Tabarta dhaqaale ee la geliyay waxay ka muuqataa oogada sare. Waxaana
taas marag u ah tayada waraaqaha lagu daabacay, balse tayadaasi ma helin tayadii
xogeed iyo farsamo ee quruxdaa san sii qurxin lahayd.
Dhismaha guri marka la rabo, sida loogu baahan yahay in la helo
dhagax, ciid, sibidh, biyo, agab dhisme iyo ciddii dhisi lahayd, ayaa sidoo
kale marka qoraal la samaynayo loogu baahan yahay ciddii qori lahayd iyo ciddii
saxnimadiisa hubin lahayd. Tifaftirku wuxuu ka mid yahay tiirarka la’aantii aan
la qori karin wax tayo leh oo saxsan – waa haddii la rabo in wax sax ah la qoro’e.
Wargeys dhan soo saariddiisa na hadalkeedaba daa! Way dhacdaa in cid waliba wax
qori karto, iyada oo aan la marin qoraalkaas tifaftire, hufe iyo toosiye
intaba, waxase hubaal ah in waxaa la qoray uu magac ahaan uun sito magaca QORAAL,
balse uu noqonayo bar-kuma-taal.
Sida halabuurka kale, ayuu qoraalkuna macno beelaa haddii aanay jirin
ujeeddo mug leh oo ka dambaysaa. Haddii ujeeddada soosaarista qoraal iyo
wargeys ay noqoto mid aanay waxba ka dambayn oo aan ka ahayn in waxaasi soo
baxaan uun, waxa maxsuulku noqdaa magac-ba’ iyo milgo la’aan.
RAAD-RAAC waa wargeys ay soo saaraan xafiiska warfaafinta ee
madaxtooyada Somaliland, sida ku qoran wargeyskaas. Waxaan akhriyay cadadkii
labaad ee wargeyskaas oo soo baxay bishii hore ee February. Walow sidaan kor ku
sheegay tayada waraaqaha lagu daabacay ay tilmaamayaan in tabar dhaqaale la
geliyay, haddana runtii tayada xogta uu sido, farsamo ahaan sida loo qaabeeyay
iyo xitaa khaladaad tifaftir oo qaarkood aanay suurtogal ahayn in laga aqbalo
cidda soo saartay, ayaan ku arkay.
Khaladaadka qoraal ee aan ku arkay aan ku horreeyo hab-dhigaalka
farsamo ee wargeyskaas (Design and Layout);
qoraalka iyo sawirradu way is-dhex daadsan yihiin. Warka u horreeya waxa
uu ku qoran [Sidaad sawirka qoraalkan la socda ku arkaysaan] ‘Soo Dhaweyntii
Madaxweynaha’. Ciwaankaasi wuxuu dhex yaallaa sawirka koowaad ee ku yaalla
bogga hore, waxaanu qariyay quruxdii sawirkaasi lahaa. Dhinaca midig ee isla
bogga hore, waxa ugu sarreeya war ciwaankiisu sidan yahay; ‘Madaxweye ku
Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland oo ka Qayb Galay Xuska Maalinta Ciidanka
Qaranka’. Waxaan ciwaankaas u qoray sidii uu u qornaa. Ciwaankan waxa looga
jeeday MADAXWEYNE-KU-XIGEENKA, waxase la qoray MADAXWEYE Ku Xigeenka. Taas oo macnihii jagada uu hayay
Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo ah Madaxweyne-ku-xigeenka JSL
meesha ka saartay, una rogtay MADAXWEYE [Madax weeye]. Qaladka intaas le’eg
waxa sameeyay waa xarafka ‘N’ oo laga tegay.
Waxa laga yaabaa in dadka qaarkood ay u arkaan qoraalkan ujeeddo kale
ama ay isweydiiyaan muxuu qofka qoray u xusi waayay wax badan oo wanaagsan ee
uu uga eegayaa uun dhinaca qaldan. Waxaanse ka duulayaa in wixii wanaagsan ee
uu gudbinayo wargeyskani uu yahay mid halkeeda taalla oo aan u baahnayn toosin,
sii xoojin mooyaane, balse in aan cidda gacanta ku haysa wargeyskan iyo cidda
ka masuulka ah baa an u tilmaamo waxa sixidda u baahan ee badan. Xaqiiqda marka
aan indhaha laga qarsanayn wargeyskani wuxuu xambaarsan yahay sawirro aad u
qurux badan oo tayadoodu wacan tahay, isla markaana sida lagu yaqaanno sawirka,
gudbinaya macno mug leh. Waxase uu caddadkan aan arkay ee wargeyskani ka
arraddan yahay tifaftirka.
Qof kasta oo bani’aadam ahi wuu qaldamaa, gaar ahaan qof kasta oo
qoraal sameeyaa. Waxa laga yaabaa in qoraalkan naqdiga iyo toosinta ah ee aan
qorayo laftiisa haddii aad u fiirsataan aad ka heli kartaan qaladaad, balse waa
in qaladkani noqdaa mid la aqbali karo. Ku-dhawaad lix sannadood oo aan wargeys
ka shaqaynayay, kala-badh wakhtigaasna aan tifaftire guud ka ahaa ama bahda
tifaftirka ka tirsanaa, waan hubaa in qaladaad tiro badan oo qaarkood adkaayeen
aan sameeyay. Tanise way ka duwan tahay!
Inkasta oo khaladaadka qoraal ee ku jira cadadka wargeyskani RAAD-RAAC
uu yahay mid aan tiro lahayn, waxase aan aad ula yaabay khalad aan u arko in
cudurdaar kasta oo la sheegaa aanu ku filnayn sababta loo sameeyay. Sida
sawirrada la socda qoraalkan aad ku arkaysaan, waxa caddadka wargeyskan lagu
baahiyay dastuurka Somaliland oo qiyaastayda la rabo in akhristayaasha lagu baro
qodobbada dastuurka, waxase meesha aan kala kulmay qodobbo lagu sheegayo inay
yihiin dastuurkii, balse aan ahayn. Qodobka 24aad ee dastuurka Somaliland sida
caadiga ah ee dastuurka ku daabacan waxa uu u dhigan yahay ciwaankiisu sidan; ‘XAQA
NOLOSHA, NABADGELYAYNTA JIDHKA, XURMAYNTA MAGAC-SAMIDA IYO DEMBIYADA LAGA GALO
XUQUUQDA AADAMIGA’. Waxase caddadkan RAAD-RAAC uu ugu qoran yahay sidan; ‘XAQA
NOLOSHA, NABAD GALEYNTA JIDHKA,
XURMAYNTA MAGAC-SAMIDA IYO DAMBIYADA LAGA GALO XUQUUQDA AADAMIGA’. Fadlan u
fiirso ereyada aan madow ka dhigay.
Qodobkaas oo kaliya maaha ee bal kanna ila eeg; qodobka 18aad ee
dastuurka JSL wuxuu u dhigan yahay sidan; ‘Deegaanka iyo wax-ka-qabashada aafooyinka’,
waxase wargeyskan ka soo baxay madaxtooyadu u qoray sidan; ‘DEEGMNKA IYO WAX-KA-QABASHADA MFOOYINKA’.
Fadlan u fiirso ereyada aan madow ka dhigay.
Qodobka sagaalaad ee Dastuurku wuxuu u dhigan yahay sidan; ‘Nidaamka
siyaasadeed’, balse RAAD-RAAC wuxuu u qoray sidan; ‘NIDAAMKA SIYMSADEED’. Fadlan u fiirso ereyada
aan madow ka dhigay.
Qodobka kale ee 11aad wuxuu dastuurka ugu qoran yahay sidan; ‘DHAQAALAHA
DALKA’, waxase wargeyskani u qoray sidan; ‘DHAQMLAHA
DALKA’ Fadlan u fiirso ereyada aan madow ka dhigay.
Intaasi waa qaladaadka markay indhahaygu qabteen aan is-idhi kaaga
filan araggoodu inaad u sii daadegto qoraallada ka hooseeya, waxaanse hubaa in
ay ku jiraan kuwo kale oo tiro badan. Waa laga yaabaa in dadka qaarkood ay
yidhaahdaan maxaa ku jaban in qaladkaasi dhaco, balse akhristayaal intiina
fikirkaa qabtow iska soo taaga dhinaca kale; waa wargeys ka soo baxa
madaxtooyada, lagu bixiyo hantida umadda, lagu qalday dastuurkii qaranka! Maxaa
soo baxaya? Aniga intaasi isu-kay qaban wayday! Waa hubaal in aan ujeeddo laga
lahayn, balse hawl-fudaydsi ayay u muuqataa. Waxa kale oo hubaal ah in aan la
waayin cid tifaftir soo-jeedda ku samaysa! Xitaa haddii qaladkaa dastuurka ku
jira lagaga soo qaatay meel kale oo la soo min-guuriyay iyada oo aan la eegin
ba, ma qabo in ay noqonayso cudurdaar ku filan inay ku qancaan inta uu
qaladkani damqay iyo sumcadda halka uu wargeysku ka soo baxay toona. Waase mid
laga hortegi karo in uu mar kale dhaco – haddii la danaynayo.
Barkhad M. Kaariye
Email: kaariye104@gmail.com
Blog: www.kaariye.blogspot.com
Hargeisa, Somaliland.
No comments:
Post a Comment