" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Warbixin: Tirsiga taariikhda iyo sannadka ee Soomaalida

Friday, February 6, 2015

Warbixin: Tirsiga taariikhda iyo sannadka ee Soomaalida

Waa warbixin ku saabsan habka ay soomaalida taariikhda iyo sannadka u tirsato oo ahayd hab u gaar ah. Waxaan warbixintan diyaariyay July 2011, waxaanan waraystay Xuseen Sh. Axmed (Kaddare) oo 01/02/2015 ku geeriyooday Muqdisho.
Xuseen Sh. Axmed Hillowle oo loo yaqaannay Kaddare wuxuu sannadkii 1934-kii ku dhashay magaaalada Cadaado oo bari kaga beeggan magaalada Muqdisho, sida uu sheegay Boobe Yuusuf Ducaale oo ah qoraa iyo taariikh-kaydiye. Kaddare wuxuu ka mid ahaa dadkii tacabka badan geliyay horumarinta iyo qoridda farta Soomaaliga, waxaanu ka mid ahaa dadkii curiyay faraha qoran ee la doonayay in loo qoro Afka, taas oo la odhan jiray Kaddariya. Wuxuu ahaa abwaan halabuuray riwaayado, sidoo kalena tiriyay gabayo, shirrib iyo maansooyin kale oo suugaaneed.

No comments: