" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: KARAAMO-BEEL! W.Q: Rooble Maxamed

Thursday, November 1, 2012

KARAAMO-BEEL! W.Q: Rooble Maxamed

Wuxuu ahaa oday miskiin ah oo ku soo koray kuna qanacsan nolosha miyiga ee uu markaa ku dhex jiray. Shaqadiisu kamay badnayn inuu subaxdii salaada hore kaco si uu geela u liso ka dibna inta uu foofiyo uu inamada uu dhalay raaciyo si maalinta inta ka hadhay ay u jiraan waxoogaaga geela ah ee uu leeyahay.
Haweenka laftoodu kamay liidan oo marka xaynta yare e adhiga ah laga dhiijiyo caanaha subaxdii ayaa lagu sii daayaa naqda markaa reerka ku xeeran oo cagaar ah. Odaygu marka uu intaa isku dubbarido inta uu caday dheer la soo baxo ayuu soo fadhiistaa ardaagiisii lagu yaqaanay isagoo candhuufta iyo xaakada hadba dhina u tufaya oo inta uu waysadiisa yar la soo baxo ku luqluqanaya. Inta kildhiga shaaha ah ay islaantu u bigaynayso wuxuu wuxuu fiirfiiriyaa wixii baylah ah ee reerka ka jira si uu ugu mashquulo ha noqoto muska oo god-daloolooyin yeesha, oodda xerada xoolaha oo uu inta uu laamo dheeraad ah soo jaro ku gufeeyo meelaha banaan iyo cawska ardaaga oo uu yara giigiijiyo.
Waxa yimaada shaahii oo inta ay islaantu si fiican u soo bigaysay xawaash iyo sonkorna ka soo buuxisay caanihii riyaha lagu soo cadeeyay oo noocii dhako-fujiyaha la odhan jiray ee xaraaradda loo cabbi jiray ah. Inta uu salka dhigo oo uu koob weyn oo galaan le’eg ku shubto ayuu inta aanu kabbanin dhafoorka laba goor iska saaraa ka dibna si baahiyi ku mirto uu u furruqsadaa. Kaasi oo keliya maaha ee sidaas buu ku wadaa ilaa uu hubsado inuu kildhiga guntiisii arki karo oo dhibicda ugu dambaysa ka gororsado. Intaasi marka ay dhacdo ayuu inta uu in yar oo buuri ah jeebka kala soo baxo oo uu halkii loogu talagalay ku gufeeyo ka dibna dhankaa iyo tuulada u dhaqaaqaa isagoo laalaadinaya caagad caano ah oo uu saaka geela ka lisay.
Halkaas waxa ay ku kulmaan odayaasha kele ee deegaanka waxaana inta maqaaxi la dooyaysto la is waydaarsadaa wararka guud iyo kuwa gaarka ah ee markaa laga hadal hayo deegaanka. Wuxuu ku jiraa odayaasha wax laga dhegeysto dhowaana reerkiisu waxay u caleemo saareen inuu u noqdo caaqil si uu u furdaamiyo arrimo badan oo iska galay jilibada kele ee la nool oo markaa loo arkayay inuu wax ka qaban karo. Marka tuulada la joogo wuxuu ka mudan yahay ixtiraam oo marka garta la isa soo hor fadhiisto weedhiihiisu inta badan waa qaar dhaxal gal ah. Inta uu tuulada joogo shaahiisu waa bilaash oo kolba waxa bixiya cidda markaa uu la fadhiyo iyadoo lagu ixtiraamayo kaalinta uu kaga jiro deegaanka waxaana inta badan loogu yeedhaa Caaqil oo aad moodo inuu kaba xoog roonaaday magaciisii caadiga ahaa.
Maalintii dambe waxa uu go’aansaday inuu xagaa iyo caasimada u kaco bal si uu u soo indha indheeyo kiisas la sheegay inay saldhiga bilayska yaalaan oo khuseeya dad isagu markaa uu caaqil u yahay. Taas oo keliya maahee waxa uu u xiisooday bal inuu sidoo kele isha soo mariyo xaalada guud ee magaalka iyo hadiiba ay dhacdo sidii loogu noolaan lahaa. Maalintii uu magaalada soo galayba wuxuu la kulmay wax aanuu noloshiisa filanaynin. Odaygii yaraa ee dharka cawlnaa waxaaba lagala hor yimid caleemo qoyan, baabuur iyo boqolaal dad ah oo u taagan soo dhowayntiisa. Boodhadh baaba la sitaa waxaana si isku mid ah loogu dhawaaqayaa magaciisa. Firka nax, indhuhuu taagtaagay dhowr goorna waabuu is dhirbaaxay oo is yidhi malaa waad riyoonaysaa bal toos. Ha sheegin, walee waaba run. Mise waxaaba loo walwaalay xagaa iyo hudheel ka mid ah kuwa ugu caansan magaalada oo qado aanuu noocyo ka mid ah weligiiba maqal loogu diyaariyay. Odaygii yaryaa weli waa cawlan yahay oo waxa ka muuqata diiftii uu kala soo hayaamay miyiga lakin meesha waxaa dhooban tobanaan qof oo ka socda warbaahin kala duwan. Kamarado ayaaba lagala daalay oo markii uu walac-walacdoodii adkaysan waayay uu ka codsaday inay ka daayaan. Waxaaba meesha ka hadlaya niman aanuu weligii maqal mooyaane wejigooda arag oo siyaasiyiin iyo aqoon yahan ah. Xataa eraybixintan lagu hadlayo badankeedu way ku cusub tahay oo waa tii magaalada ilayn isagu jaraa’idna ma akhriyee. Waxay ugu darnayd markii microphone ka lagu soo dhoweeyay ee laga codsaday inuu kelmed ku soo gebogabeeyo qado sharaftan la isku arkay. Dee wuxuu yidhaahdo garan maayo oo wuu ka dhacsan yahaye intuu yara xabeebtirtay, oo uu indhaha ka wilic-wilic siiyay buu hadalkii oo joogjoogisiga iyo haghagadu ku badan tahay ku bilaabay:
“Bismillaahi Raxmaani Raxiim, Allahuma Salli Calaa Nebiyinaa Muxammad, Asalaamu Calaykum. Een waad ku mahadsan tihiin casuumadan iyada ah iyo sida fiican ee aad ii soo dhowayseen. Runtii aad baan ugu faraxsanahay. Anaguna sidaa si leeg baanu idiin soo dhowayn doonaa markaad xagaa noogu timaadaan. Wasalaamu Calaykum”.
Waxa u dhacay sacab aad u wanaagsan halkaas baana lagu kala dareeray isla markiina waxa loo qaaday dhinacaa iyo mafrish oo uu yaalay qaad xalayba la sii balamiyay. Odaygu hore sidan oo kele umuu qayilin marka laga reebo marar aan badnayn oo ay tuulada wada fadhiisteen odayaal mar ay arrin mag iyo badhigooyo ahayd ka wada hadlayeen. Laakiin halkani way ka duwan tahay, waa madal aad looga shaqeeyay oo qayilaad uun loogu talagalay. Gogoshu indhaha ayay ku daraaandarinaysaa, biyaha qof walba waxa hor yaala caagad dheer oo mooyasixo ah, shaahu waa muush, waxa intaa dheer badeecad ama shiishad iyo weliba quraarado dhaadheer oo Coca-Cola ah. Miyuu soodhahaa odaygu weli isku dayayba lakin mar haduu magaalada joogo maant wuu ku khasban yahay inuu indhaha isku qabto oo uu kulaylka soodhaha u adkaysto xataa haday indhuhu casaadaan. Inkasta oo uu isagu badeecadda iska diiday hadana meeshii jilbaha ayaa la laabtay oo markiiba la gudagalay falanqaynta siyaasada iyo sidii reerku uu kaalin buuxda ugu yeelan lahaa. Waxa laga hadlaa xisbiyo, doorashooyin, dastuur, baarlamaan, guurti, boolis, iwm. Weligiiba waxaas muu maqal oo inta yar ee tuulada lagu hayay kamay badnayn reeraha, qiimaha adhiga iyo wixii la halmaala. Odaygii dhegaha ayaa balaadhay laakiin isma muujin ee hadana wuu is daad raaciyay oo inta badan afkiisa ayuu xidhay.
Cabbaar ka dib waxa madashii soo galay nin afmiinshaar ah oo dilaal siyaasadeed ah wuxuuna u sheegay inuu waxoogaa kuus ah ka soo qaaday mid ka mid ah dhinacyada siyaasada si reerku u taageero mawqifkooda. Wuxuu farraqay shilimaantii odaygiina kuus weyn baa loo jaray oo la yidhi adigaa iska leh. Mabuu filaynin weligiina intan oo wada socotaa soomay gelin. Markii saqdii dhexe ay marayso ee odayguna saani u marqaamay baa inta uu kuuskii lacagta ahaa laalaabtay waxa loo qaaday xagaa iyo qol yar oo hudheel ah oo markaa loo sii kireeyay. Miyuu weligiiba hudheel galay hadana daalkii safarka iyo buuqii maanta wuu u baahnaa meel uu keligii niyadda ku yara nasiyo. Ilayn kiiloo abu musbaar ah baa ku tegaye mar alla markuu sariirtii yarayd jiifsaday buu odaygii cirkaa maray oo hurdo iska daaye uu galgalasho bilaabay. Malaa 20 goor way ka badnayd intuu suuliga kaadi u galay lacagtii yarayd ee loo dhiibayna siduu kolba u tirinayay bay gacmihii daaleen.
Mar alla markuu is yidhi alaylehe imikaad lulootay oo ay labadii indhood isku soo dhaceen baa eedaankii subax lagu dhuftay. Wuu soo booday oo naxay isagoo is leh iska waysayso oo masaajidka u bax hadana goor ay la tagtay mooyaane wuxuu indhaha kala qaaday goor barqo ah oo hoonkii baabuurta iyo buuqii dadka uu ku soo naxay. Mise albaabkaaba la garaacayaa. Wuu soo booday oo macawista haabhaabtay oo isagoo kala dhantaalan uu albaabkii furay. Mise waa qoladii odayaasha ahayd ee shalay,
“Waar hebel, oo weli miyaad hurudaa. Hahahaha. Waar ina keen waa duhure” ayay markiiba kula soo boodeen.
“Xilligaa salaadiiba maan tukane, Acuudubillaahi mina shaydaani rajiim” ayuu markiiba la soo booday.
Inta ay aad u qosleen bay yidhaahdeen berriba waad tukane gaadhi baa inoo taagane soo dhaqso. Intuu suuliga galay oo biyo isku soo yara rusheeyay buu hore ka soo booday oo xagaa iyo maqaaxida loo kacay. Shaah baa la fiiqayay waxaana la falanqaynayay wararka maanta ee dhinaca siyaasada. Inkastoo aanuu wax badan ka fahmayn hadana meesha wuu dhex fadhiyay oo kolba mid afkiisa eegayay. Dirqi buu wax ku arkaa oo indhuhu way kala dheer yihiin. Cabbaar ka dib waxa loo qaaday xagaa mid wasiir ah oo loo sheegay inuu reerka yahay si loo soo baro. Incasto salía qadadadii dadku usku badnaayeen hadana isaga iyo afar kele ayaa wasiirka ugu soo galay xafiiskiisa xilligaa oo dad badani shaqo ugu hor tubnaayeen. Hadana wax kele oo uu yeelaa ma jirtee si fiican buu u qaabilay oo ilaa mudo 20 daqiiqo ah uu xafiiska Kula jiray waxaana loo balamay in mar la wada fadhiisto. Odaygu dee dadka ma kala yaqaanee waa la wadaa oo qolo magaalada ku af baratay baa hor boodaysa oo kolba cid hor geyneysa.
Marqii ay qadadii gaadhay buu ka codsaday inuu rabo inuu soo qadeeyo, oo inta uu tukado uu yara seexanayo. Aad bay ugu qosleen qoladii markaa odayga wadday waxaanay u sheegeen inaan waxaa laga aqoon magaalada oo qadadii ay balansan tahayba hadhowna ay la fadhiisan donaan nin reerka ah oo ka mid ah nimanka sida weyn dowlada ugu kacsan. Sidii baa lagu kexeeyay oo inta hudheel la geeyay hilib iyo bariis la isla dhacay ka dibna xagaa iyo marfishkii loo jihaystay. Maalintii oo dhan waxa laga hadlayay sida ay dastuurka dowladu ugu tumatay iyo in madaxweynuhu aanu sharci ahayn. Odaygu waxan lagu hadlayo garan maayee Degahaa dhaadheeraaday. Weligii muu akhriyin dastuur oo dee waxna ma akhriyo waxna ma qoro. Qodobadan la jebiyay ma garanayo. Wuxuuse la sii yaabban yahayba madaxweyne aan sharci ahayn oo wuxuu leeyahay waaba madaxweyne ee maxaa bilaa sharciga ka dhigay. Waabuu la yaaban yahay dadkan Isagu. Hadana iska fadhi oo markii meesha lagu kala kacayayna inta uu ninkii siyaasiga ahaa odayga kuus u labay buu weliba gaadhigiisii ku qaaday oo ilaa hudheelkii uu degganaa gaadhsiiyay.
Odaygii labadii kuus intuu isu geeyay buu inta uu in yar ka saaray Inti kelena uu cumaamad bacdiisa ugu jirtay ku guntay uu subaxii dambe xagaa iyo istaanka intuu tegey uu reerkii waxoogaa raashin ah u diray fariina u faray ah inuu beryahaa maqnaan doono oo aanuu dhaqso u imanayn. Reerkii inkasta oo ay raashinka ku farxeen una baahnaayeen hadana weligood may arag odayga oo intaa in le’eg ka maqan reerka. Xataa muu waraysan xoolihii uu weligiiba ku werweri jiray inay caafimaad qabaan iyo in kele. Waxay ka shakiyeen inuu xanuunsaday laakiin waa loo sheegay inuu caafimaad qabay oo uu iska lugaynayay.
Sidii bay ku socotay. Sidii uu magaalada u yimid odaygu salaad xataa muu tukan oo dee fursadba looma siinin marka laga reebo maalinta jimcaha oo inta khamiisyo la xidho xagaa iyo masaajidka la tago ka dibna looga sii gudbo qadadii iyo meeshii lagu qayili lahaa. Waxay ugu darnayd maalintii ay koox niman ah oo debedda ka yimid ay odayga casumeen oo inta ay la barjeeyeen ka dibna ku wareejiyeen gaadhi ay sheegeen inay jaalliyada debedu u qaadhaantay iyo darawalkii u wadi lahaa. Waabuu is kala garan waayay maalintii ugu horaysay markuu shidhka u soo fadhiistay gaadhi land-cruser ah oo darawal u wado. Magaalada ayuu marba dhinac u qaaday mana waayo cid shidaalka ugu Shubta. Wuxuu jaraa’idka subixii ku arkaa sawirkiisa iyo isaga oo la hadal hayo lakin wax ma akhriyo e inta uu yarka darawalka u ah u dhiibo buu yidhaahdaa adeer ii akhri ka dibna inta uu duuduubo buu bac u taala qolka uu degan yahay ku ridaa. Durba waxa u muuqatay inuu muhiim yahay oo meeshan uu kaga qiimo badan yahayba miyigii uu ka soo hangagaaray.
Dharkii wuu bedelay dhowr macawisood oo abu-sarande ah, koofiyad dusha u dhuuban oo dheer, cumaamad weyn oo nooca suldaanadu catan ah iyo go’yaal shaal ah baa u buuxa wax hadiyad loo siiyay iyo wax uu iibsadayba. Wuu naaxay oo hilibkan joogtada ah, quraacdan bilaashka ah iyo casuumadahan aan kala go’a lahayn ayaaba miisaankiisii kordhiyay oo sii jeedkiisa maba moodid kii salía miyiga ka yimid ee waxa uu u ekaaday odayaashii janaalayaasha la odhan jiray ee dhankaa iyo carabta ka iman jiray sanadihii sideetameeyadii. Wuu casaaday oo diiftii miyiga iyo bacadkii buu ka raystay ilayn waakan marna fadhiya marka gaadhiga saarane, habeenkiina malaa xabbad dhan oo saabuun ah buu isku dhameeyaa siduu isu xoqayo.
Markiiba magaaladii wuu la qabsaday, luuqluuqyadii buu kala bartay, siyaasadii buu si fiican u fahmay wax imika wareerinayaana ma jiraanba. Wuxuu noqday afmiinshaar. Gaadhigiisu ma fadhiisto oo hadaad saqda dhexe soo baxdo isagoo xiimaya oo muraayaduhu u dallacan yihiin buu meelahaa suuqa kugu dhaafayaa subixiina waxaabad is odhanaysaa malaa dadka isagaa ugu soo hor toosa. Iska daa inuu salaad tukado oo xataa faataxada ayuu qayb ka mid ah iloobay waxaanuu weliba la yaabaa dadkan odhanaya salaaadii bay gaadhaye aanu soo tukano. Wuxuu kala bartay dowladii, wuxuu mid mid u bartay mucaaridkii waxaanuu bartay sida shilimaanta lagu helo. Odaygii noloshii miyiga maba rabo waxaanuu ka fekerayaa inuu reerka sooba raro waxoogaagii geela iyo adhiga ahaana iib u quudhi maayee uu ku wareejiyo mid ay ilmaadeer ahaayeen oo ay abaartu la degtay. Hudheelkii mar hore ayaa ugu dambaysay oo waxa u kiraysan guri weyn oo fiillo ah waardiyena u joogo. Waxa uu sitaa tlifoonka gacanta oo ay yar tahayba inta uu aamusaa. Iska daa wax kele oo xataa wuxuu bartay wax shir jaraa’id la yidhaahdo oo marka uu u baahdo waxoogaa kharasha ay tahay meesha keliya ee uu dadka ku xodxoto.
Waxaanad arag odaygii oo inta uu shir jaraa’id qabtay xukuumadda dhaleecaynaya oo khudbadda uu jeedinayo aad yaabayso. Tolow goormuu dastuurkii akhriyay, iga walla waxaabad modaa inuu dusha ka wada xafiday. Qodob hebel, qodob hebel iyo aartikal hebel. Mise subaxa dambe jaraa’idku sheeko kele oo aan shirkiisii jaraa’id ahaynba ma hayaan. Qosol buu ku dhuftaa markuu sawirkiisa ku arko bogga hore ee jaraa’idka markaasuu inta uu koob shaah ah dalbado dhegeystaa sida loo qoray hadalkiisii. Shaahu waa kee ma kii berigii uu cusbaa uu cabbi jiray, imika wuxuuba bartay wax BUN la yidhaa oo subaxa aanuu cabbin uu Madax xanuun la joogi waayo. Waxa uu marmar gaadhaa tuuladii uu markii horeba ka yimid mise kiiba maaha. Gaadhi uu Isagu iska leeyahay baaba lagu wadaa, cirkuu eegayaa oo lacagtana sidaasuu u farraqayaa. Masaajidkii aan looga horayn jirin markay salaada gaadho waabuu iska ag marayaa oo wuxuu ku ag sugayaa dadka ku tukanaya qaar ka mid ah inay is raacaan marka ay ka soo baxaan. Maba qajilayo.
Maalin buu shir isugu yeedhay odayaashii deegaanka. Waxan uu ka hadlayo cid fahmaysaaba ma jirto. Golayaal, axsaab, qodobo dastuur iyo siyaasadda geeska África ayaaba la faaqidayaa. Dadkii yaabe oo inta ay hoosta iska eegeen bay leeyihiin odaygii goormuu siyaasiga noqday. Laakiin iyadoon xataa su’aal la waydiin baa meeshii lagu kala dareeray. Waayo waxa laga fahmay baaba iska yarayd.
Maalin maalmaha ka mid ahayd ayuu buuq ka dhashay arin siyaasadeed oo la isku mari waayay. Dowlada iyo mucaaridka ayaa aad ugu Murmay waxaanay xaaladu gaadhay meel xun oo wax xal ah la isla gaadhi waayay. Wax qaaday mooyaane odaygii waxaabuu qabtay shir jaraa’id. Waxaabuu ku hanjabay hadii dowladu ay sidaa yeeli waydo mudo laba maalmood ah inuu xoog arinkaa ku fulani doono.
HANJABAAD ¡ ¡ ¡ ¡ ¡ ….. Galabtiina BBCda ayaabuu ka hadlayaa oo weliba ismuu odhan wax yara dejiye ilayn hore waxanoo kele umuu arag oo malaa wuxuu is leeyahay magaalo keliya baa lagaa dhegeysanayaaye oo halkii ka miisay bahal hanjabaad ah. Qoladii tuulada oo markaa maqaaxida isugu soo ururay si ay warka u dhegeystaan waxay u qaadan waayeen waxa ay dhegahoodu maqlayaan. Waxa la isku qabtay waa isagii iyo maaha ee waa mid ay isku magac yihiin.
Subixii dambena isagoo ka tuuraya baabuu soo galay tuuladii oo cumaamada ruxaya oo leh tolaayeey ka kacaay meesha dowladi ma jirtee ha la iska celiyooy. Qaylaabuu afka gacanta geliyay. Dadka badankoodii waxay u qaateen inuu odaygii ku dhuftay oo uu waashay. Qosol bay qaarkood la dheceen qaar kelena waxay u kaceen xagaa iyo odaygii masaajidka imaamka ka ahaa oo ay ka codsadeen inuu bal odaygan quraan saaro.
Weli wuu qaylinayaa ,,,, weli cumaamaduu ruxayaa ,,, colaad buu u yeedhayaa ,,,,
Waa odaygii miskiinka ahaa shalay ,,, waa kii siyaasiga isu bedelay beri dhowayd maantana wuxuuba u eg yahay dagaal ooge.
HAYAAY ¡ ¡ ¡ ¡ WAA DAGAAL OOGE
By: Rooble Mohamed
Hargeisa, Somaliland
rooble2009@yahoo.com

No comments: