" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Horta yaa waalan? Q. 3AAD - W.Q: Axmed C. Cumar

Thursday, November 1, 2012

Horta yaa waalan? Q. 3AAD - W.Q: Axmed C. Cumar

Waxay socotaba, maantay ugu darnayd oo dadkii  waalida caanka ku ahaa, garta madax ka noqdeen ama loo dhiibay. Halkaa aan ka hadlayaa waxa weeye Maqaamkii ugu waynaa kuwa la iskugu yimaado  ee dadka caqliga iyo garaadka u saaxiibka ahi fadhiisan jireen.Waxay fursad dahabiya ka heleen, maq-maqnaanshihii iyo habsankii faraha badnaa ee ku yimid golihii loo igmaday ilaalinta iyo ka midha dhalinta garta. (Marka horeba sidaan ku heshiinay waxay ahayd in dad dhex-dhexaad ahi garta noo qaadaan. Laakiin kuwan waal-waalani meeshay ka yimaadeen aniguba waan is-waydiinayey judhiiba).


Waxay, isla markiiba si dhakhso ah ugu dhawaaqeen xiitaa iyadoon cidiba is waydiinin, Eraygii caanka ahaa ee fadhiyadii hore ee golaha laga yiqiinay “HORTA YAA WAALAN”  iyaga oo doonaya in ay ogaadaan ka waalani cidda uu yahay.


 

Ma garanaysaa, markii ninkaasi sidan lahaa, cida uu farta ku soo fiiqayey?  Fahanoo, waa aniga, ilayn cid kale oo garta loo qaadayey meesha ma joogto’e. Runtii marka kaligaa farta lagugu soo fiiqo waliba adigoo dad badan dhex-fadhiya, waxad dareemaysaa il-bidhiqsi gudihii xanaaq badan oo dhidid yar-yar wata iyo murugo kugu soo hooraysa sida roob-dhagaxyaale ah.



Yaab iyo fajac aan filayey inuu dhici doono kadib, waxaan eegay oo milicsaday hareertaydii. Waaba Afar oday oo laba ka mid ah aan marka horeba u soo kaxaystay inay iga difaacaan kuwo waal-waalan ee uu soo kaxaysan doono ka kale ee waalani.  Xusuustaydii aadka u xanuunka badnayd, waxaa ugu daran oo aan ilaa imika maskaxdayda ka madhan, markii kuwaygii waal-waalnaa mid ka mid ahi uu si la yaab leh oo qurux badan u qoslay, waliba mid aan joogsi lahayn oo waliba keenay in dadka qaarkii miyir-qab la bidayay ay ku daraan qosol kale..Illayn marka ka waalani qoslo, ka miyir-ka-qabaana wuu ku daraaye. Dabadeedna yidhi…”Waar wuxu iimaan la’aa, xaguu farta ku fiiqayaa”. Hadalba gam, markii ninkii waalnaa ee aniga waallida igus oo riixayay, lana ogaa inuu waalan yahay la yidhi, “xidha waa gar-diide” ayaan garwaaqsaday in anigoo marka horeba ka cararayey in waalli la igu tilmaamo la ii soo socdo, lana odhan doono; “Wuu waalan yahee, dila waa gar-diide.” Illayn dadka aanu garta u dhiibanaynba iyagaa waalnaa..oo haddaanay waalnayn ma qof waalan oo ay waallida ku ogyihiin ayay xidha odhan lahaayeen? Waxan is idhi, qaar baa marka la kala garanwaayo miyir-qabkooda iyo waalidooda, waa la xaraashi doonaa sida xoolaha. Dabadeedna waxa la arki doontaa kuwo qiimahoodu ka liito ka cadayga iwm.


Waxa kale oo garowsaday in su’aasha ah, “HORTA YAA WAALAN”  anigoo qudh ah maahee ummad badan baad-baadin karto. Jawaabteeduna inoogu horseedi karto, horumar. Sababtoo ah marka la garto cidda waalan, waxa kale oo la garan doonaa cidda hagaagsan, marka cidda hagaagsan la gartana, waxaa la garan doonaa cidda wax tari karta, dabadeedna cidda wax hogaamin karta.  



Taa waxaa kuu cadaynka micnaha dadban ee su’aashan “HORTA YAA WAALAN?” waa:

1.      Yaa hagaagsan?

2.      Maxaa dadka waala?

3.      Maxaa dadka hagaajiya?

4.      Maxaa dadka qaloociya ama ku beera xumaanta iyo wanaaga?

5.      Yaa wax dawayn kara?

6.      Yaa wax-dumin kar?

7.      Dhibta iyo dheeftu xagay ku jirtaa?



Odhaah hore u baxday baa ahayd; “Ma anigaa waalan mise cadan baa laga heesayaa?”  Waan fahmi karaa maanta waxay ay soo kordhin karto, su’aashaasi? Waxay  inaga saari kartaa shaki badan ama is-moodsiin xageena ka yimaada. Waxa kale oo kugu soo dhawaynaysaa in lagu sixi karo waxna laguu tilmaami karo. Waxay u gogol-xaadhaysaa caqliga fayow. Waxay ididiilo iyo dhiiri-gelin u tahay cida rabta inay wax kugu soo kordhiso.

Waxaan jeclahay laba arrimood oo gartaasi aan ka bartay inaan idinla wadaago, gaar ahaan dhalin-yarta iyo inta caqliga u saaxiibka ah.



1. In aynu isku dayno  inagoo wixii hore ee hantida inoo ahaa ka shidaal qaadanayna inaynu baadhno sida ugu wacan ee ummadeena wax loogu qaban karo. Taasi waxaan uga jeedaa, cilmi-baadhis badan oo sida aynu wax u hagaajisan karno lagu sameeyaa waxay ina dhaxalsiin kartaa inay horumar weyn ku talaabsano inagoo cadayn u hayna. Tusaale ahaan, Somaliland waa wadan doonaya inuu aqoonsi caalamiya helo. Su’aalo badan oo la waydiin karana jawaab uma hayaan. Waxaynu  niyidhaahnaa calan, lacag, nidaam dawladeed iyo xuduudo ayaan leenahay. Laakiin kama jawaabi karaan imisa qofbaa ku nool Somaliland si dhamaystiran qiyaas mooyee. Waxaad doonayso weelkeedaa la samaystaadii ayeynu wadnaaye wali maynaan dhamaystirin weelkii. Weelka laftiisii ayeynu hareeraha ka dhisaynaa, ee guntaba waxyar baa laga qabtay.

Dhankastaba qabyadaasi way jirtaa.



Waxaynu aad ugu baahanahay, in olole habaysan lagu qaado dhinac walba oo nolosheenu ku tiirsan tahay. Horumar, nidaam, siyaasad iyo dhaqan-dhaqaale ahaanba.  
Tusaale ahaan, hadday kuwii hore is waydiin jireen “Ma anigaa waalan mise cadan baa laga heesayaa?” aynu ku darno “MISE LABADABA” si cidda  ina saxaysaa jawaabteedu wax ku ool u noqoto. Su’aalba su’aashay ka adagtahay, jawaabteedu way ka waxtar badan tahay.



2. In dadka wax la baro si loo hana-qaadi karo. Si aad wax ugu fiirsato waxaad u baahan tahay inaad aqoonteedii yeelato. Jahligu waa nooc waalida ka mid ah, deg-deg farabadana wuu keenaa. Cilmigu wuxuu gaashaan ka yahay in ded-dega faraha-badan la iska ilaaliyo. Deg-deg waa kii kalifay, in anigaba waali la’igu tilmaamo gartana lagu gabagabeeyo.   

Dadow, talo ahaan. waxa aniga iyo dad badan oo kaleba ku dhacay inta gartan lagu guda jiray, wuu idinku dhici karaa ee waligiin isku daya inaad su’aalo muhiima nafihiina iyo dawladiinaba waydiisaan.

W.Q: Axmed Cabdiraxmaan Cumar
Hargeisa, Somaliland.

Dhammaad :
 
 

No comments: