" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Maaha ehelkiisa!

Wednesday, November 30, 2011

Maaha ehelkiisa!


Wuxuu caqliyaystay isaga oo ardaaga reerka wakhti walba lagu sooro marti culimo u badan. Intaan la doorin, wuxuu xusuustaa oo maskaxdiisa ku sawirnaa dhawaaqa digriga iyo Xuska Rasuulka ee ballaysinka u ahayd Deegaankooda. Wali maankiisu ma iloobin weedhihii kheyrku ku ladhnaa ee Alle u aqbali jiray, waxa ku suntan caqliyaddiisa ixtiraamkii lagu ababiyay ee ahaa in la xaq-dhawro dhammaan dadka waawayn iyo kuwa yaryarba, Culimadana aanu ka daba-hadlin.


Aqoontii lagu barbaarshay ee uu bartay ayay ka mid ahayd samaynta/qoridda Rixliga Kitaabka la saarto iyo Kiishka lagu daryeelaba. Kamay madhnayn in Weyso-garabku ay ka mid ahayd agabka lagu xarragoodoo, si meel walba iyo mar walba salaadda loogu oogo…Wuu ogsoon yahay in aaminaadda Alle iyo qaddarku uu yahay waxa qoyskooda iyo qaybaha kale ee Bulshadii wakhtigaasi ku dhisnaayeen, wuxuu yaqaanay in aqoon kasta oo Diinta laga joogayba, haddana ay bulshadoodii wakhtigaas ee uu ka dhashay uu Iimaankoodu gaadhsiisnaa in Salaadda lagu xidho, “Ilaahii Ri’dayda madow Caanaheeda caddeeyow, Allaahu akbar”.  Sababtoo ah, isaga iyo inta kale ee salaadda ku xidhan jirtay weedhahaas iyo kuwo la mid ahiba, waxay rumaysnaayeen in aanu jirin cid kale oo Ri’da madow Caanaheeda caddaan ka dhigi karta, Ilaahay mooyaane…Halkaas ayaa Alle-aqoontu ka taagnayd.


Wuxuu diinta ku bartay oo uu awaamiirta Alle ku fulin jiray deegaan masaajid laga eedaama aanu badnayn, balse lagu tukan jiray wakhtiga iyo iftiinka gabbal-dhaca, haddana, caqiidadiisu way ka xoogganayd ta maanta. Dadku dhammaan waxay u ahaayeen Muslim, may jirin dabaqado loogu kala sheegay, imikase qaarkood buu u yaqaanaa inay Diinta ka baxeen, sababtoo ah, intaa aynu ku soo sheegnayba waxa meesha ka saaray waxa lagu shubay maankiisa. Maanta culimo iska dhaafe, Muslim-ba uma yaqaano cid aanay isku fikir ahayn…Wuxuu caasi u yaqaanaa macallinkiisii Diinta, wuxuu caamo u yaqaanaa Waalidkii dhalay, waxa sidoo kale uu cawaan u haystaa cid kasta oo Diinta aan u dhigin sida uu u rabo isagu!!! Ma yaqiinsana inay ku habsatay masiibo aan laga soo kaban oo Diinta ka haleeshay, haddaan Ilaahay u gargaarin. Taa iska dhaafe, wuxuu aaminsanahay in aanay Jannada cidi uga horraynin…Doodaha la xidhiidha diinta oo dhan, wuxuu markaaba la soo boodaa weedho qaarkood aanay diinba ku shaqo lahayn..Marka uu difaacayo cidda waxan uu aaminay imika u akhridayna, wuxuu soo qaataa odhaah Carabi ahayd, “Macallinku wuxuu inyar u jirsaday in uu Rasuul noqdo (Kaada Macallimu an yakuuna Rasuulan),” Balse, isagu marka uu daliishanayo wuxuu yidhaahdaa, waa Xadiis Rasuulka laga soo weriyey!!!!! Aqoontiisa Diinta ayaa halkaa gaadhsiisan, haddana, wuxuu xaaraan ku tilmaamayaa habkii ay Hooyadii iyo Aabbihii isku guursadeen, wuxuu bakhti ku sheegayaa xoolaha laga gawraco dhulka uu hadda ku nool yahay oo uu leeyahay, “Dadka gawracay xoolahani dhammaantood ma tukadaan oo waa xaaraan in la cunaa.” Hadda Ilaahay uun baa og inay tukadaan iyo in kale, balse wuu xukumayaa..Wuxuu illowsan yahay in Ilaahay mamnuucay in lagu degdego xukunka, gaar ahaan ka diinta oo wax walba layska yidhaahdo waa xaaraan ama waa xalaal.

Madal kasta oo laysugu yimaaddo wuxuu la soo yuururaa in uu difaaco ciddii isaga bartay fikirkan qaldan ee maskaxdiisa maydhay. Malaha haddii aan lagula yaabayn ama uu isleeyahay waa lagaa rumaysanayaa, wuxuu ku doodi lahaa in macallinkiisa baadidu uu ka mid ahaa taabiciyiintii amaba asxaabtii soo werisay Axaadiista Rasuulka (SCW). Wuuse ogyahay in aan lagaba aqbalayn taas, isagase ugama sokeeyo macallinkiisu derejadaas!!! Wuxuu jaahil u yaqaanaa cid kasta oo dood gelisa fikirka uu aaminsan yahay, waayo wuxuu rumaysan yahay in fikirkani uu yahay mid aan doodba geli karin iyo Diintuba intan tahay.

Wuxuu ku tukadaa masaajid gaar ah oo uu magac ula baxay, haddii salaaddu ugu soo gasho meel aan masaajidkaas ahayn, in uu bannaan ku tukado ama uu guri ku tukado ayaa uga wanaagsan in uu ku tukado masaajidka u dhow, sababtoo ah, wuxuu u yaqiinsan yahay in masaajidkaas ay haystaan cid diintoodu baadi ku sugan tahay, maxaa yeelay, Bisinka ayay kor u qaadaan marka ay quraanka akhrinayaan ama waxay la yimaaddaan sifo uu u yaqaano Bidco. Wuxuuse iska indho-tiraa in Ilaahay dhulka oo dhan uu masaajiddo uga dhigay Umadda Rasuulkeenii suubbanaa ee Muxammed (N.N.K.H.A), wuxuu diidaa in uu aqbalo oo uu cilmigiisa ku darsado in ay bannaan tahay oo Rasuulka laga soo weriyey in Bisinka kor loo qaado iyo in hoos loo dhigaba..Maxaa yeelay, macallinkiisan ayaa ugu sheegay in Bisinka hoos loo dhigo oo kaliya…Wuxuu bidco ka dhigaa ducada ka dambaysa salaadda oo uu yidhaahdaa, Rasuulka lagama soo werin, tartanka Quraanka oo aan wakhtigii Rasuulka jirinna, wuxuu aaminsan yahay inay tahay mid waajib ah!!! Wuxuu is-diidsiiyaa in wax kasta oo wanaag leh, umaddana Diinta ku hagaysa ama aan fidmo diineed abuuraynin oo aan shareecada ka hor imanaynin, ay diintu ogoshahay….

Ugu dambayn, wuxuu weydiin geliyay in aan Hooyadii oo dhimatay lagu tukan salaadda Jinaazada iyo in kale, sababtoo ah, wakhtiyada qaarkood ayaanay tukan jirin ayuu ku doodayaa…Allaahu Akbar!!! Maantana inta ugu mudan umadda, ayuu ugu yeedhaa inta ugu baadiyaysan, mana aha ehelkooda.Kali kuma aha ee way isa-soo-tarayaan kuwa summaddiisan oo kale lihi, waxase isweydiin leh, TOLOW HALKAY KU SOCDAAN?

Barkhad M. Kaariye
Kaariye104@gmail.com 
Hargeisa, Somaliland.

No comments: