Sida lafa-gurayaasha sooyaalka aadanahu isku raacsan yihiin, waayo-aragnimada ina-Aadan – bilowgii illaa maanta – waa shinan isku wada mid ah ama iskuba dhowdhow,mahadhooyinka qormaya maantuna waa werenwaryooyin hore oo gaboobay misana leh cinwaanno cusub. Kala duwaanshiyuhu waa goobaha, gooraha iyo cidda hadba joogta, dhaaxaba aad akhridid aayado Qur’aanka ka mid ahna, wuxuun baad sii rumaysan isku ekaanshiyaha wacaalaha iyo isa suura ekaantooda.
Waagii beryaa ba waayo lehe, waxaan la kulmay sheeko gubtahanyo igu beertay oo ku saabsan gabadh yar oo Soomaaliyeed. Waa 14 jir la kawsatay dhiig iyo reero ba’ay. Waxay ka soo firxatay Soomaaliya, waxaanay orod ku timid xero qaxoonti oo ku taalla Uganda, Nikifali, oo ay ku nool yihiin boqollaal Soomaali ahi. Gabadhan yari waxay cid walba ku weyday dagaalka ka socda gudaha waddanka. Waa duni iyo keligeed. Waxay la kulantay wejiyo badan oo ay foolxumadu leedahay. Waxay soo martay kufsi, jidhdil, bahdil iyo duni dhiilloon. Lurka saaran waax kasta oo jidhkeeda ka mid ahi wuxuu salka ku hayaa xusuuso qadhaadh iyo boogo ma-dhaymaan ah oo geeddiga nolosheeda ka dab qaata. Haddii la weydiin lahaa waxa ay u dhimatayna, may hesheen xataa hal erey oo jawaabtaas ku habboon.
Meesha iyo sabankan caal-waa ee taagan ayaa dhimirkayga xusuuso sida kuweeda u qaab daran ii furfuray. Laakiin qof kasta oo Soomaali ah waxay ku celinaysaa dhaygagyo dareentaabad ah oo soo maray, xusuusaha ilmadii dagaalka sokeeye ee ‘kaa dhimay kugu dhimay’, ama dhacdooyinka kale ee cadaabtii ifka wax u eg dhammideen innagu ridaya. Waxaynnu is weyddiin karnaa waxa dhagartu nolosheenna qayb uga tahay? Illaa goorma ayaynu ka faalloonaynaa duni sidan u shiddo badan? Illaa goorma ayaa wax laga baran ruugagga taariikhda sahankeeda dheer? Diillintee laga gaadhi guuldarrada si loo barto macnaha guusha? Waxay weli ii damqaysaa sidii ay ii damqi jirtay maalmo aan xeryo qaxoonti kaga oodnaa duni iyo wacaasheedba. Waa ba shalay. Maya, waxay ahay labaataneeyo sanno ka hor! Waxa is weyddiin kale mudan sababta ay labaatan guuro weli soomalhaaddu ugu dhacayso qof bani aadan ah! Intee ayaynnu waayaheenna ka taransannay, si ay inooga hagi karaan surinnada cidhiidhyoon ee runnimada timaaddada.
Si walba oo dherigu u dhego adkaado, marka ay ku gawdiiddo dhamacda hoostaallaa waa jeerka uu kulku dheriga baro karka, culayska dhibtuna wuxuun bay kuu dhaweysaa xalka, waayo waa waajib nololeed oo ay tahay in la maro. Guuldarrooyinkaagu haddii aanay ku barin guushaada, ogow guushaadu waxay kuu noqotaa guul darro. Sidoo kale, haddii aan maalmahaaga qadhaadhi ku barin dhaka-faarka dhibka waxaad ka taransataa wax aan dhaxanta kaa celin.
Si walba oo aynu iskugu dayno inaynnu uga guurno god aynnu qaniinyo kulul ka xanbaarannay, maxaa wacay u jibboodka aleel-cuna kale oo aayo-la’aanteeda aynnu haddana ku hanbabarno abbaar ay talo gedmatay. Cid kasta oo aan ku dhiirran oogsashada madal ay habboon tahay inuu himiladiisa dhacsado, waxna ka barto gabballada dhacaya, weligii iyo waqiiba wuxuu ku dherernaan uun dhawrista safar aan maqnayn!
Ta qof ee gaar ahaaneed; xusuustayda labaatan jirsatay iyo dhacdada gabadhan yar isku xidhkoodu wuxuu i tusayaa asqowga guul-oomman oo dheeraaday, hilowga maalin kasta oo tagta, haaraanka maalin kasta oo timaadda iyo waliba ka sii gubashada awaalka maqan, taas oo ka xuubsiibanaysa salawga iyo cago-gubyoodka qof kasta oo aad la kulanto, dhacdo kasta oo aad aragto iyo sida nolol dhan oo dayro ku deyran looga markhaati furaayo dhacdaba teedii ka horreysay.
Bulshooyinka qaan gaadhka ahi waxay ku taamilo qaataan aafooyinka qayrkood si la mid ah kuwooda, gilgilad kasta oo bulsho ku dhex dhacaana waa dhawaaqtoosiye baraarujiya wacyiga dad sardho kaga jiray halganka dharaaraha ifka. Dhaawac kasta oo ku yimaadda xusuus-wadareedka sooyaalka bulshadaasi waxa uu mar kale u oggolaadaa in isla gefaf hore baalashooda ugu qormaan marar badan oo danbe.
Malahayga waa sababta aynu maalin la arkaba u taagan nahay “shalay dhaantay” ama sidii ninkii jiray ee neefka weydda ah soshay, dabadeedna inta uu saluugay ku cataabay “Allow saantii yaygaga cesha!” Kolka naxdimo jirayba la furdaansho, iyada oo aan gogosheedii la laabin haddana dhabbadeedii mid ka dhaygag badani soo qaaddo waxaad ogsoonaan in xusuus wadareedka bulsho wax weyni ka qaldan yihiin.
Xaal aan hal kugu seegganayn misana aad ka ahayd goobjooge, kolka aad saqaafkiisa ku celiso dacartii shalay lagu huriyay si maanta loogu daaweeyo, wuxuu dannigaagu burinayaa is-ahaantaada, garashadaadana wuxuu ka dhigayaa gawl aan sal iyo raad toonna lahayn, waxaad uga aroortaana waa boolli aan sii ganac ridnayn.
Ma arko sabab loo sugo safar maqan, waayo, waa bulshada cidda gudaysa qiimiga dhibta iyo dhaca, waa iyada cidda ay intaasiba ku dhacayso, qof walbana waxa ku waajib ah in uu xalka qayb ka noqdo, waayo, haddii aanad xalka qayb ka ahayn, dhibkuba waa adiga. Jidka aynnu durduradiisa haynaa kolka uu nabad, caano iyo samaanba dubur hawd ka xulo, meelo ta danbaysaaba ay ka sii gudcuro badan tahay uun ta kale; dabadeed, waxa habboon dib u noqosho si aad mar kale u gurto raadkaagii oo aad u ogaatid meesha aad ka anbatay.
Abaabul fikir bulsho hor leh oo ku salaysan qiyam iyo xeerar ka unkamaya yaqiinta qofeed iyo ta wadareed, iyo waayo-aragnimada dedaalka dheer ee taxanaha nolosha duruustii laga bartay, labadaas oo la isku gorariyay dabadeedna lagu shiilay maan caafimaad qaba oo waayo aragnimada dadka kale waafajiya teenna, ee aan teenna waafajin waayo aragnimada dadka kale; waxay dawo u noqon kartaa u maara helidda iska daba galka indhaha la’ ee afkaarta doolka ah.
Xasuustayda qofeed iyo waayo aragnimada gabadhaas yar waxay keli ah midha dhali karaan kolka lagu dul bineeyo boqollaalaha kale ee tajribooyinkaas ka gun gaadhay, weli se waxa cad in damac siniinraac ahi ina wado. Laakiin, waxa hubaal ah in midhka uu Hadraawiba qabo; in jeer uun, goor uun, maalin uun, ay si uun, tirsiga meel uga soo geli, iyada oo weel ka buuxsatay falcelinta mugga leh ee fallaadkeedii hore iyo awaalaha jira markaas. Waxa se aanan hubin inta ay taasi qaadan karto!
F.G. Qormadan waxa markii ugu horreysay lagu daabacay Tirsigii Saddexaad ee Majalladda WEEDHSAN, June 2012.
Xigasho = Weedhsan Corporation

No comments:
Post a Comment