Iyadoo kaba la' oo ordaysa ayay haddana sinta ku sidday inantii ay
dhashay ee ay mataannaha ahaayeen Hacoo. Qiyaastii wakhtigaa Hacoo
wuxuu jiray toddoba bilood. Qayd hun noqday oo ay u xambaarsanayd
isaga iyo dharkii ay sidatay oo kaliya ayay ka haleeshay wixii hanti
gurigeeda yaallay. Qaydka ay ku xambaarsanayd inta uu dillaacay ayuu
badhida kala soo dhacay Hacoo, balse waa hooyo iyo daryeelkeed'e,
gacantii u bannaanayd ayay ku taageeraysaa si aanu uga dhex siiban.
Aabbihii wuxuu dhintay toddobaad ka hor oo ahayd bilowgii dagaalka
Hargeysa ka dhacay ee ay Asli ka qaxayso. Waxay ku hiranaysaa oo ay
bidhaantooda beegsanaysaa qoys ka sii horreeyay oo qaxaya. Markii ay
sidi kari wayday ee ay aragtay in Hacoo ka dhex siibanayo qaydkii
hunka ahaa, ayay istaagtay iyada oo baalla-daymoonaysa, dhinac na ka
eegaysa dadkii ay ku hiranaysay oo ay isleedahay
yaan muuqoodu kaa libdhin. Waxay dhulka dhigtay inantii ay sinta ku
sidday. Waxay furtay gambo adag oo ay kawirnayd, dabadeed waxay ku
giijisay xambaarkii oo halkii qaydku ka dillaacay intay ku qabatay
ayay hinjisay si ay ugu soo qabato. Dabadeed halkii socod ka sii
bilowday. Ma haysato cid caawisa, kalsoonnida ay qaddarka Alle ku
qabto ayay weheshanaysaa iyo in aan dhibtan lagu waarayn. Muddo dheer
oo ay socod iyo gabbasho u ahayd ka dib, waxay gaadhay xeryihii
qaxootiga ee Itoobiya.
Asli waxay mudatay waayihii ay marayeen dadkii kale ee qaxootiga ku
jiray. Iyada iyo labadeeda caruur ah ayaa kaadh saddexley ah ugu
xaadira boorash iyo raashinkii kale ee qaxootiga la siinayay. “Kuwan
baad abaalka ka heli doontaa markay koraan. Haa, iyaga ayaad ku
illoobi doontaa waxaad la mudatay, dal iyo dad na u aayi doonaan.”
ayay nafteeda ku qancisaa. Walow wakhtigu ku dheeraa, agoonnimada ay
kuwan ku korisay na ku kaliyaysatay, haddana dad waa kii kora haddii
wedku daayo'e, Hacoo iyo mataantii la dhalatay kore oo kobce. Waayaha
Asli ay martay waxay la qabtay maatidii kale ee ka qaxaysay
magaalooyinka Somaliland, hase ahaatee, iyada wax baa u dheeraa.
Magaca Hacoo maaha mid ay ula baxday, saa hooyo ilmo ay dhashay
ammaan iyo wanaag mooyee, ka ugu doqonsan hadduu yahay iyada waa
Hanad iyo nin rageed! Magacu wuxuu raacay wakhtigaa uu yaraa ee uu
xeryaha qaxootiga joogay, wuxuu lahaa habdhaqan damane. Waxa u
bixisay caruurtii xaafaddooda ee xerada qaxootiga. Walow ay Asli in
badan ka dagaallantay, haddana magacaasi kama hadhin ee inankeeda wuu
raacay.
Waayuhu waa is-guray, dalka na dib loogu soo noqoy. Asli waxay
bilowday in ay dugsi quraan iyo ku maaddiga lagu bartaba la doonato
inankeeda, waayo rejo ayay ku qabtaa. Marka uu dugsiga ka soo noqdo,
waxay Asli inankeeda uga warrantaa waayihii ay la soo martay iyo
halka ay la doonayso. Waxay u hogo-tusaalaysaa siday u rabto in uu
dhibtii soo martay ku illowdo. In dalkani yahay ka ay isaga u
barbaarisay ayay u sheegtaa. Waddaniyad iyo dal-jacayl ay waayo-arag
u tahay bay u sheegtaa. Isna waayahay iyo hawraar san buu taladeeda
kaga jawaabaa. Hacoo marka dugsiga la tago ee ay dhallinta filkiisa
ah wada hadlayaan, kaftan badan kuma darsado, hase ahaatee, wuu
ogyahay in kaalintiisu bannaan tahay. Muddo markii uu dugsigii sidaa
ku joogay, ayuu maalintii dambe gaar isula baxay oo faqay, kuye;
“Horta miyaad hadashid oo aad doodda facaa ka qaybgashid! Oo maxaad
ku hadli doontaa? Dee waxa iyaguba ku hadlayaan.” Ereyo noocaas ah
ayuu isku qanciyay.
Maalintii dambe iyadoo Asli iyo haween deriska ahi meel halkeer ah ku
sheekaysanayaan, xusuus iyo waayo xuskood dib uga faalloonayaan, ayay
hadal iyo dood mustaqbalka ku salaysan dhexmartay Hacoo iyo mid yar
oo faciisa ah oo ka mid ah dadkii xeryaha Qaxootiga wakhtigii la
joogay dhashay. Illeen naftiisa wuxuu kula ballamay inuu doodo oo
kaftamo'e hadalkii buu bilaabay Hacoo, “Dagaal maxay ah? Dal maxay
ah ayaa burburay, waar midhkaasi ma dhicin ee dadka yaan been loo
sheegin! Dadka aynu dhex u ahaano, meel la kala tegayaa ma
jirtee...Intii dhimatay dee Ilaahay baa qaddaray” Intaa markuu
hadalkii marinayo, ayay Asli oo isku dhegaysanaysay maqashay.
Muraara-dillaac ayaa wejigeeda isku gedfay. Waxaad moodaysay in
daruuro murugo xambaarsani dul hadheeyeen, sababtoo ah wuxuu ka fad
kudiyay meel aanay uba faadhumaysan. Waxay dib ugu noqotay xusuus
dheer oo waayo adag ku taxan. Waxay xusuusatay goor fiidnimo markii
rasaastu bilaabantay, dabadeed hub culus gariirkiisu ku xigay ee
iyagoon halkay fadhiyeen ka kicin uu guriga deriskooda qiiq iyo uuro
is-qabsatay ee markii ay is-tidhi eeg waxa dhacay na, madfacii ku
xigay kaasi uu kala gooyay ninkeedii – Hacoo aabbihii. Waxay
xusuusatay rejadii ay qabtay iyo sidii ay ugu taamaysay in Hacoo
buuxin doono kaalintii aabbihii. Iyadoo dumarkii jaarkeeda ah
ag-fadhida ayay maskaxdeedu dib u noqotay 20 sanno ka badan iyo wixii
soo maray. Waxay wakhti gelisay inay hogo-tusaalayso iyo sida uu
isaga hadlayo. Waxa qalbiga ka maray olol ay u qaadan wayday wuxuu ku
hadlayo iyo sida uu u fikirayo. Waxa isu qaban waayay halkay la
rabtay iyo halka uu maray, sida Hacoo qayrkii u fikirayo iyo sida uu
hadalka dhataqlaha ah isaga yidhi. Waxay majeeratay oo aanay bisinka
inay u qabato ka haleelin inankii yaraa ee faciisa ah wuxuu kula
garnaqsanayay. “Magac bilaash ma baxee, toloow yaa inanka yar ee
kale wiilkaagii ka dhiga! Tolow miyuu garan waayay waxa uu ilmahaa
yari gartay!” bay laabteeda ka hugmayay. Ilmo kulul oo aanay
indhaha ku ogayn baa ragax ka soo tidhi. Waxa xusuusaheeda sida
buugga ay hadba baal rogayso kaga soo baxay ereyo ka mid ah hees hore
u jirtay;
Docday kaa jirtaa bay,
Dhaxani kaa dishaayoo,
Ma diirsado walaalkeed,
Intay dunnida joogtee,
Doqonneey dabkaa ba'!
Ma taqaanno dawgoo,
Dabool baa ka saarane,
Markay dalaq tidhaa bay,
Ilmada daadisaaye doqoneey dabkaa ba'
Haddana waxa hakiyay oo hadashay halkii hooyo lahayd ee ay uga
jilicsanayd waxay dhashay. Waxay isku qancisay in qaddarkii Alle ee
keenay inay dhibtaas marto uu haddana xikmaddiisa ugu gartay inay
Hacoo dhasho. “Malaha inanka magacii baa loo raacay! Ma mar baa
jiidhku kaaga go'ayaa, Allaa ku baday!” ayay nafteeda ugu caqli
celisay. Intii ay xusuustaa ku foognayd iyadana waxa ku maqnaa
dumarkii ay la fadhiday. Walow ay dareemeen halka damqatay, haddana
mid waliba way odhan kari wayday, “Awal ba Hacoo buu ahaaye, maxaad
ula yaabi!” Illeen odhan kari maayaane. Hacoo waa Hacoo.
Barkhad M. Kaariye
Hargeysa, Somaliland
No comments:
Post a Comment