Kadinka xagga koonfureed u jeeda
ee cisbitalka Hargeysa ayey orod ku soo gashay. Ilmo yar oo qiyaastii bil ama
ku dhow jira ayey legga ku sidatay. Shalmaddu inta ay ka dhacday baa ay labada
garab midkood ka laalaadday. Kabaha ay xidhnayd midkood waa ay go’nayd, se waa
ay ku socotay. Warwar hooyo ayaa korkeeda buuxdhaafiyey. Dareenka kalkeeda ka
oognaa waxa laga arkayey korkeeda. Mar waxa ay eegaysay ilmaha mujada ah ee ay
cadceedda ka qarinaysay, marna inta ay afka afka u saarto ayey naqaska ku
taagan ka soo nuugaysay.
Waxa ay soo gashay waadhka
tilmaanta lagu soo siiyey ee ubadka ee “Oxygen”tu taallo. Kadinka ayey ka
gashay oo hore u soo dhex qaadday. Waxa ay isha marisay sariiraha waadhka in ay
ku dul aragto qof ay adeege caafimaad u garato. Ha yeeshee isheedu ma ay qaban
wax aan ahayn ubad kalxamuhu soo baxeen, hooyooyin kor yabaalsan iyo agab wada gaboobay.
Intaas oo dhan war uma hayso, waxa ay kolba hoos u fiirinaysaa ilmaha naqasku
hayo ee boggeeda ku jira. Afka ayuu xumbo cad ka keenayey oo marka ay libiqsi
ka waydo hadba afkeeda afka u saaraysay oo neef u siinaysay. Wali na ma ay arag
cid shaqaale ah oo ilmaha wax u qabta.
Sariiraha waadhka midda u
baallaysa waxa jiiftay gabadh cas oo buuran oo koodhcad xidhan. Waxa ay u
malaysay in ay tahay kalkaalisada caafimad ee bukaanka waadhka. Markii ay u
tagtay “Walaal ilmaha naqaskaa haya ee Ogsajiinta ku soo xidh baa la igu yidhi
ee iigu xidh” bay hadal naxsan, warwarsan oo gariiraya ku tidhi gabadhii ilmaha
sidatay. Kalkaalisadu wadhaa ba ma ay hayn. Naqaska qofka yar ku taagan iyo
hooyada la isha daran xataa dareen yarna oo naxariis ah uma ay muujin, ha
joogto gudashada hawshii waajibka loogu lahaa’e. Iyada oo aan hadal
kalkaalisadu ayey labada lugood mid ba mar sariirta ka soo dajisatay oo ay
shalmadda haabhaabatay. Miisaankeedu waa uu cuslaa oo inta ay is walwaalayso
ayaa waqti ahayd. Intii ay kalkaalisadu is-kala guraysay, gabadhii ilmaha
sidatay waxa ay marba naqaska ka soo nuugaysaa ilmaha afka ka xumbaynaya ee
neefsan kari la.
Marka la eego tobannaanka
sariirood ee dadka bukaanka ahi ku dul silcsanaayeen, tobannaanka kale na
murugada la dul taagnaayeen waa la garanayey in ay goobtu xarun bukaan tahay.
Marka la eego dayaca qalab iyo dhisme ee
ka muuqday waadhka iyo kalkaalisada sida guri ay leedahay uga soo dhex kacday
bukaanka dhexdiisa marna lama aqbaleen in meel caafimaad iyo daryeel loo yimaad
ay tahay. Waa se ciddii ay dani tidhi inta timid ee naf ka dayeysaa, waa intii
u haynta yarayd bulshada oo kharash yari daryeelxumada ku soo doonatay. Marley
waadhadhka kale ee laga wada dhextaahayo na daryeel li’idanin in ay biyo dhigto
baan ku tallamay.
Kalkaalisadu markii ay si wacan
uga soo toostay sariirta, ase ay dhibsanayso gabadha jiifka ka kicisay bay eegtay
ilmaha. Wali afka ayaa uu ka xumbaynayey, wali naqasku waa ku taagnaa se jixinjix ilbidhiqsi kali ahna lagama dareemin.
Waa ay sii jeedsatay, tallaabsatay oo
xaggii sariirtii ku laabatay. Dhinaca ayey kaga fadhiisatay mar kale sariirtii
oo ay labada lugoodna isa saartay. Gabadhii cunugga sidatay wali waa ay ka
wardhowraysay gabadha nolosha ilmeheedu ku xidhanyahay ee aan danaynayn. Wax
kaste oo kale oo ay samayn lahayd ba waxa ka mashquuliyey arrinka abaydinka ay
laabta ku hayso. “Qolka shaybaadhka ee geesta u shisheeyaha dhismaha ku yaalla
ku soo baadh dhiigga, jawaabta na dhakhtarka soo tus oo igu soo noqo.” Ayey
tidhi markii ay si fiican u fadhiisatay iyada oo hawldiid ah. Sida muuqatayna fadhiga
ka jecel badbaada qudha go’i rabta ee Ogsajiinta agteeda ku qufulan u baahan.
Dantu waa dabar adag oo
cadowgaaga lugaha kaaga xidha, xorriyad bandanna kaa xayira. Waa sababtaas
midda gabadha iyo ilmaha ba ku sandulleeyay in ay nafta kula eertaan cid aan
danaynayn. Waa sababtaas ay wali uga dhursugayaan kabadha furaashka ay ku sii
jiifsanayso ka ka jecel samatabixinta qudh daryeel li’i u bixi rabta.
Ogsajiinta dhakhtarkii qaybta gargaarka
degdegga ah ku sugnaa u soo tilmaamay in lagu xidho laguma xidhin sabigii
neeftu haysay. Kolka aad baahantahay ee aanad aqoon badan u leh arrinka, xataa
haddii waxa lagu farayaa ay sii laalayso kama hakatid, waayo aqoon ba uma
lihid. Waxa dhaliil oo dhan leh cidda luggooyadaas fasha ee aqoonteeda
leh. Naf sirirsan oo dhakhtar Ogsajiin u
soo tilmaamay maxaa qolka shaybaadhka u yaal? Xaggii shaybaadhka kalkaalisadu
isu soo dhaafisay ayey hooyadii ula soo kacday. Wali na waxa ay naaawilaysa in
cid arxan lihi qolka shaybaadhka kaga soo baxdo.
Xagga galbeed ayey suqduudyada cusbitalka
ee waadhadhka qaybiya u dhex qaadday. Waxa ay foolka saartay xaggii qolka
shaybaadhka. Hase yeeshee intii aanay gaadhin ayey fadhiisatay. Ilmihii ayey
afka afka u galisay, waa ay ku celisay oo ay ku raagtay. Mar kale haddana inta
ay uu nasatay ayey naqaskii ka soo jiidday hawo cusbna ugu baddashay. Markani
mararkii kale la mid ma uu ahayn. Naqaskii ku taagnaa waa uu ka soo gu’I waayey.
Libiqsigii indhuhu way joogsadeen, wiilka isha ee madow ee il wali ba na waxa
uu hoos u xulay galka sare ee isha oo waxa muuqday caddaankii ka hooseeyay. Guud
ahaan dhaqaaqii jidhkiisu waa uu istaagay. Iyada oo arkaysa hooyadii, dhabteeda
uu yaallo ilmihii naqasku ku taagnaa, ogsajiintii loo sheegay in uu baahanyahay
qol aan ka fogayn ku xidhantahay waa kaas sabigii dhowaan ifka ku soo biiray
dib u laabtay. Waa kaas daryeel la’aan dhakhtarka shicibka dhexdiisa ugu neef
waayey. Kalkaalisadii waa ta halkan soo laafyoonaysa ee dul timid. “Miyuu
go’ay? Saacaddiisaa ku buuxday” bay aayar tidhi oo dib sariirteedii isugu kala
bixisay. Gabadhii dhashay waa ta oohin miciinsatay ee baroorteedii la isugu soo
xoomay. Waa ta ilmihii wali ka quusan la’ ee marba afka afka u saaraysa.
Laakiin iyada oo arkaysa bay naftu mar hore ayey ka baxday.
No comments:
Post a Comment