" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: May 2014

Monday, May 12, 2014

Sheeko iyo Shaahid: Baratan Suugaaneed – 2014 Tartankii 7aad


Bandhig
Redsea Culture Foundation iyaga oo duulaya fikradda aasaaska u ah ee ah jiritaankooda oo ah inay ka qayb-qaataan wax kasta oo horumarinaaya taabbagelinta dhigista, fidinta hiddaha iyo suugaanta; xoojinta fanka iyo farshaxanka; baahinta dhaqanka qorista iyo akhriska iyo gaar ahaan kobcinta qoraalka Af-Soomaaliga, waxa ay soo bandhigayaan Kulankii Toddobaad ee ku baratanka Sheeko Curinta Toolmoon, "Sheeko iyo Shaahid".