Habeennimadaas
buug aan akhriyayey ayaan xilli dambe dhammeeyay. Waxa uu ahaa buug xiise
badan, xaashi kasta oo aan rogo waxa ka xiiso badnayd midda xigtay! Xarfaha
quruxda badan iyo xarakaadka yaabka lahaa ee ku dhignaa ayaa qoraaga buugga iyo
aniga iskaayo baray.
Runii qoraaga ma aan arag waligay, marka laga tago sawir
buugga ku dhegganaa. Laakiin waxa uu iigu sheekaynayey sidii oo aannu is
horfadhinno. Mararka qaarkoodna tobannaan sannadood ayaannu dib ugu
socdaalaynay daafaha dunida, markaas ayuu i barayey shay walba. Aniguna waxa
aan u daba socday sida arday rabbaayad ah oo wax ka baranaya macallin uu
qaddarinayo. Waxa uu wax kasta iigu sheegayey sida ugu fiican ee qof aan waxaas
aqoon loogu sheego. Xarakaadku waa wax yaab leh! Isma aan lahayn waligay qof
aanad arkayn ayaad haddana daawan kartaa! Isma aan lahayn cid aan kula joogin
ayaad dhagaysan, isma na aan lahayn waxa aad saaxibi kartaan qof aydaan is
aqoon! Intaas oo dhanba waxa aan xaqiiqsaday markii aan dhammeeyay akhrinta
buuggaas cajaa’ibaadka lahaa. Markii aan dhammeeyay ayaan arkay saacadda oo
sheegaysa labadii (2:00 AM) habeennimo! Inta aan u qaadan waayey ayaan is idhi
“xata show maad cashayn!” Haddana markiiba waxaan iskula hugmay in aan maanka
iyo maskaxda casho iyo dheeraad ba siiyey! Inta aan cabbaar la dhaygagay ka
fikiridda buuggan iyo awoodda intaas le’eg ee uu saamaynta qofka ku samayn karo
xaraf qorani, ayaan gogoshaydii gundhada u galay! Hore u gama’ ayaanan guddoosaday,
waayo marka aan gogosha tago ayey xasuustayduna timaaddaa. Habeenkaasna waxa
aan ka warwarqabay in aan buuggii dib maskaxdayda uga dhex akhriyo, ka dib aan
xarafxaraf u falan qeeyo. Aniga oo aan geestaas iyo geestaas isku rogin ayaan
galay hurdo u eg hurdo Caruus! Waxaanan ku seexday in aan xilli hore kac maadaama kulan aroorta la
igu marti qaaday. SI aanan u gafin ama uga habsaamin saacadda Moobilka ayaan ku
buuxsaday. Laakiin waxaas oo dhan waxa hal bacaad lagu lisay ka dhigtay awoodna
u sheegatay hurdadii xoogga lahayd ee i haysay. Waxa aan is arkay toddobadii
iyo dheeraad iyo aniga oo gogoshii dhex goglan! Ballankii Ilaahay barqaan
kacay, intaan isku celiyey ayaan degdeg u diyaar garoobay.
Madasha aan ku socdaa
waxay furmaysaa Siddeedda, waa madal aqooneed sida la ii sheegay. Siyaasiyiin,
Ajaannib iyo waxgaradka bulashada ah ayaa dood cilmiyeed loogu qabanayaa ayaa
la yidhi. Aniguna inta la casuumey inteeda dhagaysiga lagu casuumay ayaan ku
jiray. Haddana mar haddii ay waqtigaas bilaabmayso waa in aad meesha sii
fadhidaa ayaan isku canaantay. Ilaahay baa mahad leh! Shan mirir ayaa ka
hadhsanayd Siddeeddii subaxnimo ee ballantu ahayd markii aan soo gaadhay goobta.
Cid badaniba ma joogto. Xataa kuwii martiqaadka ii keenay ee abaabulayey ma joogaan.
Maadaama aan quraacdkii ka soo degdegay, wiil ka mid ah kuwii Huteelka ayaan u
yeedhay, “Koob shaah ah iyo laba xabbo oo Saambuuse ah ii keen” ayaan ku idhi.
Sidii ayaanu yeelay oo si degdeg ah iigu keenay Ilaahay ha ka abaaliyee. Mutul
cidlo ah ayaan fadhiyey, sheedda ayaan ka eegayey Hoolka xafladdana in la yimid
iyo kolba xaaladda guud. Intii aan fadhiyey ayaan xasuustay buuggii wacdaraha
lahaa ee xalay! Ninkii aan Soomaaliga ahayn ee qoray ee aannu saaxiibnay. Sidii
uu farriintii uu rabay ii deeqsiiyay iyo sidii aan ugu damaashaaday buuggaas. Malaha
inta noloshayda ka hadhsan qisada buuggaas ku duugan iyo farriinta ay
daadahsanayso midna ilaabi maayo! In aan ku noqdo oo aan dib u akhriyo ayaan
xiisaynayey ba. Waxaan arkay in madashii la galayo oo la bilaabayo
barnaamijkii. Dadkiina waa loo furay albaabkii Hoolka. Albaabka waxa hortaagnaa
askari dadka baadhayey. Wax yaab leh
ayaan ku arkay.
Haldoorkii bulshada ee
kulanka doodda ka qaybqaadanayey iyo ajaanibkii ayaa kala gaar loola dhaqmay.
Birta yar ee madow ee uu askariga madow ee caatada ahi ku baadhayey cid walba
oo Soomali ah ma aan garan sababta uu ugu baadhi waayey Ajannabigii iyaguba
meesha galayey! Sawka aqoonyankii ay ajannabiga doodda wada galayeen baadhay,
muxuu ajannabiga na u baadhi waayey? Mise iyagu isma qarxiyaan horta?! Haddaa
ma abwaankan la yaqaan iyo xildhibaankan iyo macallinkan ayaa is-qarxin kara? Goorma
ayaa hal-doorka bulshadeennu heli doonaan qaddarin la mid ah ama ka badan ta
ajanniba laga yaabo in uu dibjirka yahay dhexdeenna ka helo? Ama goorma ayeynu
garan doonna in qofka cad iyo ka madow isku mid yihiin, Ka Ingiriisi ku hadlaya
iyo Ka Soomali ku hadlayaa isku mid yihiin? Waxa aan is idhi marka la helo dad
ka xor ah midab takoorka, jahliga iyo gumaysiga ku beerma maskaxaha. Haa
markaas ayaa la ogaan karaa in bani-Aadamku ku kala dheeraad leh yahay oo
kaliya hadba aqoonta waxtarka dhasha ee uu ku soo kordhiyo aqoonta aadamaha iyo
horumarkooda. Waxba yaan taas ku dheeraan, ee aniga oo yaabban ayaan madashii
galay oo meel ka fadhiista.
Dooddii oo af Soomaali ku
baxaysa ayaa bilaabantay. Muddo saacad ku dhow ayey socotay. Laakiin wali xiiso
badan ma leh! Qolyaha ajannabiga ah turjumaan ayaan u turjumayey oo ka
turjumayey. Doodduna wax diirrimaad ah ma ay soo yeelayn marnaba. Hadal aan
macno lahayn ayaa waqti badan lagu lumiyey, doodduna waa ay sii biyo dhacaysay marba
marka ka dambaysa. Waxa ugu daran qof; aqoonyahan sheeganaya ummad u ah hormood
iyo masuul oo aan farriin ama aragti uu qabo gudbin karayn?! “Hadal la kala
odhan og, Ilaahay na la kala baryi og” waa maahmaah run badan guntan. Bal ka
warran qof aqoon la bidayo oo doodda la soo fadhiisayay oo hadalka iska hor iyo
dabo imanaya ee uu walaaqayaa kugu ridayo madax xanuun, daa in aad aqoon ka
korodhsato’e? Qof aan lahayn dareen soo jiidasho iyo xarakaad midna maxay ayaa
loogu yeedhaa, maxay buu se cid ku kordhin karaa? Hadal gole ka fuulnimo
miidhan ah oo dadka fadhiyey badankooda caqliyadooda ceebayn ku ahaa ayaa la
butuluqsanayey.
Aad baan runtii uga
xumaaday madashaas. Manay mudnayn dadaalkii iyo daalkii aan isku galiyey
imaatinkeeda. Markii laga soo dareeray ayaan xataa dhanna u qaadi waayay horta
maxaa ka soo baxay? Maxay kala ayidsanaayeen labada dhinac? Midna waan xasuusan
kari waayay. Waxa kali ah oo aan xasuustay sidii hadalkoodu madax iyo mijo
isugu laabnaa. Dadka goobjoogga ahaa oo dhan ayaa sheegay taas, kana xumaaday. Adigu
ba haddii aad joogi lahayd waad ka xayraami lahayd sidayada oo kale.
Markii aan ku soo laabtay
guriga aniga oo madaxa ka daallan, waxa aan xasuustay ninkii aannu xalay
isbarannay iyo farriintiisii, sida quruxda badan ee uu iigu sheegay, sida uu
caqliga dadka u ixtiraamayey iyo sida uu u xarakeeyay ee dareenka akhristaha
xiisaha u galinaysay! Waxa aan garab dhigay qolyahii iyaga oo isoo horfadhiyey
xiise daaye madax xanuunka igu soo kordhiyey. Waxa aan ninkaas qoraaga ah u
aqoonsaday aqoonyahay cid wax tari kara, cid taakulayn kara, cid tusaalayn kara
isla jeerkaasna farriin iyo aragti dhacsiin kara cidda uu rabo
isaga oo adeegsanaya habka uu rabo. Horjoogayaashan bulsho ee aqoonyahanka badi
iska sheegtaa waxa ay madasha ka caddeeyeen in aanay ka hadal gaddisnayn kuwa
golayaasha qaadka ka hadra hadh iyo habeen ee aan dhammaadka lahayn sida aanay
bilawga u lahayn oo kale. Labadu waxa ay kala ahaayeen kala la laba!
W/Q,
Saddaam Xuseen Carab
Hargeysa,
Somaliland
No comments:
Post a Comment