Wq A. M. Yusuf (Wayeel)
Abwaanku
waa afmaal, kaas oo guri quraanyo ka yeeli karaya geed nabaaddiinaxir.
NABADDOONKU GOORTA UU
ARKO qof
ku ciyaaraya xasilloonida ay dadku ku wada naalloonayaan, waxa uu ku odhan,
"War hooy! Maandhow, buul quraanyo lama jafo!" Murtidan hagaagsan, qudheedu
na ah ba shareere, ayaa ba ku habboon; qormo ahaan, si aan baaritaan ugu
sammeyno shareereha.
Sida
muuqata, wax yaryar oo yuruurucsan, ayaa isu soo shaacbixin ciidamo wax miryaadin
(labi) karaya, kuwaas oo aan la sheegi kareynin: dhan ay u kala abaabi,
iyo midkoodii ba, abbaarta uu ku jeedo ama cidda kale ee uu xaggeeda u
sii yaaci lahaa ba. Qof warmoog ah iyo qof lagu dhagray mooyaane; qof kale ba
ma weydiiyo, weydiimoha lagu sirmo, sida: "Waa maxay Shareere?" iyo "Sidee shareerehu u hawlgalaa?"; maxaa yeelay, waa
weydiimo haddiiba la soo baxaya; weydiimo kale, kuwaas oo aan laga yoolgaari
(salgaari) kareyn sida, "Waa maxay af?" iyo "Waa maxay se xiriirka uu la leeyahay is-ahaanta (jiritaanka)?" Waxa aan durba
ogaaneynaa shareere, kiiyoon mindhaa iskaga qaadannay: xeel ama qalab uu
aftahanku u adeegsado si u abuurosaamaysyo (raadeynno) kala duwan; waa ba—dhigdhig si loo maraa
ay adag tahay, xiddig sare ka lulan asii kugu hagaya bar dhulka ku taal, webi
aan kaabad la'aan laga tallaabi karayn, booraan misana asaruuran, dakaamo (ama
jaguug awr oo) aan jarabbar yeeleynin, tuug raadgadasho badan, qorismaris
yeelan kara muuqii uu doono ba, tusmo ifinaysa "gudcur aan caddo ba jirin"
(Hadraawi)… — arrimo ay doodo badan ka taagan yihiin, kuwaas oo faaqide,
faylasuuf, iyo dadyowyahan[1] badan, ay ka kala alkumeen dhiganeyaal lagu
sannifay jaangooyo (ama jaangooyooyin ) kala geddisan.
Ereyga
shareere waa wax afcelin ahaan, Carabi ahaan u dhigma [ إستعارة : (isticaarah: amaahasho)], af Laatiin ahaan na [metaphora], af Giriig ahaan na [metaphorá: (gudbiye: magac laga soo qunsaday ama hoggaansday,
ka na soo jeeda metaphérein:
in la guuriyo ama la raro.)]
Bal
aan isku dayno in aan qeexno — shareere. Qorista
iyo hadlidda ba, shareere waa qalab uu halabuurku "wax uun" ku caddeyn ama ku muujin; haddaba, "waxaas
cillan" ayaa la siin tayooyinka
(ama dhalanka), kuwaas oo, balse asal ahaan leh tilmaan u gaar ah, tilmaamo
lagu na gartaa waxyaabo kale asii wada ah muul — waxyaabo wada
caan ah. T.a. qofkii aan
ilbax ahayn, waxa lagu tilmaamaa in qofkaas uu yahay, "ceeriin". Waayo waa badow; sidaas daraaddeed na ma aha "hoobaan
bisil" oo kale; waa se sida midho weli gahayr
ah; ama se dalag gahayroobay. Nuguur (baxaalli) lagu yaqanno walax kale (mir
ceeriin) ayaa loo guurin (qof ah
galti), tiiyoo looga jeedo, qofkaas isaga
ah, inaan uu weli qabatimin ama weli la qabsan ama weli ka awdan yahay “afka
reer magaaluhu yaqaan” (Ismaaciil Mire).
Shareerehu
waa wax sees u ah afka asteysan (hadalka maladahan). Afka asteysan waa af aan ulajeedin sida uu waxa u
odhanayo: T.a. Shareere,
farriimoha la xambaarsiiyo waa uu qaadaa; sida loogu raro se; warka uma dhigo.
Bal adigu ba haatan is weydii? Haddaa, badowga miyaa ah, run ahaan, "mir cagaaran"? Miro aan weli bislaan? Arrin kasta ee
laqdabeyn karta degenaashihii dadka, iyadu na, dhab ahaan, miyay tahay "buul
quraanyo"? Xasiloonidarro na,
quraansho oo kale, miyay iyadu na, run ahaan, iskeed u leedahay "lugo
ay ku carcari kareyso"? Weydiimo ahmakoobme. Weydiimo badan, weydiimo aan dabo la qabtaa ba,
lahayn… ;-)
Haddii
haddaba uu u jiro af raran (af maldahan); waa in uu jiri karaa, sow ma aha, isagu na af
ah caddaysimo (af caddeysan) ? Hadal, aan wax kaleeto ka wadin, waxa uu ulajeedo uun
mooyaane—kaas oo, isla jeer ahaan na ka kooban ereyo aan lahayn
ulajeeddooyin aan ay ka soo amaahan (ergan) ama lagaga soo diiqin (mannaysan)
meelo kale (dhaqamo kale). Weydiintu
waa: ma jiraa, dhab ahaan,
"af ah
caddaysimo"—gaadiid aan sidin wax aan iskiisa uun ka
ahayn?
Mool iyo Meermeerto
Sidii ximir muddadii
soo baxdey oo mir iyo roob keenay
Shiraaceeda muulka ah
hadduu moofirka u geeyo
Inuu kaasi meel daran
ku wado magane yaw sheega!
(Afmaal
Dahsoon: Naakhuude)
§ .
§ .
§ .
§ ____________________________________
Cagdhigyo
[1] dadyowyahan: antaraboolaji-yahan.
LA SOCO QEYBAHA KALE…
Qormo:
"Waa Maxay Shareere?" | Abriil 4, 2008
Wq A.
M. Yusuf
2 comments:
Waxba kama fahmin
Good
Post a Comment