Dhaliilaha dawladda Somaliland ee uu A. M. Maxamuud Siilaanyo madaxa ka yahay way badan yihiin, canaanta odhanaysa ballanqaadkoodii xilligii doorashada ka ma ay soo bixin wax baa ka jira, meelaha qaarkood maamulku si maqluub ah ayuu wax u maaraynayaa waa la odhan karaa, dulqaadka dhaliilahu wuu ku yar yahay ayaad mooddaa; intaas oo dhammi se waa kolka goldaloolooyinka maamulka la raadinayo.
Ma jirto wax inaga mamnuucaya inaynu goldaloolada raadinno, sida runtu tahay waxa la odhan karaa waa jid horumar lagu gaadhi karo. Dunida horumarka samaysay sharikadahooda dawlad iyo gaar ba leh ayaa meel dhigta hab dhaliilaha loogu soo gudbiyo; noo sheeg wixii khaldan ayay ku odhanayaan. Waa si loo toosiyo oo macmiisha iyo mujtamacu raalli uga noqdaan sida sharikaddaasi u shaqaynayso.
Xarragadu se waxay ku jirtaa in faalladaadu miisaannaato, dhan keli ah haddii ay u foororto waxay noqonaysaa mid qiimo dhacda, xiisaha bulshadu u haysaa na wuu yaraanayaa ilaa ay sidii weedhka ku soo noqoto qofkii ka laalaaday ee dhig laga kari la’aa oo ay wejiga mudhxiso. Waa halka ay maahmaahda ah “lafta jebi xarrago na ha ka tegin” salka ku hayso.
Bishii Sebtambar 24dii sannadka 2013ka waxa golaha wakiillada ee Somaliland oggolaaday xeer uu soo gudbiyay wasiirka madaxtooyada, mudane Xirsi Cali X. Xasan. Wasiirka waxa sida la sheegay dhowaan la hoos keenay hay’adda waddooyinka oo hore u madaxbannaanaan jirtay. In soo rarista hay’addu quman tahay iyo in kale waa arrin gooni ah, halkanna kaga hadlimayno. Waxa kale oo iya na sheeko gooni ah noqonaysa wasiir Xirsi iyo awoodihiisa la sheego, ha jireen oo ha la buunbuuniyo ama yaanay jirin oo ha la maleeyee.
Xeerkaas la oggolaaday wuxuu leeyahay waa in cashuur waddooyinka lagu kabo, lagu na sameeyo la saaraa gaadiidka iyo xoolaha nool ee dalka ka dhoofa. Arrintaasi dood kulul oo xanaf iyo xajiin leh ayay Somaliland iyo garoomada siyaasadda lagu dheelo ka dhalisay. Ciirada ayaa cirka isku shareertay. Xeerkii waxa loo bixiyay ‘Xeer Xirsi’. Musuqmaasuq in loo dhiiladhaansanayo ayaa mucaaradka iyo dadka xeerka diiddanaa aad ugu dhawaaqeen.
Aniga waxay iigu muuqatay in ciil iyo cadho siyaasadeed oo loo qabay wasiirka madaxtooyada lagu la dhacay xeerkii. Haddii dooddu noqon lahayd “cashuurtu waxay ka timi meel aan wasaaraddii maaliyadda ahayn” wax baan ka fahmi lahaa, lama se odhan.
Arrin kale oo cashuur la qaado ah, dadka xeerkan diiddanaa qaarkood na ii tilmaameen ayaa iya na igu qancisay in aan buuqa iyo qayladu xeerka ahayn. Waxa jirta cashuur laga qaado hudheelada hurdada oo uu soo rogay wasiirkii hore ee maaliyadda Maxamed Xaashi Cilmi. Cashuurtaas in loo baahnaa oo ay faa’iido u tahay dalka ayaan anigu qabaa. Waxa se la ii sheegay in aan golaha wakiillada la keenin, oo aanay oggolaanin, sidaas na ay ku tahay wax sharciga dalka ka soo horjeeda.
Waa arrin xiiso leh in aan cashuurtaas sharcinnimadeeda cidi ka hadlin, laga na doodin, buuq iyo muddaharaad na laga samaynin. Halkaas waxa kaaga muuqanaysa in buuqu aanu ahayn cashuur danyarta looga tudhayo oo laga qayliyay.
Waxa yimi wasiirka madaxtooyada iyo hawsha cusub ee uu yidhi waan ka jibbo keenayaa. Kolka laga yimaaddo bariga fog ee Somaliland, oo isagu dalka intiisa kale ka go’an, waxa jira dayac aad u xun oo haysta waddooyinka laamiga ee dalka. Dayacaas qaarkii waxa aad la yaabaysaa sababaha wax looga qabanwaayay, ha ahaato dawladdan, tii hore iyo marar badan kuwo dawladaha hoose ee magaalooyinka ka dhisan.
Kuwa ugu fudud waxa ka mid ah googo ku yaalla jidka Burco dhanka Berbera uga soo baxa, barta u dhow dhismaha Taytaanig. Googo’aasi dhawrkii sannadood ee ugu dambeeyay wuu ka sii darayay, ogow oo dawlad dhexe iyo mid hoose ba waa la maraa, la arkaa, oo la iska dhaafaa.
Waxa iya na jirta buundo dhanka waqooyi ka saaran tuulada Huddisa oo muddo dheer go’nayd, xitaa qaadhaan dadka looga ururiyo waa lagu kabi kari lahaa. Waxa soo raaca dooxyada waaweyn ee Berbera iyo Hargeysa u dhexeeya ee aynu maalin wal ba nafta ku baxda og nahay. Jidka Gabiley iyo Boorame isku xidha ayaa isagu na dayactir laxaad leh u baahan. Waxa intaas oo dhan soo raaca magaalooyinka u baahan in jidad laami ah oo isku xidha loo sameeyo.
Baahida intaas le’eg kolka aad fiiriso, in cashuur loo qaado wax ka qabashada baahidaasi waa arrin caqligu oggolaan karo. In colaad siyaasadeed la geliyo na ma ay ahayn, weli ba iyada oo aan wixii lagu beddeli lahaa la tilmaamaynin.
U fiirso, dhaliisha waxqabadka ama la’aantiisa ee maamul waa in lagu kabo jidkii lagu toosin lahaa. Haddii aad hayso qaacidada jawaabta saxa ahi ku soo baxayso ha isla soo mutuxin uun waa khalad ee raaci sida ay sax ku noqonayso.
Dawladda mudane A.M. Maxamuud Siilaanyo ha dhaliil badnaato se waxqabad muuqda oo badan na way leedahay. Bishii Ogos 11dii ayaan baabuur ka soo raacay magaalada Burco. Toddoba qof ayaannu baabuurka ku saarnayn. Waxa kursiga hore fadhiyay nin weyn oo dirayskii ciidamada asluubta xidhan. Magaalada Berbera ayaannu shaah isu taagnay. Intii aannu qaxwaha ka xawxawsiinaynay ayaan weydiiyay waxa derejadiisii ku dhacay. “Waa la i siiyay” kuye. “Laba xiddigood oo aan imika Hargeysa u doonanayo ayaan helay” ayuu ii raacshay.
Ninkaas odayga ah oo keli ah ma ahayn, kantarroolada, ciidanka waddooyinka ee jidadka tuban, ilaalada madaxtooyada, ciidanka qaranka, meel kasta oo aad marto waxa aad ku arkaysay askar farxad badani ka muuqato. Kadinka hore ee xarunta ciidamada asluubta waxa aan ku jiidhi gaadhay nin aad u faraxsan, qoslaya oo garbihiisa derejada gaashaanle lagu soo tolay. Hoonka markii aan ku garaacay isaga oo dhoollacaddaynaya oo faraxsan ayuu i raalli geliyay, anigu na “hambalyo derejada lagu siiyay" ayaan u raaciyay.
Waxa aan sheekadaas derejada u soo qaatay sida ay muhiim u tahay in aan doondoonka dhaliisha iyo goldalooladu inaga indhotirin waxqabadka muuqda ee weli ba qaarkii muddo aad u dheer la fulinwaayay. Lacagtii giimbaarta ee Burco laga beddelay ayaa ka mid ahaa waxqabadka muddada dheer la filanayay, bil xaqiiqan miisaaniyado badan oo dawladdii hore soo dhigtay ayaa lagu xarriiqay oo golaha wakiilladu ku ansixiyay beddelka lacagta Burco, ma aanay dhicin dawladdan horteed.
Sidaas kolka miisaan loo saaro wixii ina horyaal, dhaliil iyo bogaadin, waxa arrintan xeerka waddooyinka iiga soo baxay ifafaalo togan.
Ka warran haddii Xirsi Cali X. Xasan beeniyo malaheenna, filashadeenna isha ka rido, noqonwaayo kan aynu u barannay, ama la inagu yidhi u barta, noqdo mid dhista waddooyinka, u dhista abaal iyo ajar labada ba, noqda jagadii Bile Rafle Guuleed. Armuu daamur ballaadhan goglaa Boorame tan iyo Ceerigaabo, armay jiilal dambe, xilli durugsan oo soo socda buugaagta iyo dugsiyada ku dhigtaan ama halhays bulshadu sidii Bile Rafle ka dhigataa ‘jidadkii Xirsi dhisay’.
Armuu dhistaa wax magac u reeba, manfac u leh bulshadiisa, inteenna ka dardaarwerinaysana hankeenna gaaban iyo hilaaddeenna gedmi karta beeniyaa. Eebbow run ka dhig.
Cabdillaahi Cawed Cige,
Liverpool UK,
edleh@hotmail.com
No comments:
Post a Comment