" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: SHEEKO GAABAN: Godobreeb - W.Q: Saddaam Carab

Sunday, April 6, 2014

SHEEKO GAABAN: Godobreeb - W.Q: Saddaam Carab

Aad baan u daallanaa. Cadceeddu waa ay sii gaabanaysay. Dhulkuna waa uu sii madoobaanayey. Adhigii aan la joogay waxa aan keenay kambalka reerka. Waxa aan   dhawrayey oo kali ah inta maqasha iyo baraarka la xaraynayo. Markaas waxa xigta uun in aan anna adhiga xerada ku shubo. Aad baan u gaajaysnaa oo waxa aan dareemayey tamar li’i.


Sheedda ayaan ka arkay walaalkay Cirguje, Aabbahay Guutaale iyo Aadangalaan oo aannu Ilmaadeer labaad ahayn. Muuqaalkooda aad baan uga argagaxay. Ragga waxa goortan guriga keenay ayaan ka warwaray. Hammi badan baa igu dhashay. Degdeg ayaan gurigii u soo gaadhay. Balse qoryihii guriga yaallay oo saddex ahaa bay saddexdoodii kala qaateen. Markii ba, iyaga oo aan ila hadal ayey woqooyi qumman foolka saareen. Haddana, qudhoodu ma ay wada hadlayn kolkaas. 

Asli, hooyo adhigii yaad kaga timid” ayey si naxariis leh iigu tidhi hooyaday oo xaggii adhigu iga xigay ka soo socotaa. “Hooyo cidna, aniga ayaa ku noqonaya” inta aan idhi baan adhigii ku laabtay. Wali se hammigii baa igu sii badanayey. Waxa madaxayga ku soo dhacayey waydiimo tiro badan. Halka ay walaalkay iyo aabbahay u hub qaateen ayaan aad uga walaacsanaa. In ay dagaal tagayaan baan isku qanciyey. Cid uun in ay dili ama iyaga  dili ayaan niyaddii u sheegay. Jeer aan ku jahowareeray, malauhu marba dhinac ayuu ii jiidayey.Si aan isu halmaansiiyo baan bado kale galay. Mawjado xidhiidh kalgacayl oo aniga iyo Hanad Aw Cusmaan na dhexyaallay baan muquurtay. Kaas baa i illawsiiyey feker badan oo aan ka fekero hubqaadashadii aabbo iyo walaalo iyo Aadangalaan.  

Hanad Aw Cusmaan waa wiil aannu isku degaan nahay. Waxa aannu afar bilood ka hor ku kulannay ceelka wayn ee degmadu u aroorto. Subax, aniga oo adhiga aroorinaya iyo isaga oo geela  aroorinaya baa kulannay. Isku ceel baannu u arooraynay. Sidaa daraaddeed waannu isku sii cagdarnay ilaa aannu ceelka gaadhnay. In kasta oo aan aad uga xishoonayey hadalkana gaagaabsanayey  iyo in kasta oo uu isagu sheekada gadhwadeen ka ahaa, haddana waxa aan ku khasbanaa in aan si wacan ula xejiyo. Waxa ay ahayd maalin xusuus leh. Haasaawe nin aan la wadaago maalintii iigu horraysay bay ahayd. Hanad baa ahaa isna ninkii intaas in le’eg aannu wada hadalnay hal maalin. Guud ahaan, Hanad ma ahayn qof igu cusub. Waayo tiro ba dhowr goor isaga oo baadidoon ah waa uu noogu yimid guriga. Gaafaf hore isaga oo ka heesayana waan arkay.  Isaguna Asli Guutaale in aahay waa uu ogaa. Cirguje in aan la walaal ahayna si fiican buu u garanayey. Maalintaas se si mug leh baannu isu xogwaraysannay.  

Sheeko guud oo degaanka ah iyo mid gaar ahaaneed oo doob iyo gashaanti u dhaxaysa ayaannu jidka ku marnay. Marba haddii uu geel wadey hawl badani uma ool. Anigu se adhi haddii aan waday hawl baa ii taallay. Wax kale ha joogeen ee dacawo ayaan ka jirayaa. Aniga oo sheekada wada baan adhiga ku jeedsadaa.  Qudhiisu waa uu ila socday oo ila jeedsanayey. Adhigu haddii ay tubta ka weecdaan isaga ayaa ila soo rogayey. Dacawada inta aan uga warwarayey adhiga isaga ayaa iiga warwar badnaa. Waxa uu iigu muuqday qof dareen soo jeeda leh. Runtii na si cajiib ah ayuu u sheekaynayey oo aftahamadiisa iyo codkarnimadiisu ii cajabisay. 

Wax gabadh ah hooyaday aniga oo kali ah bay i dhashay. Asli ahaan gu’gii aan dhashay Hanad waxa uu ahaa shan jir. Maanta oo aan toddoba iyo toban gu’ jirsadayna waa laba iyo labaatan jir aad u karti badan. Wax badan oo aan ku qiyaasay garaadkiisa ayaan maalintaas sheekadiisii kala baxay. Markii aannu ceelka nimid na Hanad aad buu ii caawiyey. Adhiga oo aan kali waday ayuu ii waraabiyey. Aniguna kaliya waan u kala horayey. Isaga ayaa Hanad darka wadaanta ku laba shubay qabaalka biyaha. Hadba toban neef ayaan u soo daynayey. Marka ay fulaanna hormo kale ayaan u soo daynayey. Jeer tiro iyo jarjarkii adhi ahaa ee aan waday ay wada fuleen.  

Markii adhigii uu ii waraabiyey baan isna kolkiisii geela ceelka ugu soo horay. Waayo waxa uu ahaa kalidii. Tabtii oo kale ayuu darka iyo wadaanta iyo biyaha isugu xidhayey isaga oo aan u nasan. Awooddiisa jidheed waxa ku lammaanayd karti garasho iyo farsamo sare oo aan tartiib-tartiib ula socday. Taasina waxa ay daaha iiga faydday sida uu Hanad u yahay hawl kar maskax furan. Maalintaas iyo maalmihii ka dambeeyay ba xidhiidh dhow ayaannu aniga iyo Hanad lahayn. Dhab ahaan, labadayada dareen ee is-oggolaa waxa jiray mid saddexaad oo dabar noo ahaa. Ma aan garanayn sababta uu isaguna iigu arkay qofkii ku habboonaa aniguna aan ugu arkay ninka ii qalma. Waxa uu ii sheegi jiray in uu igu qanacsanyahay. Waxa se go’aankii ugu dambeeyay ahaa gu’gu marka uu curto in uu reerkayaga i waydiisan doono aniguna aan ku aqbalay. Waxay se ahayd ka hor mashaqadii dhacday.  

Hanad ma aan baran oo kali ah abuurtiisa iyo haybtiisa’e xataa waxa aan aqaannay raadka kabihiisa. Meesha uu cagta saaro waan garan jiray aniga oo aan la socon. Ifka waxa aan u jeclaa dharaarta uu geela u foof keeno xagga aan adhiga u foofgeeyo. Waayo wehel wanaagsan oo aan jecelaa ayuu ii ahaa. Maalinta ay hawsha adhigu iigu fududdahay waxa ay ahayd maalinta aannu Hanad duudda ku kulanno ee uu hasaawe ila soo horfadhiisto. Maalinta aan ugu daal badnaana waxa ay ahayd maalinta aanan il iyo baal midna saarin. Runtii, Hanad waxa uu qalbigayga ka helay mansab ku habboon, sida aan aniguba agtiisa ugu waynaa.  

Hase ahaatee, maaanta,  xusuusta dareenkan waxa tashuush igaga furay halka walaalkay Cirguje iyo Aabbahay u weerar tageen. Gu’gu waa uu curtay oo biyo iyo baad la isku dagaalo midna ma filayn. Gu’ ga curtay in uu wanaag ii sido ayaan aamminsaa, se tuhun baa iga galay. Marar waxa aan malaystay aabbahay ama walaalkay oo la soo dilay. Dabadeed gunnimo ay goobta ka dhacdo oo aan walaal beelo ama aabbo beelo. Ama ugu yaraan farxadda guurka aan isu diyaarinaaa ay iga gaagaxdo gu’ga. Ma rabo in aan waxaas ka fekero’e waan is illawsiinayey. “Halkee ayey walaalo iyo aabbo u dagaal tageen?” waydiin aan warcelin loo helin baan ku dhaafay. 

Gabbalkii waa uu dhacay, adhigii waan soo xareeyay. Cuwaaf yar oo aan helayna afkaan ku dhuftay. Gaajadii iyo daalkii waa ay iga duuleen. Caweyskii baa xoolihii la maalay. Hooyo ayaan waydiiyey in ay war ka hayso halkay ay raggayagu qabteen. Hase ahaatee hooyo xog tayda dhaafsan ma ay hayn. Sida aan u walaacsanaa ayey iyana u walbahaarsanayd. Habeenkii sidii baannu gelinkii hore ku seexannay. Saqdii dhexe ayaannu war dhiillo leh helnay. Wiil yar oo abtiyo dhalay ayaa aqalkii noogu soo galay. Waa uu ordayey oo hiinraagayey. Hadalka waa uu kala goo goynayey. Waxa se ay farriintiisu ahayd; In reer laba geeddi noo jiraa  ay geelayaga badhkii maanta galinkii hore dareersadeen. Dabadeed in aabbahay iyo walaalkay qayshadeen oo tolkii kiciyeen baa iyana xigtay. Galabta kolkii Aabbe iyo walaalo ay qoryaha qaateen arrinkaas in ay u socdeen baan garwaaqsannay. Waxa se inta ba ka dhiillo kululayd in Aadangalaankii saddexaad ee galabta la socday aabbo iyo walaalo lagu dilay dagaalkaas! Waxa  dhanka kale iyagana laga dilay nin madi ahaa. Waxa uu ahaa war aan si na looga gam’ayn. Habeenkii galgalad buu waagu iigu baryay. Jeer aan subaxdii walaalkay iyo aabbahay arkayna ma aan niyad samaan.  

Waxa se aan dharaar walba ka warwari jirey in Cirguje ama Aabbo midkood aano loo dilo. Taas ayaa ahayd warwarka ugu badan ee aan qabay. Xagga kale, rajada wacan ee aan haystay waxa ay ahayd in gu’gii curtay Hanad na xaggiisa ka diyaar garoobayo.  

Roobkii Gu’gu sannadka aad buu u da’ay. Dhulka daaqa iyo dareemadu waa u isgaadhay. Dhirta caleenta iyo cosobku waa uu is fuulay. Dhallinta wiilal iyo hablo waa la is dhisay. Dhaantaduna habeenkii dhan walba waa ay ka yeedhi jirtay.  Aroosyadu waa ay farobateen. Deegaanka oo dhan barwaaqadu waa ay isgaadhay. Welwel iyo cabsi toona lama qabin. Marka laga tago labadaa nin ee labada reer ka kala baxay. Dilkii dhacay arrintiisu ma ay dhammaan. Dhexdhexaadin badan ayaa odayaal wadeen. Walow aan dab holcaya oo muuqday jirin, haddana cabsidu waa ay jirtay. Dhagartaasi aniga dareen gaar ah bay igu lahayd. Guurkii aniga iyo Hanad oo soo dhawaadayna dareen kale ayuu ii lahaa. Labadu waxa ay igu abuurayeen isdiiddooyin. Waxaan se jeclaa mar walba in aan wax kale isku shuqliyo.  

Xalay goor caweyskii ah baa odayaal na soo martiyeen. Markii baa aniga iyo hooyo soor aannu u diyaarinnay. Intii aannu soorta diyaarinaynay ardaaga ayey fadhiyeen. Aabbo iyo rag kale ayey la fadhiday martidu. Sheeko gaagaabsi ah baa dhex taallay. Kaftan badan lagama dareemayn iyo qosol toona. Waxa aan maleeyay in ay arrintu xasaasi ahayd. Soortii baa la qaaday oo golihii la geeyay. Lama aan joogin se saqdii dhexe ayaan helay sababtii odayadu u socdeen. Dhacdadii dilkii Ina adeerkay Aadangalaan bay dabada ku haysay. Odayadu waxa ay habeenkaa habeenkii ka horraysay ka yimaaddeen reerkii  ninka madiga ah laga dilay. Nabad bay rabeen in arrinta lagu xalliyo. Ha yeeshee xalka ay sheegeen waxa uu ahaa eebo qalbiga la igaga muday iyo dhaawac qalbigaga iga yaal.  

Odayadu nabad ha ka shaqeeyeen, heeshiis ha dhaliyeen, mago in la kala qaato ha xukumeen, maxay se aniga ninkii Ina adeerkay dilay in la ii guuriyo iigu amreen? Maxay se ninkii dhintay walaashiina walaalkay Cirgujie ugu guurinayeen? Xalka odayadu ma kaas ayuu noqday. Waxa ay waliba daliishadeen oo kale maahmaah baas tidhaa “Halkii xinjiri taal, xab baa lagu bururiyaa”. Xabka xinjirta lagu bururinayaa muxuu yahay? Yaa huba in aannu wax isu dhali doonno dabadeed dilalkii lagu illaabi doono? Iminkaba kuwa isdilay waa tol isu dhow haddii ay kala xishoonayaane? Maxaa aniga iyo gabadha kale ee xorta ah na looga qaaday dookha? Geelii magta ahaa ee reeruhu isdhaafsanayeen maxaa naloogu daray miyaannaan dad ahayn? Dadnimadayadii maxaa loogu tuntay? Haddii aannaan raalli ka ahayn maxaa rag aannaan garanayn aqal na loogu xareeyay? Hanadkii bishan i soo doonayey sidaan u kala go’anaa? Isagu se sidee buu u arki doonaa? Miyaan aafo kale ka dhalan karin marka uu hinaaso? In uu ninka la i siiyey nolosha dhaafiyo oo uu i helo saw kuma hammiyi karo? Saw godobkale iman mayso haddii ay sidaasi dhacdona? In la i afduubay saw iyaba godob la iga galay maaha? Anigu xornimada miyaanan la dhalan maxaa la iiga maroojiyey? Marka hore ma tolkay ayaa i siiyey xornimada oo iminkana igala noqonaya?  Maxaa nin aanan rabin la iigu guuriyey?

Ma ogi si uu ku ogaaday iyo in uu ogaaday Hanad halka aan maray. Ma hubo in uu sidayda nolosha ka niyad jabay

iyo in kale. Ma hubo sida aan ula noolaan doono ninka la igu raafay. Mar kasta oo aan is-idhaa ka hadal dhacdadan waxa la igu odhanayey “Waxa aad tahay Godobreeb”. Laba qoys oo dagaalkoodu sii socon lahaa ayaad godobihii dhexyaallay tirtiraysaa baa qunyar la igu odhan jiray. Waxa  aan wali warcelin u la’ahay “godobta la iga galay cid iga reebaysaa waa ayo?”



Sheeko Gaaban: Godobreeb

Hargeysa, Somaliland

Saddamacarab@gmail.com  

No comments: