" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon

Shaqo ma doonaysaa? Halkan ka eeg!

Saturday, April 13, 2013

Falanqaynta Toolmoon: SIDEED U XULAN KARTAA LAMMAANKAAGA?



Haddii aad aragti/dareen-celin aad hayso, noogu soo hagaaji ciwaankan; falanqayntatoolmoon@gmail.com.
TALADAADU MAR WALBA WAA TAYAYNTA WAXSOOSAARKAYAGA.

 

Thursday, April 11, 2013

"A teacher in my home" by Barkhad Kaariye

It was late afternoon and the sun was just about to set when I arrived at Asha Ali’s home. She was resting her back on the door frame of her buul soomaali, the traditional Somali hut made from beautifully coloured rugs, and had a little pocket radio in her lap.

Wednesday, April 10, 2013

FalanqayntaToolmoon: Toddobaadle gorfeeya arrimaha bulshada (MUUQAAL)

FalanqayntaToolmoon waa barnaamij ka turjumaya arrimaha bulshada ee Soomaalida dhexdeeda. Waxa uu ku qotomaa baahiyaha bulsho ee la xidhiidha ogaanshaha marxaladaha jira iyo sidii xal loogu helaa haddiiba qaarkood ay dhibaato yihiin. Waxa uu ka hadlaa mawduucyada taabanaya nolosha dadweynaha aad akhristoow/daawadoow ka mid tahay, sida; diinta iyo nolosha, cilmi-nafsiga iyo nolosha, xallinta khilaafaadka, horumarinta nolosha iyo ganacsiga IWM. Toddobaadkan waxaanu kaga hadlaynaa SIDEE DAKHLI/DHAQAALE LOO SOO SAARAA? DAAWO MUUQAAL.

Wednesday, March 20, 2013

Warka iyo Warramidda W:Q: Axmed Ibraahin Cawaale

Warramidda, weelaynta warka, war-galeennimada iyo tebinta warku waxa ay xilliyo hore Soomaalida dhexooda ka ahaayeen arrimo ay ka sameeyeen horumar xooggan. Haddii ay laba qof meel cidlo ah ku kulmaan, isla markaaba waxa ay hadalkooda ku bilaabi jireen ereyo sidan oo kale u yaal: Bal warran! Ma nabad baa? ama nabad sheeg! Maxaa la sheegay? Maxaa lagu beryay? Maxaa lagu waabariistay? Maxaa lagu soo hoyday? “Weeye?” Iyo qaar kele.

WALAAHOOW: Gabay baroor-diiq ah - W.C: Barkhad M. Kaariye

Waxa laga yaabaa in dadka qaarkii ay isweydiiyeen geerida dhacday (Abtigay/Saaxiibkay Naasir Cawil Axmed-Xajiin) iyo aamuskayga...Xaqiiqdu siday tahay waan garan waayay waxaan idhaahdo; macnaheedu maaha in aan diiday geerida, inaanan ogolayn waxa Rabbi xukmay, balse waxa weeye in aanu anagu wax gaar ah isku ahayn. Waan hubaa - sida qaarkiinba aad u ogtihiin - in aanan gabyin, gabyaa ahayn, isla markaana heerkaa gaadhin, haddana urgumada, uurkutaallada iyo anfariirka geerida kediska ah, ayaan ereyadan hoose u yidhi. Waan ka afeefanayaa wixii gef ku ah xeerarka suugaanta iyo gabayada ee aad halkan ka aragtaan. Waa baroor-diiq aan isugu baroor-diiqayo, waa tacsi aan u gudbinayo qoyskayga iyo dhammaan ehelkayga.

Tuesday, March 19, 2013

Gelbis: Waa gabay baroor-diiq ah - W.C: Yaasmiin M. Kaahin

Gabaygani waxa curisay Yaasmiin Maxamed Kaahin. Wuxuu curtay markii aduunka laga qariyey abtigeed Naasir Cawil Axmed-Xajiin oo Gacan ka xaqdarin ku dishay magaalada Hargeisa.

Ma gabyeene Rabboow, naftaa diiday gama’iiye,
Gacantaydii midigiyo markaan wayay garabkiisa,
Soo talo gunuunuc ima badin iyo weliba guux hoose,
Geeridaan xishood iyo lahayn guga maanta uun dhaaf,
Ma goblame rabbaan tageyn godkaa hoos iyo iile,
Ruux waliba guudkay u taal tani inuu ka guurayne,
Tani se ma-guurtay ku tahay qalbiga oo aan go’ahayne,
Garkaygiyo wadna ruux ku godan, gudaha duunkayga,

Saturday, March 16, 2013

Qaab fikirkeenna ayaa saameeya nolosheena - W.Q: Sh. Cabdiraxmaan M. Jibriil

Wax badan oo noloshaada ka mid ah, waxay ku xiran yihiin sida aad u fkirto iyo waxa aad rumaysantahay. Haddii aad rabto ama aad jeceshahay inaad xoolo badan hesho oo aad qani noqoto waxay ku xirantahay sida aad u fikirto. Haddii aad rabto in lagu jeclaado oo aad noqoto qof cid walba soo dhawaynayso ama ay jeclaanayso waxay ku xirantahay sida aad u fikirayso. Haddii aad doonayso inaad ka baxdo dhibka iyo walwalka hadda ku haysta waxay ku xirantahay sida aad u fikirayso iyo waxaad rumaysantahay. Alle waynaha cirka iyo dhulka iyo inta u dhexaysa abuuray ayaa sidaas ka dhigay. Waa arrin Cilmiga iyo xikmadda Alle ku saabsan ee ma aha mala-awaal aadane iyo faragalin la faragalinayo xikmadda iyo maamulka Alle.