbixin ka qoray xaaladda warbaahinta iyo xorriyatul-qawlka Somaliland.


Thursday, June 7, 2012

Garaadso Intaanad Guursan – Q:2aad

Gayigan aynu ku noolahay gabdhaha ku nooli guud ahaan waxay soo mareen marxalado taariikheed oo mararka qaar meelka dhac ku ahaa maqaamkooda nololeed. Marxaladdii mugdiga badnayd ee casrigii jaahiliga soo ifbixii Islaamka ka hor, ayaa ka mid ahaa waqtiyadii ugu cuslaa ee lagu cadaadiyo haween. Waxaa taariikhda ku-cad in mushrikiintii carbeed aasijireen gabdhahooda iyagoo nool, markii la weydiiyo sababta ay hablaha u aasayaan iyagoo nool ayey jawaab ka dhihi jireen waxaanu ka baqaynaa in ay ceeb noo soo jiidaan. Laakiin Markii iftiinka Islaamku ka soo faafay carabiya, wuu beddalay caadooyinkii xunxumaa, wuxuuna reebay in la xabaal nololeeyo gabdhaha. Runtii Islaamku kor ayuu u qaaday maqaamka(darajada) hablaha. Waxuu yidhi Alle:

Tuesday, June 5, 2012

Sheeko Gaaban: Subaxdii Saaxiibka Wacnayd!!

Waa subax samaanteeda leh, maankaygana ku suntan, dhammaan cidii lagu martiqaaday munaasibadu intii aanay guryohoodda kasoo huleelin waxa ay ku mashquulsanaayeen sidii ay muuqaalkooda u qurxin lahaayeen, labiska ugu fiicanna u qaadan lahaayeen, maadaama ay xafladu ahayd mid heerkeedu aad sareeyo, madax iyo masuuliyiniba isugu iminayso, oo la isku arkayo.