Ma
dhawayn wakhtigaan bartay oo waxa I baray qalinkiisa. Ma dhawayn
wakhtiga aan warbaahinta ka maqli jiray magaciisa. Dhawr iyo toban
sanno ka hor, haddaanay labaatan sanno ahayn, ayaan bartay
qalinkiisa. Maxamed Siciid Gees, xilal badan oo kala duwan buu ka soo
qabtay Jamhuuriyadda Somaliland. Waan ku kalsoonahay inay jiraan dad
badan oo iga badiya aqoontiisa oo ay jid wada mareen, jidiin wada
cuneen, jabad na wada degeen. Hase ahaatee, waxa laga yaabaa inaad
isweydiiso qof aanay aqoon isu lahayn sidee buu qof kale wax uga
odhan karaa? Jawaabtu ma foga ee ii samir, iskuna day inaad qoraalkan
gebogebadiisa gaadho.