" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: AAMIINTA IGU DARA

Saturday, December 3, 2011

AAMIINTA IGU DARA


Ilaah baa dulqaad lehe,
Dadku noocyo badanaa;


Qaar baa damiiriyo,
Dadnimaba ka guuroo,
Sammo intay dulleeyeen,
Xumo intay dillaacsheen,
Dulqaad intay halleeyeen,
Dedaal ay ka quusteen,
Dedafeeyay kheyrkoo,
Xan intay ka doorteen,
Dakanooyin geystoo,
Dunjigoodu sillan yahay,

Qaar baan dulmiga iyo,
Dira-diraha Shaydaan,
Naftu inay dullaysiyo,
Inay kheyrka duudsido,
Inta ay ka diideen,
Daa’inkood baryaayoo,
Dunidiyo aakhiro,
Janno inay dabbaashaan,
Dedaalkoodu uu yahay.

Degelkanba Allahayow,
Abaar aad u daranbaa,
Daraf kale ilaa daraf,
Dacalladaba gaadhoo,
Dadku waxay cunaaniyo,
Ma helaan daryeeloo,
Daranyay u yihiin wehel.

Dulqaadlow Raxmaanow,
Duur-joog dhammaatoo,
Dab-joog dareertoo,
Damalkii hadhweynaa,
Caleentii buu daadshoo,
Hoos looma doontoo,
Xoolihii darari jiray,
Dalambaabi weeyoo,
Naaskoodii diirnaa,
Caanihii dangiigsade.
Ceelkii daboolnaa,
Biyihii dul-dhoobnaa,
Dawliskiyo Wadaamaha,
Gobo’lagama soo daro.

Dadku waxay galaanbay,
Abid dambarsadaanoo,
Ma dulmoo Ilaahay,
Dembigooda uun buu,
Derejadooda siiyaa.

Daaín baa la baryaaye,
Idinkuna dadkaygoow,
Duco Aan abbaaree,
Aamiinta igu dara.

Hanoo dabin Allahayow,
Intayada dorsoon,
Arrimahay  dulleeyeen.

Deeq-ma-waaye Eebbow,
Derejaale Nebigii,
Intii la deristee,
Dembigooda dhaaftee,
Durdurada jannada mara,
Hawl-yari dabbaashee,
Ku dekeeya naga yeel.


Ma-dulmiye Raxiimow,
Addoomaanu nahay dumay,
Dad waxaanu nahay lumay,
Samayntayada dunuubaha,
Doonistayada xumaanaha,
Dembiyadaanu galayniyo,
Waxaanu duudsiyaynaba,
Dembigooda naga dhaaf.


Tawaabow Ducadana,
Addoomahaa dayaysani,
Aday kaa dalbeene,
Dalabkooda ajiib.

Roob aan dabayliyo,
Duufaan wax qaadiyo,
Daacuun dillaaciyo,
Dadku waxay necbaystaan,
Dummaddayada aan furin,
Ayaanu kaa dalbaynaa.

Allahayow midaan dumin,
Allahayow mid aan dagin,
Midaan dooxin Aqalada,
Danyaruhu gabboosado.

Dad-qabooje, dal-wanaaje,
Doog-bixiye, dad-ku-rayste,
Daýartiyo maatadu,
Dumarkiyo dhallaankaba,
Deegaankan baabaáy,
Dadkiisuna hagaasee,
Shaydaanku duufsaday,
Saxalka ka duushoo,
Bulshada dayaysani,
Dareenkoodu jecel yahay,
Kaa doonnaye Allahayow,
Ducadayada ajiib.

Idinkuna dadkaygoow,
Aaamiinta igu dara.

By: Barkhad M. Kaariye
04/05/2011.

No comments: