Waxay ahayd Arbaca, 16-kii October 1996. Subaxnimo hore, goor dhulku
qabow yahay cirkana ceeryaan khafiif ahi ku dedan tahay, ayaanu ku
soo qulqulnay Faarax Oomaar oo ku yaalla meel aan ka durugsanayn
xarunta Wasaaradda Waxbarashada ee Hargeysa annagoo fulinayna
ogaysiis laga sii daayey Raadyow Hargeysa oo odhanayey:
“Dhammaan
ardaydii ka qalinjabisay dugsiyada dhexe ee imtixaankiina gudubtay
waxa lagu wargelinayaa in ay Arbacada 8.00-da subaxnimo yimaaddaan
dugsigii sare ee Faarax Omaar”.
Barxadda hore ee Dugsiga ayaanu isa soo tubnay annaga oo ka koobnayn
ku dhawaad 160 arday oo ka soo kala baxay dugsiyada dhexe ee 31-ka
May (Dhallinta Kacaanka), Sheekh Bashiir, Biyo-dhacayga Hoose iyo
Axmed-Guray (Quulle Aadan). Niyadda aanu haynay waxad moodaysay in
jannadii naloogu ballan qaaday. Waxa naga baxay shakigii ahaa
dawladdu ma laha awood ay ku furi karto dugsiyo sare.
Waxa halkaas nagu sugayey maamulihii koowaad ee Faarax Oomaar-ka
cusub, Cali Cabdi Jiciir, macallin Cabdiqaadir Afrika iyo
guddoomiyihii waxbarashada ee Gobolka Hargeysa (Maroodijeex) oo aan u
badinayo in uu ahaa Xasan-Qaxar. Albaab bir ah oo ranji buluug
ahi ka sii muuqdo, garaa’id dhaadheer leh, oo ay oodi ku tuulan
tahay meel walbana silig kaga maran yahay ayay naga fureen waxayna
yidhaahdeen “soo dhawaada” iyagoo dhoola caddaynaya. Waxay noo
raaciyeen in aanu marka hore soo daawano muuqaallada dugsiga kadibna
ay noo sheegi doonaan farriimo muhiim ah.
Dhismaha dugsiga waxa ka muuqday dayac ba’an iyo baylah aan xad
lahayn taas oo uu kala sinaa dhismeyaashii kale ee ku burburay
dagaalladii dalka aafeeyey. Inkastoo aan saqafka sare laga goosan,
haddana daaqadaha iyo albaabaduba way jajabnaayeen; kartoono, baco
iyo maryo ayaa lagu gufeeyey. Istambarka iyo nuuradda gidaarradu way
duugoobeen waxaana ka sii muuqday weedho nagu beerayey cadho oo ay
dawladdii Siyaad Barre kaga tagtay, sida XHKS oo u taagnayd Xisbiga
Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed dadkuna u rogeen Xaasidkii
Hooyadii Kaxaday Sonkorta. Waxa kale oo ka muuqday xarxariiqyo faro
badan iyo qoraallo aan ujeeddo lahayn oo u ekaa in ay carruuro ku
feegareen.
Guud ahaan dugsigu wuu haawanayey wuxuna ka arradnaa dhammaanba
kaabeyaasha waxbarashada sida kuraas, miisas, manhaj,
tamaashiir, buugaag wax laga barto iyo macallimiin. Meelaha kaliya ee
ay indhuhu iska xajin karayeen waxay ahaayeen dhawr fasal oo ay wax
ku dhiganayeen ardayda madarasadda Al-furqaan kuwaas oo dib-u-habayn
nadaafad ku kooban lagu sameeyey. Waxanu filaynay in aanu tegi doono
meel ka qurux badan kana habaysan dugsiyadii dhexe aanu ka nimid,
runtuse waxay noqotay wax aanaan jeclaysan. Hase ahaatee waxa yididiilo nagu beertay khudbaddii uu noo jeediyey
maamule Cali Cabdi Jiciir taas oo aan is leeyahay meesha kaliya ee ay
kaydsan tahay waa maskaxaha iyo xusuus-qorradii ardaydii maalintaas
dhagaysanaysay.
![]() |
Maamule Cali Cabdi Jiciir |
Ugu horeyn wuxu noogu bushaareeyey in ay Wasaaradda Waxbarashada
diyaar ku yihiin kuraastii iyo miisaskii aanu wax ku baran lahayn
loona baahan yahay in arday kastaaba dhabarkiisa ku soo qaato. Wuxu
noo raaciyey in Wasiirkii Waxbarashada, Jaamac Khayre Wacays (Alle ha
u naxariisto) iyo Agaasimihii Guud, Xuseen Cilmi Warsame ay halkaas
diyaar noogu yihiin si ay noo soo dhaweeyaan.
Maamule Jiciir wuxu intaas ku daray in la joojiyey manhajkii
dawladdii hore ee af-Soomaaliga ku salaysnaa lana qaatay ka
Boqortooyada Ingiriiska sidaas daraadeedna af-Ingiriisi wax lagu
baran doono. Isbedelladaasi inay faa’iido noo leeyihiin iyo in kale
ma aanu qiimayn karayn balse weedh kasta oo afkiisa ka soo baxda,
waxa ay doontaba ha noqotee, sacab iyo niyadsan ayaan ku qaabilaynay.
Muddo yar dabadeed maamuluhu wuxu nagu soo rogay in shaadh cad dirays
ahaan loo soo qaato haddana wuxu ka daba keenay surwaal madow. Waa
halka ay ka yimaadeen shaadka cad iyo surwaalka madow ee dugsiyada
sare ay maanta qaataan. Isagoo ku hadlaya siiqaddii kaftanka ahayd ee
uu caanka ku ahaa ayuu yidhi “Shallilaayaa ma shaadh cad baad
waayaysaan? Al-madaad yaa nidaamka aynu xoojino.” Maanaan ogayn in
ay hindiseyaal isaga u gaar ah ahaayeen iyo in ay wasaaraddu kula
socotay waanuse aqbalnay. Beri dambe wuxu ii sheegay in ay ahaayeen
amarro isaga ka soo fulay. Cali Cabdi Jiciir iyo macallimiintii
bilaa mushaharka kula soo shaqaysay waxay taariikhda waxbarashada ku
leeyihiin baal dahab ah.
- Sidaas ayay maalinba ta ka dambaysa wax noogu soo kordhayeen. Tayada waxbarashada iyo rajooyinkuna way sii wanaagsanayeen ilaa markii dambe aanu gaadhnay heer aanu yeelanay garoon aanu gabdho iyo wiilalba kubbadda kolayga ku ciyaarno iyo shaybaadh qalabkiisu kooban yahay oo aanu mararka qaar tijaabooyinka sayniska ku samayno.
Maalmihii Dugsiga Faarax Oomaar waxay ahaayeen kuwo xusuuso miidhan
ah oo la socday duruufihii dalka ka jiray iyo da’dii aanu ahayn.
Giddigood halkan laguma soo koobi karo laakiin dhacdooyinka aan xusi
karo waxa ka mid ah xafladihii aanu samayn jirnay xidhitaannada
sannad-dugsiyeedka. Waxan si gaar ah u xusuustaa fannaanka Aakhiro oo
qalabkiisa muusikada soo qaadan jiray noona qaadi jiray heesaha
dhiiri-gelinta waxbarashada, gaar ahaan wuxu ku nuuxnuuxsan jiray
heesta “dugsiyada oo aada walaalayaalo aada.” Waxa iyaguna xusid
mudan laba heesood oo wakhtiyadaa caan ka ahaa ardayda
dhexdooda oo kala ah heesta Saado Cali ee "Dhan uun may isu
raacaan" iyo heesta Celine Dion ee "My heart will go
on."
Sannadkii noogu dambeeyey waxaanu safar kedis-aqooneed iyo kubbadda
cagta ah ugu tagnay dhiggayagii Sheekh Cali Jawhar (Boorama) kuwaas
oo iyaguna markii dambe noo yimid. Sidoo kale waxanu safaro la mid ah
ku tagnay Berbera iyo Burco. Magaalooyinkaas dhammaantood si aan la
malayn karin ayaa naloogu qaabilay.
- Kooxdii Faarax Oomaar oo ciyaar saaxiibnimo la leh Sheekh Cali Jawhar (Boorama), 12-kii November 1999: Waxa ka dhex Muuqda Xuseen Axmed Ileeye (Xabashi), Jaamac Colow (Gacma-Dheere), Muxyadiin Cali Muxumed (Jafaa), Cabdi Qaadir Xasan-Duse (Qaadiro), Iid Jibriil Axmed, Abshir Aw-Gaas, Nicmaan Cabdi Cali iyo rag kale oo door ah. Dhinaca Boorama waxa ka muuqda Caydaruus C. Cumar (Caydo), Maxamuud Darbo, Cabdirisaaq. Sawirkan waxa kaydiyey Iid Jibriil.Intii aanu qabanqaabada sarafarradaas ku jirnay, waxanu la kulannay masuuliyiin dhawr ah si aanu taageero u waydiisano, waxaanu kala kulannay jawaabo kala duwan.
Aan ku horreeyo Cali M. Warancadde. Maalin ka mid ah horraantii
November 1999-kii, wakhtigaas oo uu ahaa Wasiirka Waxbarashada,
Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, ayaanu annaga oo toddoba ah oo guddidii
ardayda ah u tagnay xoghayntiisii kana codsanay in aanu u galno
wasiirka. Waxay noo sheegtay in ay wasiirka u geli karto oo kali ah
ciddii ballan sugan la leh. Waanu ku celcelinay codsigayagii
jawaabteediina “maya’ ayay noqotay. Haseyeeshee isaga ayaa
telefoonkeedii miiska saarnaa soo garaacay una sheegay in ay oodda
naga qaaddo.
Waanu la yaabnay sida uu joogitaankayaga ku ogaaday. Markii aanu
xafiiskiisa gudaha u galnay ayaanu aragnay shaashad uu ka daawanayo
dhaqdhaqaaqyada dibedda. Wakhtigaas maanaan fileyn
tiknoolajigaa kamaradaha ee casriga ah; maalmo badan ayaanu ka
sheekaynaynay.
Markii aanu wasiirka u sharaxnay in aanu booqanayno ardayda Sheekh
Cali Jawhar, wuu u riyaaqay wuxuna noo qoray jeeg dhan 1,500,000
SLSH lacagtaas oo aan u malaynayo in ay u dhigmaysay $600. Wuxuna
yidhi “wax kasta waxa nooga muhiimsan is dhexgalka bulshada iyo
dalkiina oo aad soo barataan.” Filan-waa farxadeed ayaa nagu
dhacay. Quluubtayadii buu kasbaday.
Muddo yar kadib, Madaxweyne Cigaal ayaa isku shaandhayn sameeyey.
Warancadde wuxu u wareejiyey Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta,
Wasaaraddii Waxbarashadana wuxu u magacaabay Axmed Yuusuf Ducaale.
Bulshada Somaliland dal iyo dibedba way u riyaaqday magacaabista
Axmed Yuusuf Ducaale. Waxa loo arkayey ruug-caddaa ku soo biiray
xukuumadda. Hase ahaatee ardaydii Faarax Oomaar in badan oo ka mid
ahi waxay qabeen dareenka ah “Warran-cadde halkiisa ha loo daayo,
Axmed Yuusuf Ducaale-na wasaaradaha kale ee waaweyn mid ha loo
dhiibo”. Waxayna is tuseen in ay dareenkaas mudaharaad ku
muujiyaan. Balse mudaharaadkaasi wuu dhicisoobay xukuumadduna markii
ay kollayba shakiday askar boolis ah ayay dugsiga hareerihiisa ku
soo rogtay.
Toddobaadyo kadib ayaanu u tagnay Axmed Yuusuf Ducaale. Waxan ka
codsanaynay in uu naga caawiyo safar aanu Berbera, Burco iyo
Ceerigaabo ku tagaynay. Sida uu noola dhaqmi doono ayaanu ka cabsi
qabnay maadaama laga yaabo in uu xan ku maqlay mudaharaadkii aanu ka
fikirnay. Si aanaan filayn ayuu noo soo dhaweeyey, dhacdooyin xiiso
leh oo taariikho u badnaa ayuu nooga sheekeeyey, laba foosto oo
naafto ahna wuu noo qoray. “Haddii aan haleel hayo, waaban
idin raaci lahaa” ayuu nagu yidhi.
Masuulkii u dambeeyey ee aanu la kulannay wuxu ahaa Duqii Caasimadda
Hargeysa, Cabdiraxmaan Ismaaciil Xuseen “Cadami.” Ujeeddadayaduna
waxay ahayd in aanu kharash dheeraad ah u helno safarkayaga. Si weyn
buu isaguna xafiiskiisa noogu soo dhaweeyey wuxuna noo qoray 500,000
SLSH oo u dhigmaysay qiyaastii $200. Waanu saluugnay oo xanaaqnay oo
ku siganay in aanu ku diidno. Wuxu nagu yidhi “Idinkuna lacag aad
ku tamashlaysaan baad raadinaysaan annaguna macallimiintii wax idiin
dhigaysay oo bakhtiyaysa ayaanu mushahar u la’nahay.” Qaadhaankii
waanu qaadanay laakiin hadalkaas caqli-celinta ahi wakhtigaas si
wacan noogumuu duxin. Wakhti dambe ayaanu garawsanay in uu naga
saxsanaa!
Waxan qormada ku soo gunaanadayaa xuska iyo xusuusta maamuleyaashii
iyo macalimiintii siyaabaha kala duwan ii xiiso-galiyey sida
Cabdillaahi Cabdi-yare, Buuni, Cali Cabdi Jiciir, Xasan-Bayoolaji,
Aadan-Kimistari, Xasan-Raan iyo Alle ha u naxariisto’e marxuumiinta
kala ah Kayd, Carraale, Bigeys iyo Cali-Aadan.
************************
F.G. Maqaalkan waxan horey ugu darsaday buug aan weli ifka u soo
bixin oo uu Khaalid Jaamac Qodax ka qoray taariikhda Faarax Omaar.
Waan soo qadimay anigoo aan idanka qoraaga buugga ilduufin.
No comments:
Post a Comment