" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: 2019

Saturday, June 22, 2019

Taariikh-nololeedka Abwaan Saxardiid-Jebiye

Aniga iyo Abwaan Jebiye

Waraysigan waxaan Abwaan Saxardiid Aw-Maxamuud Cilmi (Jebiye), Allahaa u naxariistee, oo 15 June 2019, Sabti, ku geeriyooday Hargeysa, aan ka qaaday sannadkii 2012. Walow aanu ahayn waraysi dhammaystiran oo si wacan u iftiiminaya sooyaalkiisii taariikheed oo ka mug weynaa mid lagu soo bandhigi karo waraysiyo kooban, haddana wuxuu iftiimiin u yahay qayb ka mid ah noloshiisii.

Xuquuqda Waraysigan in la tixgeliyo ayaa wanaagsan.

La’aantay lama guurin!


Qalinka: Barkhad M. Kaariye

Qof waliba wuxuu ku mashquulsan yahay furista, dejinta iyo sal-u-dhigidda geeddiga. Waayeelku wuxuu inta jilicsan ka dejinayay rati iyo gaadiid wixii lagu siday. Haweenkuna ilo-xidhka guryaha iyo basrinta wixii baylah taallay ee ‘Geeddigu’ lahaa. Xeryo-oodka iyo maareynta xoolaha, ayaa barbaarta iyo ragga reerku iyana dhinacooda haystaan. Qof waliba wuxuu ku tuntuunsaday hawshii kaga soo hagaagtay dejinta geeddiga, ha yeeshee, halkii uu hees-hawleed iyo suugaanta lagu yaqaanno hawl-is-dhaafinta iyo cuskashada maaweelada nafta uu adeegsan lahaa, waxa maskaxdiisu ku maqan tahay dhibta geeddigii la soo maray iyo hayaanka dheer ee riiqdiisu taagan tahay. “Mooge mee?” ayuu cod daal badani ka muuqdo ku yidhi mid ka mid ah barbaartii hawsha dhinacooda ka waday, isagoo baallihiisa daymoonaya oo u eg inuu tebayo cid uu u arkay in mashaqada geeddiga wax uun ka tari lahayd. “Ma Mooge?” ayuu yidhi Waayeel oo odayga reerka ahi, “Warba ma hayo oo wuu danaystay!” ayuu ugu jawaabay “Ee qof walowba geestaada baylahda ka gufee, haddaynu ka hagar-daamo la’aannaba!”